You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Heshiis horu-dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay Cadale iyo Raage Ceele

    Xubnaha ku jira xal u helidda colaadda ka aloosan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in heshiis horu-dhac ah laga gaaray, dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

    Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wadahadallada qabaa’ilka dhexmaraya ayaa sheegay in labada beelood ay ku heshiiyeen in xabadda la joojiyo isla markaana ciidamada la kala qaado.

    Afar goobood ayaa loo cayimay in la kala geeyo miliishiyooyinka qabaa’ilka ee dagaalamay kuwaas oo kala ah Boos Muluq, Gayfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo dhammaantood hoos yimaada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

    Colaadda u dhaxaysa beellaha deegaankan ku dagaalamaya ayaa soo jiitaymaysay muddo ka badan sanad, waxana lagu dilay dad aad u badan oo tiradooda si saxa aan loo diiwangalin, iyadoo tuulooyin badan lagu gubay.

  2. Daawo: Sidee loo badbaadiyay lamaane ku guda jiray bishii malabka iyo halka ay ka degenaayeen jasiiradda dhan ee gubaneysa

    Dadka fasaxa ku jira ayaa laga raray hoteeladooda ku yaal Rhodes, iyadoo dabkii ka kacay jasiiradda Giriiga uu haatan hoos u dhacay.

    Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 2,000 oo qof in badda la mariyay kuwaasi oo haatan si nabdoon loo dejiyay.

  3. Waa kuma Faratoon, oo ku guuleystay xilkii uu labo sano ka hor guul-darrada kala kulmay?

  4. Hurdo Soomaalida qaar caado u ah oo la sheegay in caafimaad muhiim ah ay leedahay

    In aan si joogta ah hurdo yar waqti ugu helno maalinkii waxay u wanaagsan tahay maskxadeenna waxayna inaga caawinaysa in ay korto maskaxdu, sidaasi waxa yiri cilmi baarayaasha jaamacadda London.

    Kooxdu waxay muujiyeen in maskaxda dadka maalinkii indha guduudsada ay tan dadka kale ka weyntahay 15 sentimitar oo saddex jibbaaran taas oo u dhiganta dib dhigis gabow oo saddex illaa lix sano ah.

    Hase yeeshee waxay saynisyahannadu soo jeediyeen in hurdadan iyada ah lagu koobo wax ka yar nusu saac.

    Balse waxay sheegeen in hurda maalinkii ahi ay ku adagtahay dadka qaar ee ka shaqeeya meela badan oo kala duwan xamaasadda shaqada awgeed. Halkan kasii akhri

  5. Lammaane ku jiray bishii malabka oo uu dab qabsaday hoteelkii ay daganaayeen

    Lamaane u dhashay Waqooyiga Ireland oo u safray Jaziirada Rhodes ee dalka Giriiga si ay ugu soo qaataan bisha malabka ayaa laga soo badbaadiyay meel xeeb ah oo uu ku go’doomiyay dab halkaasi ka kacay.

    Lamaanaha cusub ee Lee iyo Rosaleen Ruane ayaa soo gaaray jasiiradda fiidnimadii Talaadada iyagoo ka yimid Warrenpoint ee County Down.

    Mr Ruane ayaa BBC News NI u sheegay in ciidamada Giriiga ay ka rareen xeebta saacadihii hore ee Axadda.

    Waxa la geeyey iskuul ku yaalla meel ka fog dabka.

    Mr Ruane wuxuu sheegay inay "cabsi ku noqotay" xeebta lamaanahana waxay ku dareemeen ammaan aad u badan halka ay hadda joogaan.

    Tan iyo markii labada lamaane ay soo degeen talaadadii, jasiiradda ayaa waxa ay la dagaalameysay dab ka kacayay dabeylo xooggan halka heerkulku uu sare u kacay sababo la xiriira kulaylka ka socda Yurub.

    Habeenimadii sabtida lamaanaha ayaa sheegay in ay go'doonsan yihiin iyada oo aan wax war ah laga hayn kadib markii laga soo saaray hotelkii ay daganaayeen dabka dartiis.

    Mr Ruane ayaa sheegay in ay la socdeen kumannaan qof oo kale oo xeebta ku sugnaa, waxaana loo sheegay in hoteelkooda uu dab qabsaday.

    Waaxda dab damiska ee Giriiga ayaa ku tilmaantay dabka Rhodes inuu yahay midka ugu adag ee ay hadda wajahayaan.

  6. War deg deg ah, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

    Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

    46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

  7. New Zealand oo qaadday dagaal ballaaran oo ka dhan ah jiirka

    Maalin Axad ah, dadka jecel duur-joogta ayaa ku soo qulqulay Miramir, oo ah meel jasiirad u eg.

    Waxay isugu yimaadeen hawshii loo igmaday ee ahayd inay meesha ka saaraan noole waliba oo dila duurjoogta.

    Wadaagista Miramir ee hilibleyda ayaa ujeeddadeedu tahay in la ilaaliyo shimbiraha ku nool aagga Wellington, ee caasimadda New Zealand, iyada oo laga takhalusayo jiirka magaalada midna kama harin.

    Askarta ayaa xiratay dharka difaaca iyadoo loo dhiibay qalabka loo isticmaalo soo jiidashada jiirka ama doolliga iyo suntan lagu dilo.

    Mid walba waxaa la tusay halka laga raadiyo dabinada iyo sanaadiiqda lagu soo qabto jiirarka si ay u dilaan. “Alle ha barakeeyo asxaabtayda” ayuu yiri Dan Inqilaab oo raggan hogaaminayay.

    In la baabi'iyo jiirka iyo xayawaanka kale ee xoolaha dila, hilibkoodana cuna, ma aha oo kaliya Miramar, laakiin waxa uu sidoo kale howlgalku ka socdaa dhammaan qaybaha dalka New Zealand.

    Dawladdu waxay filaysaa in ay mashruucan dhamaystirto sanadka 2050-ka.

    Khubarada deegaanka New Zealand ayaa aaminsan in guushu ay ka weynaan doonto tii UK.

  8. Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo boqol maalmood jirsaday

    Boqol maalmood ayaa laga joogaa markii uu Sudan ka qarxay dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah.

    Ugu yaraan saddex kun oo qof ayaa la dilay, inkastoo tirada runta ah laga yaabo inaan weli la ogaan.

    In ka badan saddex milyan oo Suudaani ah ayaa ku barakacay colaadda.

    Dagaalka ayaa salka ku haya magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo galbeedka gobolka Darfur halkaas oo ururka qareenada maxalliga ah ay ku warameen in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen gantaallo dhawaan la soo riday.

    Dhakhaatiirta Waqooyiga Kordofan ayaa sheegay in afar isbitaal oo ku dhow caasimadda El-Obeid la beegsaday Jimcihii iyo Sabtidii.

    Waxaa jira calaamad yar oo muujinaysa in madaxa ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo taliyaha ciidamada militariga, Mohamed Hamdan Dagalo, ay diyaar u yihiin inay doonayaan nabadda.

  9. Waa kee Isbitaalka ay dhakhaatiirtiisu maqaska uga dhex tageen aabbahan Soomaaliyeed ugu dambeynna u geeriyooday?

    Waxaa xalay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu aasay Allaha u naxariistee Shukri Maxamuud Macallin Xasan oo u geeriyooday maqas calooshiisa looga dhex tagay.

    Shukri ayaa muddo toddobaad ah ku jiray Isbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabare ee magaalada Jigjiga ee isla Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo looga sameeyay qalliin looga saarayay maqaska, sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa, Maxamed Shukri.

    "In muddo ah ayuu ka sheeganay killida uu maqasku xigay, wax baa iiga taagan oo i duraya ayuu dhihi jiray," ayuu yiri Maxamed.

    Shukri oo 65 jir ahaa ayaa saddex bilood kahor isla isbitaalka Jigjiga looga sameeyay qalliin dhanka caloosha ah, kaddibna uu ku laabtay magaalada Wardheer oo uu ku noolaa. Halkan kasii akhri

  10. Roobabkii ugu saameynta badnaa muddo afartan sano ah oo ka da'ay Canada

    Mas’uuliyiinta dalka Canada ayaa sheegay in roobabkii ugu xoogganaa ee muddo afartan sano ah ka da’a gobolka Atlantic ay keenen daadad sababay koronto la’aan kumannaan guri ah.

    Booliska ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay ku jiraan labo carruur ah oo la socday gaari la qariyay.

    Madaxa Nova Scotia, Tim Houston, ayaa sheegay in shan iyo labaatan senti mitir oo roob ah ay da’een wax ka yar afar iyo labaatan saacadood, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah dhowr aag oo gobolka ah.

    Daadadku waa dhacdadii ugu dambaysay ee cimilo aad u daran oo ku dhufata waqooyi bari Canada.

    dabkii kaymaha ee dhawaan kacay ayaa gubay meelo taariikhi ah.

  11. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo galaya qalliin xagga wadnaha ah

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in lagu rakibay qalabka wadnaha.

    Hadal muuqaal ah oo uu soo saaray, Mr Netanyahu wuxuu u sheegay Israa’iiliyiinta inuu la kulmay wadne xanuun usbuucii la soo dhaafay, hadalkaasi kadib ayaa la go’aamiyay in reysal wasaaraha la geliyo qalliin dhanka wadnaha ah.

    Wasiirka cadaalada Yariv Levin ayaa noqon doona ku simaha ra’iisul wasaaraha inta Mr Netanyahu uu ku jiro qaliinka.

    Waxa uu filayaa in laga saaro cisbitaalka isniinta si uu ugu codeeyo isbedelada garsoorka ee muranka dhaliyay.

    Qalliinka ayaa loo qorsheeyay inuu ka dhaco Isbitaalka Tel Hashomer, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Ra'iisul wasaaraha ayaa la suuxin doonaa inta lagu jiro qaliinka.

  12. Isbarbardhiga mushaarka Askariga Soomaaliga ah iyo kan ATMIS iyo waxyaabaha kale ee ay isdheer yihiin

  13. Maxaa ka jira in xubno baarlamaan ay dalbadeen in caasimadda laga raro Garowe?

  14. Boqolaal dibadbaxayaal ah oo laga hor istaagay in ay xoog ku galaan safaaradda Denmark ee Baqdaad

    Ciidamada amaanka Ciraaq ayey sabtidii iska horyimaadeen boqolaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan safaaradaha shisheeye iyo xarumaha dawladda ee caasimadda Baqdaad, si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Denmark.

    Mudaaharaadyadan ayaa jawaab u ah waxyaabo ay Facebook-ga soo dhigeen Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark, kuwaas oo lagu magacaabo Dansik Patriot, oo ay ka mid ahaayeen muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur'aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

    Taliye ku xigeenka bilayska magaalada Copenhagen, Trine Fisker, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in "tiro yar" oo dibadbaxayaal ah ay Jimcihii isugu soo baxeen kasoo horjeedka safaaradda Ciraaq.

    "Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa in mudaaharaadayaashu ay gubeen buug. Laakiin ma garanayno buug uu yahay," ayey tiri Fisker. Waxay intaas ku dartay in mudaaharaadku "gebi ahaanba ahaa mid nabadeed."

    Dibad baxayaasha Ciraaq oo da’ yar u badnaa ayaa ku dhawaaqayey “haa, haa Quraanka” iyo erayo kale waxayna ciidamada Ciraaq ka hor tageen in ay dibad baxayaashu gudaha u galaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo. Waxay jareen laba buundo oo soo gasha aagga.

    Booliska ayaa muujiyey in ay dibadbaxayaashu isku dayayeen in ay galaan safaaradda Denmarka ee Baqdaad.

  15. Maxay tahay cunsurinimada ay ka cabanayaan Soomaalida Finland?

  16. War kasoo kordhay hadal laga sheegay barasaabka Mandheera oo ku saabsan al-Shabaab

    Hadal lagasoo xigtay Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif oo ahaa in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, ayuu beeniyay waxa uuna sheegay in hadal uusan dhihin loo tiiriyey.

    Bayaan uu soo saaray Barasaabku ayuu ku sheegay in hadalkaas hore si qaldan loo fasiray isla markaana ula jeedadiisu aysan ahayn in Al-shabaab gacanta ku hayso boqolkiiba lixdan ismaamulka Mandheera balse uu sheegay in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu kordhay boqolkiiba lixdan.

    "Waxaan arkay in hadalkaygii ku aadanaa joogitaanka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo kenya ee Mandheera si qaldan ay warbaahintu u dhigtay," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Barasaabka Mandheera.

    "xilligii shirka Waxaan si cad u qeexay in joogitaanka iyo muuqashada Al-shabaab ay 60% ka badan tahay," ayuu yiri.

    "Nasiib darro warbaahinta ayaa si qaldan u dhigtay hadalka, iyaga oo ku doodaya in aan idhi " Al-shabaab ayaa 60% gacanta ku haya Mandheera. Tani waa been abuur gebi ahaanba," ayuu sii raaciyey bayaankiisa Barasaab Maxamed.

    Barsaabka ayaa si gooni ah u magac dhabey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka kenya, waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in uusan gabi ahaanba sheegin wax qiyaas ah oo ku aaddan inta ay gacanta ku hayaan Al-shabaab oo ismaamulka Mandhera.

  17. Xasan Sheekh iyo madaxweynayaasha kale ee shaqaaleysiiyay caruurtooda

  18. Waa maxay dhaliilaha loosoo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya?

    "Dhibaatada wasaaradda haysata way buux dhaaftay," ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) oo ka hadlayey kulan maanta ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ay lahaayeen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Waxa uu xildhibaanku walaac ka muujiyey tirada safaaradaha iyo dadka ka shaqeeya oo badan iyo sidoo kale shaqada la qabto oo hooseysa sida uu ku dhaliilay wasaaradda.

    Isaga oo tusaale usoo qaadanaya ayuu xildhibaan Cabdisalaan xusay meel ay saddex qof kaga shaqeyn jireen xilligii dowladdi hore balse hadda ay 16 qof ka shaqayso, "annaga oo saddex ah oo weliba markii dambe midi tagey meeshii aan ka shaqeyn jirnay ayaan tagey, 16 qof ayaa ka shaqeysa," ayuu yiri.

    Dhalliilaha uu soo jeediyay xildhibaanku waxaa ka mid ah in dalal aan "waxba ka dhaxayn" Soomaaliya safaarado laga furtay.

    Wasiir wasaaradda Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Huruuse oo ka jawaabayey su'aalo la weydiiyay ayaa dhankiisa qirtay cabashooyinka ka jira safaaradah Soomaaliya, " Waan ognahay cabashooyinka ka taagan safaaradaha iyo xad-gudubka safiirada talaabo ayaana ka qaadeynaa". ayuu yiri wasiir Haruuse.

  19. Wax ka ogow faa'iidooyinka uu kuu leeyahay cambaha

  20. Woqooyiga Kuuriya oo gantaallo kaga jawaabtay tallaabo uu Maraykanku qaaday

    Woqooyi Kuuriya ayaa dhanka galbeed ee gacanka Kuuriya ku gantay dhowr gantaal oo nooca joogga hoose ku duula ah, tan oo loo malaynayo in ay kaga jawaabeyso kadib markii Maraykanku koonfurta Kuuriya geeyay mid ka mid ah gujisyadiisa nukleerka ku awoodeysan.

    Midowga taliyeyaasha Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa Sabtidii sheegay in la ogaaday riditaanka gantaalada laga billaabo abbaaraha 4-tii subaxnimo xilliga maxalliga ah ee maalintii jimcaha.

    Tani waxay noqonaysa markii labaad ee toddobaad gudihiis ay woqooyiga Kuuriya ganto gantaallo si ay uga falceliso markabka biyaha quusa ee Maraykanka oo la geeyay xeebta Koonfurta Kuuriya.

    Arbacadii, Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo nooca riddada gaaban ah ka soo ridday meel u dhow caasimaddeeda Pyongyang. Waxay duuleen qiyaastii 550km (341 mayl) ka hor inta aysan ku degin biyaha bariga gacanka Kuuriya.