Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Gabadhii yareyd ee lagasoo bad-baadiyay dhismihii ku dumay ee dhul gariirkii Suuriya iyo halka ay ku dambeysay

    Syria

    Xigashada Sawirka, AFP

    Markii Afraa laga helay burburka dhismo ku dumay Suuriya, xuddunta ayaa wali ku dhegganeyd hooyadeed ayaa geeriyootay wax yar kadib markii ay umushay.

    Muuqaalka laga soo duubay cunuga yar oo laga soo badbaadiyay dhul gariirkii bishii February ayaa dunida soo qabsaday, tan iyo markaasi waxay samaysay soo kabasho cajiib ah.

    Maanta, Afraa waxay jirtaa lix bilood waa ilmo faraxsan oo caafimaad qaba.

    Eeddadeed iyo adeerkeed ayaa iyada iyo toddoba carruur ah ku korinaya magaalada Jindayris ee Suuriya, oo aan ka fogayn xadka Turkiga.

    "Weli aad bay u yar tahay laakiin waxay i xasuusinaysaa aabaheed iyo walaasheed Nawara, gaar ahaan dhoola cadeynteedii. Waxay ku dhinteen dhulgariirkii ," ayuu yiri adeerkeed, Khalil al-Sawadi, oo haatan gacanta ku haya.

    6dii Febraayo, dhulgariir ba'an ayaa ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, kaas oo dilay in ka badan 44,000 oo qof.

    Wax yar ka dib dhulgariirkii ba'naa ee ku dhuftay Jindayris, Afraa hooyadeed way foolatay oo waxay ku hoos umushay burburka gurigeeda, weyna dhimatay ka hor intaanay samatabbixiyeyaashu helin.

    Afraa waxay ahayd xubinta kaliya ee qoyskeeda dhow ee badbaaday aabaheed, Abu Rudaina, iyo afar walaalaheed ah ayaa dhintay iyo hooyadeedba.

    Khaliil ayaa si cad u xusuustay markii uu burburka hoostiisa ka soo saaray Afraa: “Saqafkii ayaa ku dul dhacay, qof baa isoo wacay oo igu yiri waxay heleen meydka qof dumar ah, isla markii aan imid, waxaan bilaabay inaan qodo, kadibna waxaan maqlay cod, axayna ahayd Afraa wali waxay ku dheggan tahay hooyadeed, waxaanu go'aansanay inaan badbaadino, waxaanu garanaynay inay noqon doonto xusuusta keliya ee ka hartay qoyskeeda." ayuu yiri.

    Muuqaal cajiib ah oo ku saabsan gurmadka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana uu noqday mid si weyn u faafay. Cunuga yar ayaa loo qaaday isbitaalka waxaana markii hore loo bixiyay magaca Aya oo macneheedu yahay mucjiso afka carabiga.

  2. Taliban oo sheegtay in qofkii jihaad u aada meel ka baxsan Afghanistan uusan jihaadin

    Taliban

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxa Wasaaradda Difaaca ee Xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in haddii qof uu u baxo meel ka baxsan Afgaanistaan ​​isagoo ujeedkiisu yahay Jihaad, dagaalkasi uusan ahayn jihaad.

    Mawlawi Muxamed Yacquub Mujaahid ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu u jeediyay taliyeyaasha iyo askarta wasaaradda gaashaandhigga qaranka.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in ciidamadiisa iyo taliyayaasha ciidamada aysan ku dhaqaaqin ficilo sida uu sheegay wax u dhimaya danta sare ee nidaamkooda, abuurana fowdo iyo caasinimo.

    Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka Afgaanistaan ​​ayaa khudbadiisa ku daabacay baraha bulshada

    Mr Mujaahid ayaa yiri hadda waa in loo hoggaansamo amarkii amiirka, waa waajib iyo lama huraan, haddii qof uu ka baxo Afgaanistaan ​​meel kalana uu u aado jihaad, kaasi lama yiraahdo Jihaad.

    Hadalkan ayuu wasiirka gaashaandhigga ee Taliban sheegay xilli mas’uuliyiin kala duwan oo sarsare oo ka tirsan Pakistan ay ku eedeeyeen weerarada iyo falalka amni darro ee ku soo badanaya dalkaas, in laga soo abaabulo Afgaanistaan ​​isla markaana ay kooxaha weerarka geystay sidoo kale kasoo jeedaan dhulka Afgaanistaan.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sidoo kale Alle uga baryay qaar ka mid ah dadka reer Afgaanistaan ​​in ay sidoo kale ku lug yeeshaan falalkaas amni darro waxayna cadeymaha iyo cadeymaha la wadaageen dowladda Taliban.

  3. Sacuudiga oo amray in muwaadiniintiisa ay kasoo baxaan Lubnaan iyo Baxreyn oo ka jawaabtay

    Lubnan

    Baxrayn ayaa raacday Sucuudiga oo u sheegay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Lubnaan sababtoo ah iskahorimaad hubaysan oo halkaas ka socda.

    Digniintan ayaa timid ka dib markii saddex iyo toban qof lagu dilay dagaal u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda ee ka socda xerada ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee Lubnaan oo ku dhow magaalada Sidon.

    Dagaalka ayaa waxa uu ku kooban yahay gudaha iyo hareeraha xeradaasi.

    Sidoo kale waxay ku kaliftay Kuwait, Jarmalka iyo Ingiriiska inay cusbooneysiiyaan digniinta safarka ee Lubnaan.

    Raisul wasaaraha lubnaan ayaa sheegay in xaaladu aysan khatar ah ahayn isla maraakan cabsida la yareeyo.

  4. Maxaad ka taqaan faa’iidooyinka cajiibka ah ee Moxogga?

  5. Tobanka dal ee ugu awoodda badan dunida Muslimka

  6. Maxaa loo hadal hayaa gabadha uu dhalay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya?

  7. Todobo qalad oo laga aaminsan yahay naasnuujinta, balse aan run ahayn

  8. Daawo: Wareysi gaar ah oo ay la yeelatay BBC da ardayada gashay kaalinta kowaad ee imtaxaanka fasalka 12'aad ee Soomaaliya.

    Natiijada imtixaanada dugsiyada sare oo maanta la soo bandhigay ayaa waxaa kaalinta koowaad ka gashay Deeqa Maxamed Cabdullaahi.Bogga wasaaradda waxbarshahada Soomaaliya ayaa sida tan lagu soo qoray''Hambalyo Deeqa Maxamed Cabdullaahi oo kaalinta 1’aad gashay.''

  9. Madaxweynihii la afgambiyay ee Niger oo baaq soo saaray

    niger

    Xigashada Sawirka, EPA

    Hogaamiyihii Niger ee xilka laga tuuray ayaa ku booriyay Mareykanka iyo "beesha caalamka oo dhan" inay gacan ka geystaan ​​"soo celinta... nidaamka dastuuriga ah" kadib afgambigii todobaadkii hore.

    Qoraal lagu qoray wargeyska Washington Post, ayuu madaxweyne Maxamed Bazoum ku sheegay inuu wax qorayo isagoo "la haysta ah"

    Waxa uu sidoo kale ka digay in gobolka uu ku sii dhici karo saameynta Ruushka, iyada oo loo sii marayo kooxda Wagner oo horay uga shaqeysay dalalka deriska ah.

  10. Orodkii Jolien Boumkwo iyo sida uu uga duwan yahay kii Nasro

  11. Maxay tahay doorashada Maanta kasocota Laascanood?

    laascaanood

    Xigashada Sawirka, Social

    Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo loo yaqaan Cabdulqaadir Fidhiye waxaa loo doortay Hogaanka SSC iyadoo 30 cod oo ka mid ah 45ta xubnood ee uu ka kooban yahay golaha dhexe ay u codeeyeen, halka 15 ka mid ah ay codka siiyeen Maxamed Ismaaciil Bulaale oo la tartamayey.

    Firdhiye oo loo doortay hogaanka SSC ayaa 1972dii ku dhashay degmada Taleex, waxbarashada hoose iyo ta sareba ku qaatay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, halka culuunta Diinta islaamkana Jaamacada Umma ee Nairobi uu ka qaatay.

    Hogaankan cusub ayaa la wareegaya dhamaan maamulka SSC oo awal madaxda dhaqanka dusha ka saarnaa iyo guddiga 33-da ahaa oo haatan hawshoodii dhamaatay.

    Hadda waxaa socota doorashada kuxegeenkiisa.

  12. Wakhtiga loo qabtay milatariga Niger inay awoodda kusoo celiyaanoo gegebo ku dhaw

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Iyadoo ay gabagabo tahay waqtiga kama dambaysta ah ee todobada maalmood ah ee madaxda galbeedka Afrika ay siiyeen militariga Niger si ay dib ugu soo celiyo madaxweyne Mohamed Bazoum-ka la afgambiya, labada dhinacba ayaa waxaa laga suhayaa goa'aanada ay qaadan doonaan.

    Fiidnimadii Axadda ee la soo dhaafay, ururka Ecowas ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Bola Tinubu ee dalka deriska la ah Nigeria, ayaa sheegay in milatariga uu haysto toddobaad uu ku soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ama uu wajihi doono isticmaalka suurtagalka ah ee awood milatari.

    Cunaqabatayn ayaa lagu soo rogay hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay, waxaana la jaray korantadii ka iman jirtay Nigeria, iyo xuduudaha oo laxiray taas oo la macno ah in badeecadaha aanay imanaan karin gudaha dalkaas, isla markaana dalka oo aan bad lahayn uu waayay dekado uu badeecadaha kula soo dego.

  13. Maxaa sababa bidaarta gasha haweenka, sideese looga hortagi karaa?

  14. Somaaliya oo maanta yeelatay xarun cusub oo dhiigga lagu keydiyo kadib sanado badan

    OPM

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta Qaranka Soomaaliya

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka Soomaaliya.

    Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay k ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliya u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga marka loo baahdo.

  15. Raysulwasaarihii hore ee Pakistan oo la soo xiray Kadib markii la xukumay

    PAKISTAN

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

    Mr Khan ayaa lagu helay danbi ah inuusan shaacin lacagta uu ka helay iibinta hadiyado uu ku helay xafiiska. Wuu diiday eedaymaha wuxuuna uu sheegay in uu racfaan ka qaadan doono.

    Xukunka kadib, Mr Khan waxaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala Lahore.

    Qoraal horay loo sii duubay oo uu soo dhigay X, oo hore loogu yiqiin Twitter-ka, ayuu u sheegay taageerayaashiisa: "Waxaan leeyahay hal racfaan oo kaliya, ha fadhinina guriga idinka oo aamusan."

  16. Edris Elba ma wuxuu bartay af-Soomaaliga?

  17. Xarunta wasaaradda awqaafta ee Masar oo uu dab ka kacay

    Masar

    Xigashada Sawirka, Social media

    Subaxnimadii saaka ayaa waxaa dab xooggan uu ka kacay dhismaha Wasaaradda Awqaafta ee ku taalla bartamaha magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana kooxaha dab-demiska oo uu kormeerayo guddoomiyaha magaalada Qaahira billaabay dadaallo lagu xakameynayo dabka.

    Ciidamada Ilaalada Madaniga ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan, iyadoo aysan jirin dhimasho iyo dhaawac, waxaana hadda socda howlo qaboojin ah.

    Guddoomiyaha Qaahira ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi injineero ah oo baara dhismaha, isla markaana go’aamiya inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabka.

    Xeer ilaalinta iyo dambi baarista ayaa loo yeeray si ay ugu kuur galaan goobta uu dabku ka kacay, gaar ahaana waxa goobta laga saaray dhamaan shaqaalihii ka shaqaynayey, kadib markii ay wasaaradu todobaadyo ka hor u rartay xarunta cusub ee maamulka.

  18. Nolosha Qoyska: 10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan!

    Is fahan

    Xigashada Sawirka, Alamy

    Waxaa jira arrimo ay jecelyihiin ama neceb yihiin bina'aadamka. Waxaa jiro kuwo uu in yar jecel ama neceb yahay.

    Dumarku, sidoo kale, iyagoo qayb ka ah bani aadamkaas, waxay leeyihiin waxyaabo ay jecel yihiin iyo kuwa ay naceb yihiin .

    Hadaba, waxaa jiro waxyaabo ay dumarka aad uga xanaaqaan oo ay naceb yihin ayna u arkaan waji-gabax.

    Waxyaabahsaasi waxaa ka mid ah 10 shey ee soo socda. Halkan kasii akhri

  19. Imaam masaajid oo dirqi kaga baxsaday weerar ay ku qaadeen jameecadiisa

    Sudaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Imaam Masaajid oo caan ah oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa lagu soo waramayaa in uu si dirqi ah kaga baxsaday dad caraysan oo doonayay in ay waxyeelaan.

    Dadkan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen banaanbaxayaasha kasoo horjeeda dowladda dalkaas, kuwaas oo Imaamka ku tuhmay in uu taageersanyahay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

    Muuqaal baraha bulshada lagu soo daabacay ayaa muujinayay dadka oo masaajidka dhexdiisa ku qeylinaya Imaan Cabdi Xayi Yuusuf, kuna leh "Ka kac meesha oo na hoggaamiye", iyaga oo ula jeeda mudaaharaadka ka dhanka ah dowladda. Halkan ka akhri

  20. War deg deg ah, Raiisul-wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah

    Imran Khan

    Ra'iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib eedeymo musuqmaasuq oo uu beeniyay.

    Maxkamad ku taal Islamabad ayaa ku heshay danbi ah inuusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyadaha dowladda.

    Xaakimka ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxaana qareenkiisa Intazar Hussain uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ra’iisul wasaarihii hore laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore.

    Kooxda Mr Khan ayaa sheegtay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka.