Soomaaliya: Xuska maalmaha dhalashada iyo xusuusaha lumay

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraaladayadii taxanaha ahaa ee aan idiinku soo gudbin jirnay maqaalada saxafiyiinta Afrikaanka ah, waxaanu maanta idiinku soo gudbinayanaa qoraalkan uu Ismaaciil Caynaanshe kaga hadlayo muhiimadda xasuusata iyo xusku u leeyihiin dadka wax walba ku waayey dhibta iyo dagaalka.
Maalmaha Kirismaska, Sannadka Cusub iyo Valentine waa maalmo ay isku beegmeen maalo ay dad Soomaali ahi dhalashadooda u dabaal degaan. Sida ay la yaabka ugu eegtahay arintani uma sii ridna, sababta oo ah waa maalmaha keliya ee Soomaali faro ku tiris ahi xasuusan karaan in ay yihiin maalmihii ay dhasheen oo ku beegmay maalmo dunida laga xuso.
Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan ku salaysan in hadal la isugu gudbiyo warka oo waxa u sahlan in qofka Soomaaliga ahi kuu sheego magacyada 20 jiil oo ah abtirsiintiisa, laakiin aanu sheegi karin taariikhda saxda ah ee uu dhashay.
Af-Soomaaliga waxa la qoray 1972 waana kolka ay bilaabantay in ila kaydiyo qoraallada rasmiga ah, laakiin wax kooban ayaa haatan laga helayaa arkiifiyada sababuna waa in dagaal sokeeyey riiqay dalka.
'Dresden-tii Afrika'
Sannadka dambe waxa buuxsami doonta mudo soddon sano ah oo ka soo wareegtay burburkii dawladdii Soomaaliya arintaas oo qoysas badan oo ka aan ka dhashay ka mid yahay ay waayeen dukumentiyo muhiim ah iyo sawirro ba.
Waxaan ka qaxnay colaadii ka sii daraysay ee sannado ka hor ka bilaabantay 1988-kii ee duqaynta cirka iyo dhulka ba iskugu jiray ee dawladdii madaxweynihii waagaa ee Siyaad Barre.
Hargeysa oo ah halka aan ku dhashay waxa noqotay meel loo yaqaan 'Dresden-tii Afrika' maadaama oo magaalada gebigeedaba colaaddaasi dhulka la sintay.
Sannadihii ugu horreeyey korriinkayga waxaan ku qaatay xero waagaa ahayd xerada qaxooti ee ugu weyn dunida oo ah Harta Sheekha oo ku taal Itoobiya, meel u dhaw xadka Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, UNHCR
Sida kumanaanka qof ee kale ee soo maray xeradaa- markii dambe waxa la xidhay 2004- ayaan waayey dukumentiyadii ku saabsanaa noloshayda dagaalka ka hor sida waraaqaha dhalashada iyo baasaboorrada. Waxa keliya ee igu soo hadhay waxay noqdeen xasuuso kooban.
Duruufahaas awgood ayaan tobanaan sano ka dib go'aansaday in aan ku noqdo Harta Sheekha si aan u soo arko waxa ka sii jira xeradii waa hoyga ii ahayd.
Waxaan doonayey inaan ogaado halka aan soo maray si aan u fahmo halka aan ugu dambayskii ka degay dunida wada geediga ah.
'Dhul ballaadhan oo ishaadu ku daalayso'
Galab cadceedu kulushahay ayaan diyaarad ka raacay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa oo aan u duulay dhanka bari iyo Diridhaba oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas taas oo iila ekayd magaalo qadiim ah oo aad mood in aan garanayo. Waxay ahayd magaalo aan buuq badnayn oo leh jidad tareen oo gaboobay oo aan haatan la adeegsan oo daayeerro degeen.
Berigaan ka tagay xerada qaxootiga waxaan muddo ku sii nagaaday Diridhaba, kolkaa waxaan tegay meelo xusuuso gaara ii leh oo aan aad u danaynayey intaanan u socdaalin dhankaa iyo Harta Sheekha.
Aad baan uga baqayey socdaalkaa dheer ee aan sii raacayey bas yar oo dug ah. Waxaa igaga sii darnaa waa baraha kaantarool ee badan ee milatarigu joogo iyo safarka dheer ee dhawrka saacadooda ee lagu sii marayo inta u dhaxaysa magaalada Jigjiga iyo xadka Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, .
Waxaan xasuustaa in xeradii qaxooti ee ku taallay duleedka Harta Sheekh ahayd meel boodh badan, fog oo duruufteedu adagtahay. Dhul ballaadhan oo aan ishaadu qabanayn.
Markii dadku halkaa tageen soddon sano ka hor waxay la kulmeen duruufo qallafsan oo hoy, biyo, cunto iyo biyo la'aan ba ah, dad aan la tirin karin ayaa ugu dhintay gaajo, oon iyo cudurro.
Laakiin xeradu muddo gaaban ka dib waxaabay noqotay magaalo oo kale, waxay yeelatay suuq weyn oo aad ka heli karto wax kasta oo xataa makhaayado shaaha laga cabo oo la fadhiisto leh.
Dadku badanaa waxay u haystaan xeryaha qaxootigu in ay yihiin meelo dhibaato iyo darxumo jiifto.
Hase yeeshee markii aan caruurta ahaa waxaan xasuustaa in aan wakhti farxad leh la qaatay saaxiibaday oo aan ordi jirnay oo aanu ku ciyaari jirnay dhagaxaan iyo sidoo kale anagoo xiisaynayna in aan ku qaylin jirnay markaan daawanayno diyaaradaha Qaramada Midoobay ee mar marka na soo dul mari jiray iyaga oo sida gargaar aad loogu baahnaa.
Laakiin siigadii xusuustayda kama go'in, laakiin markaan meeshii tagay goobtii way is bedeshay oo boodh ma jirin. Waan u qaadan waayey markaan arkay goobtii oo noqotay dhul qurux badan oo doog ah maadaama ay ahayd xili gu' ah.
Dhagaxaantii xabaalahu ma muuqdaan
Waxaan la yaabay in dhulkaa ku maan qaadaya ee balliyada, geedaha iyo tigaadda dhaadheer leh ilaa inta ishaadu qabato ay sannado badan ka hor ka buuxday cabsida dadku.

Xigashada Sawirka, KATE STANWORTH
Waxaan meesha ka muuqanin wax muujinaya in halkan ay beri ku noolaan jireen 600,000 oo qaxooti ah. Ma jirin wax muujinaya xabaalaha dadkii halkaa ku dhintay oo dhulkay la sinmeen xabaalihii.
Waxaan la kulmay oday Itoobiyaan ah oo la yidhaa Maxamed oo mar ka shaqayn jiray xerada oo ahaan jiray waashmaan, goobtaas oo uu xasuusto in ay ahayd goob xanuunka dagaalku ka buuxay.
Wuxuu ii sheegay in dhismayaashii xerada ku yaalay qaarkood ay weli taagan yihiin oo uu ka mid yahay dhisme ahaan jiray isbitaal oo ay i geysay haweenay Sahra la yidhaa oo inan yar oo ay ayeeyo u tahay sidday.

Xigashada Sawirka, KATE STANWORTH
Ranjiga weli ka muuqdaa waa buluug iyo caddaanka Qaramada Midoobay waxaana meesha ka urayey digada riyo ay Sahri leedahay oo lagu xareeyo, Sahra iyo qoyskeedu waxay beri deganaan jireen Wajaale dhanka Soomaaliya laakiin haatan halkan ayay beero ka samayteen.
Waxaa igu soo dhacday xasuusta dadkii ehelkoodu ku dhinteen goobtan.
Da'yarta aan la kulmay badankooda oo uu ku jiro nin lo' jira oo la yidhaa Jimcaale, ma xasuustaan in goobtu xero qaxooti ahaan jirtay.
Waxaan sidoo kale la kulmay reer guuraa Soomaali ah oo geel wata oo daaq iyo biyo raadinaya, waxaanay ninkaygaa daallan ee London ka soo socdaalay i siiyeen caano geel lis ah.

Xigashada Sawirka, KATE STANWORTH
Gabal dhicii markii qorraxdu godka ku foorarsatay ayaan ku noqday Harta Sheekha oo aan ka soo tagay markii labaad xeradii qaxootiga. Markan se waa aniga oo nin weyn ah oo ay isku kay qaban la' yihiin xasuusahaygii hore iyo waxaan goobta ku arkay.
Waxa safarkaygani maskaxdayda ku soo celiyey xasuusta aniga oo qiyaastii shan jir ah oo aan xerada ka helay caagad yar oo la tuuray oo ay ku jirto Vics oo aan mar qudha wejigayga ku dhabooqay.
Waxay iga gashay indhaha dabeetanaa ilmadaa wejigayga qoysay oo aan ku dhex lumay xaradii qaxootiga anoo hooyaday raadinaya.











