Maxey tahay sababta sida naxariis darada ah loogu dilay Macallinka Oromada ah?

Kitilaa Guddata

Xigashada Sawirka, Kitilaa Guddata

Published

Toogashada lagu dilay Kitilaa Guddata ayaa qoyskiisa ku reebtay naxdin iyo argagax .

Da'diisu waxey ahayd 32 jir wuxuuna ahaa macalin dhigi jiray dugsiga sare wuxuuna ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay iska horimaadyadii u dhexeeyay ciidammada dowladda iyo jabhaddaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya .

Rabshaduhu waxay la xiriireen dalabyo ka imaanayay koox kacdoon ka waday dhul aad u ballaaran oo hoy u ah qowmiyadda ugu tirada badan Itoobiya,ee Oromada .

Qulqulatooyinkaas ayaa horseedday in dad rayid ah la xabadeeyo - oo uu ku jiray Mr Kitilaa. Qoyskiisa ayaa ku doodaya in la dilay kadib markii ilaa 10 sarkaal oo boolis ah ay ka kaxeysteen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Sekela xili habeen ah bisha Nufeembarna ahayd 19.

Baadigoob dhinac walba ah

"Xaaskiisa oo ah hooyo laba carruur ah haysata ayaa ka codsatay booliska inay iyadana kaxeeyaan, balse waxay u sheegeen inuu dib u soo laaban doono marka ay dhowr su'aalood waydiiyaan," ayuu yiri qof ehelkiisa ah oo la hadlay BBC Afaan Oromoo oo ah qayb la hadasha bulshada Oromada ah isagoo codsaday inaan la magacaabin cabsi amni oo uu qabo awged.

Tan iyo Markaa Macallinka dib looma arkin.Qoyskiisa ayaa sheegay in baaris dhinacyo badan leh kadib ay heleen meydkiisa, oo ay la socdaan labo qof oo kale, maalmo kadib.

"Dhagxaan agyiilay Webi halkaa ku yaal ayay ku dileen, garbaduub ayay u xireen dhabarka ayayna ka toogteen,waxeyna u muuqatay in ay ka dhigteen tabeelle lagu toogasho barto ," ayuu yiri qof ehelkiisa ka mid ah.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee deegaanka Oromada ayaa ka dhacay Ingiriiska iyo meelo kale

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo looga soo horjeedo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee deegaanka Oromada ayaa ka dhacay Ingiriiska iyo meelo kale

Isku dayo arrintaan wax looga waadiiyay taliska booliiska gaarka ah ee Oromiya ayaan suurta galin in wax fahfaahin ah laga helo balse afhayeenka dowlada deegaanka Oromiya Getachew Balcha ayaa sheegay in uusan ka warqabin ciidamada amaanka oo si been abuur ah ugu eedeeyay dadkaan in ay gacan saar la lahaayen ciidamada jabhadda Oromada.

"Tallaabooyinka waa kuwa ka dhan ah dadka gala dambiyada la garanayo iyo kuwa ay dadku soo bandhigaan," ayuu u sheegay BBC -da qaybteeda afka Oromada ku hadasha.

"Balse qof kasta oo lagu helo inuu dambi galay, oo ay ku jiraan xubnaha booliiska iyo saraakiisha dowladda, waa lala xisaabtami doonaa," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee gobalka Oromada ayaa si joogta ah ugu lug yeeshay hawlagalada lagu doonayo in lagu joojiyo kacdoonka ka socda koonfurta iyo galbeedka Oromada kadib markii ciidamo aan tiradooda la cayimin si deg deg ah loogu qaaday gobolka Tigray ka dib markii uu halkaas ka qarxay dagaal bilowgii bishii Nufeembar ee sanadkii tagey.

Tallaabooyinka is daba jog ah ayaa muujinaya caqabadaha sii kordhaya ee amniga ee dalka Itoobiya, taasoo soo afjartay rajadii umadda markii raysal wasaare Abiy Axmed uu xukunka qabtay bishii Abriil sanadkii 2018-kii iyo markii uu ku guuleystay billada Nabadda ee Nobel Peace Prize-ka.

Wuxuu soo saaray dib-u-habeyn ballaaran si loo soo afjaro tobanaan sano oo xukun kalitalisnimo ah, waxyaabaha uu soo saaray waxaa ka mid ah mamnuucidda xisbiyada siyaasadeed iyo kooxaha fallaagada, iyo sii deynta kumanaan maxaabiis ah.

Intaas kadib dowladdu waxey balan qaaday in ay meesha ka saari doonto Jabhadaha iyo kooxaha ka soo horjeeda qorshaha dowladda hase yeeshee wali waxaa jira dagaallo u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha kacdoonka wada.

'Waxaa la aasay iyadoo aan qoysku ogeyn'

Dhanka kale, waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya qasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah. Waxaana ka mid ah arrinta Galana Imana, oo ah aabe leh laba carruur ah.

Wareysi ay siisay BBC laanta Afka Oromada , walaashiis ka yar Chaltu Imana waxay ku sheegtay in ku dhowaad 20 sarkaal oo hubeysan ay ka qabteen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiillo mitir galbeed ka xigta Addis Ababa, bishii Nufeembar.

Ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka Oromada oo gacan ka siinaya militariga sidii loo joojin lahaa kacdoonka

Xigashada Sawirka, OROMIA POLICE COMMISSION/FACEBOOK

Ms Chaltu waxay sheegtay inay si aad ah u baadi gooben muddo afar maalmood ah maydka walalkeed ilaa markii dambe ay heshay war sheegaya in booliska ay ka heleen meyd wabiga aktiisa. Markaa kadibna waxay tagtay saldhig boolis oo deegaanka ku yaalla halkaas oo saraakiishu ugu xaqiijiyeen inay heleen mayd ayna aaseen.

"Wadahadal kadib waxey naga codsadeen inaan keeno sawirkiisa oo aan sharaxno sida uu u labisnaa habeenkii la qabtay, markii dambe waxay noo xaqiijiyeen in ninka ay aaseen uu u ekyahay sawirka iyo sharaxaada aan siinay".

"Waxay noo sheegeen in aan aadno guriga oo aan u baroor-diiqno iyadoo meydkiisa uu maqan yahay. Ma aanan haysan wax ikhtiyaar ah," ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in askartu ay xaqiijiyeen in walaalkeed uu u dhintay dhaawac rasaas ka gaaray.