Xaggee buu joogaa Ashraf Ghani, maxaase uu u qarinayaa halka uu deggan yahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Il-wareedyo u dhow Mohammad Ashraf Ghani ayaa u sheegay BBC-da in madaxweynihii hore ee Afghanistan uu hadda ku nool yahay dalka Lubnaan; waa waddan uu wax ku bartay dhowr sano ka hor, isla markaana ay xaaskiisa, Rula Ghani, ka tahay muwaadinad.
BBC-du waxay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan si ay u ogaato xaaladda Ashraf Ghani, waxayna codsatay in arrintaas la caddeeyo. Sidoo kale, waxaa mas'uuliyiinta Lubnaan la weydiiyay in madaxweynihii hore ee Afghanistan la siiyay magangelyo siyaasadeed iyo in kale, iyo in joogitaankiisa dalkaasi uu yahay mid ku-meel-gaar ah.
La-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan, isagoon xaqiijin ama beenin joogitaanka Ashraf Ghani ee dalkaasi, ayaa ka codsaday BBC-da inay su'aalaheeda u soo dirto qaab qoraal ah si looga bixiyo jawaabaha ku habboon. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah su'aalihii ay BBC-du soo gudbisay.
Shan sano ka hor, Madaxweynaha Afghanistan Mohammad Ashraf Ghani iyo tiro ka mid ah dadka aadka ugu dhowaa ayaa laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) uga ambabaxay Qasriga Madaxtooyada iyagoo ku sii jeeda Uzbekistan.
Isla maalintaas, ka dib labaatan sano, waxaa burburay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Afghanistan.
Hadda, magaca madaxweynihii hore ayaa mar kale dib ugu soo laabtay saaxadda siyaasadda Afghanistan, balse markan waxaa soo baxay su'aalo ku saabsan halka uu ku nool yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Halkee ayuu ku sugan yahay Ashraf Ghani, maxaase keenay inuu diido inuu si cad u sheego dalka uu hadda deggan yahay?
Su'aashani waxay noqonaysaa mid aad muhiim ah marka la eego hadalladii dhawaan ka soo yeeray afhayeenka xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, ee ku saabsanaa suurtagalnimada in Ashraf Ghani uu dalka dib ugu soo laabto, iyo jawaabta adag ee uu Ghani ka bixiyay hadalladaas.
Zabihullah Mujahid ayaa dhawaan wareysi uu siiyay warbaahinta Iiraan ee 'Iraf TV' ku sheegay in Ashraf Ghani iyo dadka aadka ugu dhow ay ka faa'iideysanayaan 'cafis guud', isla markaana uu dib ugu soo laaban karo Afghanistan oo uu u noolaan karo sidii muwaadin caadi ah.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Taliban ayaa sheegay in Ashraf Ghani uu "ka gudbay imtixaankii" saaxadda siyaasadda.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
"Weligay madaxayga hoos uma dhigi doono"
Isagoo la hadlayay warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ABN, oo loo arko inay isaga aad ugu dhowdahay, ayuu Mr. Ghani sheegay inuusan gelin wax dembi ah oo u baahan cafis. Wuxuu intaas ku daray in maamulka Taliban ay tahay inay ixtiraamaan rabitaanka iyo codka shacabka si "xal loo helo."
Balse wuxuu ku adkaystay inuusan "weligiis u madaxa u foorarin doonin ama u hoggaansami doonin Taliban."
Shan sano ka hor, maalintan oo kale, ayaa xukunka laga tuuray dowladdiisii, wuxuuna u baxsaday dalka Uzbekistan. Ka dib markii uu halkaas hal habeen ku hoyday, wuxuu u safray Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ka codsaday magangelyo siyaasadeed. Wuxuu Imaaraadka ku noolaa ilaa qiyaastii laba bilood ka hor.

Xigashada Sawirka, Ashraf Ghani Facebook
Si kastaba ha ahaatee, Mohammad Ashraf Ghani ayaa muddo ka badan laba bilood ka maqnaa Imaaraadka Carabta, balse wuxuu doortay inuu ka aamuso halka uu hadda deggan yahay, mana uusan bixin wax sabab ah oo ku saabsan sababta uu u qarinayo.
26-kii bishii May ee sanadkan, xilligii Ciidul-fidriga, ayuu Ashraf Ghani bartiisa Instagram-ka ku shaaciyay — ka dib lix bilood oo aamusnaan ah — inuu ka tagay Imaaraadka Carabta oo uu hadda ku nool yahay "meel ammaan ah." Wuxuuna sidoo kale qoray:
"Muddo ayaa la iga horjoogsaday inaan idinla hadlo, codkaygana waa la aamusiiyay."
Inkastoo Ashraf Ghani uu kordhiyay hadalladiisa iyo farriimaha uu ku baahinayo baraha bulshada labadii bilood ee la soo dhaafay, haddana wuxuu weli ka aamusan yahay halka uu hadda deggan yahay, mana uusan bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan arrintaas.
Waddamadu ma u dideen inay magangelyo siiyaan Ashraf Ghani?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Il-wareed ku dhow Ashraf Ghani, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay BBC-da in sababta ugu weyn ee aan loo shaacin halka uu deggan yahay ay tahay inuusan weli si rasmi ah u deggin waddanka iyo goobta uu doortay.
Sida uu sheegay il-wareedku, Ashraf Ghani wuxuu hadda haystaa saddex ikhtiyaar oo ku saabsan halkii uu degi lahaa oo ku yaalla saddex waddan oo kala duwan, balse weli ma uusan gaarin go'aan kama dambays ah oo ku saabsan waddanka uu mustaqbalka fog ku noolaan doono.
Sida laga soo xigtay il-wareedkan, Ashraf Ghani wuxuu mudnaanta siinayaa inuu ku noolaado waddan Islaam ah, balse wuxuu ku adkaysanayaa in goobta uu mustaqbalka degi doono ay bixiso jawi uu si xor ah ugu cabbiri karo aragtiyihiisa ku saabsan arrimaha Afghanistan, isla markaana uu la wadaagi karo dadka reer Afghanistan.
Il-wareedku wuxuu sidoo kale sheegay in dawladda Imaaraadka Carabta ay Ashraf Ghani ka mamnuucday inuu bixiyo hadallo dadweyne oo ku saabsan arrimaha siyaasadda tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii hore.
Sida uu sheegay, Ashraf Ghani ma uusan aqbalin xayiraaddan, wuxuuna u gudbiyay warqad cabasho ah mas'uuliyiinta Abu Dhabi, isagoo dalbaday in loo fududeeyo sidii uu uga bixi lahaa Imaaraadka.
Sababta dhabta ah ee ka dambeysa xayiraadahan ayaa weli aan caddayn.
Il-wareedkan ku dhow Ashraf Ghani ayaa sheegay in Ghani laftiisu uu aaminsan yahay in go'aankani uusan xiriir la lahayn dawladda Taliban, balse ay u badan tahay inay ka dambayso "cadaadis uga imaanaya Mareykanka."
Il-wareedku wuxuu sidoo kale sheegay inay suurtagal tahay in waddamo qaarkood ay diideen inay deggenaansho siiyaan madaxweynihii hore ee Afghanistan sababo la xiriira "falcelin ama cadaadis laga yaabo inuu uga yimaado Mareykanka," balse ma uusan magacaabin waddamadaas.
Ilaa hadda, dawladda Imaaraadka Carabta kama aysan hadlin sababta ka dambeysa bixitaanka Ashraf Ghani.
Fursada ugu wanaagsan ee Ashraf Ghani waa inuu ku laabto Afghanistan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tariq Farhadi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo muddo dheer yaqaanay Mohammad Ashraf Ghani, ayaa sheegaya in talada uu u hayo Ashraf Ghani ay tahay in—marka la eego xaaladda jirta iyo da'diisa—uu ku laabto Afghanistan oo uu dalkiisa ku noolaado, sida ay sameeyeen Hamid Karzai iyo Abdullah Abdullah.
Mr. Farhadi wuxuu yiri: "Waxaa laga yaabaa inay tani u fiican tahay mowqifka Ashraf Ghani iyo dalka Afghanistan labadaba. Waxaan sidoo kale taariikhda Afghanistan ku haynaa tusaalaha Amanullah Khan. Waxaa lagu qasbay inuu ka baxo Afghanistan sanadkii 1929-kii, isagoo marka hore u guuray Hindiya (oo ay xilligaas maamulayeen Ingiriisku) ka dibna Talyaaniga, ugu dambeyntiina wuxuu ku geeriyooday magaalada Zurich sanadkii 1960-kii. Amanullah Khan wuxuu dalkiisa ka maqnaa muddo 31 sano ah, muddadaasna wax door ah kuma uusan lahayn isbeddellada ka dhacayay Afghanistan. Tani waa wax murugo leh. Waxayna ahaan lahayd wax wanaagsan haddii si uun loo diyaarin lahaa jawi uu dib ugu soo laaban karo."
Aragtidiisa, "Ku soo laabashada hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka iyo joogitaankooda Afghanistan waxay gacan ka geysan kartaa yaraynta kala qaybsanaanta dhanka fikirka iyo siyaasadda. Marka laga eego dhinaca taariikhda Afghanistan, waxaa laga yaabaa inay sidoo kale u fiican tahay hoggaamiyeyaasha dalka—xitaa ka dib marka ay xilka ka degaan—inay dalkooda ku noolaadaan oo ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xallinta dhibaatooyinka qaranka."
Mr. Farhadi wuxuu sheegayaa in ka dib markii ay bilaabeen Iiraan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo lagu qaaday Imaaraadka Carabta intii lagu jiray dagaalkii ugu dambeeyay, iyo iyadoo ay sii kordhayeen walaaca dhanka amniga ee dalka—gaar ahaan ka dib markii la bartilmaameedsaday Abu Dhabi—uu Ashraf Ghani helay fursad uu si xushmad leh uga codsan karo mas'uuliyiinta Imaaraadka inay u oggolaadaan inuu baxo; codsigaas oo uu sheegay in la aqbalay.
Wuxuu aaminsan yahay in Ashraf Ghani ay u badan tahay inuu la kulmo xayiraado la mid ah kuwaas meel kasta oo uu dego, isla markaana aan loo oggolaan doonin inuu ku lug yeesho hawlo siyaasadeed oo ballaaran.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Si uu u sharxo xaaladda Ashraf Ghani, Mr. Farhadi wuxuu soo qaadanayaa tusaalooyin ku saabsan hoggaamiyeyaal caalami ah oo lagu qasbay inay ka baxaan waddamadooda sababo la xiriira isbeddello siyaasadeed. Wuxuu yiri:
"Ka dib Kacdoonkii Jasmine ee Tunisia, Madaxweyne Zine El Abidine Ben Ali ayaa si degdeg ah uga baxay Tunisia, wuxuuna magangelyo ka helay Sacuudi Carabiya. Intaas ka dib, wuxuu gebi ahaanba ka baxay saaxadda siyaasadda iyo tan dadweynaha. Dalka Suuriya, Bashar al-Assad ayaa isna u guuray Ruushka ka dib markii xaaladdu xumaatay, wuxuuna markii dambe ku dhawaaqay inuu ka fogaaday hawlaha siyaasadda oo uu u jeestay dhanka ganacsiga."
Sida uu qabo Farhadi, aayaha hoggaamiyeyaasha ku nool qurbaha ayaa inta badan ku xiran xaaladaha siyaasadeed iyo danaha waddamada martigelinaya:
"Xaaladda Sheikh Hasina way ka duwan tahay tan kuwaas. Waxay u carartay Hindiya ka dib dibadbaxyo baahsan oo ka dhacay Bangladesh, laakiin New Delhi ayaa siisay magangelyo iyadoo eegaysa dano iyo arrimo siyaasadeed, welina waxay ka fiirsanayaan mustaqbalkeeda. Dhanka kale, haddii aan eegno aayahayga Mohammad Reza Shah Pahlavi, waxaan arkaynaa in inkastoo uu xiriir dhow la lahaa waddamo badan oo reer Galbeed ah, haddana ay ku adkaatay inuu helo waddan uu dego ka dib kacdoonkii Iiraan. Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Masar Anwar Sadat ayaa siiyay magangelyo, Shahuna wuxuu ku dhintay isla waddankaas."
Tariq Farhadi wuxuu sheegayaa in khibradda labaatanka sano ah ee reer Galbeedka ay ka heleen Afghanistan ay keentay in dowladaha Yurub badankoodu ay ka gaabsadaan inay dib u eegaan kiisaska la xiriira hoggaamiyeyaashii hore ee Afghanistan.
Wuxuu intaas ku daray:
"Ashraf Ghani wuxuu yaqaannaa dad saameyn ku leh waddamadan, laakiin marka laga hadlayo arrinta deggenaanshihiisa, badankoodu waxay doorbidaan inay aamusnaadaan oo ay sugaan waddan kale oo qaata mas'uuliyadda aqbalkiisa."
Farhadi wuxuu aaminsan yahay in "beddelka nidaamka" Afghanistan uusan hadda ku jirin ajandaha waddamada reer Galbeedka iyo maamulka Donald Trump.
Aragtidiisa, arrintan ayaa keentay in waddamadan aysan aad u daneynin inay xiriir siyaasadeed la yeeshaan Ashraf Ghani, mana doonayaan inay door muhiim ah ka qaataan mustaqbalkiisa siyaasadeed ee suurtagalka ah.














