Tirada dadka ku dhintay
Kenya Arbacadii dibad-baxyo looga soo horjeeday qiimaha maciishadda ayaa kor u
kacday iyadoo markii hore ahayd lix qof waxayna gaartay ilaa 13, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul
insaanka ee dalkaas.
Guddiga xuquuqul insaanka
ee Kenya (KHRC) ayaa sheegay in 10 qof oo caruuri ku jirto ay boolisku dileen, halka saddex qof ay ku dhinteen rabshado beeleedyo ay sababeen
mudaaharaadyadii ka dhacay galbeedka dalka.
KHRC ayaa baaraysa wararka
sheegaya in booliisku ay ku guuldareysteen inay soo farageliyaan isku dhacyada
beelaha, Davis Malombe oo ah madaxa guddiga ayaa sidaasi yiri.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in 312 qof oo uu ku jiro xildhibaan mucaarad ah la
xiray intii ay socdeen banaanbaxyada, islamarkaana lagu soo oogi doono dacwad.
"Saraakiisha amniga
waxaa la farayaa in ay si adag oo go'aan ah u fuliyaan sharciga ayna la
tacaalaan dhammaan dambiilayaasha, oo ay ku jiraan qaswadayaasha dhaqaalaha,
dhaca iyo qaswadayaasha burburinaya hantida guud iyo kuwa gaarka ah,"
ayuu wasiirku ku yiri hadal uu soo saaray.
Waxa uu sidoo kale
muujiyay rabitaanka dowladda ee ah in la xiro hoggaamiyeyaasha mucaaradka Raila
Odinga iyo Martha Karua, kuwaas oo ku baaqay dibadbaxyada.
Balse mucaaradka ayaa weli
diidan, iyadoo xubin sare oo ka tirsan isbaheysiga Mucaaradka, Edwin Sifuna, uu u sheegay telefishanka Citizen ee Kenya Khamiistii in mudaaharaadyadu ay sii socon doonaan Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadka soo socda.