You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Rubio: Lacagaha laga qaado marinka Hormus waxay sababi karaan in marin-biyoodyada kale ee dunida ay galaan fowdo

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa shirkii Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhacay Baxrayn ka sheegay in lacagaha laga qaado marinka Hormus ay keeni karaan in marin-biyoodyada kale ay galaan fowdo.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Reuters: Netanyahu waa dhibbanaha ugu weyn ee heshiiska Iran iyo Maraykanka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa falanqeeyayaal iyo saraakiil hore oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in heshiiska Iran iyo Maraykanka uu dhaawici karo kalsoonida siyaasadeed ee Benjamin Netanyahu si ka badan inta uu wax u dhimayo istaraatiijiyadda Israel ee ku wajahan Tehraan.

    Muddo sanado ah, Netanyahu wuxuu isu soo bandhigayay inuu yahay hoggaamiyaha keliya ee Israa’iili ah ee saameyn ku yeelan kara siyaasadda Washington ee ku aaddan Iran, isla markaana Maraykanka ku qancin kara dalabaadka Israel. Isagoo ku tiirsan taageerada Jamhuuriga Maraykanka, wuxuu si joogto ah u adkaynayay in cadaadis milatari oo keliya lagu xakameyn karo Tehraan.

    Laakiin sida ay Reuters sheegtay, saxiixa is-afgaradka dhex maray Washington iyo Tehraan si dagaalka loo soo afjaro wuxuu muujinayaa in xisaabtaasi is beddeshay. Halkii uu siyaasadda Maraykanka jihayn lahaa, Netanyahu hadda wuxuu ku khasban yahay inuu aqbalo jihada Donald Trump, oo ah madaxweyne u arka diidmada Israa’iil inay caqabad ku tahay heshiis la gaadho.

    Sarkaal hore oo Maraykan ah, Dennis Ross, ayaa sheegay in Benjamin Netanyahu uu ku dhex xayiran yahay baaqa Donald Trump ee ah in colaadda la soo afjaro iyo diidmada taageerayaashiisa gudaha ee ku aaddan tanaasullada, gaar ahaan arrimaha Lubnaan.

    Aviv Bushinsky, oo hore la taliye ugu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa isaguna yidhi: “Heshiiska Iran iyo Maraykanka waa dharbaaxo go’aan leh oo ku dhacday Netanyahu. Ma aha oo keliya inuu ku guuldarraystay dagaalkii Iran, balse sidoo kale wuxuu waayay Trump oo saaxiib u ahaa.”

    Reuters waxay qortay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uusan ka jawaabin codsi ay wakaaladdu ka dalbatay faallo ku saabsan arrintan.

  2. War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga: Marna kama anaan qaybgelin dagaalka Iran

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dalkiisu uusan waligiis ka qaybgelin dagaalka Iran.

    Waxay sheegtay in Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu si khaldan u fahmay nooca duullimaadyada la oggolaaday, dabadeedna uu saxay khaladkiisa isla markaana uu arrinta caddeeyay.

    Meloni waxay hadalkan ka sheegtay dhammaadkii shir-madaxeedkii 36-aad ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, kaas oo ka socda Antibes.

    Waxay tidhi Rooma waxay u hoggaansantay waajibaadkeeda iyo heshiisyadii la xidhiidhay isticmaalka saldhigyada, balse intaas kama sii gudbin.

    Mark Rutte ayaa Arbacadii u sheegay Fox News in Yurub dhab ahaantii ahayd “meel ay Maraykanku ku muujiyaan kuna adeegsadaan awooddooda,” isaga oo ka jawaabayay hadallo uu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay in xulafada NATO aysan Maraykanka si ku filan u taageerin.

    “Shan boqol oo diyaaradood oo Maraykan ah ayaa ka duulay saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Talyaaniga si ay u taageeraan Howlgalka Epic Fury. Sidaas darteed taageeradeennu aad bay u ballaadhneyd,” ayuu yidhi.

    Ka hor hadalka Meloni, Wasiirka Difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Xoghayaha Guud ee NATO uu ka dhashay “xamaasad” isla markaana uu sababay isfaham la’aan.

    Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa ka falceliyay hadallada Xoghayaha Guud ee NATO, isaga oo sheegay in isbahaysigan milatari lagula xisaabtamo.

    Mudane Baghaei ayaa habeenkii Arbacada ku qoray X: “Tani waa qirasho cad oo muujinaysa ku lug lahaanshaha firfircoon ee NATO ee dagaalka gardarada iyo sharci-darrada ah ee lagu qaaday dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay; waana xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay.”

  3. War deg deg ah, Faahfaahin cusub oo ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow marinka Hormuz

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Xarunta UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka uu ku dhacay madfac dhinaca starboard-ka, xilli uu marayay Marinka Hormuz, qiyaastii 14 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan dekedda Dahit ee Cumaan.

    Sida ku cad qiimeyntii hore ee Embry Maritime Security, dhacdadan waxaa loo arkay weerar sababay dhaawac soo gaaray qolka hagista markabka, balse wax dhimasho ah ama waxyeello deegaan ah lama soo sheegin.

    Mas’uuliyiintu waxay wadaan baadhitaanka dhacdadan, waxaana maraakiibta lagula taliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan marka ay marayaan aaggaas.

    Sidoo kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in maritaan ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz uu suurtagal ka yahay keliya jidadka ay Iran cayimtay, isla markaana maraakiibta aan u hoggaansamin xeerarkan lala tacaali doono.

    Ka hor dhacdadan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in haddii Iran ay hanjabto ama joojiso maraakiibta maraya Marinka Hormuz, “waxaan la kulmi doonnaa dhibaato.”

    Sidoo kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay (IMO) ayaa ka qayb qaadanaysa samatobixinta boqolaal markab oo ku xaniban Gacanka Faaris, kuwaas oo halkaas ku xayirmay tan iyo markii dagaalku billowday dabayaaqadii Febraayo.

    Shirkadda reer Taiwan ee Evergreen, oo leh markabka, weli wax faallo ah kama bixin arrintan.