"Wixii ka dhacay Tigray wuxuu ahaa xasuuq lasoo abaabulay"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Qaramada Midoobey: Xasuuqa ka dhacay Tigray waxay noqon karaan in dambiyo dagaal la geystay

    .

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wararka sheegayo in xasuuq uu ka dhacay gobolka Tigray haddii la xaqiijiyo ay noqon karaan dambiyo dagaal oo la geystay.

    Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii ha'yadda xuquuqul insaanka ee Amnesty ay sheegtay in tiro dad ah lagu laayay magaalo ku taalla Tigray.

    Michelle Bachelet oo ka hadleysay magaalada Geneva waxay ku baaqday in baaritaano lagu sameeyo dhacdada isla markaana caddaallada la horkeeno dadka lagu helo inay ka dambeeyeen dilalka ka dhacay Tigray.

    Waxay intaas ku dartay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la joojiyo dagaalka.

    Mas'uuliyiinta Tigray waxay beeniyeen in ciidamadooda dad rayid ah ay halkaas ku laayeen halka goob joogayaal ay sheegeen in ciidamada Tigray ay dilalka geysteen.

    Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadak.

    Kumanaan qof ayaa ka qaxay Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

  2. Madaxweyne xarigga ka jaray taallo dahab ah oo loo dhisay eey

    Taallada dahabka ah ee loo sameeyay eeyga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Taallada dahabka ah ee loo sameeyay eeyga

    Madaxweynaha Turkmenistan ayaa xarriga ka jaray taallo dahab ah oo loo sameeyay nooc kamid ah eeyaha ku nool qaaradda Aasiya oo uu dalkaas caan ku yahay.

    Madaxweyne Gurbanguly Berdymukhamedov ayaa markii ugu horreysay daah furay taalladan lagu xusayo eeyga Alabay ay dhaqdaan shacabka dalkaas isla markaana lagu tiriyo in uu kamid ah dhaqanka dalkaas.

    Taalladan loo dhisay eeyga ayaa ah mid weyn oo ka sameysan dahab oo dheereerkeedu lagu qiyaasay 6 miitar.

    Waxaana tallaadan laga dhisay deegaan gaar ah oo ay ku nool yihiin shaqaalaha dowladda. lamana ogo inta uu dhan yahay kharashka ku baxay dhismaha taalladan.

    Madaxweynaha Turkmenistan ayaa inta haddiyad ahaan u siyaa hogaamiyeyaasha ay saaxibka dhaw yihiin eey ama faras, madaxweyneyaashii haddiyadahaas guddoonsiiyay waaa kamid a madaxweynihii hore ee Uzbekistaan Islam Karimov,, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,iyo amiirka Qatar.

    Mr Berdymukhamedov waxaa la dhaleeceeyay qaabkii sanadkii 2017-kii uu eey haddiyaad ahaan ugu guddoonsiiyay madaxweyne Putin kaddib markii uu luqunta qabtay isla markaana kor u qaaday xilli uu Putin ku wareejinayay.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  3. Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya "Wixii ka dhacay Tigray wuxuu ahaa xasuuq lasoo abaabulay"

    Dagaalka ayaa weli ka socdaa Tigray
    Qoraalka sawirka, Dagaalka ayaa weli ka socdaa Tigray

    Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii Isniintii ka dhacay deegaanka Mai-Kadra ee ku yaalla gobolka Tigray.

    Bikila Hurissa wuxuu ku eedeeyay ciidamada daacadda u ah Tigray inay beegsadeen shacabka aan ka tirsaneyn qowmiyadda Tigreega isla markaana ay ku qaadeen xasuuq lasoo abaabulay.

    Saraakiisha Tigray waxay horey u beeniyeen in ciidamadooda ay dil geysteen.

    Wuxuu BBC-da barnaamijka Newsday u sheegay in dagaalyahanada Tigray ay heysteen liiska dadka aan kasoo jeedin qowmiyaddaas si ay u beegsadaan.

    "Waxay xasuuqeen dhammaan dadka ku nool deegaanka ee aan kasoo jeedin qowiyadda Tigreega"

    Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.

    Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku eedeeyay xoogagga Tigray inay Isniinti fuliyeen xasuuq ay hay'adda Amnesty International ku sheegtay in lagu laayay boqolaal qof oo rayid ah.

  4. Muddo aamusnaan ah kaddib Shiinaha oo u hambalyeeyay Biden

    Joe Biden iyo Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, REUTERS/EPA

    Qoraalka sawirka, Joe Biden iyo Xi Jinping

    Shiinaha ayaa ugu danbeyntii u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden kaddib in muddo ah uu ka aamusnaa guusha Biden.

    "Waxaan qaddarineynaa doorshada shacabka Mareykanka, waxaan u hambalyeeyneynaa Biden iyo Hariss" ayuu yiri afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

    Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ah mid u muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan caalamka, waxaana labadan dal ka dhex taagnaa dagaal dhanka ganacsiga ah xilligan safmarka Corona.

    Ruushka ayaanan weli wax hambalyo ah u dirin Biden.

    Afar sano ka hor madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu kamid ahaa madaxdii ugu horreysay ee hambalyada u dirtay Donald Trump balse xilligan lagama hayo wax farrin ah ama hambalyo ah uu u diray Biden.

  5. Saraakiisha ugu sarreysa TPLF oo loo jaray warqad lagu soo xirayo

    Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo saraakiisha ugu sarreysa gobolka Tigray xilli ciidamada federaalka ay howlgal militeri ka wadaan gobolkaas.

    Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xiro siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliyo Tigray.

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu maamule ku meel gaar ah usoo magaacabay gobolka.

    Waxaa weli Tigray ka socdaa dagaallo xooggan, waxaana laga yaabaa in tallaabadan ay xaaladda uga sii darto.

    Teleefishinka dowladda wuxuu baahiyay ciidamada federaalka oo ku sugan Tgray

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Teleefishinka dowladda wuxuu baahiyay ciidamada federaalka oo ku sugan Tgray
  6. Abiy Axmed oo maamule ku meel gaar ah u magacaabay Tigray

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Mulu Nega u magacaabay madaxa fullinta ee gobolka Tigray.

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay ayaa sheegay in tallaabada magacaabiista ay ka dambeysay kaddib go'aan ay wada gaareen xildhibaanada Aqalka Sare iyo golaha wasiirada oo ku saabsanaa maamulka Tigray.

    Ninkan waxay shaqadiisa noqon doontaa in uu soo magacaabo saraakiil ka tirsan axsaabta siyaasadeed ee Tigray si ay uga mid noqdaan maamulka cusub ee gobolka.

    Nulu Nega wuxuu ahaa wasiirka seyniska iyo waxbarashada sare tan iyo Bishii April.

    Wuxuu horraan bare ka ahaa jaamacadda Addis Ababa.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolkan oo uu ku eedeeyay in uu wado dhaqdhaqaaqyo ka baxsan sharciga dalkaas.

    Ciidamada federaalka waxay haatan howlgallo ka fulinayaan deegaanno ka tirsan gobolka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  7. Itoobiya oo xirtay ku dhawaad '250 qof' oo lala xiriirinayo dagaalka Tigray

    Ku dhawaad 250 qof ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kuwaas oo looga shakiyay inay qorsheynayeen inay taageero u raadiyaan Tigray xilli uu dagaal halkaas ka socdo, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli ciidamada dowladda ay howgallo ay ku qabsanayaan gobolka Tigray.

    Hogaamiyaha Tigray wuxuu ku eedeeyay dowladda inay duqeyn ay ku laaysay dad rayid ah.

    Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.

    Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in adeeg gargaar oo loo fidinayay kumannaan ruux uu halis u yahay inuu joogsado sababo la xiriira dagaalka ka billowday gobolka Tigray.

    Catherine Sozi, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya, ayaa BBC-da ku tidhi: "Waxaa lasoo tabiyay inay go'een adeegyo muhiim ah, sida burka iyo shidaalka."

    Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.

    .