You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Xoghayaha difaaca UK oo shaqada katagayo

    Ben Wallace ayaa sheegay in uu ka tagayo xilka xoghayaha difaaca marka la sameeyo isku shaandheynta soo socota ee golaha wasiirada kadib afar sano oo uu shaqada hayay.

    Waxa uu Sunday Times u sheegay in uusan isu soo taagi doonin doorashada guud ee soo socota, balse waxa uu meesha ka saaray in uu ku tagayo “si degdeg ah” oo uu dhalinayo doorasho ku celis ah.

    Mr Wallace waxa uu xoghaye gaashaandhiga u soo noqday saddex ra’iisul wasaare, Wuxuuna door weyn ka qaatay taageerada Ukraine, oo ay ku jirto inuu kormeero hubka iyo gaadiidka lagu wareejiyay ciidankeeda.

    Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in isku shaandheynta gollaha wasiirada ay dhici doonta bisha soo socota ee September.

  2. Ma bannaan tahay inaad u gacan qaaddo walaashaa ama haweeney qoyskaaga ka tirsan?

  3. DAAWO: Sida ninkan uu u qabtay Jibisadii abid ugu dheereyd ee lagu arko Gobolka Florida

    Nin Ugaarsade oo kusugan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa qabtay Jibisadii ugu dheereyd ee abid laga diiwan giliyo gobolka Florida.

    Arrinta ayaa waxaa xaqiijiyay mid kamid ah ururada deegaanka ee kahowlgalo halkaas,.

    Neefku cabirkiisu ayaa lagu sheegay 19ft (579cm) culeyskiisu waa 125lb (56kg).

  4. Daraasad: Maxaan ugu qosolnaa qofka turaanturooda ama qalad ka dhaco?

    Yaan ku qoslin markii saaxiibkii ku hantaaturooda wadada, madax meel ku dhufsado isaga oo istaagaya ama lugta la waayo jaranjarada?

    Waxaan ahay qofka ugu horeeyay ee qiranaya in uu dambi dareemo marka uu sidaa u dhaqmo.

    Fursadaan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan raali galiyo saaxiibadeey Janie maadaama aan ku qoslay markii aan daawaday iyada oo dhulka ku dhacaysa, waxay isku dayaysay in ay is celiso iyada oo lugaheedu turaanturoonayaan.

    Xoog ayaan u qosolnaa, inta badan inaga oo aan is celin Karin, markaan daawano muuqaallo dad ku faya.Sii akhri

  5. Ukraine oo war hor leh ka soo saartay Kooxda Wagner

    Ciidamada ilaalada xudduudaha ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay hadda gaareen Belarus iyagoo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Ruushka.

    Ukriane ayaa sheegtay in ay qiimeyneyso tirada "maleeshiyada" ku sugan Belarus, oo sidoo kale xuduud la wadaagta Ukraine, iyo sidoo kale goobta saxda ah ee ay joogan iyo hadafkooda.

    Warbixin aan la xaqiijin ayaa sheegaysa in kolonyo gaareysa ilaa 60 baabuur oo Wagner ah ay u talaabay xudduudda Belarus subaxnimadii Sabtida.

  6. DAAWO: Dul go' iyo daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay Kuuriyada Koonfureed

    Muuqaalo ayaa muujinaya xiliga carro ka soo daadatay buur ku agtiilay tunnel halkaasi mara oo ay gabi ahaanba ciidda aastay.Dhacdan ayaa ka dhacday gudaha Kuuriyada Koonfureed.

    Roobab mahiigaan ah oo maalintii saddexaad da’aya ayaa sababay dhul go’, koronto la’aan iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

    Kumanaan kun oo qof ayay saameyn soo gaartay waxaana dhintay ugu yaraan 20 qof roobabka mahiigaan ah iyo daadadka ku dhuftay dalka.

  7. Kuleyl daran oo ka jira qaar kamid ah wadamada Yurub

    Digniin ayaa laga soo saaray 16 magaalo oo ku yaalla dalka Talyaaniga oo kuleyl aad u daran kajiro iyadoo kulaylka uu weli saameynayo koonfurta Yurub.

    Dawladda Talyaanigu waxay kula talisay cid kasta oo ku sugan meelaha ay khusayso digniinta la soo saaray inay ka fogaadaan iftiinka qorraxda tooska ah inta u dhaxaysa 11:00 iyo 18:00, si gaar ahna u daryeelaan waayeelka iyo kuwa jilicsan.

    Kulaylka ayaa socda muddo ka badan sidii caadiga ahayd ee horay looga bartay, heerkulka habeenkiina waa mid aad u sareeya.

    Toddobaadka soo socda waxaa Yurub laga filayaa in heerkulka uu aad ukaco.

  8. War hor leh oo ka soo kordhay odayaasha dhaqanka ee xalka u raadinayay Laascanood

    Muddo saddex bilood ah oo ay Hargeysa ku sugnaayeen Odayaashii nabadda Laascaanood uga yimid Muqdisho maanta ayay dib ugu laabteen magaaladoodii.

    Warbaahinta lama hadal balse waxa lay sheegay in aanay weli ka quusan in xal loo helo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaana Laascaanood.

    Odayaashan ayaa warbixin ku celin doona mas’uulliyiinta waddamada beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho iyo weliba kuwa dawladda Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland Musa Biixi, ayaa habeen hore casuumad sagootin ah madaxtooyada ugu sameeyay Odayaasha nabadda raadinaya.

    Laba qodob oo Ergadani doonaysay ayaanay weli ku guullaysan kuwaas oo kala ah in xabad joojin lagu dhawaaqo oo weliba la filayo iyo in wadahadal labada dhinac galaan.

  9. Ninkii loo fasaxay inuu gubo kutubta Towrah iyo Bible-ka oo fal kale ku dhaqaaqay

    Ninkii la filayay in kutubta Towrah iyi Bible-ka ku gubo magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa ka baaqsaday falkaas.

    Wuxuu yimid meel u dhow safaaradda Israa'iil ee magaaladaas halkaasoo oggolaansho loo siiyay inuu dibadbax ka dhigo, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn in la gubo kutub barakeysan, wuxuuna cambaareeyay sida nuqul ka mid ah Qur'aanka Kariimka loo gubay bishii la soo dhaafay.

    Ninkan oo keliya lagu magacaabay Axmed ayaa sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu ka falceliyo arrintaas iyo sida ay muhiim u tahay in la xushmeeyo dhammaanba diimaha iyo kutubta barakeysan.

    Warka ah in la fasaxay qorshaha lagu gubi lahaa kutubbadan ayaa aad looga cambaareeyay meelo ka mid ah adduunka.

  10. Fabinho oo laga doonayo Sacuudiga iyo rajada laga qabo in uu aado

    Fabinho ayaa ka maqnaaxerada tabarka Liverpool ee dalka kadib markii ay 40 milyan ginni ku dalbatay ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad.

    Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia laakiin wuxuu u safrayaa Jarmalka.

    Reds ayaa heshay dalabka xiddiga reer Brazil Fabinho habeenkii jimcaha.

    Kadib go’aan dhex maray kooxda iyo ciyaartoyga ayaa la qaatay in 29 jirka laga saaro xaflada dalxiiska.

    Fabinho ayaa Liverpool ku sugnaa tan iyo July 2018 kadib markii ay Reds kala soo wareegtay Monaco iyadoo kulasoo wareegtay lacag dhan £39m.

    Tan iyo markaas wuxuu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Premier League, Champions League, FA Cup, League Cup iyo Fifa Club World Cup.

    Waxaa jira warar sheegaya in Henderson uu bartilmaameed u yahay Al-Ettifaq, oo u magacawday kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard inuu noqdo tababaraha cusub.

  11. Dal ugaadhsanaya ragga timuhu u daban yihiin

    Maamulka Zanzibar, oo ah ismaamul hoosaad ka tirsan dalweynaha Tanzania, ayaa dhaqan gelinaysa mamnuucidda ragga timaha tidcada, iyagoo BBC-da u sheegay in ay jabiyeen sharciga iyo caadooyinka maxalliga ah, ayna khatar ku yihiin anshaxa dadka.

    "Waxaan u aragnaa inay khatar ku yihiin jiilashayada mustaqbalka," ayuu yiri Xoghayaha Fulinta Dhaqanka ee Zanzibar Omar Adam. "Tani waa nooc ka mid ah waxyaabaha ka xaaraanta ah Zansibaar, waa dhaqan laga soo qaatay meel ka baxsan Zansibaar." Waxa uu meesha ka saaray walaaca laga qabo in tallabadaasi lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah sida kuwa LGBTQ, halkaas oo xiriirka dadka isku jinsiga ah ay sharci darro yihiin.

    Sharciga ka dhanka ah nimanka timaha dabta ma ahan mid cusub -wuxuu soo bilowday sannadkii 2015-kii - balse maamulka ayaa hadda bilaabay dhaqan gelintiisa.

    Nin kasta oo soo gala ama ku nool Zanzibar oo timahu u dabanyihiin waxa uu wajahayaa ganaax ka badan $400 oo doolar ama lix bilood oo xadhig ah - ama labadaba.

    Inkasta oo Zanzibar ay ka mid tahay meelaha ugu sarreeya ee loo dalxiis tago, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in dhaqangelinta ay si siman u khusayso booqdayaasha.

  12. Maxay kaneecada u qaniinta dadka qaar in ka badan dadka kale?

  13. Rag kasoo socdaalay Tanzania oo la sheegay in ay ku biiri rabeen Al-shabaab laguna qabtay xadka Kenya

    Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ku biiraan kooxda Al-Shabaab.

    Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah.

    Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania.

    Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

    Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka.

    Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha ammaanka iyo bulshada.

    Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeennada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.

  14. Waa ku wee wadamada diiday qaraarka lagu mamnuucayay gubista quraanka?

    Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.

    Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen.

    Bishii la soo dhaafay, nin ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa caro xooggan laga muujiyay guud ahaan dunida Muslimka, kaddib markii uu jeexjeexay bogag Qur’aanka Kariimka ah, isagoona sidoo kale qaar ka mid ah kabaha ku masaxay qaar kalena ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada Stockhom xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Adxa. Halkan kasii akhri

  15. Israa'iil oo ka careysan ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

    Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda.

    Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri "Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa'iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa'imka ah ee Yuhuudda," Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.

    Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go'aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.

    Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday.

    Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay gubashada Qur’aanka.

    Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan xorriyadda hadalka.

  16. Dowladda Sweden oo oggolaatay bannaan bax kale oo lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

    Booliska Stockholm ayaa Jimcihii sheegay in ay oggolaadeen mudaaharaad ka dhacaya dalkaasi iyadoo uu qorsheeyay nin sheegay in uu doonayo in uu ku gubo kutubta Towreedka iyo Baybalka bannaanka hore ee safaaradda Israa’iil ay ku leedahay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

    Sweden ayaa dhawaan la kulantay dhaleecayn xoogan oo uga imanaysay wadamada Muslimka ah kadib markii ay ogolaatay in dadka mudaaharaadaya ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah gubaan kadib banaanbaxyo yar yar oo ka dhan ah Islaamka.

    Ninka gudbiyay codsiga mudaaharaadka Sabtidii, ayaa sheegay inuu doonayay inuu ku gubo Towreed-ka iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil isagoo ka jawaabaya Qur’aan lagu gubay bannaanka masjid ku yaalla Stockholm bishii hore oo uu gaystay nin Ciraaqi ah oo soo galooti ah.

    Booliiska Stockholm ayaa oggolaaday mudaaharaadka sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, waxa la sheegayaa in saddex qof ay ka qayb qaadan doonaan bannaanbaxa ka dhacaya bannaanka safaaradda Israa’iil 1-da duhurnimo ee sabtida maanta ah.

  17. Dowlad Afrikaan ah oo baareysa sida 2.6 milyan loogu bixiyay tababar ku saabsan sida loo cabo kafeega

    Saraakiisha Uganda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM) ayaa loo xilsaaray inay sharraxaad ka bixiyaan sida $2.6m loogu isticmaalay tababarka dhallinyarada ee “sida loo cabbo kafeega” iyo waxyaabo kale, sida ay sheegtay koox ilaalisa baarlamaanka.

    Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka, NGO-ga Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in hanti-dhowrka guud uu xusay tiro ka mid ah goobaha lagu qaxweeyo ee ku qoran ololahan inaysan jirin.

    Qandaraaska waxaa loo kala qaybiyay afar qaybood.

    ·Tababarka beeralayda ee ku saabsan wax soo saarka bunka

    ·Tababarka dhalinyarada sida loo cabbo kafeega

    ·Bixinta aqoonta maaliyadeed iyo xirfadaha maaraynta ganacsiga

    ·Kharashka maamulka mashruuca guud

    Agaasimaha OPM, Robert Limlim, ayaa difaacay qarashka badan ee ololahan isagoo sheegay inay ku saabsan tahay waxbarashada, lacagtana ay ku bixiyeen iibsashada qalabka kafeega iyo sidoo kale sidii dhallinyarada loogu faa’iideyn lahaa dhaqaalaha kafeega.

    Uganda waa mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn Afrika ee loo dhoofiyo qaxwada, iyadoo soo rartay 5.7 milyan oo jawaan, oo qiimahoodu dhan yahay $840m, muddada 12-ka bilood ah ee June 2022, sida ay sheegtay hay'adda horumarinta kafeega ee Uganda.

  18. Ciyaariyahanka muslimka ah ee kufsiga lagu eedeyay iyo jawaabta uu bixiyay ee qabsatay baraha bulshada

    Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Benjamin Mendy ayaa lagu waayay dambi ah inuu kufsaday haweeney iyo inuu isku dayay inuu kufsado mid kale.

    28-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu haweeney 24-jir ah ku weeraray gurigiisa oo ku yaalla Motram St Andrew, Cheshire bishii Oktoobar 2020-kii.

    Mr Mendy ayaa sidoo kale lagu eedeeyay isku dayga kufsi ee haweeney kale, oo 29 jir ah, kadib markii ay sheegtay in uu ku faraxumeyay gurigiisa labo sano ka hor.

    Saxaafadda oo dhoobneynd bannaanka hore ee maxkamadda ayaa markii uu soo baxay Benjamin Mendy waxa ay si isdaba joog ah u weydiiyeen su’aalo balse waxa kaliya ee uu ku jawaabay ayaa ahayd "Alxamudlillaah" isagoo afkiisa uusan kasoo bixin hadal kale ayaa jawaabtaasi waxa ay si aad ah u qabsatay baraha bulshada.

    Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa ilmeeyay iyadoo qoraalka ah in aan wax dambi ah lagu helin uu akhriyay garsoore kadib dacwad seddex isbuuc ah oo ka socotay maxkamada Chester Crown Court.

    Xeerbeegti gaareysa ilaa lix nin iyo lix dumar ah ayaa ka dooday ku dhawaad ​​saddex saacadood iyo 15 daqiiqo ka hor inta aysan gaarin go'aanka.

  19. Maxadweynaha Kenya oo sheegay in dibad baxyo kale aysan ka dhici doonin dalka isagoo diray digniin adag

    Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay mucaaradka ayaa sheegay "in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin dalka, midkii ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doono."

    Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa billaabay dibadbaxyo xiriir ah oo looga soo horjeedo kororka canshuurta, oo ay ku jirto in la laba jibbaaro canshuurta laga qaado shidaalka, taasoo la saxiixay bishii hore.

    "Doorashadii waxay dhammaatay 9-kii Agoosto ee sannadkii hore, ma raadin kartaan hoggaanka dalkan adigoo isticmaalaya dhiigga muwaadiniinta, dhimashada muwaadiniinta iyo burburinta hantida," ayuu yiri Mr Ruto.

    "Banaabaxyadan ma dhici doonaan" Mr Odinga ayaa goor sii horeysay sheegay in todobaadka soo socda la arki doono saddex maalmood oo kale oo mudaaharaad ah oo bilaabanaya Arbacada.

    Sida dastuurku dhigayo dadka mudaharaadka abaabulaya waa in ay maamulka u sheegaan waxa ay damacsan yihiin, laakiin madaxweynuha ayaan awood u lahayn in uu mudaharaadyada mamnuuco.

  20. Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo war hor leh ka soosaartay Wagner

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in kooxda wagner, aysan hadda ka qeyb qaadanin dagaalada ka socda Ukraine.

    Laakiin afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Pat Ryder ayaa sheegay in inta badan ciidamada Wagner ay wali joogaan aagagga uu Ruushku haysto.

    Hubanti la'aan ayaa ku hareeraysan kooxda tan iyo markii ay muddo gaaban khalkhalgiliyeen Ruushka bishii hore.

    Moscow ayaa si weyn ugu tiirsan dagaalyahannada Wagner marka laga hadlayo dagaalkeeda Ukraine. Mishahaarka kooxdan ayaa waxaa bixiya dawladda Ruushka.