You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Waa Kuma madaxa maaliyadda Daacish ee Soomaaliya ee hadda cunaqabateynta la saaray?

  2. Dhageyso: Wasiirka maliyadda Soomaaliya oo ka warramay deynta uu Ruushka ka cafiyay Soomaaliya

    Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee safarkooda Ruushka uu yahay arrinta la xiriirta d cafinta.

    Waxaa ay intaa kaddib ka qeyb galeen shirka dalalka Africa iyo Ruushka oo ka dhacay magaalada St Petersburg.

  3. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan. Halkan kasii akhri

  4. Maxay tahay sababta lamaanayaasha da'da yar ay nolosha ugu sii kala fogaanayaan?

    Manish (magaciisa waa la bedelay), waa injineer ka yimid Gurugram, wuxuu guursaday 2013, laakiin xiriirka xaaskiisa kala dhaxeeya ayaa xumaaday todoba sano gudahood.

    "Haddii aanan heli lahayn la-talin waqtigeeda ku habboon, guurkeennu wuu burburi lahaa."

    Wuxuu yiri, "Inkasta oo wax walba ay wanaagsanaayeen, waxa aanu yeelanay xiriir jireed oo aad u yar. Arrintaas Waxay bilawday inay saamayso xiriirkeena. Ugu dambayntii waxaan ku qasbanaanay in aan caawin u raadsano lataliyaha guurka."

    Manish iyo xaaskiisa labaduba waa shaqeeyaan. Waxa ku dhacay caadi maaha. Dareen la'aanta xaga xiriirka gogosha ayaa ku soo badanaysa lamaanayaasha da'da yar, gaar ahaan kuwa dhashay intii u dhaxeysa 1980 ilaa 1990-kii iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee adduunka oo dhan. Halkan kasii akhri

  5. Dibad baxyo lagu taageerayo afgambiga dalka Niger oo ka dhacay isla dalkaas

    Boqollaal qof ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka qaranka ee Yamai, si ay taageero ugu muujiyaan ciidamada.

    Dibad-baxayaashu waxay dalbanayeen in Ruushku uu keeno gaadiid xamuul ah, waxayna ugu baaqeen ciidamada ammaanka Faransiiska inay isaga baxaan dalkaas.

    Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sita calanka Ruushka.

    Si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya isku day kasta oo lagu doonayo in uu soo farageliyo Ruushka.

    Dibad-baxayaashu waxay dab qabadsiiyeen xafiiskii jaamacadda PNDS Federal University oo iyaduna ah xarunta xisbiga musharaxa madaxweynaha.

    Banaanbaxa lagu taageerayay ciidamada Milateriga ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii ay roobab xoogan ka da’een deegaanka Yamadin.

    Aragtida muwaadiniinta ayaa kala duwan, iyadoo dadka qaar ay qabaan in afgambigaasi uu yahay mid xun, halka qaar kalena ay qabaan in go’aanku sax yahay.

    Arbacadii, boqolaal kamid ah taageerayaasha Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa mudaaharaad ka dhigay falka ciidamada, balse ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku kala eryay.

    Taageerayaasha Madaxweyne Bazoum ayaa sheegay in aysan aqbali doonin inqilaabka, balse aysan jirin dammaanad qaadka qaabka ay u mari doonaan afgambiga.

    Ciidamada dalka Niger ayaa taageeray afgambiga ay ciidamadu kaga dhawaaqeen telefiishanka dalkaasi, iyadoo tani ay muujinayso sida ay u midaysan yihiin dhammaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

    Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin karo cidda hoggaamin doonta dowladda milateriga ah.

  6. Su'aalaha ku gadaaman cudurka Baabasiirka iyo sida loo daweyn karo

    Baabasiirka waa cudur ku dhaca dad badan oo Soomaali ah, sababaha ugu weyn ee ka dhasha cudurkan waa isbaddallada dhanka cuntada iyo qaab nololeedka qofka.

    Cudurkan oo saameyn ku haya dunida oo dhan, tusaale ahaan boqolkiiba 50 shacabka Hindiya waxay la daalaa dhacayaan baabasiirka, sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaanka arrimaha dawoooyinka.

    Dr. Vani Vijay oo ah khabiir ku takhasustay cudurka babaasiirka ayaa BBC-da uga jawaabtay su'aalaha ku gadaaman cudurkan. Halkan kasii akhri

  7. Muslimiinta oo ka carooday wasiirka amiga Israa'iil oo tagay masjidka Quddus

    Wasiirka amniga Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa markii saddexaad booqasho ku tagay dhismaha masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga Quddus ee la haysto.

    Falkaasi ayey inta badan dunida Muslimka ay u arkaan mid xiisad kicinaya.

    Mr Ben-Gvir ayaa ku soo wareegay goobta isagoo wata ilaalo qarsoon.

    Waxaa laga duubay muuqaal isagoo sheegay inay tahay meesha ugu muhiimsan ee Israa’iiliyiinta oo uu sheegay inay u baahan yihiin inay ku muujiyaan maamulkooda.

    Urdun ayaa dhaleeceysay booqashada iyada oo ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    Tiro Yuhuud ah ayaa hadda booqanaya Al-Aqsa oo u furan oo keliya cibaadada Muslimiinta.

  8. Putin oo sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale uu si deg deg ah ugu diri doono Haruurka ama Qamadiga

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay sida uu doonayo inuu bilaash ugu diro lix waddan oo Afrikaan ah.

    Putin ayaa sidaas ka sheegay kulankii Ruushka iyo dalalka Afrika ah ee ka dhacay magaalada St Petersburg.

    Kulankaas ayuu madaxweyne Putin ka sheegay in dhowrka bilood ee soo socda ay bilaabi doonaan in ay u diraan haruur ama qamadi bilaash ah.

    Arintaan ayaa dhacday kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii Ukraine ay kaga qeyb qaadan laheyd Qaramada Midoobay.

    Putin ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay in uu buuxiyo wax dhimis kasta oo ay keento Ukraine.

    Waxa uu sheegay oo uu intaa ku daray in Ruushku uu diyaar u yahay in uu sahayda haruurka ah gaarsiiyo lix waddan oo Afrikaan ah saddexda ilaa afarta bilood ee soo socota.

    Waxa uu yiri, “Saddexda ilaa afarta bilood ee soo socda, Ruushku waxa uu dal kasta u diri doonaa 25,000 ilaa 50,000 oo tan oo haruur ah.

    Waddamadan ayaa kala ah Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central Africa, iyo Eritrea.

  9. Qaramada Midoobay oo cambaareysay afgambiga Niger iyo xaaladda guud ee dalkaasi

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “si adag ayuu u cambaareeyay is bedelka sharci darrada ah ee dowladda Niger” ayuu yiri afhayeenkiisu Arbacadii.

    Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada dalka Niger ay ka shaaciyeen inqilaabka afgambiga uu ka sameeyay Telefishinka dalkaasi, iyagoo sheegay inay u cuskadeen dastuurka dalkaasi, isla markaana ay shaqada ka joojiyeen dhamaan maamulada dalkaasi, isla markaana ay xireen xuduudaha dalkaasi.

    Mr Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xariga madaxweyne Mohamed Bazoum, uuna ka walaacsan yahay xaaladiisa caafimaad, afhayeenkiisa Stephane Dujarric ayaa war uu soo saaray ku sheegay.

    Mr Dujarric ayaa intaa ku daray in "Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada caqabada ku ah geedi socodka dimoqraadiyadda ee Niger."

    Wadooyinka magaalada Yamai ee dalka Niger, ayaa laga arki karaa is bedelka, iyadoo aysan jirin wax isu socod ah oo dadka iyo gaadiidka ah, tan iyo markii xalay lagu dhawaaqay inqilaabka ay ciidamadu sameeyeen.

    Goor sii horreysay, ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Yamai Arbacadii.

    Maalmihii la soo dhaafay, wadamada Galbeedka Afrika waxaa ka taagnaa kacdoono militari.

  10. Singapore oo haweeney ku fulineysa xukun dil ah markii ugu horeysay muddo 20 sano ah

    Singapore ayaa xukun dil ah ku fulin doonta haweeney markii ugu horeysay muddo 20 sano ah, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

    Saridewi Djamani oo 45 jir ah una dhalatay dalka Singapore ayaa lagu helay dambi ah ka ganacsiga 30 garaam oo Heroin ah sanadkii 2018-kii.

    Waa qofkii labaad oo xukun dil ah lagu fuliyo saddexda maalmood ee soo socda.

    Sida uu dhigayo sharciga Singapore, ciqaabta dilka ah ayaa lagu soo rogi karaa haddii daroogada heroinku uu miisaankiisu ka badan yahay 15 garaam, xashiishaduna ay ka badan tahay 500 garaam.

    Singapore ayaa leh qaar ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka hortagga daroogada adduunka, kuwaas oo ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo bulshada.

  11. Waa sidee xaaladda caafimaad ee wiilasha Soomaaliyeed ee lagu tooreeyay Turkiga?

    Waxaa la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay haatan wanaagsantahay sadex wiil oo Soomaali ah oo todobaadkan gudihiisa lagu tooreeyay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Aksaray.

    Laba kamid ah wiilashaas oo markiiba loola cararay isbitaalka ayaa shalay laga soo saaray , halka midka kale uu weli isbitaalka ku jiro.

    Mid kamid ah wiilasha toorida lagu dhaawacay oo lagu magacaabo Bile Seeraar oo aan la hadalnay, ayaa inoo sheegay in mindida laga geliyay bowdada.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii sida aan xogta ku helnay, ay dhalinyaradaas Soomaaliyeed dagaalameen dad kale oo u dhashay Turkiga, sidaas awgeedna toorida loola dhacay

  12. Nin toban iyo todobo sano u xirnaa kufsi uusan geysan

    Waxaa markii ugu horeysay dareenkiisa ka hadlay nin laga siidaayay xabsi, gaar ahaanna sida dareenkiisu ahaa habeenkii ugu horeeyay ee uu noqday qof xor ah, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay go'aanka maxkamadda.

    Andrew Malkinson, ayaa la soo siidaayay Isniinti, waxaana xabsiga loo taxaabay sanadkii 2004-tii, isagoo laga soo qabtay magaalad uu ku dhsahay ee Grimsby, kaddib kufsi loo geystay gabar toban iyo todobo sano jir ah oo ku noolayd magaalada Salford ee dalka Ingiriiska, wuxuuna xirnaa muddo 17 sano ah.

    Kiiskiisa ayaa la laalay kaddib markii cadeymo la soo bandhigay lagu ogaaday, in qof kale uu geystay falkaasi kufsiga ah.

  13. Maxay Soomaaliya u raadinaysaa kursiga Golaha Amaanka QM

  14. Dhageyso: Dalalka Afrikaanka iyo Ruushka oo shir uga furmaya St Petersburg

    Dalalka Africa qaarkod iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inuu maanta shir uga furmo magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

    Shirka ayaa waxa ugu muhiimsan ee looga hadlayo ah arrinta qamadiga, heshiiskaas oo u dhawaan ka baxay Ruushka.

    Faarax Lamaane ayaa faahfaahinta

  15. Waa tuma fanaanadii soo islaantay abaalkana u gashay Soomaalida ee shalay geeriyootay

  16. Arsenal oo Barcelona 5-3 garaacday iyo Manchester United oo laga badiyay

    Kooxaha Ingiriiska iyo kuwa kale ayaa ku guda jira diyaar garowga kulamada kala duwan ee ka dhisan Yurub, iyagoo cayaaraya kulamo saaxibtinimo ah.

    Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa 5-3 kaga adkaatay Barcelona, kulankaas oo ka dhacay gobolka Los Angeles ee Mareykanka.

    Shanta gool waxaa Arsenal u kala dhaliyay Bukayo Saka, Kai Havertz, Leandro Trossard oo laba gool dhaliyay iyo Fabio Viera.

    Dhanka kale, waxaa wada cayaaray Manchester United iyo Real Madrid, waxaana Real ay ku badisay 2-0. Jude Bellingham ayaana dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay.

    Chelsea iyo Newcastle iyo Chelsea bar barbardhac 1-1 ah.

  17. Amadi: Sida uu caanka ku noqday majaajiliistaha waxbarshada dhexda uga tagay duruufta awgeed

  18. Africa oo mar kale wajahaysa afgembi

    Ciidamada dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi.

    Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

    Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

    Qaar kamid ah waddamada beesha caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

    Madaxweyne Bazoum ayaa ah xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika.

    Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha jihaad doonka ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

  19. Ruushka oo lacago deyn ah ka cafiyay Soomaaliya

    Ruushka uu in ka badan 684 million oo doolar ka cafiyay Soomaaliya, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.

    Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka, Biixi Iimaan Cige ayaa saxiixay heshiiska uu Ruushka in ka badan $684 million kaga cafiyay Soomaaliya sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Soomaaliya.

    Heshiiskan ay door wayn ka qaadan doona dhammaystirka geediga deyn cafinta Soomaaliya.

    Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu sheegay in Ruushku ogolaaday in Soomaaliya uu ka cafiyo deyn dhan 600 oo Milyan oo doolar.

    Dhanka kale, waxaa sanadihii dambe socday dedaal ay wadday dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii lacagaha deynta looga cafin lahaa dalka.

    Waxaad sidookale aqrisan kartaa:

  20. Dabka kajira qeybo badan oo adduunka kamid ah oo ay dad ku dhinteen

    In ka badan afaratan qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dalalka Aljeeriya, Talyanaiga iyo Giriigga iyadoo kumanaan qofna laga soo badbaadiyay kaymaha iyo dhulka loo dalxiiska tago Medi-teriniyaanka.

    Guudahaan Jasirada Rhodes ayaa lagu soo ragay xaalad degdeg ah iyadoo dadbku uu kacaya jasiiradaha Corfu iyo Evia.Dhimashada ugu badan ee ilaa hadda waa dalka Aljeeriya, halkaas oo 34-ka qof ee dhintay ay ku jireen 10 askari oo uu dab qabsaday xilli ay socotay daad gureynta gobolka xeebta ee Bejaia, ee bariga dalkaas .