Masaajid loo burburiya si waddo loo balaariyo oo caro ka dhalisay Ciraaq
Masjidka Al-Siraaji ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Ciraaq kadib markii dowladda hoose ee gobolka Basra ay burburisay masjidka qadiimiga ah si loo dhameystiro ballaarinta wadada xeebta ee Abu Al-Kasib, ama waxa loo yaqaan wadada gudaha ee aada degmada.
Barasaabka Basra Asaad Al-Cidaani ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Dadka howsha wada waxa ay bilaabeen shaqada burburinta iyo qaadista Minaaradda Masjidka Al-Siraaji, kadib markii ay talaabadan isku afgarteen xukuumadda Basra iyo agaasimaha hay’adda Awqaafta Suniga, ka dib markii uu dhawaan socdaal ku tagay gobolka.
Wuxuuna intaa kudaray in dawlada hoose ay qaadatay masuuliyada dib udhiska masaajka iyo balaarita si ku haboon magaciisa iyo taariikhdiisaba iyo sidookale in uu laqabasado magaaleynta kasocota gobolka.
Dhanka kale, Wasaaradda Dhaqanka Ciraaq, ayaa wacad ku martay inay jawaab sharci ah ka bixin doonto talaabada, ka dib markii la burburiyay Masaajidka Al-Siraaji.