You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Hey’ad gargaar oo shaaciyey iney joojisay gargaarkii ay ka haysay Laascaanood

    Hay’adda Dhakhatiirta aan Xuduudda laheyn ee MSF, ayaa waxay joojisay adeegyadii ay ka fulin jirtay cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Soomaaliya.

    Tani ayaa ka danbeysay kadib markii ay sare u kaceen colaadda iyo amni darrida soo noq[1]noqotay ee ka jirta gobolka Sool, taasoo saameysay adeegyadeedii caafimaad.

    Weerarada soo noq-noqday ee loo geysanayay xarumaaha caafimaadka, iyo colaadda daran ee ka jirta Laascaanood, ayaa waxay MSF ku khasabtay in gebi ahaanba ay joojiso adeegyadeeda caafimaad.

    Sidoo kale, hey’adda ayaa waxay u baqday badqabka iyo ilaalinta bukaannada, iyo shaqaalaheedaa caafimaadka.

    Dhacdadii ugu dambeysay, ayaa waxay dhacday 8-dii bisha July, Waxaa la weeraray cisbitaalka guud ee Laascaanood xilli dagaal uu socday.

    Wuxuu dhaawac soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo ehelada bukaannada.

    Dagaalka ayaa wuxuu sidoo kale burburiyay mid kamid ah gawaarida gurmadka deg degga ah, wuxuuna horseeday in la xiro qeybta cisbitaalka ay haweenka ku umulaan.

    Waa dhacdadii shanaad tan iyo 6-dii bishii February ee sanadkan. Dagaalladii horey uga dhacay Laascaanood, ayaa waxaa ku dhintay shaqaale caafimaad, iyo dad mutadawiciin ahaa oo ka qeybqaadnayay daweynta dadka dhaawaca ahaa.

  2. Diyaardaha dalal kala duwan oo qeyb ka noqonaya daminta dabka ka kacay Giriiga

    Waddamada deriska la ah, ayaa diyaarad dab-damis ah u diray jaziiradda Rhodes, si ay u taageeraan adeegyada degdegga ah ee Giriigga ee wax ka qabashada dabka weyn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay waaxda dabdemiska.

    Diyaaradahan, ayaa ka kala yimid dalalka Turkiga, Masar iyo Croatia.

    Afhayeenka koox dam damiska ah oo katirsan ciidamada dalka Giriiga, Vasilis Varthakogiannis, ayaa sheegay in sideed diyaaradood oo labo ka mid ah laga soo diray Turkiga, iyo mid laga keenay Croatia ay la tacaalayaan dabka ka kacay agagaarka tuulada Asklipeio.

    Toban kale oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca - oo ay ku jiraan saddex ka yimid dalka Masar - ayaa sidoo kale taageeraya dadaallada lagu xakameynayo dabka weyn ee ka kacay jaziiradda Rhodes, ee qeybta ka ah dalka Giriiga.

  3. Weriyaha BBC-da ee maalintii arooskiisa uu aabbihiis is dilay

  4. In ka badan 20 askari oo ku dhintay weerar is qarxin ah oo saaka lagu qaaday xero ciidan oo ku taala Muqdisho.

    Warrar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

    Illo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in 25 askari ay dhinteen kaddib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira.

    Dhawr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaalo ku yaala Muqdisho.

    Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuura sida il wareed ka tirsan Miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego uu BBC-da u sheegay.

    War saxaafadeed ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.

    Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay miltariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.

  5. Maxay guddoomiye Sacdiyo ka dooneysay Garowe oo looga hor istaagay

    Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa laga hor istaagay inay u duusho magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa, in diyaarad lagu waday inay Muqdisho ka soo qaaddo Sacdiyo lagu amray inaysan soo qaadin guddoomiye ku xigeenka aqalka iyo wefdi la socday oo ay isugu jiraan wasiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo.

    Sacdiya ayaa lagu waday inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri xafladdiisa caleema saarka ay ka dhacdo magaalada Garowe.

    Sanadkii hore ayay ahayd markii diyaarad siday guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka lagu qasbay iney dib ugu noqoto Muqdisho.

    Waxaad sidookale aqrisan kartaa:

  6. WAR DEGDEG AH: Qarax ka dhacay xero ciidan oo ku taala Muqdisho

    Warrarka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax weyn laga dhex maqlay xero ciidan oo ku dhex taala kuliyadda Jaale Siyaad ee degmada Hodan.

    Qaraxa oo loo malaynayo inuu ahaa qof walxaha qarxa isku soo xiray oo dareeska ciidamada xirnaa, ayaa beegsaday ciidan saf ku jiray oo joogay xerada, sida illo wareedyo madaxbannaan ay BBC-da u sheegeen.

    Qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay askar dhaawacyo soo gaareen oo laga soo saarayo xerada, mase cadda illaa hadda tirada askarta waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa.

    Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, iyagoo intaa ku daray in mid kamid ah xubnahooda is qarxiya uu beegsaday ciidan saf ku jira, isla markaana uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo tiro rasmi ah aanay sheegin.

  7. Boqol maalmood oo ka wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Sudan

    Boqol maalmood ayaa maanta oo Isniin ah ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo hor jeeda ee loo yaqaano RSF.

    Dagaalka ayaa burburiyay caasimadda Khartoum, wuxuuna sidookale horseeday barakaca in ka badan sadex milyan oo qof iyo isku dhacyo beeleedyo ka dhacay galbeedka gobolka Darfuur.

    Dhanka kale, waxaa dhowr mar guul dareystay isku dayo la doonayay in lagu dhaqan geliyo xabad joojin, welina ma muuqato astaan muujinaysa in mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu diyaar u yahay wadahadal nabadeed.

  8. Mid kamid ah mas'uuliyiinta Mandheera oo qaati ka taagan warbaahinta Kenya

    Barasab ku xiigeenka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Dr Cali Macalim, ayaa warbaahinta Kenya ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen amniga magaaladaasi.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu ku sheegay in warbaahinta ka howl gala gudaha Kenya ay ku hayaan dhibaato ka weyn midda ay Al-Shabaab ku heyso deegaankaasi.

    Waxaa uu beeniyay hadal dhawaan qabsaday baraha baraha bulshada, oo ah in barasabka Mandheera uu sheegay in Al-Shabaab ay ka taliyaan deegaankaas boqokiiba 60.

    Ha yeeshee waxaa hadalkaasi gaashaanka u daruuray barasabka oo sheegay in warbaahinta ay si qaldan u fasirteen warkiisa.

  9. 'Aniga oo ka cararaya rag arxan-laawayaal ah ayaan wadada ku dhalay'

  10. Heshiis horu-dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay Cadale iyo Raage Ceele

    Heshiis horu-dhac ah ayaa laga gaaray dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya wadahadallada qabaa’ilka dhexmaraya, ayaa sheegay in labada beelood ay ku heshiiyeen in xabadda la joojiyo isla markaana, miliishiyooyinka la kala qaado.

    Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.

  11. Ruushka oo sheegay inuu Ukraine kala wareegi doono dhoofinta qamadiga Africa

    Madaxweyne Putin ayaa sheegay inuu Africa si toos ah ugu dhoofin doono qamadi oo uu Ukraine kala wareegi doono. Hadalkan ayuu sheegay kaddib markii uu isaga baxay heshiiskii dhoofinta qamadiga oo ay garwadeencka ahayd QM.

    Bayaan ka soo baxay Moscow ayaa lagu sheegay in qiimo jaban lagu dhoofin doono qamadiga. Haddaba maxay arrintani uga dhigan tahay Ruushka iyo Afrikaba? Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo oo ka faalooda siyaasada dunida ayaa ka warramaya

  12. Dhibaatooyinka iyo faa'iidooyinka kiniinka ka hortagga uurka

  13. Dagaalka Suudaan ka socda oo galay maalintiisii boqolaad

    Iska hor’imaadyo ayaa laga soo weriyay qaybo kamid ah dalka Suudaan oo dagaalka ka socda uu maanta oo Axada galay maalintisii boqolaad. Waxa guul dareystay dhammaan dadaalladii gobolka iyo kuwii caalamiga ahaa ee lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka.

    Dagaalka Suudaan ayaa qarxay 15 kii April ee sanadkan, markaasoo ay fooda is dareen ciidmada milatariga ee wadankaasi iyo ciidanka gurmadka degdeg ah ee RSF.

    Dagaalka ayaa sal kiciyay sedex milyan oo qof, kuwaas oo todobo boqol oo kun oo qof oo kamid ah ay u qaxeen wadamada dariska ah.

    Boqolkaas maalmood 1,136 qof ayaa dagaalka ku dhintay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, in kastoo la rumeysan yahay in tiradu intaa aad uga badan tahay.

    Labada dhinac ee isku herdinaya Suudaan midkoodna guul muuqata kama gaarin dagaalka.

  14. Wasiir hore oo lagu dilay Muqdisho.

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta la dilay Wasiirkii hore ee Beerraha ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

    Wasiirka la dilay oo la yiraahdo Xasan Axmed Muudey ayaa rag hubeysan waxay ku weerarreen degmada Yaaqshiid oo uu deganaa, salaaddii casar kaddib sida uu BBC-da u sheegay xubin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

    Wasiir Muudey ayaa kamid ahaa Golihii Wasiirrada ee xiligii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

    Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka wasiirkii hore ee Beeraha Hirshabeelle Xasan Axmed Muudey.

    Illaa hadda hay’addaha amaanka ee Dawladda Federaalku kama hadlin dilka galabta ka dhacay degmada Yaashiid, ee lagu khaarajiyay Wasiir hore Xasan Axmed Muudey.

  15. Aden Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay xildhibaannada Soomaaliya uga mid noqonaya Barlamaanka IGAD.

    Labada Gudoomiye ee labada Aqal ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Soomnaaliya ayaa shan xildhibaan u soo xulay inay kamid noqdaan Barlamaanka IGAD.

    Shanta Xildhibaan ayaa kala ah:

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh

    Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan

    Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac

    Xildhibaan Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro)

    Senator Sareedo Maxamed Xasan Jayte

    Xubnahan ayaa loo gudbin doonaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, oo iyana u gudbin doonta Urur Goboleedka IGAD.

  16. Jaceylkii iyo caqabadihii uu la kulmay guurka Kajol iyo Ajay

  17. Netanyahu oo la dhigay Isbitaalka xili cod loo qaadayo sharciga cusub ee dib u qaabaynta nidaamka garsoorka Isra’iil.

    Ra’isul Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa galay qaliin degdeg ah, kaddib markii habeenimadii Sabtida la dhigay Isbitaalka.

    Dhakhaatiirta Isbitaalka Sheba Medical Centre ayaa sheegaya in qaliinku si wanaagsan u dhacay, isla markaana aanay jirin wax khatar ku ah nolosha Ra’isul Wasaaraha.

    Isbitaal jiifinta Netanyahu ayaa imaanaysa, iyadoo la filayo in Barlamaanku cod u qaado sharciga cusub ee muranka badan dhaliyay ee wax ka badalka garsoorka Isra’iil.

    Dibad baxayaal ka soo horjeeda wax ka badalka nidaamka garsoorka Isra’iil ayaa gilgilay magaalooyinka waaweyn, waxana shaqaale badan ay ku dhawaaqeen shaqo joojin kahor u codeynta sharciga cusub.

    Muuqaal uu dadka kula hadlayay Ra’isul Wasaare Netanyahu qaliinka kahor ayaa sheegay inuu aad u fiican yahay balse uu dhagaysanayo talooyinka dhakhaatiirtiisa.

    Waxa sii kordhayay su’aallo la iska waydiinayay caafimaadkiisa, kaddib markii todobaadkii hore uu tagay isbitaalka isagoo ka sheeganaya fuuq bax.

    Qaliinku si wanaagsan ayuu u dhacay, wax culeys ahna ma jirin ayuu yiri Prof Roy Beinart oo ka tirsan Isbitaalka Sheba Medical Centre, wuxuna intaas ku daray in nolosha Ra’isul Wasaaruhu aanay wax khatara ku jirin.

    Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in Netanyahu laga saari doono Isbitaalka waqti dambe oo maanta ah, laakiin xafiisku wuxuu hoosta ka xariiqay in dib loo jadawalyn doono safarkisii qorshaysnaa ee uu ku tagi lahaa Qubrus iyo Turkiga.

  18. Assimi Goïta: Dastuurka Cusub ee Mali oo awoodo dheerad ah siinaya madaxweynaha

    Dawladda Milatariga ah ee Mali ayaa dhaqan galisay datuurka cusub oo awoodo dheeraada siinaya Madaxweynaha iyo Ciidamada.

    Dastuurka cusub ayaa sidoo kale abuuraya Aqalka Odayaasha, wuxuna hoos u dhigayaa luuqadda faransiiska oo awal ahayd luuqadda rasmiga ah ee shaqada.

    Mali tan 2020 kii waxa xukumayay Golaha Sare ee Miltariga.

    Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ayaa cambaareyay isbadallada dhacaya, inkastoo Guddiga Doorashooyinku sheegayo in 97% loo codeeyay aftida dastuurka ee la qabtay bishii la soo dhaafay.

    Dadka dhaleeceynaya isbadalladan ayaa tilmaamaya, in tani u fududeyn doonto janaraallada wadanka xukuma inay ka baxaan balantoodii ahayd, inay xukunka ku wareejinayaan hoggaamiyayaasha rayidka kaddib doorashada la filayo inay dhacdo February 2024.

    Dastuurka cusub ayaa ka dhigaya Madaxweynaha KMG ah Col Assimi Goïta mid ku amar taagleyn kara siyaasadda dawladda, isagoo kala diri kara Barlamaanka.

    Kiiska sharci ee leh waa in waxba kama jiraan laga soo qaadaa aftidii dastuurka loo qaaday, maadaama aan wadanka oo dhan laga qaban ayaa waxa diiday Maxkamada Dastuuriga ah ee Mali.

    “Qaladaad dhacay xiligii aftida, iyo xadgudubyo dhinaca sharciga ah oo la sameeyay ayaa macno ahaan ka dhigaysa in meesha laga saaro aftida” sidaa waxa yiri dhaqdhaqaaqa mucaaradka Mali oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka.

    Golaha Miltariga ayaa taageero xoog leh helay markii ay awoodda la wareegeen, markaasoo ay dhaceen mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynihii xukunka laga riday ee Ibrahim Boubacar Keïta sedex sano kahor.

  19. Maxa ka jira warrarka sheegaya in sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Hodan isu dhiibay Alshabaab?

    Warbaahinta Alshabaab ay baahisay cod nin sheegay inuu horey uga tirsanaa maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasoo waraysi laga qaaday ku sheegay inuu soo noqday gudoomye kuxigeenka arimaha bulshada ee degmada Hodan.

    Xiriir ay BBC-du la sameysay maamulka degmada Hodan ayaa xaqiijiyay in ninkan uu horey uga soo shaqeeyay degmada, balse ay ugu dambeysay dhawr sano kahor.

    Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Salaad Maxamuud ayaa codka la baahiyay ku sheegay inuu tagay dhulka ay xukumaan Alshabaab, isagoo sababbaha uu uga tagay maamulka degmada ku tilmaamay in dawladdu aanay ku dhaqmin kitaabka quraanka.

    Hay’ddaha Amniga ee Dawladda ayaa in dhaweydba baaris ku hayay xubno ka tirsanaa maamulka degmada oo looga shakisnaa inay wadashaqayn la lahaayeen ururka Alshabaab.

  20. Maxaa kajira in fannaanka Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa?

    Fannaanka Qaramar Suugaani oo dhowaanahan ku sugnaa magalaada Nairobi ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

    Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal international ee magaalada Hargeysa.

    Balse waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in Qamar aan la xirin, isagoo ku sugnaa garoonka muddo kooban.

    Cumar Sayid oo ah maareeyahay hay’adda duulista hawada Somaliland oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in aan la xirin fannaanka balse muddo kooban uu ku sugnaa garoonka si loo hubiyo dukumentiyadiisa.