Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Wararkii u dambeeyay ee dagaalka gobolka Amxaarada

    Xoogagga Amxaarada

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dadka ku nool labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, caasimadda gobolka Bahir-Dar iyo magaalada taariikhiga ah ee Gonder, ayaa BBC u sheegay in dagaal xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dawladda uu sii socday Talaadadii iyada oo qalalaasuhu aanu u ekayn mid sii yaraanaya.

    Iska horimaadyadan ayaa waxaa ka mid ah in la isku adeegsaday hubka cul culus, sida dadka deegaanka ay sheegeen, iyadoo tani ay halis ku tahay ammaanka dadka rayidka ah.

    Idaacadda ku hadasha afka dowladda ee magaalada Bahir-Dar ayaa joojisay tabinta, sida ay sheegeen dadka deegaanku. Dagaalka ayaa sidoo kale ka socda magaalada warshadaha ee Debrebirhan, oo 130km (80 mayl) dhanka waqooyi ka xigta caasimada dalka ee Addis Ababa, halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay arkayeen diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ah oo hawada ku duulaya.

    Dhaqdhaqaaqayaasha lala xiriirinayo maleeshiyaadku waxay sheeganayaan inay gacanta ku hayaan magaalooyin yar yar oo dheeri ah laakiin BBC-da ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashadaas.

    Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr Tedros Adhanom oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha socda. "Gacanta bini'aadantinimada waa adag tahay sababtoo ah waddooyinka oo xiran, isgaarsiintu waa adag tahay xannibaadda internetka awgii," Dr Tedros ayaa ku qoray akoonnada uu ku leeyahay baraha bulshada.

    Dhanka kale waxaa wali socda xariga laga soo sheegayo Addis Ababa iyadoo wariye uu ka mid yahay dadka la xiray. Bekal Alamirew, aasaasihii Alpha Media, ayaa sidoo kale sanadkii hore lagu xiray dagaalkii Tigray.

  2. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay weeraren deegaan ay ku xooganyihiin Al-Shabaab

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxubada caalamka, lagu burburiyay deegaanka Mukayle, oo ka tirsan degmada Buulo-burde.

    Waxaa halkaas ay ku arkeen bakhaar ay Al-Shabaab ku keydsanayeen walxaha qarxa.

    Gawaari ayay sidookale sheegeen inay burburiyeen, halka ay dileen tiro dad ah.

  3. Xiriirka cayaaraha fudud ee adduunka oo go'aan ka gaaray shaqa joojintii marwo Kahdiija

    .

    Xigashada Sawirka, Faarax Macallin

    Qoraalka sawirka, .

    Xiriirka ciyaaraha fudud ee dunida ee loo soo gaabiyo IAAF ayaa aqbalay xil ka qaadisti lagu sameeyay guddoomiyaha xrirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

    Xirriirka ayaa bartooda ay ku keydiyaan magacyada guddoomiyeyaasha waddamada kala duwan ka saaray magaca Khaddijo, waxayna ku bedeleen guddoomiye ku xigeenka xirriika, Faarax Cali Macallin, kaas oo xilkan sii hayn doona.

    Shaqa ka joojinta guddoomiyaha aya waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo dhawaan ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

  4. Alteeso iyo dadkii kale ee marka ay ka degeen Somaliland la xiray

  5. Goormee ayuu dhacayaa feerka ay ku ballameen labada taajir?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mark Zuckerberg iyo Elon Musk

    Dhawaan ayay ahayd markii labada maalqabeen ee iska leh baraha bulshada ee ugu saameynta weyn dunida, Mark Zuckerberg iyo Elon Musk ay isku balansadeen inay feertamaan.

    Qoraal uu soo dhigay barta cusub ee Threads, ayuu Mr Zuckerberg ku sheegay inuu soo jeediyay in 26-ka bishan August la soo gabagabeeyo arrinta oo ay xiligaas diyaar u yahay feerka ay ku ballameen.

    Labada nin ee ugu taajirsan tiknoolijiyadda dunida ayaa ku balamay goob qafilan oo ciyaarta feerka iyo legdanku ka dhaco.

    Loolanka iyo isbalansiga feer ee labada nin u dhexeeya ayaa bilowday bishi July ee sanadkan, kadib markii la hir geliyay barnaamijka cusub ee Threads, oo la tartami doonta Twitter, barnaamijkaas oo uu leeyahay Zuckerberg.

    Waxaa kale oo aad aqrisan kartaa:

  6. Qof aad jeceshahay ma ka tegi lahayd? maxayse tahay duruufta sababi karta?

    Qof aad jeceshahay ma ka tegi lahayd? Maxay tahay duruufta sababi karta in aad kaga hari karto qof aad muddo soo jeclayd, welina aad jeceshahay?

    Ma xalbaa, ma samir-taagwaabaa, mise waa jidka kaliya ee u bannaan qofku marka uu go’aan caynkaas oo kale ah qaato. Heeso badan oo xaaladdan oo kale ka hadlaya ayaa jira, balse tii ugu danbeysay oo uu sameeyay abwaanka magaciisa la yiraahdo Cawaale Ismaaciil Saleebaan (deeqsi) oo u warramay Sidii Burmad.

    Qoraalka Codka, Qof aad jeceshahay ma ka tegi lahayd?
  7. Maxaannu ka ognahay xariga Idiris Alteeso?

    .

    Xigashada Sawirka, facebook

    Qoraalka sawirka, Idiris Alteeso, wuxuu kamid yahay dadka wax ku qora baraha bulshada.

    Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya, in xalay halkaas lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Idiris Alteeso, kaas oo kamid ah dadka wax ku soo qora baraha bulshada gaar ahaanna facebook-ga.

    Wiilkan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, xili uu ku sugnaa hoteel ku yaalla xaafadda Jigjiga yar.

    Idiris wuxuu kamid yahay dhalinyarada qoraalada kala duwan soo dhiga baraha bulshada, balse ilaa hadda ma cada in sababta loo xiray ay la xirriirto qoraalada uu soo dhigo bartiisa facebook-ga.

    Wixii ka soo kordha xariga Idiris, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.

  8. Aktarrada caanka ah ee noloshoodii hore rafaad soo maray

  9. Mareykanka oo wadahadallo 'adag' la yeeshay taliska milatariga Niger

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Taliska Niger

    Diblumaasi sare oo Mareykan ah ayaa sheegtay inuu wadahadallo 'furan oona adag' la yeelatay taliska millateriga afgembiga kula wareegay dalka Niger.

    Victoria Nuland, oo ah ku simaha ku xiigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha afgembiga kula wareegay dalka aanay ogolaan inay dalka dib ugu soo celiyaan nidaamkii dimuqraadiga ahaa, isla markaana ay kahor istaageen inay la kulanto madaxweynaha xilka laga qaaday, Mohamed Bazoum.

    Xubnaha Ururka Dhaqaalaha ee Wadamada Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa lagu wadaa inay kulmaan khamiista, si ay ugu wada hadlaan dhibaatada taagan.

    ECOWAS ayaa hore taliska millateriga Niger ugu digay inuu qaadi doono tallaabo milatari, hadii aanay soo siideyn madaxweyne Mohamed Bazoum.

  10. Nin xaaskiisa u diiday inay 12 sano guriga ka baxdo oo la xiray

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin u dhashay dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii la sheegay in xaaskiisa uu muddo 12 sano ah guriga ku xabisay.

    Lammaanahan ayaa ku nool dalka Faransiiska. Haweeneyda oo sidoo kale Jarmalka u dhalatay, ayay booliisku ugu tageen gurigeeda iyadoo madaxu ka xiiran yahay.

    Booliiska ayaa sheegay in qolka jiifka lagu hareereeyay silig si aysan uga baxsan haweeneydan.

    Ninkan oo 55 jir ah ayaa la xiray isagoo looga shakiyay afduub iyo dembiyo kale.

    Deriskooda oo ay booliisku wareysteen ayaa sheegay in aragtida haweeneyda ay ugu dambeysay 10 sano kahor ayna u heysteen inay dhimatay amaba meesha ka guurtay.

    Qaar kale ayaa sheegay inay maqli jireen qeylada haweeneyda, balse uu ninkeedu ka dhaadhiciyay inay qabto kansar sidaas darteedna ay la ooyeyso xanuun awgii.

  11. Cunista hilibku ma saamaysaa urta dhididkaaga?

  12. Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah geeyay badda cas

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    In ka badan saddex kun oo askari oo Maraykan ah ayaa soo gaaray badda cas iyagoo wata laba markab oo dagaal si ay u xoojiyaan ciidamadooda ka dib markii Iran ay qabsatay tiro maraakiib ah labadii sano ee la soo dhaafay.

    Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegtay in Badmaaxiinta ay galeen Badda Cas Axaddii ka dib markii ay soo mareen Kanaalka Suweys. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in cutubyada cusub ay fududeyn howlaha ciidamada horay usii joogay.

  13. Maxamed Saalax oo war soo saaray kadib warar la isla dhexmarayay oo ahaa in uu dhaqaaqi doono Sucuudiga

    salah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mohamed Salah ayay "ka go'antahay" in uu sii joogo Liverpool sida uu sheegay wakiilkiisa, iyadoo la isla dhexmarayo warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan inuu lacag badan ugu dhaqaaqi karo Saudi Arabia.

    Wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Al Riyadiah ayaa sheegay in Al-Ittihad uu heshiis laba sano ah u soo bandhigay Salah oo uu ku kacayay £155m oo ay sidookale la socoto lacagta lagu soo wareejinayao oo gaareysa £52m.

    Salah, oo 31 jir ah, ayaa xagaagii hore saxiixay heshiis cusub oo saddex sano ah kaas oo socon doona ilaa June 2025.

  14. Faa'iidooyinka ay biyaha Liin- dhanaantu u leeyiihiin Jirkaaga

  15. Shiinaha oo ka hor yimid dhaleeceyn uu Mareykanka u soo jeediyay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Shiinaha ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan dhaleeceynta Mareykanka ee xuquuq badeedkeeda ku aaddan badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha, waxayna ku eedeysay Washington inay "si bareer ah" u taageerto xad-gudubyada madax-bannaanideeda ee ay sameynesyo Filibiin.

    Axadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku eedeysay ilaalada xeebaha Shiinaha inay u dhaqmeen sida "maleeshiyada badda" ka dib markii bambaanooyin biyo ah lagu soo riday markab laga leeyahay dalka Philippine oo sahay u siday xaruntiisa oo kutaal mid ka mid ah jasiiradaha lagu muransan yahay ee Spratly.

    Madaxweynaha Filibiin, Ferdinand Marcos, ayaa u yeeray safiirka Shiinaha u fadhiya dhacdada kadib. Beijing waxay sheeganeysaa inta badan badda Koonfurta Shiinaha inay tahay dhul badeed,ay iyada leedahay inkastoo ay arrintaas liddi kutahay xukunka sharciga caalamiga ah.

  16. Guddoomiyiihii Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo war soo saartay

    Guddoomiyiihii Xiriirka Ciyaaraha fudud

    Xigashada Sawirka, screen grab

    Marwa Kadhija Aadan ayaa sheegtay in gudoomiye kuxigeen keeda uusa shaqo ka joojin ku sameyn Karin maadama ay doorasho ku timid.

    Waxay sidookale sheegtay in xil ka qaadisteeda ay kuiimaan karto oo kali ah hadii dhammaan xubnaha soo doortay ay u faristaan inay xilka ka qaadan.

    ‘’Hadda waxaa i dhinac fadhiya oo ila jooga guddoomiye kuxigeenka Mustaf waxaa kaloo ila jooga seddex xubnood iyo kusimaha xoghayaha,waxaan sheegayaa marka in aan qabannay shir, shirkaas oo kusaabsan warqadii shalay soo baxday in aan beeninno in ay tahay wax kama jiraan sababtoo ah xil igama qaadi karo Faarax Cali Macalin’’ ayay tiri Marwa Kadhija Aadn.

  17. Kumuu ahaa wiilka arooskiisa qorsheynayay ee shilka ku geeriyooday?

  18. Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo tababare cusub soo magacaabay

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Xiriirka kubadda cagta

    Xiriirka Somalia ayaa mar kale tababare lagu magacabo Rachid u magacaabay inuu hoggaamiyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

    Muddo labo sano ayaa loo saxiixay, wuxuuna xilka hayn doonaa ilaa 2025.

    Shaqadiisa waa inuu diyaariyo ciyaartoy xul qaran ah, kuwaasoo ka qeyb gali doona tartamada kubadda Cagta ee Caalamka.

    Rachid Lousteque ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Morocco.

  19. Hawada dalka Niger oo la xiray

    niger

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xiray hawada dalkaasi ilaa amar dambe,iyaga oo sabab uga dhigay hanjabaad faragalin milatari oo kaga imanaysa deriskooda.

    Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujineysa in hadda aysan jirin wax diyaarad ah oo jooga hawada Niger.

    Kooxda Galbeedka Afrika ee Ecowas, ayaa mar sii horreysay ka digtay inay awood u adeegsan karto haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loo soo celin talada kama dambeys 23:00 GMT ee Axadda.

  20. Kuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada

    Kim Jong Ung

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Koox caan ah oo Kuuriyada Waqooyi ka soo jeedda ayaa si qarsoodi ah u jabsatay shabakadaha kombuyuutarrada ee horumarinta gantaallada Ruushka muddo ugu yaraan shan bilood ah sannadkii hore,Sida laga soo xigtay caddaynta farsamada ee wakaaladda wararka ee Reuters iyo falanqayn ay sameeyeen cilmi-baarayaasha amniga.

    wakaaladda wararka ee Reuters ayaa heshay kooxo basaasiinta internetka ah oo ku xidhan dawladda Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo cilmi-baarayaasha amnigu ay ugu yeeraan ScarCruft iyo Lazarus.

    Waxay nidaam dijitaal ah oo xigta xada si qarsoodi ah ugu rakibeen shirkadda NPO Mashinostroyeniya, oo ah xafiiska naqshadeynta gantaallada Ruushka oo ku yaal Reutov, oo ah magaalo yar oo ku taal duleedka caasimadda Moscow.

    BBC ma xaqiijin karto in wax xog ah la qaaday inta lagu guda jiray faragelinta ama in macluumaadka la daalacday.

    Bilihii dhowrtii bilood ee jabsashada ka dambeeyay, Pyongyang ayaa ku dhawaaqday dhowr horumar oo ku saabsan barnaamijkeeda gantaalada ballistic-ga ee mamnuuca ah laakiin ma cadda in tani ay la xiriirto jabsashada. Khubarada ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso sida dalka go’doonsan uu xitaa u beegsan doono xulafadiisa, sida Ruushka, si uu u helo tignoolajiyada muhiimka ah.