Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.

Tebin toos ah

  1. Waddan Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya in la dego qaybo ka mid ah dalkiisa

  2. Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ciidamadiisu sii joogi doonaan Soomaaliya bixitaanka ATMIS kadib

    Qoraalka Codka, Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ciidamadiisu sii joogi doonaan Soomaaliya

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan xita ka dib dhamaadka hawlgalka ATMIS.

    Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ka dib dhacaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

    "Waxaan go'aansanay haddaan nahay dalalka safka hore ee Uganda, Kenya, iyo Jabuut inaan ku sii jirno hawlgalkan haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii dib dhacno jadwalka dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, si aynaan u lumin hormarrada aan samaynay iska bixitaankeenna awgii ka dibna ay Al Shaab helaan fursad ay masraxa dib ugusoo laabtaan."

  3. Madaxweynaha Iran oo taageeray dhigiisa Ruushka

    Labada hogaamiye waxay ku kulmeen Tehraan sannadkii hore

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Labada hogaamiye waxay ku kulmeen Tehraan sannadkii hore

    Wax yar uun ka hore waxaan ,maqalnay inuu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wada hadal qadka taleefanka ah la yeeshay dhiigiisa "sida buuxda u taageersan" ee Iran, Madaxweyne Ibraahim Raisi.

    "Madaxweynaha Iran wuxuu muujiyey taageerada buuxda ee uu u hayo hogaanka Ruushka ee ku aaddan dhacdooyinkii 24 saac ee u dambeeyay ka dhacay ruushka," ayaa lagu yiri bayaanka Kremlin-ka.

    Iran ayaa horaan iska fogeysay in ay Ruushka u daabushay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loogula dagaalamo Ukraine ka dib markii uu sidaas ku eedeeyay Madaxweynah Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Maraykanka ayaa ku doodaya in Iran ay hadda tahay taageeraha ugu weyn ee Ruushka ka caawinaya dhanka Milatariga.

    Iran iyo Ruushka ayaa sidoo kala kawada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn dhow oo ku aaddan ganacsiga, tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale Suuriya iyo dejinta xaaladda gobolka.

  4. Maxay ka dhigan tahay booqashada ninka ay is hayaan madaxa Wagner ee ciidamad Ruushka?

    Shoigu

    Xigashada Sawirka, SocialMedia

    Waxaa soo baxay muuqaalka Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu oo booqanaya ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine.

    Laakiin wali ma cadda goorta saxda ah ee muuqaalka Shoigu la duubay - Tani.

    Hadda waanu eegaynaa Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado dhowr ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in Shoigu uu booqday ciidamada jimcihii Tani waxay muhiim u tahay maadama ah kooxda wagner amar diideeyeen dhamaadkii toddobaadka.

    Si kastaba ha noqotee, ninka internet-ka wax ku qora ee Rozhin ayaan soo bandhigin caddeymo adkeynaya sheegashadiisa. Waxaan ognahay in warbixinta booqashada markii ugu horeysay ay warbaahinta dawladdu ku daabacay barta bulshada ee Telegram saacaddu markii ay ahayd 07:46 subaxnimo, waqtiga Moscow.

    Wax yar ka dib wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa muuqaalkan soo dhigtay akoonkeeda Telegram-ka. iyada oo aan la xaqiijin goorta muuqaalka la duubaye, ayey wasaaradda difaaca Ruushku muujisay in Shoigu uu weli awoodda gacanta ku hayo.

    Saacadaha soo socda ayey BBC-du xaqiijin doontaa, waxaanay ka shaqeyn doontaa si aan u ogaano halka lagu duubay muqaalka anagoo adeegsanayna astaamaha muuqaalka ku cad muuqaal ah.

  5. Maxaa ku dhacay ninkan lagu eedeeyay in uu caayey Nabiga?

    Khariiradda Sokoto

    Nin ayaa lagu dilay woqooyiga dalka Nigeria kadib markii lagu eedeeyay in uu aflagaado diineed geystay.

    Usman Buda oo magaalada Sokoto ee woqooyiga dalkaasi ka ah hilible ayey "dad muslimiin ah weerareen kuwaas oo dhawwacyo daran u geystay," sidaas waxaa lagasoo xigtay afhayeenka booliska Sokoto Ahmed Rufa mar uu la hadlayey wakaaladda wararka ee AFP.

    Markii ay boolisku soo gaareen goobta, "dadku meesha way ka carareen iyaga oo ka tagay ninkan oo miyir daboomay", ayuu kusii daray.

    Usman Buda ayey boolisku daweyn u qaadeen ka dib markii ay goobta kasoo badbaadiyeen balse dhimnashadiisa waxaa lagu xaqiijiyey isbitaalka.

    Masuuliyiinta amaanka ayaa hadda raadinaya dadka ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilka ninkan.

    Waxay AFP werinaysaa in Buda loo dilay ka dib muran dhex ku saabsan ilmo yar oo dawarsanayey kaas oo lacag weydiistay.Waxay AFP soo xiganaysaa qof goob jooge ah oo sheegay in uu muranku bilowdayy kadib markii uu wax u diiday ilmaha. Ka dib waxa uu ku dhawaaqay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Nebi Muxamed (NNKH).

    Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad dhagxaan ku bartilmaameedsanaya nin marka uu turunturoodo oo sii dhacaya.

    Isagoo arrintaas ka jawaabaya, guddoomiyaha gobolka Sokoto, Axmed Cali "wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka inay isdejiyaan oo ay mar walba ilaaliyaan sharciga", balse wuxuu intaas ku daray in dadku aysan sameynin wax hoos loogu dhigayo shakhsiyadda Nebi Muxamed NNKH.

    Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii gabar ardayad ah ay weerar ku qaadeen arday Muslimiin ah oo wax ka baranaysay jamacad ku taalla magaalada Sokoto, kuwaasi oo dilay kadibna meydkeeda dab qabadsiiyey. Waxaa lagu eedeeyay aflagaaddo diineed.

  6. Maxay ka dhalatay doodda ka dhex taagan Obama iyo Muslimiinta Hindiya?

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, ANI/GETTY IMAGES

    Hoggaamiyaha xisbiga BJP ee dalka Hindiya Mukhtar Abbas Naqvi ayaa ka jawaabay hadal uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ka sheegay Muslimiinta HIndiya iyo raysal wasaaraha dalkaas.

    Naqvi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkaas.

    Barack Obama ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CNN wuxuu kaga hadlay Muslimiinta Hindiya, xilli raysal wasaare Narendra Modi uu booqanayay Mareykanka.

    Wareysiga ayaa waxaa lagu weydiiyay sida uu u arko soo dhoweynta uu Madaxweyne Biden u fididyay Obama, wuxuuna ku jawaabay "Ammaanka Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka ay Hinduuda ku badan tahay ayaa mudan in la soo hadal qaado. Haddii aan la hadli lahaa Modi, waxaan ku doodi lahaa haddii aadan difaacin Hindiya, waxaa suurtogal ah in kala qeybsanaanta Hindiya ay siyaadi doonto mustaqbalka."Ayuu yiri.

    Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Hindiya Rajnath Singh ayaa sheegay in Obama qudhiisa ay tahay inuu ka fekero inta dal ee Muslim ah ee la weeraray.

  7. Putin oo ka hadlay waxa uu ka yeelayo ninkii 'afgembi' ka geysan rabay Ruushka?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Farrimo isku dhex yaacsan oo uu jeediyay madaxweynaha Ruushka Vladymyr Putin ayaa keentay in siyaabo kala duwan looga falceliyo isla markaana wax ka badasho wixii laga aaminsanaa madaxweyaha.

    Ha filan in maedaxweyne Putin inuu aqbalo inuu qalad ka dhacay waayo ma aha wax looga bartay qirashada qaladaadka uu gelo.

    Mar wax laga weydiiyay inuu cafinayo Yevgeny Prigozhin, oo ah ninka madaxda ka ah kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa waxaa uu ku jawaabay:

    "Haa. Laakin ma aha wax kasta,"

    Sababta uu cafis ugu fideyn ayaa la weydiiyay, wuxuuna yiri:

    "Waa nin khiyaaanoole ahy."

  8. Todoba arrin oo Nabi Muxamed NNKH Musliminta kula dardarmay

    Iyadoo lagu guda jiro maalmaha khayrka badan ee bisha Dul-Xaj, ayaa waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo Nabi Muxamed NNKH, uu Muslimiinta kula dardaarmay. Haddaba halkaan ka dhageyso Sheekh Jacfar Xaaji Cali oo ka mid ah culimada Soomaalida oo noo faahfaahinaya arrimahaas.

    Qoraalka Codka, 7-da dardaaran ee Nabigeena Muxamed NNKH.
  9. Halkee buu jaan iyo cirib dhigay ninkii 'afgembiga Ruushka' ku eedeysnaa?

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Wagner iyo Putin waxay ahaayeen saaxiibbo muddo dheer

    Hoggaamiyaha ciidamada calooshaad u shaqeysteyaasha ah ee Wagner ayaa ilaa iyo hadda aan wax war ah laga hayn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

    Madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin ayaa sabtidii sheegtay in Prigozhin u guuri doono Belarus, isaga oo noqonaya dibadjoog.

    Waxa uu xafiiska madaxweynaha sidoo kale sheegay in ciidamada Wagner lagu dari doono ciidamada hoos yimaada wasaaradda difaaca.

    Wax war ah lagama helin Prigozhin wixii ka dambeeyay markii la shaaciyay xafiis uu fududeeyay madaxweynaha Belarus.

    Warbixino kale oo la xiriira xiisada Ruushka

  10. Wasiirka Difaaca Ruushka ee kooxda Wagner ay dooneysay in la eryo oo shaashadaha kasoo muuqday

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqday shaashadaha isaga oo booqanaya fadhiyadda ciidamada.

    Waa markii ugu horreysay ee la arko tan iyo markii kooxda Wagner ay iskudayday inay xoog ku gasho Moscow.

    Kooxdaas oo uu hoggaaminayo Yevgeny Prigozhin ayaa dalbanayay in xilka laga qaado wasiirka gaashaandhiga Shoigu.

    Warbixino kale oo la xiriira xiisada Ruushka

  11. Wiil arday ah oo kumannaan kiilo mitir usoo lugeeyay Xajka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Cismaan Arshaas, oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dalka Pakistaan, ayaa jaray masaafo dhan 4000 oo km si uu u soo guto waajibaadka xajka.

    Waxaa uu lug ku tegey Makkah, isagoo ka amba baxay Pakistaan, wuxuuna sii maray dalalka Iran, Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta.

    Safarkaas ma ahayn mid u sahlanaa Arshad, wuxuu wajahay caqabado dhowr ah gaar ahaanna xaga cimilada.

    "Qof kasta oo Muslim ah wuxuu ku haminayaa inuu mar un Makkah tago, si uu u soo booqdo kacbada ayuu yiri Cisman.

    "Intii aan safarka ahaa, waxaan seexan jiray masjid kasta oo iga soo hor baxa, ama hotel balse inta badan waxaan dhex seexan jiray tendho'' ayu intaa raaciyay.

  12. Talooyin muhiim u ah qofka xajinaya

    Xajka

    Xigashada Sawirka, AFP, GETTY

    Xajku waa cibaado weyn oo kheyr badan laga helayo haddii uu qofku u guto sida saxda ah. Berri ay xujayda tagay Sacuudiga u safri doonaan Mina si ay u guda galaan gudashada waajibaadka xajka.

    Sida uu qorshuhu yahay salaadda subax kaddib waxaa billaabaneysa daabulidda dhammaan xujeyda ka imaanaysa magaalada Makkah ilaa Mina, halkaas oo ay ku qaadan doonaan maalmaha gudashada waajibaadka xajka.

  13. Tiradii ugu badneyd oo la filayo inay sanadkan xajiyaan

    Xajka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waaxda baasaboorrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii ay dalkaas gaareen ilaa 1,655,188 qof oo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

    Dadkan ayaa isugu jira kuwo safra dhulka ah ku galay dalkaas iyo kuwo diyaarad ku tagay.

    Waaxda ayaa sheegtay in aad la isugu diyaariyay hab maamulka Xajka.

    Ilaa labo milyan oo qof ayaa sanadkan loogu talogalay inay gutaan waajibaadka Xajka.

    Dowladda Sacuudiga ayaa tirade dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka.

    Dalka Inodnesia ayaa hela tirade ugu badan, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria.

  14. Maxaan ka ognahay baadariga dadka gaajada ku dilay ee Kenya?

    badari

    Xigashada Sawirka, YOUTUBE

    Hoggaamiyaha koox diimeedka Kiristanka ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda la soo taago maxkamad, iyadoo ay weli socoto soo saarista meydadka laga helay xabaal wadareedyo ku yaalla halka ay ku yaallaan xarumihii cibaadada ee isagu maamuli jiray. Ugu yaraan 90 qof, ayaa illaa iyo haatan la helay meydadkooda.

    Baadari Paul Nthenge Mackenzie, ayaa sheegay inuu xiray Kaniisadiisa la magac baxday “Wanaagga Caalamiga ah“ afar sano ka hor kadib ku dhawaad labaatan sano oo uu ka shaqaynayey.

  15. Nin Soomaali ah oo muuqaal ku faafiyay baraha bulshada oo la xukumay.

    baraha bulshada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday seddax Askari oo la sheegay inay ku lug lahaayeen muuqaal lagu duubay Camerada qarsoon ee CCTV-ga, kaas oo ku faafay baraha bulshada.

    Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil u geysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee Muqdisho. Maxamed ayaa waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi ah.

    .

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Waxaa sidookale xukun lagu riday Axmed Xasan Cadaawe iyo Cabdullaahi Abuukar Cariif, kuwaas oo iyagana loo hasyto inay faafiyeen muuqaalkaasi. Raggan ayaa ayaa iyaguna lagu xukumay min laba sano oo Xabsi ah.

    Maxkamadda ayaa labada askari ee kale ku eedeysay inay ahayd inay hay’adaha sirdoonka la wadaagaan muuqaalka iyo xeer ilaalinta intii ay ku faafin lahaayeen baraha bulshada.

    Muuqaalkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bushada, iyadoo dadkuna siyaabo kala duwan uga fal celiyeen, dhacdadaas oo dhacday horaantii Bishan June.

  16. "Farxadda waxay ahayd sida in Soomaalida dembigooda la dhaafay"

    Lixdan sano ka hor, maanta oo kale, ayey aheyd markii gobolladii waqooyiga Soomaaliya ee la oran jiray British Somaliland ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

    Maalmo kaddibna waxa ay la midoobeen gobolladii koonfurta Soomaaliya ee la oran jiray Italian Somaliland - sidaasna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii ku sameysmay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sii Akhri

  17. Cabashooyin laga muujinayo dilal iyo barakac ka dhacay gobollo ka tirsan DDS.

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Qaar kamid ah shacabka ku nool gobollada qaar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka cabanayaa qaabka dowladdu u maareyso xalinta isku dhaca beelaha deegaanada qaar iyo arrimo kale.

    Dadka magaalada Wardheer ayaa ka cabanaya in laga barakiciyay deegaanno hoos yimaada maamulkaasi, sida uu BBC-da u sheegay Xasan Daahir oo ka mid ah waxgaradka gobolka Doolo.

    Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in ilaa iyo afar qof oo shacab ay ciidamada dowlad deegaanka soomlida ku dileen agagaarka tuulada Laab ee Degmada Beercaano kaddib muran ka dhashay goob ay dageen dadkaas oo ka soo fogaanayay fatahaadda wabiga Shabeele, waxaana sidaas BCC-da u sheegay Axmed Sheekh Xuseen.

    Isla gobolka Shabeele ee DDS, waxay dadku ka cabanayaan in lagala wareegay beero ay tabcadeen qoysas ku nool degmada Elele ee gobolkaas, iyadoo talabadaa uu maamulka gobolka u sababeeyay, ka hortagga isku dhac beeleed sida BBC-da la wadaagay Abwaan maxamed Xasan.

    Haddaba si aan jawaab ugu helno dhamaan cabashooyinkan, ayaa waxaan isku deynay inaan la xirriirno hogaanka nabad gelyada DDS iyo yo guddoomiyeyeesha goboladaas ay cabashadu ka soo yeertay, balse nooma suurta gelin.

  18. Waa sidee xaaladda Laascaanood ee saakay?

    Magaalada Laascaanood waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay dagaal ay dad ku dhinteen.

    Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaas.

    Sidoo kale waxaa magaalada laga xusayaa 26-ka June oo maalmaha xorriyadda Soomaaliya ka mid ah muddo dheer kadib.

    Haddaba waa sidee xaaladda saakay? waxaa ka warramaya weriye Feysal Jaamac oo Laascaanood ku sugan.

    Qoraalka Codka, Laascaanood