Madaxweyne wiilkiisa u xushay shaqo muhiim ah

Eduardo (bidix), waa wiilka seddexaad ee Mr Bolsonaro (midig)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Eduardo (bidix), waa wiilka seddexaad ee Mr Bolsonaro (midig)
Published

Jair Bolsonaro, madaxweynaha midigta fog ee Brazil ayaa wiilkiisa usoo bandhigay in uu noqdo safiirka Brazil u fadhiya dalka Maraykanka.

Eduardo Bolsonaro oo 35 jir ah ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka Brazil, wuxuuna aabihiis kala taliyaa siyaasadda arrimaha dibedda, illaa heer lagu tilmaamay in uu yahay wasiirka qarsoon ee arrimaha dibedda.

Xilka safiirka Maraykanka ayaa banaan illaa bishii April.

Madaxweynahan cusub ayay siyaasadiisa aad ugu janjeertaa dhanka Maraykanka iyo Israa'iil, taas oo ah dhaqan ku cusub siyaasadda Brazil.

Haddii ay tahay in wiilkan uu safiir noqdo, waa in marka hore uu iska casilaa xilka xildhibaanimada.

Dhawr qof oo kale oo qoyskan ah ayaa madaxweynaha la taliyeyaal u ah, iyaga oo sidoo kale haya xilal kale oo dowladeed.

Waxaa ka mid ah wiilkiisa kale ee Flavio oo ah xildhibaan Aqalka Sare iyo wiilka kale ee Carlos Bolsonaro oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Rio de Janeiro.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale lagu yaqaanaa in uu xubnaha qoyskiisa u magacaabo xilal sarsare, gabadhiisa Ivanka ayaa ka mid ah la taliyeyaashiisa.