Waxaa suuragal ah inuu doorashada madaxweynaha ku guuleysto nin lagu xukumay inuu dilaa yahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shacabka dalka Suriname - ee ku yaalla qaaradda Koonfur America - waxay Isniinta go'aan ka gaarayaan inay xilka madaxweynaha dib ugu doortaan Dési Bouterse, oo lagu helay fal dil ah, laguna riday xukun 20 sano oo xabsi ah.
Dadka codeynaya ayaa dooranaya xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo iyaguna soo dooran doona qofka madaxweynaha noqonaya.
Mr Bouterse wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu guul kasoo hoyin doono doorashadaas, markii labaad oo xiriir ahna uu qaban doono xilka madaxweynaha.
Racfaan uu ka qaatay xukunka ay maxkamadda ku ridday ayaa la dhageysan doonaa bisha June ee foodda nagu soo heysa.
Waa kuma Desi Bouterse?
Dési Bouterse, oo 74 jir ah, wuxuu muddo dheer saameyn ku leh lahaa siyaasadda waddanka Suriname.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 1980-kii, wuxuu markii ugu horreysay wuxuu kusoo caan baxay afgambi uu hoggaaminayay oo lagu riday dowladdii sida sharciga ah loo soo doortay.
15 sarkaal oo ay ciidanka ka wada tirsanaayeen ayuu la kaashaday afgambiga milatari.
Henck Arron, oo ay xilligaas xilka ka tuureen, wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee uu dalka Suriname yeesho kaddib markii uu xorriyadda ka qaatay Netherlands.
Desi Bouterse wuxuu markaas guddoomiye ka noqday golaha milatariga, doorkiisana wuxuu ka dhigayay hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamula dalka, inta badan sannadihii 1980-meeyadii.
Muxuu yahay dambiga lagu helay?
Bishii December ee sanadkii 1982-kii ayey askar ka amar qaadaneysay Bouterse xasuuqeen 15 ka mid ah dadkii siyaasad ahaan uga soo horjeeday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bouterse wuxuu dhankiisa sheegay in dadka la laayay, oo ay ku jireen hoggaamiyeyaasha ururrada ganacsiga iyo saxafiyihiin, la toogtay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan xabsiyo lagu hayay.
Sanadkii 2007-dii, wuxuu qirtay inuu "siyaasad ahaan mas'uul ka yahay" dhacdadaas oo loo yaqaanno "kuwii dadka laayay bishii December" laakiin wuxuu mar walba beenin jiray inuu shakhsi ahaan mas'uul uga yahay.
Dacwad ka dhan ah siyaasigan ayaa billaabatay isla sanadkaas, garsooreyaashii kiiskaas wadayna waxay soo gabagabeeyeen 12 sano kaddib.
Bishii November ee sanadkii 2019-kii, Bouterse waxaa lagu helay inuu dilalkaas mas'uul ka ahaa, waxayna garsooreyaasha ku xukumeen 20 sano oo xarig ah.
Hase yeeshee lama soo saarin warqad lagu soo xirayo.
Dambiyada lagu helay ma aha dilal oo kaliya. Sanadkii 1999-kii, maxkamad fadhigeedu yahay dalka Netherlands ayaa Bouterse ku heshay dambi ah inuu si qarsoodi ah ku soo galiyay in ka badan kun kiilo oo daroogada cocaine-ta ah, waxayna ku xukuntay 11 sano oo xarig ah.
Bouterse mar kasta wuu dafiri jiray eedeymaha ku saabsan kala gudbinta daroogada.
Sidee buu xukunka dib ugu soo laabtay?
Bouterse waligiisba kama uusan fogeyn xukunka dalkiisa, inkastoo badanaa sannadihii 1990-meeyadii uu ku dhammeystay garabyada siyaasadda.
Sanadkii 2000, wuxuu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee dimuqraaddiga ahayd, markaasoo uu noqday xildhibaan ku biiray baarlamaanka.
Sanadkii 2010, isbahaysi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa ku guuleystay inta badan kuraasta baarlamaanka, waxaana loo doortay inuu noqdo madaxweynaha.
Sanadkii 2015-kii, isbahaysigiisa waxay ku guuleysteen 26 ka mid ah 51-ka kursi ee baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay in mar saddexaad oo xiriir ah loo dooran doono xilka madaxweynaha.
Hadda oo Isniinta la filayo doorashada baarlamaanka, wuxuu sheegay inuu kalsooni ku qabo helitaanka kuraas ku filan dib usoo doorashadiisa
Hase yeeshee qiimeyn la sameeyay waxay muujisay in xisbigiisa laga yaabo inay guuldarro wajahaan.













