Dambiilayaasha ma noqon karaan daris wanaagsan?

Xabsiga Halden

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Goob lagu cibaadeysto oo xabsiga Halden ku dhex taallo
Published

Maxay tahay ujeeddada ka dambeysa in qof xabsi loo diro, ma in lagu ciqaabo mise in dhaqan celin looga sameeyo? Labaatan sana ka hor Norway waxay billaawday barnaamij habka loola dhaqmo maxabiista ay wax kaga beddeleyso si loo yareeyo iney maxabiista markale ay dambi galaan.

Wariyaha BBC Emma Jane Kirby ayaa u kuurgashay tallaabbooyinka ay dowladda Norway wax kaga beddeshay sida loola dhaqmo macabiista, waxayna la kulantay qaar ka mid ciidamada loo tabbaray dhaqan celinta macabiista ee xbsigaasi ka shaqeeya oo tusaale ku dayasho mudan ka noqay howlaha ay xabsiga ka qabteen.

Macabiis ka badan 20 oo barnaamijkan ka qayb qaadaneysa ayaa meel caws ah saf u jiifta oo sameeyneyso ciyaarta Yoga, macallimaddooda ayaana amar ku siinaysa waxa ay sameeynayaan.

"Iyaguna waxay leeyihiin sida aad nagu amartay ayaa sameeynay, haa xubnaha oo dhan waan toosinnay, Haa".

Halden prison

Ciyaarta Yoga waa mid caalamka oo dhan caafimaad ahaan looga isticmaalo balse dadka ciyaartaasi ka qayb qaadanaya waxay ku sugan yihiin xabsiga Norway ee ammaankiisa aadka loo adkeeyo ee Halde.

Maxabiista halkan ku jirta waa kuwa geystay fal dambiyeedyada ay ka midka yihiin dil, kufsi, kala gooshinta daroogada, waxayna maxaabiista oo ay aad ugu dhaga nugul yihiin una qaataan amarka ay siiyaan macallimiintooda xabsiga wax ku bara.

Maamulaha xabsiga Are Hoidal ayaa dajinaya macabiista wuxuuna leeyahaya "Ma dooneyno buuq, rabsho iyo caro midna waxaan dooneynaa inuu jawiga xabsiga uu had iyo jeer ahaado mid nabad ah oo deggan."

Maxaabiiska ku jira xabsiga Halden waxaa sannadki ku kaceyso £98,000 celcelis ahaan, halka xabsiyada Britain ku yaalla kharashka maxbuuska sannadki ku baxa ay u dhaxeyso £40,000 -£59,000 iyada oo ay xabsiyada kharashka ku kala geddisnaan karaan.

Laba maxbuus ayaa maamulaha garab socota Mr Hoidal wuxuu ku qosaly wajigeyga cabsida ay ka muuqato wuxuuna yiri:

"Mar weliba maxaabiista iyo ilaalada xabsiga sidan ayay u wada socdaan oo ay isugu dhow yihiin amniga xabsigana si wadajir ah ayay ugu wada shaqeeyaan. Waxbey wada cunaan, kubadda laliska wey wada ciyaaraan arrima badan ayay wada qabtaan taa ayaa keenta inaan maxbiista dhex galno, la hadalno aanna dhiirragelinno."

Ku noqoshada fal dambiyeedyada Norway 2 sano kaddib 20% ayey hoos u dhacday, halka ay UK sannad gudahii 50% hoos u dhacday.

Are Hoidal
Qoraalka sawirka, Are Hoidal, Maamulaha Xabsiga Halden ee dalka Norway

Hoidal wuxuu wakaaladda dhaqancelinta Norway uu ka shaqa billaabay 1980-kii, isaga oo waayo aragnima badan u leh arrimaha xabsiga.

Horraanti sagaashamaadki wakaaladda dhaqancelinta Norway waxay billawday iney adeegyada ay bixiyaan ay wax ka beddelaan oo ay si ka duwan sidi hore ula dhaqmaan maxabiista, waxayna billaabeen tababarro iyo wacyi gelinay siinayaan maxbiista iyo ciidamada asluubta ee xabsiyada ilaaliya.

"Annagu ma nihin ilaalada xabsiga balse waxan nahay shaqaalaha xabsiga maxbuuskana kama caawinno sida uu xabsiga u dhameysan lahaa balse waxaan ka caawinnaa sidi uu muwaaddinwaxtar leguu u noqon lahaa. Anagu waxaan nahay dad ku dayasha mudan, tababaraayaal iyo hagayaal" ayuu yiri are Hoidal.

Dalka Britain oo barnamijka ay Norway hadda waddo mid la mid ah laga sameeyey wuxuu suurageliyey 50% sanad gudahiid inuu hoos u dhac ku yimaadda maxbiista iney ku noqdaan dambiya kale.

Xabsiga Halden dhismahiisa waxaa ku baxday £138 milyan oo gini iyada oo uu leeyahay naqshad cajiib ah.

Faahfaahinta xabsiga

Qololka ay maxbuusta ku hoydaan wuxuu ka sameysan yahay shub waxaana qolkaasi qaabka loo dhisay laga ilaaliyey wax koronta ah in la arko ama ay ka muuqato guriga dhexdiisa waxaana qololkaasi ku xiran Kaamera lagala socdo dhaqdhaqaaqa maxbuuska.

mid ka mid ah qololka maxbuusta gudahiisa

Goobaha ay maxbiista dhaqan celinta loo sameeya ay ka shaqeeyaan waxaa ka mid geerashka baaabuurta subixina waxay u soo shaqa tagaan 7:30 marka laga reebo saacada kooban oo ay galabki nasanayaan waxay ka shaqeeyaan halkan habeenkina si xor ah ayay u dhaqdhaqaaqaan oo guriyaha laguma xiro.

Ujeedka goobaha noocan ee ay ka shaqeeyaan looga diyaariyey waxaa ka mid ah in la dareensiiyo iney xabsi ku jirin oo ay noolasha caadiga ah oo kale dareemaan xirfaddoodana kor ayey ugu soo qaadayaan si barii marka ay bulshada dib ugu noqdaan ay xirfaddaasi noolashooda ugu maareeyaan.Xirfadaha kale la barana waxaa ka mid ah makaanikada, cunta karinta iyo fuundi.

Geerashka gawaarida lagu hagajiyo

Dalka Norway kama jiro maxbuus cimrigiisa xabsi ku dhammeysanaya waa la sii deynaya marka uu dhammeysto inta sano ee lagu xukumay." ayuu yiri Hoidal

Linn Andreassen, shaqaalaha xabsiga
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha xabsiga kala badh waa dumar

"Haddii aan soo deyno dadka jaarka idinla ahaa qof caadi ah oo dadka kale la mid ah ayuu noqonayaa balse, haddii aan maxabiista sida maxbiis ula dhaqanno barri markay xabsiga ka soo baxaan waxay waddooyinka ku noqonayaan waraabe dad cun ah" ayuu yiri Halden oo hadalkiisa sii wata.

(Xabsiga u dheer dalka Norway oo qofka lagu xukumo waa 21 sano, balse sharciga wuxuu dhigayaa siyaaba kale oo keeni kara in ilaa iyo shan sano looga kordhin karo haddii maxabuuska loo arko inuu bulshada khatar gelinayo)

.

Maxbiista inta ya xabsiga ku jiraan waxay helaan waxbarshada ilaa heerka ugu sarreeya oo iyaga oo shahaada haysto ayay xabsiga ka soo baxaan oo marar qaar aqoon durugsan ka soo bartay xabsiga inta ay ku jireen. Waxayna qaarkood ka qaateen waxbarshada xabsiga ay ku barteen shaahdada koobaad, labaad iyo diktoor.

.

Dalka Norway in askariga ilaliya xabsiga la tababaro waxay ku qaadaneysaa 12 usbuuc, halka dalka Britain ay tababarka askariga ku qadaneyso Laba ilaa iyo Seddex sano.

Sariiro looga talagalay dadka maxbiista soo booqda

Dugsiga tababarka oo jaamacadda Oslo u jira 8 km oo ee ku yaalla Lillestrom, wuxuu hoos tagaa Kulliyadda wakaalada dhaqancelinta Norway sanad kastana wuxuu soo saaraa 175, oo laga soo dhex xulay 1,200 oo qof oo tababarkasi soo codsaday.

Hans-Jorgen Brucker wuxuu isoo tusay dhamman qaybaha uu dugsiga tababarka ka kooban yaha isaga oo sharraxaad iga siinayey qayb kasta oo aan tagno, goobaha aan booqday ee aadka ii soo jiitayna waxaa ka mid ah xaruun lagu sameeyo qalabka guriyaha iyo bakhaar weyn oo ay ku jiraan qalabka xaruuntaasi lagu sameeyo.

Hans-Jorgen Brucker
Qoraalka sawirka, Hans-Jorgen Brucker

"Ardaydeyda waxay bartaan sharciga, anshaxa, dambi-baarista, luuqadda Ingiriiska, dib ula midoobidda bulshada iyo arrimaha bulshada. Casharradaasi oo dhan marka ay bartaan waxaa laga qaadayaa imtixaan kama dambeys ah oo lagu kala saarayo." ayuu yiri Hans-Jorgen Brucker.

Fredrik Andorsen
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah ilaalada xabsiga

Dalka Scotland iyo Norway marka la isbarbar dhigo dhinaca xabsiyada, dalka Scotland 100,000 oo qof 150 ayaay xabsiyada ku haysaa balse Norway 100,000 oo qof waxay xabsiga ku haysaa 63 qof oo keli ah.

Xabsiga Halden maxbiista ku jirta, sargaal kasta oo xabsigaasi ku qoran wuxuu mas'uul ka yahay oo wacyi gelin iyo dhaqan celinba uu siiyaa seddex maxbuus, wuxuuna mas'uul uu ka yaha iyaguna ay la xiriirayaan sargaalka mas'uulka ka ah haddii ay jirin arrin culus oo awooddooda ka baxsan.

Gudaha qayb ka mid ah xabsiga Hlden

Xigashada Sawirka, Reuters

Wax kasta oo cabasha ah oo ay maxbiistaasi seddexda ah codsiyada la xiriira sargaalka ayey soo gaarsiinayaan sida telefanka uu qoyskiisa kula xiriiri lahaa maalinki haddii uusan helin iwm, sargaalka ka mas'uulka ah ayaa markiba xal degdeg ah ka siinaya.

Lily Lewis pictured on day release

Dad badan oo dunidan ku nool marka lagu xukumo xabsi daa'im ayaa waxay iyagu u tahay murugti ugu weyneyd oo ku habsato. Haddana marka aad xabsiga kala kulanto maxbiista dumarka xadgudub dhinaca jinsiga ah in loo geysto xaaladdu waxay noqoneysaa mid waxaasoo dhanka duwanoo waji kale yeelato.