Sababta loogu muransan yahay natiijadii tirakoobka Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhawaan dalka Kenya, waxaa la shaaciyay natiijada tirakoob bilo ka hor laga sameeyay guud ahaan dalkaasi, waxaana arrintaasi ka dhashay muran siyaasadeed, xilli deegaannada qaar ay ku doodayaan in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah.
Tirakoobkaasi ayaa lagu ogaaday in Kenya ay ku nool yihiin 47.6 milyan oo qof. Tiradaasi ayaa ah mid sagaal milyan ka badan tiradii lagu shaaciyay tirakoob la sameeyay saandkii 2009-kii.
Balse sida ka muuqata natiijada tirakoobkan, deegaannada qaar tirada dadkooga ayaa aad hoos u dhacday tobankii sano ee la soo dhaafay.
Tiradan cusub ayaa aad loogu murmay waayo tirada dadka ku nool deegaan kasta ayaa waxay saameyn ku yeelanaysaa dhaqaalaha ay degaannadu ka helaan dowladda dhexe ee dalkaasi.
Maxay tiradu muhiim u tahay?
Shacabka reer Kenya ayaa ka kooban qowmiyado iyo qabaa'illo kala geddisan, waxaana isku haya xisbiyo siyaasadeed oo uu tartan weyn ka dhaxeeyo.
Dowladda Kenya ayaa tirakoobkani ku shaacisay tirada qabiil kasta oo ku nool dalkaasi, balse waxaa muran uu ka taagan yahay deegaananda qaar oo la sheegay in tiradoodu ay hoos u dhacday marka loo eego tirakoobkii dhacay sanadkii 2009.
Natiijada tirakoobyada noocani oo kale ah ayaa inta badan xoojinaysa ama wiiqaysa sheegashada cududeed ee garabyada siyaasadeed ee dalkaasi isku haya ama qeybsiga kheyraadka waddanka.
Deegaannada ku yaal woqooyi bari Kenya oo xudduudda la leh waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sida ku cad tirakoobkani waxaa hoos u dhacay tirada dadka deeggannadaasi ku nool. Arrintaasi waxaa ka carooday siyaasiinta deegaannadaasi oo doonaya in marka la qeybsanayo dhaqaalaha ay bixiso dowladda dhexe ay helaan intii ay horay u heli jireen haddiiba aysan ka badnayn, waxaana ay shaki geliyeen hufnaanta hannaanka tirakoobka waddanka iyo sida loo loo sameeyayba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Deegaannadaasi ayaa waxaa u badan qowmiyadda Soomaalida Kenya.
Natiijada tirakoobkaasi ee deegaannadaasi ayaa sidoo kale muujineysa in tirada haweenka ay aad uga yar tahay tan ragga, waxaana markiiba soo baxay hadal hayn ah in ay suurtagal tahay in haweenka deegaannadaasi ay ka dhimasho badan yihiin ragga ama ay arrintaasi sabab u tahay rag badan oo aan wali guursan oo halkaasi u shaqo tagay.
"Natiijada tirakoobka la shaaciyay isbuucan waa mid been abuur ah oo aan macquul ahayn," ayuu yiri Aadan Barre Ducaale oo ah siyaasi ka soo jeeda woqooyi bari Kenya.
Waxa uu ku doodayaa in ragga Soomaalida ah ay inta badan guursadaan in kabadan hal xaas, sidaa awgeedna ay ahaan lahayd in tirada dumarku ay ka badan tahay tan ragga.
Haseyeeshee, waaxda dowladda Kenya u qaabilsan tirakoobka dalka ayaa difaacday natiijada tirakoobkaasi.
Waa maxay tirakoob, sidee ayuuse u shaqeeyaa?
Tirakoob waa in dowlad ay tiriso dhamaan dadka ku nool gudaha dalkeeda.
Marka la sameynayo tirakoob ayaa waxa ay dowladdu uruurisaa xogta qof kastaa oo muwaadin ah, sida diinta qof kastaa uu aaminsan yahay iyo qowmiyadda uu ka soo jeedo.
Tirakoobka Kenya ayaa la sameeyaa 10-kii sanaba hal mar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirakoobka ayaa ah hawl culeyskeeda leh oo ay tahay in la tiriyo qof kasta oo ka mid ah shacabka dalka tirakoobka laga sameynayo.
Waddamada qaar ayaa haatan adeegsanaya tignoolajiyadda casriga ahi si ay u tirakoobaan shacabkooga.
Dalka Kenya shaqaalaha waaxda tirakoobka ayaa guri guri u booqday xaafadaha dadku ay deggan yihiin ee guud ahaan dalkaasi, waxaana ay soo uruuriyeen xogta qof kastaa oo dalka ku nool.
Mararka qaar, shaqaalaha waaxdan ee xog uruurintan sameynaya ayaa dhibaato kala kulma hawshooda. Bulshooyinka tuhunka badan ka qaba dowladda Kenya ayaan ogolayn in inta badan ay macluumaadkooga oo sax ah la wadaagan hawlwadeennada waaxdani.
Dowladuhu sidee ayay u isticmaalaan xogtani?
Natiijada tirakoobka ayaa saameyn weyn oo dhab ah ku yeelaneysa nolasha shacabka waddamada laga sameeyo tirakoobka.
Ma ahan oo kaliya qeybsiga dhaqaalaha dowladda dhexe, balse tirada deegaan kasta ayaa saameyn ku yeelan doonta xudduudaha gudaha ee deegaannada, arrintaa oo shacabku uu ku kala qeybsan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kala qeybsanaanta shacabka dalkaasi ayaa xasaasi ka sii dhigeysa natiijada tirakoob kastaa oo laga sameeyo dalkaasi.
Dalka Itoobiya tusaale ahaan, laba jeer ayaa sanadkii 2017-kii dib loo dhigay in tirakoob laga sameeyo, sababo la xiriira dibadbaxyo iyo rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha dalkaasi.
Marka ugu horreysa ee dalkaasi laga sameeyo tirakoobkaasi baaqday ayaa waxaa hubaal ah in natiijada tirakoobkaasi ay muhiim u noqon doonto qowmiyadaha ku loollamaya awoodda gobollada, taa oo ka dhigan in loo kala awood sheegto sida loo kala tiro badan yahay.
Tusaale ahaan, qowmiyadda Sidama ee degta koonfurta Itoobiya ayaa waxa ay haatan ol'ole ugu jirtaa sidii ay u heli lahayd ismaamul iyada u gaar ah.
Dalka Nigeria ayaa isaguna waxa uu caan ku yahay muranka iyo isqabqabsiga ka dhasha natiijada tirakoobyada. Tirakoob la filayay in dalkaasi laga sameeyo sanadkii 2016, ayaa ilaa haatan aan dhicin sababo la xiriira dhaqaale la'aan.
Dalka Lubnaan, qoondada gobollada qaar ay ku leeyihiin baarlamaanka dalkaasi ayaa lala xiriirinayaa xogta tirakoobyada laga sameeyo dalkaasi.
Haseyeeshee, wali tirakoob rasmi ah lagama sameyn dalkaasi Lubnaan, tan iyo sanadkii 1932-kii.












