You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Dhageyso: Halkee ayay marayaan dedaallada nabadeed ee Garoowe ka socda?

  2. Wiilka Mucamar al-Qadaafi oo xaalad halis ah ku jira

    Mid ka mid ah wiilasha hoggaamiyihii hore ee Libya, Mucamar al-Qadaafi, ayaa la sheegay in laga soo saaray xabsi ku yaalla dalka Lubnaan, halkaasoo uu cuntada ka soomay.

    Waxaa haatan loo qaaday isbitaal, isagoo sida la sheegay ku sugan xaalad adag.

    Hannibal Gaddafi ayaa in ka badan siddeed sano xabsi ku jiray.

    Bishii la soo dhaafay ayuu cuntada ka soomay isagoo ka cabanayay muddada dheer ee uu xiran yahay iyadoo aan wax xukun ah lagu ridin.

    Waxaa laga soo qabtay dalka Suuriya oo uu u cararay kadib markii aabbihiis la dilay sanadkii 2011.

  3. Maxay tahay xerada Jeniin ee ay weerartay israa’iil?

    Jeniin waa xero qaxooti oo ku taal magaalada Jenin, taasoo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.

    Xerada Jenin ayaa jirtay tan iyo horraantii 1950-meeyadii, waxaana la dejiyay Falastiiniyiinta soo barakacay intii lagu jiray dagaalkii 1948-49, oo ah markii la aasaasay Israel.

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, Unrwa, ayaa sheegtay in ay hadda ku nool yihiin ilaa 14,000 oo qof, kuwaas oo ku nool dhul dhan 0.42 sq km (0.16 sq miles).

    Xerada waxaa si aad ah u saameeyay intifada labaad ee Falastiiniyiinta, ama kacdoonka.

    Bishii Abriil 2002, ciidamada Israa'iil waxay qaadeen duullaan ballaaran - oo loo yaqaan Battle of Jenin - kaas oo lagu dilay ugu yaraan 52 dagaalyahan Falastiiniyiin ah iyo rayid, waxaana ku dhintay 23 askarta Israa'iil ah.

    Hawlgalkan oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa waxa uu daba socday olole ay ay Falastiiniyiintu isku-qarxinayeen Israa’iil, kuwaas oo intooda badan ay ku lug lahaayeen dembiilayaal ka yimid magaalada.

    Sanadkii la soo dhaafay, Jenin iyo xerada waxaa marar badan soo weeraray milatariga israa’iil oo soo noqnoqday iyo falastiiniyiin badan oo halkaasi kunool ayaa lala xiriiriyay weeraro badan oo toogasho ah oo lala beegsaday Israa’iiliyiinta.

  4. Jeniin:Gawaarida degdeg ah oo gali waayay xerada si ay u gaaraan dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay

    Xerada qaxootiga ee Jenin ayaa la xiray sababo la xiriira dagaalka halkaa kasocda, waxaana tani ay ka dhigan tahay in gaadiidka gurmadka degdega ah ay ku dhibtoonayaan inay gudaha u galaan xerada.

    Waxay u badan tahay in la arko khasaare badan, inkastoo khasaaraha la xaqiijin doono oo keliya marka ay gaadiidka gurmadka deg-degga gaaraan dhaawacyada iyo kuwa dhintay.

  5. War deg deg ah, Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Jeniin

    Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Jiniin ayaa sheegaya in siddeed qof ay ciidamada Israa'iil dileen tan iyo markii uu billowday howlgalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

    Waxaa sidoo kale jira 50 qof oo dhaawac ah - 10 ka mid ah ayaa si xun u dhaawacmay.

  6. War deg deg ah, Sawirro muujinaya sida ay tahay xaaladda Jeniin

    Duulaanka Jenin ayaa weli socda, iyadoo kumannaan ka tirsan ciidamada Israel la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday magaalada kutaalla Daanta Galbeed.

    Waa kuwan qaar ka mid ah sawirada aan ilaa hadda oo katurjumayo sida ay xaalada tahay.

  7. Xaaladda Jenin oo aad u kacsan

    TV-ga Falastiin ayaa ku waramaya in Madaxweyne Maxamuud Cabaas uu caawa shir guddoomin doono shir deg deg ah oo ay yeelanayaan Hoggaanka, kaasoo looga hadli doono qabsashada iyo gardarada ka dhanka ah Jenin iyo xeradiisa.

    Faahfaahin dheeraad ah oo arrintaas ku saabsan ayaan idiin soo gudbin doonnaa isla marka aan helno

  8. DAAWO: Israa'iil oo duqeymo ka bilawday xerada Jenin

    Ciidamada Israa'iil ayaa howlgal militari oo ballaaran ka bilaabay xerada Jenin ee ku taal waqooyiga Daanta Galbeed ee la heysto.

    Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah la dilay in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in ay duqaynayeen "kaabayaasha argagixisada ee aagga Jenin".

  9. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qabuuro meydadkii lagala baxayay

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay arrin saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada oo la xiriirta dhulka Qabuuraha Macallin Nuur oo dadka qaar sida ay sheegeen lagu yiri kala baxa meydadkii horey loogu aasay.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday halka ay ku yaallaan xabaalahaan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macalin Nuur ee deegaanka Garasbaaleey.

    Wuxuu dadka deegaanka faray in ay joojiyaan meydadka dib loo faagayo.

    Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo oo ehelada dadka halkaa horey loogu aasay ay kala baxayaan meydadkii taasi oo walaac iyo hadal hayn badan abuurtay.

  10. Madax aan Muslimiin aheyn oo difaacay diinta Islaamka

    Justin Trudeau

    Rai'sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau waxaa uu ka mid yahay madaxda reer galbeedka ee sida cad uga soo horjeedsaday Islaam naceybka.

    Mr Trudeau ayaa sanadkii 2020 sheegay in Islaam nacaybka uu yahay wax aan la aqbali karin , wuxuuna wacad ku maray inuu dalkiisa ka dhigi doono mid ay ku ammaan helaan Muslimiinta.

    Vladimir Putin

    Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ah madaxda aan Muslimiinta ahayn ee sida aan gambashada laheyn u difaacay Muslimiinta.

    Waxaa uu si wayn uga soo horjeedsaday aflagaadada lagula kaco Nabi Maxamed (SCW) iyo guudahaan islaam naceybka.

    Madaxweyne Putin oo khudbad ka jeedinayay bishii December ee aanu soo dhaafnay, ayaa sheegay in aflagaadad Nebi Maxmed (NNKH) aan lagu tilmaami karin"muujinta xorriyatul qowlka ".

    Barack Obama

    Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Brack Obama ayaa intii uu xilka hayay waxaa uu si wayn uga soo horjeedsaday Islaam naceybka.

    Waxaa uu difaaci jiray dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka isaga oo ka soo horjeestay in diintooda lagu cunsuriyeeyo.

    Waxaa uu dadka Mareykanka ugu baaqa xilligaasi in Islaam naceybka lala dagaalamo.

  11. Qaabkii loo qabtay Qadaafi hoggaamiyihii Liibiya

    Korneel Qadaafi waxaa la qabtay xilli galab ah.Waxaa la aaminsan yahay in muuqaalka laga duubay laga dhex arki karay in xabad lagu dhuftay oo la dilay.

    Telefishinka al-Jazeera ayaa xilligaas baahiyay muuqaallo laga arki karay Qadaafi oo jahwareersan, dhaawacna ah, iyadoo dagaalyahannadii mucaaradka ay dhulka ku jiidayeen.

    Dagaalyahan ka mid ahaa mucaaradka, Salem Bakeer, wuxuu Reuters u sheegay: "Marka hore waxaa ku tuurnay madaafiic, balse way shaqeyn waayeen".

    "Ka dib mid ka mid ahaa raggii Qadaafi ayaa soo baxay wuxuuna haatiyay gacantii uu qoriga ku haystay... Ka dib markii uu i arkay, wuxuu billaabay in uu xabado nagu soo rido. Waxaan u maleynayaa in Qadaafi uu ku amray in xabadda uu joojiyo. Ka dib wuxuu dhahay 'Mucaamir Qadaafi halkan ayuu joogaa wuuna dhaawacmay'".

    Salem Bakeer wuxuu yiri: "Gudaha ayaan galnay, waxaanna bannaanka u soo saarnay Qadaafi. Wuxuu dhahayay 'Maxaa khaldan? Maxaa Khaldan? Maxaad sameyneysaa?' Ka dib waxaan saarnay gaari."

    Mid ka mid ah malleeshiyadaas ayaa weriyeyaasha tusay bastoolad dahab ah oo uu sheegay in Qadaafi uu ka qaatay.

    Balse nin sheegtay in dhacdada uu goobjoog u ahaa, wuxuu BBC u sheegay in xabad caloosha looga dhuftay Qadaafi. Waxaana jiro muuqaal laga arkay maydka Qadaafi oo lagu jiidayay jidadka Misrata.

    Madixii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobeey ee sannadkii 2011, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo sidii uu Qadaafi u dhintay.

  12. Faahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin

    Israa'iil ayaa howlgal militari oo aad u ballaaran ka billowday Daanta Galbeed ee la haysto. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay si xun u dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay.

    Waxaa la arkayay duqeynta kadib qiiq iyo uuro holac wadata oo cirka isku shareertay waxaana la aaminsanyahay in duqeynta lala beegsaday guryo iyo xaruumo kale.

    Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya tobanaan Falastiiniyiin ah oo hubaysan oo wajiyada soo duubtay, kuwaas oo ku sugan dariiqyada xerada Jeniin.

  13. Maxay dalalka Islaamku ka yiraahdeen gubiddii Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah?

    Ururka Iskaashiga Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo OIC, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo xadgudubka soo noqnoqday ee lagula kacayo Kitaabka Quraanka kariimka ah.

    Kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ayay dalalka xubnaha ka ah ururkan ku sheegeen in ay qasab tahay in sharciga caalamiga loo adeegsado ka hortaga nacaybka diimaha.

    Shirkaan oo Sacuudigu ku baaqay ayaa jawaab u ah falkiii uu Arbacadii aynu ka soo gudubnay uu nin asalkiisu Ciraaqi yahay kuna nool dalka Sweden uu ku gubay kitaabka shariifka ah ee Quraanka kariimka.

    Halkaan ka dhageyso waxa ay ka dhigantahay tillaabada dalalka Islaamka

  14. Halkaan ka dhageyso dedaallada nabadeed ee Garoowe ka socda

    Magaalada Garoowe, ee caasimadda maamulka Puntland, waxaa ku sii qulqulaya siyaasiin iyo madax dhaqameed ujeedkoodu uu yahay xal u helidda gacan ka hadalkii dhawaan Garoowe ka dhacay.

    Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa ka mid ah madax dhaqameedka ilaa iyo hadda gaaray Garoowe, iyadoo maantana la filayo in ay halka tagaan Isimo kale iyo siyaasiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horeyna u soo noqday madaxweynaha Puntland.

    Halkaan ka dhageyso sida Garoowe wax uga socdaan