Daraasad: Maxaa sababa in ragga ay ka dakhli badnaadaan xaasaskooda?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Geeta Pandey
    • Role, BBC News, Delhi
  • Published

Ma ku soo galaa dhakhli la'eg kan ninkaaga soo galo?

Sida laga soo xigtay daraasad cusub oo caalami ah oo ku saabsan farqiga u dhexeeya dakhliga soo gala lamaanaha, waxa ayna jawaabta dumarka badankood noqotay in aysan helin dakhli la mid ah kan soo gala ninkooda.

Daraasaddu waxay baartay xog guud ee laga helay 45 dal muddo afartan sano ah - laga soo bilaabo 1973-dii illaa 2016 taas oo ah baaritaankii ugu horreeyay ee caalami ah ee sinnaan la'aanta jinsiga ee qoyska dhexdiisa ee dhanka mushaharka.

Baarayaasha, oo lakala yirahdo Hema Swaminathan iyo Deepak Malghan, oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Dadweynaha, ee Machadka Maareynta Hindida ee Bangalore, ayaa adeegsaday xog laga helay 2.85 milyan oo qoys oo ka kooban lamaane isku jinsi ah oo ay da'doodu u dhexeeysa 18 ilaa iyo 65 sano. Xogta waxaa ururiyey urur aan macaash doon ahayn, oo la yirahdo Daraasadda Dakhliga Luxembourg (LIS).

"Fikradda guud ayaa ah in qoyska dhexdiisa, dakhliga si simann loogu qaybiyo. Laakiin qoysku waa meel ay inta badan ka jirto sinnaan la'aan weyn, waxaanan doonaynay inaan taasi kala furfurno." ayay tiri Prof Swaminathan.

Warbixintu waxay qoyska ku tilmaamaysaa "sanduuq madow" sababtoo ah, Prof Swaminathan waxay leedahay, "ma fiirinayno gudaha. Balse sidee sawirku isu beddeli doonaa haddii aan gudaha eegno?"

Waxaa si fiican loo ogyahay in Hindiya ay ka jirto sinnaan la'aan xagga jinsiga ah oo ka dhex jirta shaqaalaha oo guud ahaan dumarka ayaa ku yar shaqaalaha.

Prof Swaminathan iyo Malghan waxay rabeen inay qiimeeyaan sawirka guud ee adduunka, ayay yiraahdeen. "Tusaale ahaan, waddamada Waqooyiga Yurub waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin ifafaalaha rajada sinnaanta jinsiga, hase yeeshee waa sidee? Qaybinta shaqada iyo hantida guryaha dhexdooda - ma siman yihiin?" ayay tiri Prof Swaminathan.

Cilmi-baarayaasha waxay dalalka ku qiimeeyeen sinnaan-darrada guud iyo sinnaan-la'aanta qoyska dhexdiisa ah. Marka loo eego natiijooyinka ka soo baxay cilmi baaristooda, waa soo baxday in sinnaan la'aanta jinsiga ay ka jirto waddamadaasi, iyada oo qoysaska hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba ay dhibaatadaasi ka dhex jirto.

"Xogtii ugu dambaysay ee baaristu waxay soo jeedinaysaa in marka labada xubnood ee lammaanaha la shaqaalaysiiyo, anan la simin ragga iyo dumarka marka ay timaaddo dhanka mishaarka oo waxaa markasta badan mishaarka ay ragga qaataan. , "ayuu yiri Prof Malghan.

"Xitaa marka la eego dalalka hodanka ah amaba dalalka Waqooyiga Yurub, oo ay hooseeyo heerarka sinnaan la'aanta jinsiga, waxaan ogaanay in saamiga haweenku uu ka yar yahay 50% meel walba."

Haween ka shaqeeynaya warshad dharka sameysa oo ku taalla magaalada dhaka ee Bangladesh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haween ka shaqeeynaya warshad dharka sameysa oo ku taalla magaalada dhaka ee Bangladesh

Qaar ka mid ah sababaha ay dumarku u helaan dakhli yar waa dhaqan ka jira meelkasta. Ragga dhaqan ahaan waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa qaabilsan quudinta, halka dumarkana loo tixgeliyo guri joog.

Dumar badan ayaa nasiino qaata - ama xitaa ka taga shaqo mushahar leh - marka ay dhalaan kadib. Farqiga mishaaharka jinsiga iyo mishaharka aan loo sinnayn ayaa weli ah xaqiiqo meelo badan oo adduunka ah ka jirto. Shaqada guriga iyo daryeelka caruurta ayaa weli ah mas'uuliyadda haweeneyda.

Dakhliga hooseeya ee haweenka wuxuu yeelan karaa cawaaqib ka baxsan dhaqaalaha, oo cilmi -baarayaashu waxay yiraahdeen, waxay saamayn ku yeelataa isbeddelka jinsiga ee qoyska dhexdiisa waxayna dumarka ka dhaxlaan niyad jab.

"Xaaska waxqabadkeeda guriga waa mid aan la arki karin, halka marka lacag caddaan ah ay qaadato la arki karo natijadeeda sidaa darteed marka xaaska ay mishahar qaadato, oo ay qoyska soo geliso waxa uu noqonayaa mid ka qeyb qaata farxadda qoyska gaar ahaan marka ay yimaadaan xaalado gaar ah," ayuu yiri Prof Swaminathan.

Haweeneey reer Hindiya ah oo rooti dubeysa
Qoraalka sawirka, Haweeneey reer Hindiya ah oo rooti dubeysa

"Farqiga ayaa sidoo kale saameynaya amniga maaliyadeed ee mustaqbalka , ayuu yiri Prof Malghan, maadaama haweenku ay kaydsadaan lacag ka ka yar tan ragga sababo la xiriira dakhligooda oo hooseeya marka haddii dhakhligooda sare loo qaado waxaa sare u kacaya keydintooda."

Si kastaba ha ahaatee, waxaa warbxinta ku jira in sinnaan la'aanta qoyska ay hoos u dhacday 20% intii u dhaxaysay 1973 iyo 2016 - oo ah afartankii sano ee cilmi -baarayaashu wadeen baaritaankooda.

Guud ahaan dunida inteeda badan, horumar dhaqaale iyo koboc ayaa dhacay waxaana sare u kacay ka -qaybgalka haweenku ee shaqaalaha," ayay tiri Prof Swaminathan. "Waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo si siman looga shaqaynayo shaqooyinka loo siman yahay. Waxaas oo dhan waxay keeneen inay yaraadaan farqiga jira ee lammaanaha."

"Balse in kasta oo hoos -u -dhaca jiro, haddana weli ma dhowa heerkii la rabay in la gaaro" ayay tiri.

"Dawladuhu kama dhabeeyaan ballan qaadkoooda afka ah. Shirkaduhuna ma qorayaan haween ku filan marka waa inaan weydiinnaa: shaqada haweenka ma la qirsan yahay horta? Waxaan kaloo u baahanahay rag si fiican loo barbaariyay oo wadaagi kara culeyska hawlahaasi adag.

"Waxaa jira wax badan oo dowladaha iyo bulshooyinku qaban karaan. Maaha inay sidaas sii ahaato."