You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Erdogan oo si weyn u ugaso horjeestay qaraar looga hadlayay gubitaankii kitaabka Qur'aanka kariimka ah

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo shir jaraa’id qabtay kadib shir-madaxeedka Hogaamiyayaasha NATO ayaa sheegay in ay tixgaliyeen weerarkii lagu qaaday Qur’aanka kariimka ah iyadoo lagu gubay afaafka hore ee masjid ku yalla dalkaasi.

    Waxa uu yiri “Weerarrada goobaha lagu cibaadeysto waa wuxuushnimo, ee maaha xorriyadda fikirka Iyo hadalka."

    Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar muran badan dhaliyay oo ku saabsan naceybka diimaha, taasoo jawaab u ah dabkii bishii hore ee kitaabka Qur'aanka lagu gubay afaafka hore ee masjid ku yaalla dalka Sweden.

    Qaraarka waxaa keenay Pakistan, oo sheegtay in dowladuhu ay ogolaadeen in si bareer ah loo waxyeelleeyo kitaabka Qur’aanka ee muslimiinta.

    Qaraarkan waxaa ka soo horjeestay wadamada reer galbeedka oo ay ku jiraan Maraykanka, Ingiriiska, iyo wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

    Waxay sheegeen in ay aad ugu xad-gudbeen xorriyadda hadalka.

  2. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay eedeynta dagaalka Laascaanood

  3. Daacish oo lagu eedeyay dab xalay ka kacay goob ganacsi oo ku taalla Boosaaso

    Booliska Puntland ayaa sheegay in dabkii xalay ka kacay mid ka mid ah xaruumaha ganacsi ee magaalada Boosaaso uu ahaa mid argagxiso loona baahanyahay in laga jeejignaado.

    Dabkan oo ka kacay xaruunta Fadhisame oo ahayd meel lagu iibiyo agabka koronntada ayaa xoguhu sheegayaan in dabkaasi uu ka dhashay bam lagu tuuray.

    Axmed Cawil oo Garoowe jooga ayaa ka warramay

  4. Maxaa kajira wararka sheegaya in Henderson uu la midoobi rabo saaxibkiisii hore ee Steven Gerrard?

    Iyadoo Fulham ay noqotay kooxdii ugu dambeysay ee Premier League ee iska celisa xiisaha ay u qabto mid ka mid ah ciyaartoydeeda ka socda Saudi Pro League, waxaa jira warar xan ah oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyo ay kooxdu qaadday.

    Sheekooyinka la xiriirinaya xiddiga Liverpool ee Jordan Henderson inuu u dhaqaaqo inuu ku biiro kooxda saaxiibkiisii ​​​​hore ee Anfield Steven Gerrard, oo hadda ah maamulaha Al-Ettifaq, ayey soo jiidanayaan wararka xiisaha leh.

    Mail ayaa hadda warinaysa in 33-jirka khadka dhexe ee England, kaasoo ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Liverpool toddobaadkan, uu go'aan ka gaari doono 48 saacadood gudahood kadib markii loo soo bandhigay heshiis laba sano ah, oo leh ikhtiyaarka ah 12 bilood oo dheeraad ah, iyo 50% koror mushaharkiisa hadda ee £140,000-toddobaadkii.

  5. Raila Odinga oo ku dhawaaqay in la joojiyay isu soo baxyadii galabta ee Kamukunji

    Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa joojiyay isu soo bax uu taageerayaashiisa kula hadli lahaa kaasoo la qorsheeyay in uu ka dhaco garoonka Kamukunji ee mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi, isagoo sabab uga dhigay inay kordheen toogashada, weerarrada iyo caga-juglaynta ay booliiska ku hayaan taageerayaashiisa.

    Khasaare ayaa laga soo sheegayaa in uu dalka oo dhan ka dhacay kadib mudaaharaadyada ay ku baaqeen mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

    Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dibad baxayaasha oo xoog ku galay saldhigga booliiska kadibna ay gubeen.

    nin kale ayaa dhintay kadib markii gaari booliis ah lagu jiiray wadada weyn ee Nairobi ee Mlolongo ee duleedka magaalada.

    Waxaa sii socda burburka gaadiidka iyo ganacsiga ee ka jira gobolada kala duwan.

  6. Booqashada naadirka ah ee madaxweynaha Iran uu ku marayo dalalka Africa

    Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa ku sugan dalka Kenya halkaas oo uu uga furmayo booqasho saddex maalmood ah oo uu ku marayo qaarada Afrika.

    Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Iran uu booqasho ku yimaado Afrika in ka badan 10 sano.

    Mr Raisi ayaa sidoo kale booqan doona dalalka Uganda iyo Zimbabwe.

    Waxaa weheliya madaxiisa dublamaasiyadeed iyo wafdi ganacsi, iyadoo Iran ay raadinayso xulafo cusub iyo fursado ganacsi.

    Mr Raisi ayaa sidoo kale dhawaan booqday Latin America iyo Indonesia, halkaas oo Iran ay dib ugu biirtay Ururka Iskaashiga Shanghai.

  7. Waa kuma ninka Messi u eg ee magaca cayaartoyga ku khiyaamay haween badan?

  8. Booliska iyo bannaan baxayaasha Kenya oo weli is eryanaya iyo ciidamada oo isticmaalaya sunta dadka ka ilmeysiisa

    Iyadoo ay mudaaharaadyada ka socdaan dalka Kenya, ayaa boolisku waxa ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dad isugu soo baxay fagaaraha Kamukunji ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaas oo la filayey in hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu kula hadlo taageerayaashiisa.

    muuqaalka tooska ah ee garoonka dhexdiisa ayaa muujinaya farsamayaqaannada masraxa oo u halgamaya qaadashada qalabkooda.

    Qeyb ka mid ah wadada weyn ee Nairobi oo ay ku kacayso malaayiin dollar ayaa loo xiray bannaanbaxyada, sida ay sheegtay shirkadda maamulkeeda.

    Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa u muuqda kuwo muujinaya koox dad ah oo wadada burburinaysa.

    Saraakiisha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku rusheeyey dad ku mudaharraadayey magaalooyin kala duwan iyadoo taliyaha booliisku sheegay inay tahay in la qaado tillaabooyin lagama maarmaan ah si loo kala eryo.

    Qabanqaabiyayaasha mudaaharaadyada ayaa ku baaqaya in meesha laga saaro sharci cusub oo labanlaabaya cashuuraha shidaalka, isla markaana lagu soo rogayo 1.5% cashuurta guryaha shaqaalaha. Hadda waxaa hakisay maxkamadda sare ee Nairobi, sababo la xiriira dastuurka.

    Balse dowladda ayaa sheegtay in tallaabadani ay lagama maarmaan tahay in lagu xalliyo arrimaha dib u bixinta deynta iyo in fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

    Jimcihii la soo dhaafay, iska hor imaadyo u dhaxeeyay mudaaharaadayaasha mucaaradka iyo booliiska ayaa sababay lix dhimasho ah oo ka dhacay magaalooyin badan.

    Goobo badan oo ganacsi ayaa wali xiran, waxaana istaagay isu socodkii gaadiidka.

  9. Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre qeyb ma ka yahay shirka Muqdisho?

    Shirka goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh Cumar iyo madaxdii hore ee dalka, ayaa waxaa ka maqan oo aan shirkaasi maanta ka qeyb galin raysal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

    Kulanka ayaa u dhaxeeya madaxweynaha iyo qaar kamid ah madaxweynayashii dalka soo maray, ra’iisul wasaareyaal hore, guddoomiyeyaal baarlamaan iyo madax kale oo hore dalka xilal uga soo qabatay.

    Waxaa la fahamsanyahay in raysal wasaare Xamsa uu shirkan ka qeyb geli doono berri, oo ah maalinka labaad ee shirka oo maanta uusan ka qeyb galeyn.

  10. Chelsea oo laga yaacayo iyo laacibiinta ka tegey sanadkan

    Ciyaaryahanka reer Mareykan ee afka hore ugu cayaara Chelsea, Christian Pulisic ayaa ku dhow inuu AC Milan u saxiixo heshiis cusub oo uu ku qaadan doono £20m.

    Pulisic, oo afar iyo labaatan sano jir ah, ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe uu maro tijaabo caafimaad.

    Chelse waxaa dhowaan sidookale ka tegey laacibiin, kuwaas oo kala ah, Kai Havertz oo Arsenal aaday, Mateo Kovacic oo ku biiray Manchester City iyo Mason Mount oo heshiis la galay Manchester United.

    Waxaa sidookale kooxda ka tegey David Datro Fofana oo labaatan sano jir ah, isagoo aadaykooxda Bundesliga ee Union Berlin.

  11. Cilmi baaris: Faa'iidooyinka caafimaad ee la ogaaday in laga helo biyaha Samsamka

  12. Dal xarig iyo ganaax lacageed isugu daraya ragga timaha dabta

    Xoghayah guud ee wasaaradda dhaqanka iyo hidaha ee Zanzibar, Dr. Omar Adam ayaa sheegay in ragga timaha dabta laga qaadi doono tallaabo sharci.

    Waxaa uu sheegay in boolisku xabsiga u taxaabi doonaan dhamaan ragga ku nool Zanzibar ee tidcada tinta, lix bilood ayuu sheegay in la xukumi doono qofkaas, isla markaana lagu ganaaxi doonolacag gaaraysa hal milyan oo lacagta dalkaas ah

    "Tani ma aha tallaabo uu aqbali doono guddiga loo xil saaray arrimaha dhaqanka, qofka doonaya inuu timaha dabtana, waa inuu soo gudbiyo codsi gaar ah," ayuu yiri Dr. Omar.

    Waxaa uu sheegay in dhalinyaro badan oo ku nool jaasiraddaasi Zanzibar ay badankood dabtaan timaha, taas oo ka baxsan dhaqanka dadka halkaas daga.

  13. Suuqyada waawayn ee Nairobi oo Easleigh kamid tahay oo maanta xiran.

    Waxaa maanta xiran inta badan suuqyada ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la filayo inay maanta ka dhacaan dibedbaxyo ballaaran.

    Dibedbaxyada ayaa ah kuwa looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha maciishadda iyo canshuurta la kordhiyay, gaar ahaanna canshuurta shidaalka oo la laba laabay.

    Suuqyada maanta xiran waxaa kamid ah suuqa wayn ee xaafadda Easleigh oo ay ganacsatada qaar inoo sheegeen inay ka baqayaan inay rabshado dhacaan sidaa awgeedna aysan maanta u furin xarumahooda ganacsi.

    Suuqyada ka sokoow, waxaa sidookale maanta cidlo ah guud ahaan waddooyinka ku yaalla magaalada,

    Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa dhowaan saxiixay sharciga kordhinta canshuurta dalka, taas oo ay ka soo horjeedaan mucaaradka.

  14. Farmaajo miyuu ka qeyb galayaa shirka Muqdisho?

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho, sida qorshuhu yahay, lagu wadaa inuu ka furmo shir uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray madaxdii hore ee Soomaaliya.

    Mas'uuliyiinta sida gaarka ah shirkaas loogu casuumayna waxa ka mid ah madaxweyneyaashii hore, raysal-wasaareyaal hore iyo guddoomiyayaashii baarlammaanka. Haddaba, Yaa ka qeybgalaya, yaase ka maqnaanaya Shirka Muqdisho? Halkan ka dhageyso faahfaahinta

  15. Sababta afartan masuul uga maqan yihiin Shirka Muqdisho

  16. Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay 'duqeynta Laascaanood' ee Somaliland

    Mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay Somaliland garab ku siinayso duqeynta Laascaanood.

    Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu qabtay Nayroobi xalay, isaga oo si gaar ah u tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

    "Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood," ayuu yiri Garaadka.

    Dowladda federaalka ah weli kama falcelin eedeynta loo jeediyay. Horey se, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Sool.

  17. Bangi Maraykan ah oo lagu ganaaxay lacag badan kadib markii uu macaamiisha u furay kaararka deynta isaga oo aan ogolaansho ka haysan

    Bank of America ayaa lagu amray in uu bixiyo $150m oo ganaax ah kadib markii lagu helay in uu u furay macaamiisha kaararka deynta fasax la’aan. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ogaadeen in khidmadaha bangiga ee macaamiisha uu lababalaabay, waxayna ka celiyeen gunnooyinkii abaal-marineed ee ballan-qaadka ahaa.

    Xadgudubyada ka jira bangiga labaad ee ugu weyn Mareykanka ayaa saameeyay boqolaal kun oo macaamiil ah waxayna taariikhda ku beegan tahay 2012 kiisaska qaarkood, sida ay maamulayaashu sheegeen .Bank of America ma uusan qiran mana diidin natiijada baaritaanka.

    Bangiga ayaa lagu amray inuu usoo celiyo macaamiisha oo uu bixiyo lacag dhan $150m oo ganaax ah sdia uu amaray Xafiiska Ilaalinta Maaliyadeed ee Macmiilka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Lacagta. Lacag celinta macaamiisha ayaa la filayaa inay kabadantahay $80m,sdia ay sheegtay CFPB.

    Bangiga ayaa lagu ganaaxay $20m sanadkii 2014-kii waxaana lagu xukumay in uu siiyo in ka badan $700m macaamiisha oo uu suuqgeyn khiyaano ah ku sameeyay iyo lacago sharci darro ah oo la xiriirta kaararka deynta.

  18. Taliban oo dalka ka mamnuucday Sweden taas oo jawaab u ah gubista Kitabaka Quraanka ee bishii hore

    War qoraal ah oo kasoo baxay Imaaradda islaamiga ah ayaa lagu yiri "Kadib markii Sweden ay aflagaadeysay Quraanka Kariimka ah iyo caqiidada, Imaarada Islaamiga waxay joojisay howlihii Sweden ay ka waday Afgaanistaan ​​ilaa ay ka raali gelinayaan muslimiinta falkaas foosha xun."

    Gubista kitaabka barakeysan ee islaamka oo uu gubay qof– qaxooti ah oo u dhashay Ciraaq.

    Maalintii koobaad ee ku beegneyd Ciidul Adxa ayaa carro badan ka dhalisay dunida Muslimka – waxaana dalal dhowr ah ka dhacay dibadbaxyo. Inta badan dowladaha Muslimka ayaa u yeertay safiiradaooda Sweden u jooga si ay u ugu gudbiyaan cambaareyntooda – waxaana qaarkood ay ku baaqeen in la qaadaco wax soo saarka Sweden si looga jawaabo.

    Safaaradda Sweden ee Kabul ayaa xiran tan iyo markii Taliban ay la wareegeen ku dhawaad ​​labo sano ka hor. Balse amarka Taliban ayaa loo badinayaa inuu saameyn ku yeesho guddiga Sweden u qaabilsan Afghanistan. Waa hay'ad bini'aadantinimo - oo ay ku jiraan dhawr kun oo shaqaale ah oo ka shaqeeya caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga.

  19. Dhegeyso: Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday diyaaraddii ku burburtay Muqdisho oo BBC la hadlay