You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu madaxweynaha Soomaaliya ka yiri xayiraadda fiisaha ee Midowga Yurub?
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in dowladdiisa ay diidday in la qaabilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga soo tarxiilo dalalka Yurub, saacado kadib markii Midowga Yurub uu oggolaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xayiraad ku soo rogaan dal ku galka, kaddib waxa uu ku tilmaamay wadashaqeyn la'aan dhanka socdaalka ah.
Madaxweynaha oo ka hadlay goob fagaare ah ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba diidi doonin muwaadiniinteeda, wuxuuna ku adkeystay inay xaq u leeyihiin inay dalkooda ku laabtaan.
"Weligay dadkeenna ma diidin," ayuu yiri. Kani waa waddankoodii, mana dafiri karno.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku dooday in maamullada Soomaaliya ay walaac ka qabaan aqoonsiga dadka qaar ee la soo celinayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tahriibayaal badan oo ka kala yimid Geeska Afrika ay sheegteen inay Soomaali yihiin, iyagoo magangelyo ka doonayey Yurub, taasoo keentay in markii dambe la soo tarxiilo isla markaana ay adag tahay in la caddeeyo dhalashadooda.
"Qof walba oo leh midabka maqaarkeenna iyo muuqaalkeenna oo ka yimid Geeska Afrika wuxuu sheeganayaa inuu yahay Soomaali si uu u helo magangalyo siyaasadeed," ayuu yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in dadka qaar ee loo soo bandhigay inay yihiin Soomaali la soo tarxiilay aysan ku hadlin Afka Soomaaliga, isla markaana ay Soomaali yihiin oo kaliya markii ay gaareen dalka Libya.
"Waxaan xaqiijinnay in dadkaas qaarkood aysan ahayn muwaadiniin Soomaaliyeed," ayuu yiri.
Walaacaas ka sokow, madaxweynaha wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli diyaar u tahay in ay qaabisho dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la hubiyay, oo ay ku jiraan magan-galyo-doonka aan ku guuleysan codsigooda.
"Ma dayn karno muwaadin Soomaaliyeed oo dibadda ku dhibaateysan, mana ka tagi doonno" ayuu yiri isagoo intaa ku daray in dowladdu ay diyaar u tahay inay diyaariso duullimaadyo lagu soo celinayo Soomaalida haddii loo baahdo.
Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay shalay Khamiistii isku raaceen in xayiraad cusub lagu soo rogo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay ku guul-darreysteen inay si waafi ah uga wada-shaqeeyaan dib u soo celinta muwaadiniinta sida sharci-darrada ah ku jooga Midowga Yurub.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah joojinta bixinta fiisaha gelitaanka badan, dib u soo celinta khidmadaha fiisaha ee dadka sita baasaboorka diblomaasiga iyo adeegga, iyo in la kordhiyo waqtiga fiisaha oo laga dhigo 45 maalmood.
Madaxa socdaalka ee Midowga Yurub Magnus Brunner ayaa sheegay in wadamada asal ahaan ka soo jeedaan laga filayo inay ka soo baxaan waajibaadkooda ku aaddan dib u soo celinta, isagoo ka digay in haddii ay taasi dhacdo ay cawaaqib xumo yeelan karto.
Go'aankan ayaa imaanaya iyadoo Midowga Yurub uu adkeynayo siyaasaddiisa socdaalka uuna doonayo inuu kordhiyo soo celinta dadka la diiday codsigooda magangalyada. Tallaabooyin la mid ah fiisaha ayaa horay loogu soo rogay Gambia iyo Itoobiya, inkastoo xayiraadaha Itoobiya la qaaday horraantii sanadkan ka dib markii Midowga Yurub uu sheegay in iskaashiga uu soo hagaagay.
Mas'uuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay in xayiraadahan ay yihiin kuwo ku meelgaar ah oo la qaadi karo haddii Soomaaliya ay horumar muuqda ka samayso iskaashiga ku saabsan aqbalidda iyo dib‑u‑celinta muwaadiniinteeda.
Tallaabadani waxay qayb ka tahay cadaadis ballaaran oo Yurub ku saaraysa dalalka asal ahaan muhaajiriinta si ay si dhow uga wada shaqeeyaan dib‑u‑celinta iyo habraacyada masaafurinta.