Haweeney dariskeeda maxkamad ugu dacweysay hilib ay dubanayeen dartiis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney ku nool Galbeedka dalka Australia ayaa isku dayday inay qoys dariskeeda ah ka hor istaagto dubashada hilibka, ka dib markii ay maxkamad la tiigsatay.
Cilla Carden oo kasoo jeedda magaalada Cilla Carden ayaa sheegtay in falalka ay qoyskaas sameynayaan, oo ay ka mid yihiin qiiqa iyo carafta ka dhasha hilibka ay dubtaan iyo buuqa carruurtooda ay xad gudub ku yihiin sharciga dagganaanshaha.
Waxay haweeneydan raadisay tallaabo sharci ah oo ay dariskeeda uga joojin karto waxyaabahaas oo dhan.
Guddi loo sameeyay inay arrintan soo baaraan iyo garsoorka maxkamadda ayaa si wada jir ah ugu gacan seyray dacwaddeeda, kaddib markii ay wax caddeyn ah u waayeen eedeymaha ay jeedineysay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeneydan ayaa ku andacootay in ay dhibaato ku qabto carafta hilibka kalluunka ee ay qoyska sida joogtada ah u dubtaan.
"Waxay birta hilibka lagu dubo u adeegsadaan kalluun, maalin kastana hawada waxaa iga qabsada carafta kalluunka, wax kale oo dhan iima soo carfaan", Ms Carden ayaa Isniintii sidaas u sheegtay warbaahinta Nine News.
"Kuma istareexi karo daaradda gurigeyga, xittaa qolka ugama soo bixi karo bannaanka", ayey sii raacisay hadalkeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Carden ayaa ah dadka iska mamnuucay cunista hilibka nooc walba oo uu ahaadaba, oo khudaarta kaliya cuna.
Waxay haweeneydan warbaahinta Australia u sheegtay inay tallaabooyin kale oo dhanka sharciga ah u qaadi doonto sidii ay qoyskaas uga mamnuuci lahayd dubista hilibka kalluunka.












