Aretha Franklin, fanaanaddii codka hallaasiga ah lahayd oo geeriyootay

Aretha Franklin oo bandhig ka dhigaysa Chicago, 1992

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aretha Franklin oo bandhig ka dhigaysa Chicago, 1992
Published

Aretha Franklin, 'boqoradda heesaha Soul' oo noqotay haweeneydii ugu horraysay ee ku caan baxda qoob ka cayaarka Rock and Roll, ayaa ku geeriyootay Detroit, ayadoo 76 jir ah.

Fanaanadda ayaa sannadkii 2010 laga helay cudurka kansarka, sannadkii horena waxay ku dhawaaqday inay heesaha ka fariisatay.

Waxaa aad loogu xusuustaa heesaheeda Respect iyo Think, 20 goorna waxay kaalinta 1aad ka gashay tartammada heesaha ee Maraykanka, taariikh faneed soo socday muddo 70 sano ah.

Bandhigii ugu dambeeyey ee ay dhigto wuxuu ahaa bishii Nofember ee sannadkii hore, xaflad ka dhacday New York oo gargaar loogu uruurinayey urur khayriya ah oo uu leeyahay Elton John.

Waxay ku dhalatay Memphis, waxaana dhalay muusikiiste iyo fanaan qaada heesaha kaniisadaha. Yaraanteedii waxaa fanka ku soo abaabiyey Mahalia Jackson iyo Clara ward.

Waxay dadaal u gashay in la barto sannadihii ugu horreeyey ee fankeeda, ayadoo shirkadda Columbia ay garan weyday si ay u dhigto codkeeda.

Sir Elton John ayaa ka mid ahaa dadka amaanta huwiyey, wuxuuna bartiisa Instagram ku qoray "Geerida Aretha Franklin waa dharbaaxo ku dhacday qof walba oo jecel muusig dhab ah".

Annie Lennox ayaa iyadana tiri "Meel sare ayey gaartay, weligeedna waxay ku nagaan doontaa halka ugu sarraysa sammada ee xiddiguhu ku yaallaan, waana cod wanaagsan, oo soo bandhigid wanaagsan, oo ah dadka wax duuba ee dunidan soo maray kuwa ugu sharafta badan"

Bishii Nofembar ee kal hore ayaa ugu dambaysay inay hees masrax ka qaaddo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bishii Nofembar ee kal hore ayaa ugu dambaysay inay hees masrax ka qaaddo

1966kii ayey u wareegtay shirkadda heesaha duubta ee Atlantic Records, waxayna kula midowday kooxda muusigga garaacda ee Muscle Shoals Rhythm Section. Waxaa halkaa ka soo baxay qaar ka mid ah heesaheeda nooca soul-ka kuwa ugu khatarsan iyo fanniyadeeda cajiibka ahayd.

1968, Ameerika oo dhan iyo Yurub waxaa looga yaqaannay "gabadhii Soul-ka", waxayna astaan u noqotay sharafta dadka madow, iyadoo ka soo muuqatay dusha sare ee majalladda Time, waxaana abaalgud siiyey Martin Luther King.

sannadihii sideetameeyadii waxay soo saartay heeso aad looga daba dhacay, waxaana ka mid ahaa Who's Zooming Who? iyo heesta ay George Michael la qaadday ee I knew you were waiting (For Me).

Madaxweyne George W Bush ayaa 2005 ku abaal mariyey billadda madaxweynuhu bixiyo ee xorriyadda, ka dib markii lagu salaamay inay "qabsatay qalbiyada malaayiin qof oo Maraykan ah".

10 sano ka dib, waxay ka oohisiisay madaxweyne Obama markii ay qaadday (You Make Me Feel Like).

BBC