Sir David Amess: Muxuu ninka Soomaaliga ah uga jawaabay dacwadda dilka xildhibaanka UK?

Published

Nin loo maxkamadeynayo dacwad ku saabsan dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess ayaa ku adkeystay inuusan ku kicin falkaas.

Weerarkaas oo la sheegay inuu ahaa mid argagixiso ayaa mudanaha lagu dilay bishii October, xilli uu waajibaadkiisa shaqo gudanayay.

Cali Xarbi Cali, oo 25 jir ah, kana soo jeeda magaalada Kentish ee waqooyiga London ayaa kasoo hor muuqday Old Bailey, waxa uuna beeniyay inuu siyaasigaas dilay 15-kii October.

Sir David, oo xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1983-kii, ayaa xilligaas ku mashquulsanaa la kulanka dadweynaha oo uu ka sameynayay Leigh-on-Sea, Essex. Qof ayaa si lama filaan ah toori ula dhacay.

Siyaasiga 60 jirka ahaa ayaa ku geeriyooday isla goobtaas. Waxa uu ka tagay shan carruur ah oo isugu jiray afar gabdhood iyo hal wiil.

Waa xildhibaankii labaad ee la dilo sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016.

Sidey u dhacday diidmada dambiga?

Eedeysanaha ayaa sidoo kale inkiray in uu diyaarinayay falal argagixiso intii u dhaxeysay bishii May ee 2019-kii ilaa bishii September ee 2021-ka.

Waxaa la sheegay in waxyaabaha uu diyaarinayay ay ka mid ahaayeen inuu eego meelaha la weerari karo, sida Aqallada Baarlamaanka iyo goobaha ay khudbadaha ka jeediyaan xildhibaannada, iyo sidoo kale inuu internet-ka ka sameyn jiray baaritaanno ku saabsan meelaha bartilmaameedyada ah.

Cali ayaa dambiyadan iska fogeeyay isagoo u jawaabayay garsoore Sweeney, xilli uu ku sugnaa xarunta Old Bailey ee magaalada London.

Garsooraha heerka sare ah ayaa dacwadda u qaadayay qaab maqal iyo muuqaal ah isagoo ku sugan dhismaha maxkamadda ee magaalada Manchester, halka Cali uu joogay Xarunta Dhexe ee Makaxmadda Dambiyada.

Eedeysanaha ayaa markii uu maxkamadda kasoo hor muuqanayay xirnaa shaati midabkiisu yahay buluug iyo surwaal madow, waxaana uu isdaba marinayay gacmihiisa marka uu diidayay dambiga, isagoo aan marna iska furin maaskarada afka ugu xirneyd.

Kaddib markii uu dhageysiga dacwadda socday saacad barkeed, Cali waxaa lagu celiyay gacanta booliska oo xabsiga kusii heyn doona ilaa mar kale laga maxkamadeynayo 21-ka bisha March ee sanadka 2022-ka.

Maxaan ka ognahay Cali Xarbi?

Mr Cali waxaa lagu xiray hoolka Kaniisadda Belfairs Methodist ee xaafadda Leigh-on-Sea, halkaas oo la sheegay in uu ku tooriyeeyay xildhibaan Sir David, oo matali jiray Southend West.

Isla maalintii xigtay dilka, booliska ayaa shaaciyay magaciisa, waxaana lagu dhaqaaqay in dacwad lagu soo oogo.

Ninkan oo heysta dhalashada UK balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay'adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani 25 jirka ah uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.