Shillin Soomaaliga iyo sawirrada toddobaadka iyo Afrika
Published
Kuwan waxaa laga soo xushay sawirradii ugu xiisaha badnaa ee toddobaadkii hore lagu qaaday qaaradda Afrika.
Waxaa la qaaday intii u dhaxeysay 31-kii bishii January ilaa 6-dii bishan February.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Nin sarrifle ah ayaa Arbacadii lacag shilin Soomaali ah oo qiimaheedu uu aad u hooseeyo ku tirinayay suuq sarrifka lacagaha qalaad ah oo dusha ka bannaan, kaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Nin u dhashay Nigeria oo lagu magacaabo Oyindamola Kolawole, oo 26 jir ah, ayaa Sabtidii bandhig ku sameynayay barnaamij ka socday magaalada Lagos...
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Labadan dumarka ah waxay sidoo kale muujinayaan sida ay isu laallaabi karaan, waxayna ka qeyb galeen isla bandhigga ka dhacay magaalada Lagos, Nigeria.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ifeoma Amazobi, oo 22, waxay ka mid ahayd qabanqaabiyeyaashii ugu muhiimsanaa badnhiggaas, oo looga dan lahaa muujinta farshaxanka.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Maalintii Talaadada ahayd, caasimadda waddanka Malawi ee Lilongwe, qof taageerayay mucaaradka ayaa dabaaldag nooc kale ah sameeyay ka dib markii ay maxkamad waxba kama jiraan kasoo qaadday guushii doorashada ee madaxweyne Peter Mutharika...
Qoraalka sawirka, Maalintii Jimcada, wiil u dhashay Libya ayaa mooto kor u qaaday, isagoo ku sugan magaalada Tripoli...
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Carruurtan waxaa Talaadadii sawir laga qaaday iyagoo kubadda cagta ku ciyaaraya garoon bacaad ah oo ku yaalla magaalada Tripoli.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Nin dalxiise ah ayaa ku ciyaarayay dusha sare ee badda Cas, magaalada Dahab ee dalka Masar, maalintii Sabtida.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Caasimadda Zimbabwe ee Harare, hooyo iyo wiilkeeda ayaa Talaadadii la sawiray iyagoo kasoo laabtay isbitaalka.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, ciidamada ilaalada qaranka ayaa isu yimid goob ay ku sugneyd Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, oo dalkaas ku tagtay booqasho ay ujeeddadeeda tahay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sawirka ugu dambeeyana waa qof akhrisanaya wargeys kasoo baxa Kenya oo qoray faallo dib loogu eegayo taariikhdii maamul ee madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi, oo maalintii Talaadada geeriyooday isagoo 95 jir ah.
Sawirradan waxaa laga soo kala qaatay AFP, EPA, PA iyo Reuters