George Alagiah, oo ka mid ahaa saxafiyiinta ugu muddada dheer ee
kasoo shaqeeyey BBC-da, uguna qadarinta badnaa, ayaa dhintay isagoo 67 jir ah.
Waxaa laga helay cudurka Kansarka sagaal sano.
War qoraal
ah oo ka soo baxay wakiilkiisa, ayaa lagu sheegay inuu maanta dhintay, isaga oo
ay ku hareereysam yihiin qoyskiisa iyo eheladiisa.
"George
waxaa aad u jeclaa qof kasta oo isaga yaqaan, hadday tahay saaxiib, eheladiisa,
iyo dadweynahaba.
Wariye Alagiah
ayaa wuxuu dhintay galinkii hore maanta oo Isniin ah, isagoo la galay "dagaal
qaraar illaa iyo dhimashadiisii cudurka Kansarka", sida uu sheegay wakiilkiisa.
Wariye Alagiah,
ayaa waxa uu ku guuleystay abaal-marinno la xiriira warbixinnada macluusha, iyo
dagaalladii Soomaaliya ka dhacay horraantii 1990-meeyadii.
Waxaa
sannadkii 1994-kii la guddoon siiyey abaal marinta Baftada, isagoo ka warramay
ololihii xasuuqa ahaa ee uu Saddaam Xuseen ku qaaday Kurdiyiinta Waqooyiga dalka
Ciraaq.
Waxa kale
oo uu sannadkii 1994-kii loo aqoonsaday weriyaha sannadka ee hey’adda Amnesty
International, isagoo ka soo warramay dagaalladii sokeeye ee dalka Burundi,
waxaanu ahaa weriyihii ugu horreeyay ee BBC-da ee ka warrama xasuuqii dalka Rwanda.