"Iyadoo saacado keliya umul ah ayay gashay imtixaanka"

    • Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Noloshu mararka qaar waxay qofka hor dhigtaa imtixaan ka adag kan uu qalin iyo warqad ku gelayo, waa sheekada Saabriin oo ah ardayad Soomaaliyeed oo maalintii ugu dambeysay ee imtixaanka shahaadiga dugsiga sare dhashay Ilmaheedii labaad.

Sida ay shaacisay wasaaradda waxbrashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Khamiistii toddobaadkan waxaa soo idlaaday imtixaanka dugsiyada sare Soomaaliya, kuwaas oo lagu kala galay in ka badan 150 xarumood oo ku kala yaalla qeybo kala duwan oo dalka ah, inkasta oo deegaannada qaar aysan ku jirin.

Saabiriin Cali Caddow oo 18 jir ah waxa ay kamid ahayd in ka badan 44 kun oo arday ah, kuwaas oo sanadkaan u fariistay imtixaanka shahaadiga ah, Saabiriin kaliya ma ahayn gabar arday oo iskuulka dhigato sida ardayda kale, balse waxa ay kamid ahayd hooyooyin da'yar ah oo isku waday waxbarashada iyo masuuliyadda hooyanimo sanad wax-barasheedkan 2025-2026.

Sida ay BBC Soomaali u sheegtay, Saabiriin waxay ahayd arday dadaal badan oo muddo afar sano ah u soo halgantay inay gaarto maalinta ay u fariisanayso imtixaanka ugu muhiimsan nolosheeda waxbarasho, inkasta ay lasoo kulantay xaalado kala duwan intii ay uurka lahayd hadana waxa ay garab ka heleesay ehel iyo asxaab intii u dhaweed, "waxaa igu dhiiragaliyey intaas waalidkeyga, ninkeyga, macalimiinteyda, iyo saxiibbadeyda aan iskuulka ku leeyahay, iyaga igu dhiiragalinaayey, iyagaa igu garab taagnaa oo marwalba oo wax iga khaldan yihiin ii toosinaayey, saaxiibbadeydaa igu wehlinaayey safarkaas dheer".

Halka ay hadda ku nooshahay Saabiriin

Qoyska Saabiriin oo hadda ka kooban afar qof, waxa ay sheegtay in ay guursatay muddo hadda la joogo in ku dhaw sadex sano, Amiira oo ay hadda dhashay waxa ay noqoneysaa da'adii labaaad ee ay dhasho marka laga yimaado curuddeeda oo 22 bilood jir ah.

Waxa ay deegaan ahaaan degganaan jirtay tuulada Miir-taqwo oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada-dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo ay kusoo billowday waxbarashada heerka hoose-dhexe, inkasta oo hadda ay degan tahay sida ay inoo sheegtay xaafadda Jahmuuriya degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir.

Mar ay ka hadleesay sida ay iyada oo hadda Banaadir degan ay gobolka ugu gashay imtixaanka ayey tiri Saabiriin, "iskuulka waxaan ka dhigatay Miir-Taqwo markii hore, Hurwaa waxaan usoo guuray 2022, Iskuulka ayaa Yaaqshiid xarun kale ka furtay, sidaas ayaana anigana halkeyga uga sii watay."

Imtixaanka waxaan ku galay Balcad, maadaama gobol uu u diwaan gashnaa waan ku qasbanaa inaan isla gobolkaas ku galo".

Waqtigii foosha iyo go'aanka dhammeystirka imtixaanka

Muddo bilo ah ayay u diyaar garoobaysay imtixaanka, iyadoo habeen iyo maalinba ku bixisay akhris iyo dadaal. Inkastoo ay uur lahayd bilihii ugu dambeeyay, haddana kama aysan quusan hammigeedii waxbarasho, waxay rumaysnayd in uurku uusan caqabad ku noqon karin riyadeeda.

Maalmihii ugu horreeyay ee imtixaanka ma jirin culeys iyo xanuun ka hor istaagay galista maaddooyinka imtixaanka, inkasta oo ay ka war heesay in ay ku jirto maalmihii u dambeeyey ee waqtiga foosha, waxa ay tilmaamtay in ay iyadu u ahaayeen maalmo aan ka duwaneyn imtixaanaadkii hore, balse ay 'xusuus u leeyihiin'.

Aroortii hore ee Arbacada oo ahayd maalintii shanaad ee imtixaanka ayay dareentay xanuun qafiif ah oo fool ah, markii hore waxay moodday inuu yahay xanuun caadi ah, iyada oo shaki ku jiro ayey usoo safartay magaalada Muqdisho sida ay inoo sharaxeyso "waxaa dareemay xanuun subaxdii, imtixaanka maalintaas markii ay galay galabtii waxaa usoo safray Xamar, xanuunka waxa uu igu sii siyaaday habeenkii arbacada sadex saac habeennimo, waxaana dhalay toddobo saac habeenimo, saakayna imtixaanka ayaa u fariistay oo Balcad ayaan usoo noqday". Sidaas ayeyna Saabiriin iyada oo dhabta ku sidata gabadheeda Amiira ee saacadaha uun dhallan ku gashay labadii maaddo ee u dambeeyey imtixaanka, kuwaas oo kala ahaa Physics iyo Business.

Markii ay gaartay xarunta imtixaanka, waxaa si diirran u soo dhaweeyay maamulka iskuulka iyo kormeerayaashii imtixaanka.

Dhanka kale, gaarista yoolka ay lahayd Saabiriin ka sokow waxaa inoo sheegtay in ay u arkeesay in ay ka sheeqeeneyso faraxadda waalidkeeda oo la doonayey in ay dhammeyso iskuulk,a "inaan ka dhabeeyo guusheyda iyo riyooyinkeyga aan lahaa, sidoo kale faraxadda waalidkeyga, seygeyga, dhammaan inaan ka taliyo guusha ay ila jeclaayeen, anigana aan jeclaa inaa ka miro dhaliyo", ayey tiri Saabiriin.

Maxay ka dhigan tahay sheekada Saabiriin?

Sheekada Saabiriin ayaa si weyn u taabatay bulshada deegaanka Balcad iyo guud ahaan dadka maqlay.

Xamdi Yuusuf oo u ololeysa arrimaha qoyska iyo haweenka ayaa ku tilmaamay tusaale muujinaya adkaysi, sabir iyo sida ay haweenka Soomaaliyeed uga go'an tahay inay helaan waxbarasho, xitaa marka ay ku jiraan waqtiyada adag, iyada oo intaas ku dartay "in ay kamid tahay isbeddellada bulshada ku imaanaya, inaad imtixaan gasho iyada oo waalidka ku garab taagan yahay, ninkaaga raali kaaga yahay, laakiin Saaabiriin waxaa dheeraad u ah in ay ilmaheeda la safarto oo imtixaan gasho iyada oo dhallan saacado yar", ayey tiri Xamdi.

Sida ay inoo sheegtay Saabiriin waxa ay qorsheeneysaa in jaamacad bilowdo oo ay halkaas ku joojin waxbarashada, ay dooneyso in ay noqoto dhaqtarad daweysa caruurta, "waxaan jeclahay inaan noqdo- dhaqtarad carruurta, waxaan ku doortay waa riyadeyda".