Madaxweyne dafirsanaa fayraska corona oo isagii laga helay xanuunka

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay fayraska corona. Waxaa xanuunka laga baaray Isniintii kaddib markii lagu arkay calaamdaha xanuunka oo ay ka mid tahay herkulkiisa oo aad u sarreeyay.
Mr Bolsonaro ayaa si joogta u dafirayay khatarta fayraskan dunida halakeeyay isagoo ku tilmaamay inuu yahay "Hargab isak yar" oo aan dadku dhibaato badan u geysanayn.
Waxa uu sidoo kale barasaabyada ku boorriyay iney khafiiyiyaan xayiraadaha sababtoo ah waxa uu yiri waxa ay wiiqayaan dhaqaalaha dalka. Isniintina waxa uu gaashaanka u daruuray xirashada maskarada wajiga.
Markii uu hadalkan sheegay tirada dadka u dhintay xanuunkan waxay ka yaraayeen 3,000 halka tirada dadka laga helay fayraskana ay ahaayeen ilaa 40,000.
Hase yeeshee markaa wixii ka dambeeyay tirada dhimashada iyo dadka laga helayba cirka ayay isku sii shareereysay.
Isniintii tirada dhimashada waxay kor u dhaaftay 65,000 oo qof, halka 1.6 milyan oo qofna laga helay xanuunka taasi oo Barazil ka dhigeysa dalka labaad ee dunida saameynta ugu weyn ku yeeshay coronavirus.
Inkastoo ay tirada sare u sii kacayso, madaxweyne Bolsonaro ayaa xayiraadihii saarnaa gobollada ku borreeyay in la qaado isagoo sheegay in xayiraadaha ay geysanayaan saameyn ka badan tan uu xanuunka geysanaya waxa uuna warbaahinta ku eedeeyay iney cabsi iyo argagax faafinayaan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb galay dhawr munaasabadood isaga oo aan xirnayn maaskarada wajiga inkastoo sharciyada dalka ay ka mid ahayd in la xirto maaskarada.
Axaddii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ernesto Araújo ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawir isaga iyo madax kale oo uu ka mid yahay madaxweyne Bolsonaro hase yeeshee dhammaantoodba ma jirin qof xiran maaskarada wajiga sidoo kale ma aysan ilaalinayn sharaciga kala fogaanshaha.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Ma ahan markii ugu horreeyay ee madaxweyne Bolsonaro laga baaro fayraska corona oo waxaa la baaray 3 goor oo hore kuwaasi oo uu sheegay inaan laga helin fayraska.
Sida madaxweyne Bolsonaro uu ula tacaalay fayraska corona?
Waxa uu yiri kala fogaanshiyaha dadweynaha waxa ay uga sii dareysaa dhaaqaale xumida dalka isagoona sidoo kale fayraska ku tilmaamay hargab yar oo sidaa usii weynayn.
'Hargab yar'

Xigashada Sawirka, EPA
Bishii April Mr Bolsonaro ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay "hargab iska yar".
Warbaahinta ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah si ay shacabka u khal khal galiyaan.
Dhanka kale, kooxo taageersan madaxweynaha ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir ay ka muuqdaan naxashyo ay sheegeen inay maran yihiin oo la aasayo si loo buunbuuniyo tirada dhimashada ee cudurka.
Ugu yaraan saddex wariye ayaa la weeraray intii uu socday isu soo baxaya uu Axaddii ka qeyb galay madaxweynaha, kaasoo ay isugu tageen boqollaal qof.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa aragtay wariye sawir qaade ah oo jaranjaro laga soo riday, kaddibna si xun loo garaacay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Inkiraad ku kali ah
"Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda," waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. "Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan."
Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus.
Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin.
Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray.
Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go'an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka.

- Maxaad ka taqaannaa cudurkii coronavirus lamidka ahaa ee dunida ku dilay 50 milyan oo ruux?
- Tixraaca wararka Covid-19 ee Afrika
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Coronavirus: Ma laga qaadi karaa qof dhintay?
- Qof looga shakisan yahay inuu qabay coronavirus oo ku dhintay Beledxaawo














