Waa markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee baddu ay si toos ah ugu wajahan tahay markab laga leeyahay dalka Ruushka oo u dhow dekedda Novorossiysk, halkaas oo habeennimadii xalay qaraxyo laga maqlay.
Muuqaal ay faafiyeen ilo ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Ukraine ayaa muujinaya diyaaradda oo dul mareysa badda madow, iyadoo ku sii siqeysa markabka Ruushka.
Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen weerar ay ciidamada Ukraine ku qaadeen saldhig ay ciidamada badda ku leeyihiin halkaasi, iyagoo watay labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn.
Qoraalka Muuqaalka, Moment sea drone approaches Russian ship on the Black Sea
Gabadh caan ah iyo hooyadeed oo dil u geystay wiilal dhallinyaro ah oo mid kamida ay hooyada xiriir lahaayeen
Xigashada Sawirka, PA Media
Mid ka mid ah hablaha saameynta ku dhex leh baraha bulshada
iyo hooyadeed ayaa lagu helay dambi ah inay dileen labo nin oo dhintay markii
gaarigii ay wateen wadada lagala baxay.
Saqib Hussain iyo Hashim Ijazuddin, oo labadooduba 21 jir
ahaa, ayaa ku geeriyooday meel u dhow Leicester bishii Febraayo 2022.
Waxay dhacday kadib markii Mr Hussain uu ku hanjabay inuu
shaaca ka qaadi doono arrin ka dhaxaysay isaga iyo Ansreen Bukhaari xilli ay
wada socdeen, sida ay maqleen xeerbeegtida.
Mrs Bukhaari, oo 46 jir ah, iyo gabadheeda saamaynta ku leh
ee Mahek Bukhaari ayaa la xukumay kadib 28 saacadood oo wada tashi ah.
Intii ay socotay dacwadda, xeerbeegtida Leicester Crown
Court ayaa la dhageystay in Mr Hussain
uu ku hanjabay inuu isticmaali doono muuqaallo galmo ah si uu u soo bandhigo.
Mahek Bukhaari oo heyataa ku dhawaad 129,000 taageero
TikTok ah ayaa halkaasi kusoo bandhigta waxyaabaha la xiriira is qurxinta.
Gabadhii loogu hambalyeeyay kamid noqoshada wasiirrada ee sida deg dega ah looga saaray iyo hadal haynta ka dhalatay
Xigashada Sawirka, FACEBOOK/MARYAM SHETTY
Maryam Shetty ayaa Iyadoo ay jirtay dood markii magaceedu ka dhex
muuqday dadka uu madaxweynaha horgeeyay baarlamaanka ayaa dood cusub la furay
kadib markii magaceeda laga saaray.
Waxaa la dhihi karaa tallaabadaasi waxa ay ay noqotay mid lama filaan ah.
Bilowgiiba, madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa
soo bandhigay magaca Maryam Ibrahim Shettima, oo ka mid ah kuwa loo magacaabi
doono wasiirrada ka soo jeeda gobolka Kano.
Guddoomiyaha aqalka sare ee senate-ka, Senator Godswill
Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka
akhriyay fadhigii Jimcihii.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Maryam
Shetty oo ku sugan xarunta baarlamaanka federaalka subaxnimadii Jimcaha si loo
xaqiijiyo.
Wararka ayaa sheegaya in xiligaan ay heshay warka ah in lagu
bedelay labo magac oo kale oo kala ah Festus Keyamo iyo Dr. Maria Mairiga.
Kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in meesha laga
saaray magaca Shetty ayaa waxaa dood ka dhacday fagaarayaasha iyo baraha
bulshada.
Sida ay u jireen fikrado kala duwan markii magaceeda la
shaaciyay, waxaa sidoo kale jiray fikrado iska soo horjeeda ka dib markii
magaceeda meesha laga saaray.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray dad badan oo ugu
hambalyeeyay horraan I ay kamid noqoto golaha wasiirrada.
Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo shidaal siday ayaa
waxaa duqeeyey oo naafeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine,
waxaana loo malaynayaa in uu yahay weerarkii ugu horeeyey ee lagu qaado markab
ganacsi tan iyo markii Moscow ay ka baxday heshiis lagu ilaalinayey maraakiibta
rayidka ah ee marayey Badda Madow.
Markabka ayaa lagu dhuftay marinka Kerch ee u dhexeeya
Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee la haysto.
Waxay keentay in muddo kooban la hakiyo isu socodka waddada
iyo buundada tareenka ee Marinka.
Dhowr xubnood oo ka mid ahaa kow iyo tobankii shaqaalaha
markabka ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen muraayado jabay.
Labo doomood ayaa goobta soo gaaray si ay u caawiyaan.
Booyadan ayaa lagu soo waramayaa inay saaran tahay
cunaqabatayn Maraykanku ku soo rogay shidaalkii ay siin jirtay ciidamada
Ruushka ee ku sugan Suuriya.
Jimcihii, markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka
ayaa ku dhacay Markab ay leedahay Ukraine, isagoo marayay dekedda Novorossiysk
ee badda madow, oo boqollaal KM u jirta dhulka Ukraine ay maamusho.
Gabadha lagusoo daray liiska wasiirrada ee saacado kadib laga saaray iyo muranka ka dhashay
Xigashada Sawirka, FACEBOOK/MARYAM SHETTY
Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ayaa meesha ka saaray magaca
Maryam Shetty oo ah qofka baarlamanku ay ansixin lahaayeen wasiirnimadeeda
iyadoo lagu badalay xubno kale.
Guddoomiyaha aqalka sare ee senate-ka, Senator Godswill
Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka
akhriyay fadhigii maanta.
Magacyada labada qof ee uu Madaxweyne Bola Tinubu u diray
Aqalka waxaa ka mid ahaa Festus Keyamo iyo Dr. Maria Mairiga.
Sababta keentay in magaca Maryam Shetty laga saaro liiska
wasiirada la doonayo in la ansixiyo ayaan weli la shaacin.
Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii ay xarunta
baarlamaanka isugu soo baxeen koox dad ah oo kasoo jeeda Kano si ay u muujiyaan
taageerada ay u hayaan xilka wasiirnimo ee loo magacaabay Maryam Shetty.
Arbacadii, Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu ayaa soo
diray liiska labaad ee magacyada dadka uu doonayo in Baarlamaanka Qaranka uu
tixgeliyo.
Shaacinta bedelka Maryam Shetty ayaa dhalisay doodo badan oo
dhanka baraha bulshada ah taasoo lagu muujinayo in ay mudantahay isla markaana
ku haboontahay.
Nin si arxan darro ah u dilay canug yar oo uu hooyadii qabay
Xigashada Sawirka, CPS
Maxkamadda degmada Derbyshire ee bariga Midlands ee dalka
Ingiriiska ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday aabo dil “arxan darro ah” u
gaystay wiil uu hooyadii qabay oo 10 bilood jir ah, sida uu sheegay garsooraha
maxkamada Derby Crown.
Craig Crouch oo ah aabaha qabay Gemma ayaa marar kala
duwan nabarro halis ah u gaystay canugan yar bilihii u horreeyay ee dhalashadiisa
taas oo sababtay in ugu dambayn uu u geeriyooday dhaawicii kasoo gaadhay
weerarkii ugu danbeeyay.
Crouch oo 39 jir ah, ayaa lagu helay dambi dil ah iyo saddex
dacwadood oo carruureed Arbacadii kaddib markii xeerbeegtidu ay maqleen in
Jacob uu u geeriyooday, jabniin kasoo gaadhay 39 meelood oo feedhaha ah, 19
nabar oo muuqda iyo dhaawacyo gudaha ah.
Hooyada dhashay Jocob oo lagu magacaabo Gemma Barton, ayaa sidoo kale lagu xukumay 10
sannadood oo xabsi ah sabab la-xidhiidha in ay oggolaatay dhimashada ilmaheeda
iyo iyo jidh-dil naxariis-darro ah ee lagula kaco canuggeeda.
Isagoo xukunka ku ridaya, Mr Justice Kerr ayaa yidhi :
"Jacob wuxuu ahaa ilmo marwalba faraxsanaa, dhoola cadeyn badnaa, canug
aan waligiis ka cabaneynin sida xun ee loola dhaqmay."
Imaamka ugu sarreeya muslimiinta dalka Ghana ayaa tagay Kaniisad ay ka socotay xafladda dabaaldagga dhalashadiisa.
Sheekh Osman Sharubutu waa nin 100 sano jir ah oo af gaaban, waxaana lagu yaqaannaa inuu nabadda u ol'oleeyo.
Mas'uuliyiinta kaniisadda ayaa ku maamuusay xafladda, iyagoo muujinayay sida ay ula dhacsan yihiin noloshiisa. Halkan kasii akhri
Maxay tahay sababta ay dibadbaxayaal Eritrea u dhashay ugu dagaallameen xaafadda Soomaalida ee Stockholm?
Xigashada Sawirka, AFP
Eritrean
ka horjeeda dowladda oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay xaflad lagu taageerayay
dowladda taas ka dhaceysay caasimadda Sweden ee Stockholm.
Waxaa jira warar sheegayaa
in dhowr boqol oo qof ay xoog ku jireen xeyndaabkii booliska iyagoo burburiyay teendhadii
xafladda ka socotay.
Goobta ay isaga horyimaadaan Eriterean-ka ayaa la sheegayaa inay tahay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay.
Booliska
Sweden waxay sheegeen in qofna uusan ku dhaawacmin halkas.
Dadweynaha
Eritrea ee ku nool Sweden si weyn u kala qeybsan. Kuwa waxay
taageersan yihiin madaxweyne Isaias Afwerki halka kuwa kalena ay u arkaan kaligii
teliye xaasid ah.
Bishii
hore booliska Jarmalka ayaa budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday
dibadbaxayaal bartilmaameedsanayay xaflad dowladda lagu taageerayay oo ka
dhaceysay bartamaha magaalada Gessen.
Lix
iyo labaatan sarkaal oo boolis ah ayaa ku dhaawacay ku dhawaad 100 qof waa la
xiray
Weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada dadda Ruushka ku leeyihiin meel u dhow Dekedda Novorossiysk ee badda Madow
Xigashada Sawirka, COPYRIGHT RYBAR
Labo doonyood oo kuwa aan naaquudaha wadin ah ayaa lagu
weeraray saldhig ay ciidamada badda Ruushka ku leeyihiin meel u dhow dekedda
Novorossiysk.
Jimcaha maanta, muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa
muujinaya qaraxyo xooggan oo ruxay dekedda, oo ah xarunta ugu weyn ee wax laga
dhoofiyo dalka Ruushka.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa shaacisay in ciidamadeedu
ay iska caabiyeen weerar ay ciidamada Ukraine ku qaadeen saldhigooda ciidamada
badda iyagoo adeegsanaaya labo doonyood oo nooca aan naaquudaha lahayn ah.
Waxa ay intaasi ku dartay wasaaradu in Maraakiibta Ruushka
oo ilaalo ka hayay Dekadda Saldhigga Ciidanka Badda ay arkeen labada Doomood
isla markaana ay burburiyeen.
Weerarka ayaa sababay in adeegyadda Dekadda si ku-meel-gaadh
ah loo hakiya , sida ay sheegtay daladda Kaspian Sea Pipeline Consortium, oo ah dalad
shidaalka ku rarta maraakiibta ka baxda dekeddaasi.
Barnaamijka baadhista ee BBC-da ayaa muujiyay in ugu yaraan 10 weerar oo Ukraine
ay oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, lala beegsaday maraakiib
militari iyo saldhig ciidamada badda Ruushka ku leeyihiin Sevastopol, iyo sidoo
kale dekedda Novorossiysk.
Isku dhacyada Badda Madow ayaa sii kordhayay toddobaadyadii
la soo dhaafay, ka dib markii Ruushku diiday in uu cusboonaysiiyo heshiis ay gadhwadeen
ka ahayd Qaramada Midoobay, kaas oo u ogolaanaya in Ruushka iyo Ukraine ay u
dhoofiyaan dunida hadhuudh isla markaana la helo marin ammaan ah.
Horaantii todobaadkan, Ruushka ayaa weeraray dekedaha
waaweyn ee Badda Madow ee Odessa iyo Chornomors
Kooxda la baxday dowladda Islaamka (IS) ayaa xaqiijisay in
hoggaamiyahooda Abu al-Xuseyn al-Qurayshi lagu dilay waqooyiga Suuriya iyagoo
sheegya in nin lagu magacaabo Abu Xafsa al-hashami al-Qurayshi lagu beddelay.
Abu hudhayfa Ansari afhayeenka cusub ee ISIS ayaa warka ku
sheegay cod 30 daqiiqo soconayay oo lagu wadaagay barta Telegram-ka.
Wuxuu sheegay in Abu al-Xuseyni al-Qureyshi lagu dilay gobolka
Idlib kaddib markii ay dagaallameen iyaga iyo “Howlgalayaal” shirdoonka Turkiga
ka tirsan. Hadalkan ayaa lagu tilmaamay inuu ula jeedo kooxda Bashar al-Assad
ee ka horjeeda.
Afhayeenka ISIS wuxuu sheegay meydka hoggaamiyaha in lagu wareejiyay
Turkiga kaddib markii la dilay.
Saddex bilood ka hor ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip
Erdpogan ku dhawaaqay in Abu al-Xuseyn al-Qarayshi ay dileen sirdoonka Turkiga.
Afhayeenka cusub ee ISIS ayaa sheegay in afhayeenkii hore ee kooxda, Abu Cumar al-Muhajir, ay
qabsadeen ciidamada Turkiga.
Abu Xuseyn al-Qurayshi wuxuu noqday hoggaamiyaha ISIS bishii
Nofembar ee sanadkii hore. Waa hoggaamiyahiii saddexaad kooxda oo la dilo in ka
yar labo sano. Wax fariin ah dhawaan ma soo dirin.
Markii kooxda awoodooda ay aadka u sareysay 2014-kii oo ay
haysatay qeybo Syria iyo Ciraaq ah ayey ku dhawaaqeen inay yihiin khilaafada
adduunka.
Inkasto awoodda kooxda la wiiqay hadana ciidamo ayaa u jooga
dhowr dal, waxaana walaac laga muujinayaa howlaha ay ka wadaan Afghanistan.
Macalinka Xulka Qaranka heeweenka ee Zambia Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Kacay Xad-gudub Galmo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa baadhaya cabasho rasmi ah oo ka dhan ah tababaraha xulka qaranka haweenka Zambia ee Bruce Mwape, taas oo la xidhiidha xad-gudub galmo oo uu kula kacay haweenay ka qeyb-galaysay ciyaaraha Koobka Adduunka Haweenka.
Mwape ayaa lagu eedeeyay in uu gacmaha shafka ka saaray mid ka mid ah ciyaartoydiisa intii lagu jiray tababar ka dhacay New Zealand 29-kii Luulyo ee sanadkaan.
"Cabasho ayaa ka timid," afhayeen u hadlay Fifa ayaa sidaas yidhi.
Laakiin xidhiidhka kubada cagta ee Zambia (FAZ) ayaa sheegay "in aanay iyaga soo gaadhin wax cabasho ah" waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen warkan kasoo baxay FIFA.
Falkan ayaa dhacay intii uu socday tabobar labo maalmood ah ka hor kulankoodii ugu dambeeyay ee Group-ka ay la ciyaareen Costa Rica, markaas oo Zambia ay 3-1 ku badisay guushoodii ugu horeysay ee Koobka Adduunka.
Af hayeenka FIFA ayaa intaa ku daray: "Fifa waxay si dhab ah u qaadanaysaa eedaymo kasta oo anshax xumo ah, waxayna leedahay hannaan cad oo loogu talogalay qof kasta oo kubbada cagta ah oo doonaya inuu soo sheego dhacdo noocan oo kale ah."
Mwape ayaa loo magacaabay in uu tabobare u noqday xulka Qaranka Zambia bishii May 2018 wuxuuna ka caawiyay inay u soo baxaan Koobka Adduunka markii ugu horeysay.
Andrew Tate oo xabsi gurigii laga sii daayay inta la sugayo go’aanka maxkamadda
Qoraalka sawirka, Tristan iyo Andrew Tate
Andrew iyo walaakii
Tristan waxaa la xiray bishii Maarso, waxaana dacwad lagu soo oogay bishii Juun
iyago beeniyay inay wax dambi ah galeen.
Labadooda ayaa si xor ah u
dhex joogay magaalada caasimadda ee Bucharest iyo deegaanka Ilfov halkaasi oo
ay deggan yihiin.
Waa in ay booliska la socodsiiyaan
marka loo baahdo oo ay u sheegeen hadii deegaankooda isbeddello ama meel kale u
guuraan.
Sidoo kale waxaa laga mamnuucay
in ay la xiriiraan labo qof oo kale oo Romania u dhashay oo iyana la soo
eedeeyay, marqaatiga, dhibanayasha ama qoysaskooda.
Hadii ay qeynuunadan
jabiyaan waxay keeneysaa in ay ku laabtan xabsi guriga ama xari degdeg ah.
Garsoore ayaa hubin doona
in ay u hoggaansameen shuruudaha lixdanka maalmood ee soo socda.
“Waxaan u mahadcelineyaa
garsoorka Romania tixgelintooda cadaaladda” ayuu yiri afhayeen u hadlay
walaalaha kaddib xukunka.
“Natiijada fiican waxay na
gelisay kalsooni ah in wax wanaagsan ay soo baxayaan” ayuu sidoo kale yiri.
Walaalaha ayaa markii ugu horeysay xabsiga laga sii
dayay Desember kaddibna la geliyay xabsi guri saddax bilood kaddib.
Eedaha loo haysto waxay sheegayaan iyaga iyo labo
dumar ah oo la jiray una dhashay Romania in ay sameeyeen koox burcad abaabulan
sanadki 2021kii kuwaas oo ka macaashayay dadka Romania iyo sidoo kale dalal
kale oo ay jiraan mareykanka iyo UK.
Jacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraamatar (Dharam Singh Deol) iyo Hema Malini waxay markii ugu horreysay ku kulmeen halkii lagu duubayay filimka Tum Haseen Main Jawan sanadkii 1970kii.
Filimkan oo magaciisu noqonayo'Waad qurux badan tahay, Annigu na waan da'a yar baan ahay'ayaa markale dib loo duubay sanadkii 1999kii. Daraamatar iyo Hema labaduba waxay ahaayeen xiddigaha filimka hormuudka u ah, halkaas ayuu jaceylkooda ka bilowday inta ay socotay duubista filimka, jaceylkaas oo u horseeday inay Islaamnimo isku guursadaan.
Dad yar ayaa ogsoon in labada jilaa ee caanka ah ee u dhashay Hindiya, (Dharmendra) Daraamandar iyo Hema Malini ay soo islaameen muddo 44 sano laga joogo. Sababta ay u islaameen ayaa waxay ahayd jacayl xad dhaaf ah oo dhex maray labadaas jilaa.
Taageerayaashooda ayey ka yaabsadeen markii 1979 ay labadoodaba qateen diinta Islaamka si ay jacaylkooda uga guul-gaaraan oo isu guursadaan. Jacaylkaas ayaa soo billowday markii ay wada sameeyeen filimka ‘Sholay’ ee la soo bandhigay 1975kii. Halkan kasii akhri
Amniga gobolka Amxaarada oo faraha ka sii baxaya xilli 'xaalad degdeg ah' la geliyey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Golaha wasiirrada Itoobbiya ayaa ansaxiyey go’aan ah in maamulka
amxaarada lagu la geliyo xaalad degdeg ah, kaddib maalmo dagaallo culus ay dhexmarayeen
maleeshiyad gudaha e halkaas iyo ciidanka. Tallaabadan ayaa weli se u baahan
aqbalaadda iyo ansixinta baarlamaanka.
Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegay in kala danbeynta sharciga
ahayd ay healis ku jirto gudaha deegaanka Amhara.
Madaxweynaha maamulkaas, Yilkal Kefale ayaa soo jeediyey in
amniga deegammadaasi uu faraha ka sii baxayo, waxaana uu ugu baaqay dawladda
Addis Abbaba in loo soo gurmado.
Safarrada duullimaadka ayaa la joojiyey laba magaalo oo
waaweyn oo gobolkaas ah, halka isgaadhsiinta la sheegayo in la jaray, taas oo
adkaynaysa ogaanshaha meelaha dagaalka ka socdo iyo xogtii u danbaysay.
Waxaana xogtu guduhu sheegaysaa in malleeshiyaad gudaha ah ee loo
yaqaanno Fano, ay la wareegen maamulka
dhawr tuulo oo maamulkaas ah.
Amni xumo soo wejahaday Sweden iyo Denmark sababo la xidhiidha gubitaanka qur'aanka
Xigashada Sawirka, EPA
Booliska Denmark ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan
kontaroolLada xuduudaha caalamiga ah, sababa la xidhiidha gubitaankii dhawaa ee
qur’aanka oo dalkaas u horseeday khataro dhanka ammaanka ah.
Dadka u dhaqdhaqaaqa aragtiyaha midigta fog ee Denmark
iyo Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay gubay oo sida oo kale dibaatayn kala
duwan gaadhsiiyey dhowr nuqul oo ka mid ah kitaabka quraanka ah.
Arrintani waxa ay ka cadhaysiisay qaar ka mid ah waddama
Muslimiinta u badan waxayna dalbadeen in dhaqankaas la joojiyo.
Sweden ayaa
sidoo kale sheegtay inay sameyn doonto tillaabooyin dheeri ah oo lagu hubinayo
qofka isku dayaya inuu soo galo dalkaas.
Labada dawladoodba way dhaleeceeyeen in qur’aanka lagu
gubo, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay mamnuucaan sababo la xidhiidha
xorriyatul qawlka.
Saynisyahannada oo ogaaday daawo ka hor tegi karta xanuunka Kaneecada
Xigashada Sawirka, SPL
Saynis yahano u dhashay dalka Spain ayaa helay nooc bakteeriyo ah oo ka joojin karta kaneecada in ay dadka u sii gudbiso xanuunka duumada.
Bakteeriyadu ayaa la sheegay in ay dhimi doonto xanuunsidaha kaneecada awoodeda gudbitaaneed boqolkiiba in ka badan toddobaatan .
Cilmibaadhayaasha oo arrintan ku ogaaday si kedis ah ayaa waxay waxay sheegeen in bakteeriyadani ay noqon karto hub cusub oo lagula dagaallamo mid ka mid ah cudurrada ugu da'da weyn adduunka, kaas oo dila 600,000 oo qof sannad kasta.
Tijaabada dhabnimada hawshan ayaa ee adduunka ayaa imika qorshaheedii lagu jiraa.
Tiradii ugu badnayd ee ardayda Mandheera oo helay deeq waxbarasho
Arday tiradoodu kor u dhaafeyso 1000 arday oo ka tirsan dugsiyada iyo xarumaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa deeq waxbarasho ka helay dowladda hoose ee maamulkaas, iyadoo mudnaanta koowaadna la siiyay ardayda leh baahiyaha gaarka ah.
Wakiilka dumarka Mandheera, Umul Kheyr Qaasim, ayaa Said Hassan Anteno ugu warrantay deeqdaas ay bixiyeen.
Qoraalka Codka, Tirada ardayda deeqda helay ayaa kor u dhaafaysa 1000
Madaxweyne Xassan Sheekh oo la filayo inuu maanta tego Dhuusamareeb
Xigashada Sawirka, BBC/ED HABERSHON
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hogaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sida qorshuhu yahay, deegaanada la doonayo in Al-Shabaab laga xoreeyo waxaa kamid ah deegaanka Ceel Buur, oo ay haystaan.
Madaxweynaha, waxaa ka sii horreeyay wefdi shalay tegay Dhuusamareeb oo isugu jira senetaro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee isla baarlamaanka oo deegaamadooda tahay deegaanada hadda la doonayo in laga saaro Alshabaab iyo odeyaasha dhaqanka beelaha deegaanadaas, wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.
Isla Dhuusamareeb, waxaa ka socda shir shalay furmay oo socon doona laba maalmood, kaas oo lagaga arisanayo diyaar garowga duulaanka ka dhanka ah Alshabbaab ee la doonayo in looga saaro deegaannada Ceel Garas, Ceel Buur iyo Galhareeri.
Shirka ayaa ujeedadiisa ugu weyn lagu sheegay xasilinta deegaannadaas kaddib marka Alshabaab laga saaro.
Fannaanad 'buuran' oo loo haysto in lafteedu ay dadka ‘cayilka’ ku caydo
Donald Trump oo iska fogeeyay eedo loo soo jeediyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Donald Trump
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale iska fogeeyay eedo loo haysto, kaddib markii uu ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Washington.
Dacwadda Trump ayaa la xirriirta doorashadii madaxtinimo ee dalkaas, waxaana loo haystaa inuu rabay inuu wax ka bedalo natiijadii doorashadii looga guulaystay ee 2020-kii.
Trump ayaa kiiskan ku tilmaamay mid muujinaya musuq-maasuqa, fadeexadda iyo guuldarrada uu Maraykanka ku hogaamiyay Madaxweyne Joe Biden, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa sidookale lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xilka si hayo, xittaa markii looga adkaaday doorashada.