Loujain al-Hathloul: Waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah

Loujain al-Hathloul waxaa xabsiga loo taxaabay 2018-kii

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Loujain al-Hathloul waxaa xabsiga loo taxaabay 2018-kii
Published

Haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sacuudi carabiya oo u ololeysa xuquuqda haweenka ay u leeyihiin iney gawaarida wadaan ayaa lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xarig ah.

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah laba sana iyo bar waxay ku xirneed xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

Iyada iyo haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga ayay boqortooyada Sacuudiga xabsiga dhigtay 2018-kii, haweenkaasi oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xiriir la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacuudiga.

Hay'adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

Balse Isniinti shalay ahayd, maxkmadda dambiyada ee dalka Sacuudiga oo lagu qaado fal-dambiyeedyada waaweyn oo ay ka mid yihiin argagixisada ayaa dhowr eedeymo oo ay ka mid yihiin iney ammaanka qaranka khalkhal gelisay iyo iney dana shisheeya fulineysay u soo jeedisay.

Waxayna ugu dambeynti maxkamaddu ku xukuntay 5 sano iyo 8 bilood xabsi ah. Laba sano iyo toban bilood oo xukunka ay maxkamadda ku ridday ka mid ahna la sheegay in la laalay.

Haweeneydan xukunka lagu riday iyo qoyskeedaba waa ay diideen dhammaan dacwadaha lagu soo oogay. Waxayna qoyskeedu sheegeen muddadi ay xabsiga ku jirtay in jirdil loo geystay balse maxkamadda ayaa cabashada qoyska ku gacan seydhay.

Haweeneydan waxay qaadatay ruqsaddii ay ku kaxayn baaburta dalka Sacuudiga

Xigashada Sawirka, EVN

Qoraalka sawirka, Haweeneydan waxay qaadatay ruqsaddii ay ku kaxayn lahayd baaburta dalka Sacuudiga

Loujain al-Hathloul ayaa xabsiga loo taxaabay toddobaadyo ka hor haweenka Sacuudiga inta aan darawalnimo loo oggolaan sanadkii 2018-kii, arrintaasi oo ku timid ololihi ay iyadu billowday.

Hase yeeshee mas'uuliyiinta dalka Sacuudiga waxay sheegeen xariggeeda inuu arrintan wax xiriir ah la laheen.

Qoraalka Muuqaalka, Haweenka Sacuudiga u dhalatay oo laami gaari ku wadda

Haweenka Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay bishii June ee 2018-kii la siiyey ruqsooyinkii ay baaburta ku wadi lahaayeen toddobaadyo un ka hor inta laga dul qaadin xayiraaddii saarnayd haweenka.

Ilaa 10 haween ah ayaa ruqsooyinkii baabuurta ay dalalka shisheeye ka haysteen xilligaasi ku baddashay midka Sacuudiga maadaamaa haweenka Sacuudiga loo oggollaaday iney qaataan.

Haweeneydan waxaa jihada tusaya sarkaal boolis ah ka hor inta aysan wadin baabuurka

Xigashada Sawirka, EVN

Qoraalka sawirka, Haweeneydan waxaa jihada tusaya sarkaal boolis ah ka hor inta aysan wadin baabuurka

Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya in haweenka ay raggooda ay u oggolaadaan waxyaabaha qaar ay doonayaan inay ku dhaqaqaan, taaso dadka qaar ay sheegeen inay ka qayb qaadatay in muddo dheer ay xayiradda haweenka sii saarnato.

Horraan qoysaska Sacuudiga waxay shaqaalaysiin jireen darawallo gaar ah si ay ugu waadaan baabuurta haweenka qoysaska ka tirsan.

Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa dalbatay in dumarkan la sii daayo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa dalbatay in dumarkan la sii daayo

Qoyska Hathloul waxay sheegeen in muddo seddex bilood ah lagu hayey meel qarsoodi ah, ayna la kulantay tacaddiyo ay ka mid yihiin in koronto lagu qabto, lana jirdilo xadgudub jinsina halkaasi loogu geysto.

Waxayna intaa ku dareen in loo soo bandhigay haddii ay oggolaato inaan xabsiga jirdil iyo dhibaato kale loogu geysanin la sii deynayo.

Khubarada xuquuqda aadanahana waxay sheegeen xukunka haweeneydan lagu riday inuu waafaqsaneen nidaamka u yaallo shuruucda caalamiga ah.

Bishii November, Hay'adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda aadanaha waxay si weyn uga soo horjeesatay kiiska Hathloul in loo wareejiyo Maxkamadda Dambiyada gaarka ee Sacuudiga iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay "Naxariis darro iyo munaafaqnimo" ay ku dhaqaaqeen laamaha sharciga Sacuudiga.

In kabadan 30 dal oo xubno ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay Sacuudiga, iyaga oo ku eedaynaya dumarka ay xirxireen ee u ololeeya xuquuqda haweenka.

Soo hadal qaadka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga ayaa sare u kacday tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saxafi Jamaal Khashoqji ee magaalada Istanbul ka dhacday Oktoobar.