Sidey Soomaalida uga falceliyeen wiil doobile ah oo ay qoykiisa deyrin rabeen?

Sidiiq Faarax Haybe, oo ah doobiile ku nool magaalada Jigjiga, oo sababo la xiriirta xirfaddiisa dhibaato kala kulmay qoyskiisa ayaa warbixin ay BBC-da ka diyaarisay xaaladdiisa waxaa ka falceliyay bulshada Soomaaliyeed. Sidiiq wuxuu ku sigtay in qoyskiisa uu deyriyo oo aysan tirsan maadaama aysan ku qancin hawsha uu nolalal maalmeedkiisa ka raadsado.
Sheekada Sidiiq oo ay BBC-da shalay baahisay ayaa waxa si weyn uga falceliyay bulshada Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah oo BBC-da la soo xiriiray ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xaaladda uu ku sugan yahay Sidiiq.
"Arrinkan wuxuu igu noqday filan waa, horaan shaqa la'aan ayaa la isku caayi jiray balse weligay ma arag qof lagu caynayo shaqa uu qabtay, dadka qaraabadiisa ah waxaan ku boogaadin lahaa inay aragtida noocan ah ay baddelaan, waxaana jeclaan lahaa inaan ku dhirigeliyo Sadiiq howshiisa, uuna haysto taageero badan, waxaana fiican in wacyigelin arrimahaan ku saabsan bulshadeenna loo sameeyo". Ayuu yiri Siciid Maxamed oo ku nool dalka Ingiriiska.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Sidiiq ayaa sheegay in dhibaatada haysata aysan kaliye ahayn mid ku eg qoyskiisa dhaw, balse qabiilka oo dhan ay kula dagaalsan yihiin sababta uu u doortay howshan uu hayo.
"Hadda waxaaba socda olole qabiilka la iiga saarayo, marka awal waxay ka billaabatay qoyskeyga balse hadda dhammaan waa ay I haystaan, waxayna diidan yihiin shaqada aan hayo."

Cabdiqadir Qaasim Faarax oo ah arday wax ka barta Jaamacad ku taala dalka Hungary ayaa BBC-da u sheegay in Sidiiq uu dhiirigelin weyn u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed.
"Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan Sidiiq ugu hambalyeeyo maalgashiga shaqada uu dhulkiisa ka hirgeliyey iyo go'aanka uu qaatay oo ah inuu dib ugu laabto dalkiisa, waxaana dhihi lahaa taasi waxay dhiirigelin weyn u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, reerkana waxaan u sheegi lahaa inay dhibaatada wiilka ka daayaan madaama aysan shaqo ceeb ahayn, haddii aanu dhallinyarada nahayna wuxuu nooyahay tusaale." Ayuu yiri Cabdiqadir.
Qaar ka mid dadka isticmaala baraha ay bulshada ku xirriita ayaa sidoo kale Sidiiq u diray farriimo dhiirigelin ah, qaarna ra'yigooda arrinkan ku saabsan ayey fariimo ku cabbireen.
Faaisa Cali Dhagaweyne "aniga waxan jooga Sacudiga dharaan dhaqaaa alaabo ayaana dhaqaa musqulaana waan dhaqaaaa waana shaqadeeyda aan jeclahay inaa hormar ka gaaro waana ku fanaaa aduunka waa taako taako meshaaa shalay joogtay maanta ma joogeysid waxaan ka baqaaa inow inta hantiile noqdo iyagana faqri alle ku salido eey luguhiisa fadhiistaan"
Mahamed Kamal Abdirahman "Hadan aragtidayda kadhiibto waxan dhihi lahaa ninkani wa nin rageed waxan mooday inu Afrika joogo waba nin Norway ka yimid waan ehelkisa iyo qarabadiisa waxan ku dhihi lahaa haka daayeenno wiilka dhibaatada."
Abdulkadir Kasim Farah "Waa nin geesi ah. Shaqo waa shaqo inanka waa uu saxanyahay reerka ayaa qaldan. Waa nin ka yimid duni hormartey aniga waa ku taagersanahay Sadiiq go'aanka uu khaatey. Waxaan kooloo iiga muuqata hadalkiisa in uu san Ceyr ufadhin Norwey uu ahaa nin shaqeysan jirey. Hambalyo Sadiiq . Intaan tuugsan laheyt saxiib xooga maal."











