You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yaasmiin oo mar dhaawac ka badbaadisay Priyanka Chopra
Atariishada caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Priyanka Chopra, ayaa sanad guurada dhalashada ugu hanbalyeysay Yaasmiin Al-Masri oo mar ay xasuusato inay ka badbaadisay dhaawac lagu tilmaamay mid halis ahaan lahaa.
Priyanka ayaa baraha bulshada taageerayaasheeda kula wadaagtay muuqaal laga arkayo iyadoo atariishada reer Lubnaan ka badbaadineyso dhaawac soo gaari rabay.
Labada atariisho ayaa isla jilay filimkii musalsalka caanka ahaa ee Mareykanka, Quantico, oo uu soo saaray telefishinka ABC.
Muuqaalka ayaa lagu arkayaa Priyanka oo socota, gadaasheedana uu kasoo socdo kursi uu Camero la fuushan yahay nin ka mid ah farsamayaaannadii duubayay filimka Quantico, mana aysan ka warqabin iyadu.
Laakiin Yaasmiin oo garabkeeda socotay ayaa kusoo boodday iskuna duubtay si ay dhaawacaas uga badbaadiso Priyanka.
Muuqaalkan oo ay Yaasmiin qudheeda ku share gareysay boggeeda Twitter-ka ayey kusoo qortay: "Waxaas waa waxa ay saaxiibbadu isu sameeyaan."
Priyanka ayaa markaas kaddib la arkayay iyadoo aad u argagaxday, wajigana gacmaha saaratay, sidaasna waxay carqalad ku gashay muuqaalkii filimka qeybta ka ahaa ee xilligaas ay duubistiisa socotay.
Quantico wuxuu ahaa filimkii ugu horreeyay ee Priyanka Chopra fursadda u siiyay inay kasoo muuqato shaashadaha reer Galbeedka.
Atariishadan oo horumar weyn ka gaadhay filimada shirkadda Bollywood-ka, hadda ka horna ku guuleysatay abaalmarinta haweeneyda ugu quruxda badan adduunka "Miss World", ayaa saameyn weyn ku lahayd filimka Quantico oo ay kula jireen jilayaal Mareykan ah iyo kuwo kaleba.
Waxa uu Quantico markii ugu horreysay shaashadaha kasoo muuqday 27-kii bishii September ee sanadkii 2015-kii, waxaana xalaqadiisii ugu dambeysay lasii daayay 3-dii bishii August ee sanadkii 2018-kii.
Jilayaasha kale ee kasoo muuqday musalsalka waxaa ugu caansanaa Jake McLaughlin, Johanna Braddy, Aunjanue Ellis iyo kuwo kaleba.
Priyanka iyo Yaasmiin waxay filimkaas kaddib sii noqdeen saaxiibbo aad isugu dhow. Marar badan ayaa la arkaa iyagoo isla jooga oo damaashaadaya.
Yaasmiin waxay ku jirtay jilayaashii lagu casuumay arooskii Priyanka Chopra iyo seygeeda Nick Jonas.
Sanadkii 2016-kiina iyadoo Priyanka la socota ayey booqasho ku tagtay dalka Hindiya.