Guriga joog iyo corona: "Deriska buuqa badan waxay dhib ku yihiin nolosheyda"

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

"Waan necebahay qayla kasta oo dibadda ka imaanaysa. Waxay taasi la mid tahay in ay gurigeena ka dhex qeylinayaan."

Tan iyo markii dalka UK xayiraadda lagu soo rogay, Amy waxay sheegtay inaysan helin daganaanshihii iyo nabaddii ay rajaynaysay.

Waxa ay dariskeeda ku eedeynaysaa in ay sabab u yihiin qaylada iyo buuqa dhagaheeda ku dhacaya.

"Waxay gurigeeda ku casuumtaa dad badan, qosolkooda ayaan habeen walba maqlaa", ayey tiri Amy oo la hadashay BBC 1 Newsbeat.

Waxa ay u muuqataa in Amy aysan arrinkan kaligeed ku ekeyn.

Newsbeat waxay la xiriirtay 103 gole xaafadeed oo gudaha UK ah, waxayna weydiiyeen in ay diiwaangeliyeen kiisas cabashooyin ah.

Waxay jawaab ka heleen 51 gole oo 44 ka mid ah ay sheegeen inay heleen cabashooyin la xirriira kiiska la xiriira buuqa iyo qeylada deriska.

Dan wuxuu dariskiisa ka cabanayay muddo ka badan hal sano.

"Mar kasta waxay u qeylinayaan sida sameecado"

"Waxay isweydaarsadaan erayo xun, waxayna u qayliyaan kor", Ayuu yiri.

Wuxuu horay ugu dacwooday booliska balse wuxuu sheegay in dhibaatada ay sare u kacday xilligan lagu jiro gurya-joogga.

"Aad ayey u adagtahay in aad xoogga saartid shaqadaada. Balse murankooda joogtada ah wuxuu saameeyey waxwalba. Waxaan hab muuqaal ah kula hadlayay qaar ka mid ah macaamiishayda waxayna maqleen muranka dariskayga dhexmaraayay."

Dan iyo Amy ayaa codsaday inaanan magacyadooda la shaacinin.

Tusaale ahaan, xogta ay Newsbeat ka heshay magaalada Leeds ee dalka UK ayaa sheegaysa in dad gaaraya 1,171 ay cabasho gudbiyeen bishii April oo ah tiro ka badan marka la eego sannadkii la soo dhaafay oo ahayd 780 kiis.

Qaar ka mid ah goleyaaaha xaafadaha ayaa baraha bulshada ka billaabay dhiiragelin ay dariska isku xushmeynayaan.

Amy war uma haysa siday ula tacaali lahayd dhibaatadan haysatada.

"Isla markiiba jawiga ayaa isbadelaya, muusig dheer ayaa la shidayaa qayla dheer ayaad maqlaysaa, xitaa haddii aad daaqadda xirto."Ayey tiri Amy.

"Seygayga wuxuu doonayaa inuu ka dacwoodo si uu uga badbaadiyo khilaaf na dhexmara".

Maxaad samayn lahayd?

Waxaa muhiim ah inuu jiro wada hadal, sida uu sheegay Dan Saunders.

Waa madaxa ururka latalinta dadka deriska ah ee xadgudubka ku kaca.

"Haddii aad maqashid hadalka dariskaaga micnaheedu maahan inay qaylo badanyihiin," Ayuu yiri.

"Dariskaaga u sharax xaaladda. Dhamaan waxaan nahay bini'aadam, waana muhiim in aan isku dayno in aan khilaafka xallinno ka hor inta aanan cabasho muujinin."

Wuxuu sidoo kale ku daray in gudbinta cabashada laga yaabo inay xilli dheer qaadato.

"Haddii aysan taasi shaqaynin waxaad qorataa dhacdooyiinka oo dhan, waxaa laga yaaba inaad cabasho rasmi ah ka gudbiso," Sida uu Dan sameeyey.

Wuxuu dariskiisa ka gudbiyey cabasho wuxuuna ka war sugayaa laamaha ku shaqada leh arrimanan.

Wuxuu Dan sidoo kale sheegay in tan iyo markii uu cabashada gudbiyey ay xaaladda isbadeshay.