Maxay doonayaan shacabka aagga Gedeo ee Itoobiya?

Xigashada Sawirka, AFP
Dadka Gedeo ee ku nool koonfurta Itoobiya waxay weydiisanayaan in ay noqdaan ismaamul gaar ah oo ka tirsan Federaalka ka dib markii Sidama ay noqotay maamulka 10-aad ee ka tirsan dalkaas.
Dhammaadkii bishii la soo dhaafay, afti dadweyne oo laga qabtay Sidama waxay shacabka u codeeyeen in ay noqdaan gobol gaar ah oo ka tirsan Itoobiya .
Sidama waxay ka tirsanayd ismamulka Shucuubka koonfurta Itoobiya ee SNNPR kaas oo ay ku mideysan yihiin qowmiyado kala duwan.
Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan golaha ismaamulkaas, Mr Tsegaye Tadesse, Aagga Gedeo waxay dalabkooda ah in ay ismaamul noqdaan u gudbiyeen golaha deegaanka, bishii November ee sannadkii 2017-kii.
Markii Sidama ay ku guuleysatay ismaamulka, dadka Gedeo waxay hadda juqraafi ahaan ka go'een inta kale ee gobolka Shucuubka Koonfureed. Waxaa ku hareereysan ismaamulka Oromia iyo maamulka cusub ee Sidama.
Prof. Tadesse Kitte wuxuu yiri: ''Juqraafi ahaanta iyo waxyaabo kale oo jira ayaa ku qasbaya in shacabka Gedeo ay raadiyaan sidii ay maamul gaar ah u noqon lahaayeen.
Wuxuu intaa ku daray: "Dadka Gedeo waxay u baahan yihiin in ay xuquuq ahaan la mid noqdaan shucuubta kale; waxay u baahan yihiin in ay ismaamulaan, ayna xiriir toos ah la yeeshaan dowladda federaalka iyadoo cid kale aysan ku dhex jirin.
Mr Tsegaye wuxuu tixraacayay barakicii dhowaan ee saameeyay 800 kun oo qof, wuxuuna yiri: "Aagga Gedeo kama helin fiijignaantii looga baahnaa Ismaamulka Shucuubta Koonfurta Itoobiya".

Sida ay sheegeen hay'adaha caalamiga ah ee arrimaha bini-aadamnimada, in ka badan hal milyan oo qof oo u dhashay Itoobiya waxaa guryahooda ka barakiciyay qalalaasaha qowmiyadeed ee qeybo ka mid ah dalkaas ka dhacay 2018-kii.
Qowmiaydda Gedeo waxay tiro badan ka ahaayeen lambarkaas barakacay, waxayna badankooda ka qexeen galbeedka degmada Guji ee ismaamulka Oromia.
Mr Tsegaye wuxuu sheegay in "inkastoo golaha Godeo ay ansixiyeen dalabka dadkaas ayna sameeyeen guddi dejiya hannaanka, haddana waxay arrintaas ka suuragaliwayday dhanka maamulka Gobolka. Saraakiisha gobolka waxay diidan yihiin fulinta dalabkaas".
BBC ayaa jawaab weydiisatay gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee Sharciga iyo maamulka ee aaggaas, wuxuuna sheegay "in uu doorbidayo in uusan jawaab bixin hadda".
Sida uu sheegay Mr Tsegaye, in kastoo guddiga aagga Gedeo ay kulmeen bishii May ee sannadkii la soo dhaafay, ayna dalbadeen dedejinta dalabkooda ah in ay maamul noqdaan, balse in aysan weli waxba iska badalin dhanka maamulka Gobolka.
Gedeo waxay dalabkeeda gudbineysay sanado ka hor, "waxbana lagama qaban" sida uu Tsegaye uu sheegay.
Ismaamulka Shucuubka Koonfurta Itoobiye ee SNNPR wuxuu ka kooban yahay qowmiyado kala duwan kuwaas oo ugu yaraan seddax ka mid ah ay raadinayaan in ay go'aan oo ay noqdaan maamul gaar ah oo ka tirsan Federaalka Itoobiya.











