Dowladda Yemen oo sheegtay in weerar gantaal oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen dekedda Mocha uu dilay ugu yaraan afar qof oo rayid ah.

Xigashada Sawirka, .
Dowladda la aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegtay in Xuutiyiintu ay lix gantaal oo ballistic ah ku rideen dekedda Mocha ee Badda Cas Jimcihii, taasoo dishay ugu yaraan afar qof oo rayid ah.
Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in weerarku uu bartilmaameedsaday kaabayaasha dhaqaalaha rayidka iyo xarumaha dekedda, dhowr doonyood oo kalluumeysi ahna ay dab qabadsiiyeen.
Xuutiyiintu, ayaa iyaguna sheegaya inay bartilmaameedsadeen isu imaatinka militariga, hubka, iyo maraakiibta ciidamada Sacuudi Carabiya ee Mocha iyagoo adeegsanaya tiro badan oo gantaallo ballistic ah.
Warbixin kale oo ay soo saartay wakaaladda wararka ee Saba oo ay Xuutiyiintu xiriir la leeyihiin, ayaa lagu sheegay in kooxdu ay bartilmaameedsatay xarun Aramco oo ku taal magaalada Najran ee Sacuudiga iyadoo adeegsanaysa diyaarad aan duuliye lahayn.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:


