Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.

Tebin toos ah

  1. Biden oo Putin ku tilmaamay qof macangag ah

    Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Vladimir Putin uu noqday "Macangag ku ah" adduunka oo dhan, uuna si cad u luminayo dagaalkiisa Ukraine iyo sidoo kale dagaalka gudaha.

    Mr Biden ayaa intaa ku daray in ay adagtahay in la sheego in hogaamiyaha Ruushka uu ku wiiqay gabood falladii todobaadkii hore ay sameeyeen calooshood u shaqeystayaasha Wagner.

    Qaar ka mid ah ayaa la siiyay meel nabdoon oo ku taal Belarus, oo xuduud la leh Poland.

    Madaxweynaheeda Andrzej Duda, ayaa sheegay in joogitaankooda uu khatar ku keeni karo Poland, iyo sidoo kale Lithuania iyo Latvia.

    Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in NATO ay tahay inay fariin toos ah u dirto Wagner shir madaxeedka bisha soo socota.

  2. Hooyadan 5 sano ayey uruurineysay qarash ay kusoo xajiso balse weli uma aysan suura gelin

    Xaj

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ku dhawaad ​​1.8 milyan oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa tagay buurta Carafa ee dalka Sacuudiga si ay u xusaan maalinta ugu muhiimsan ee xajka.

    Laakiin qiimaha kor u kaca caalamiga ah awgeed, xajku waxa uu noqonayaa mid aysan dadka qaar awoodin.

    "Tirada is diiwan gelinta sanadkan si weyn ayay hoos ugu dhacday, aad ayay ugu kharash badan tahay dad badan," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha shirkad gaar loo leeyahay oo mas'uul ka ah qabanqaabada safarrada xajka, kuwaasoo doonayay inaan magaciisa la sheegin.

    Masar, oo ah dalka Carabta ugu dadka badan, xajka ugu jaban ee ay dawladdu maalgeliso hadda waxa uu ku kacayaa $6,000 waa labanlaab sidii uu ahaa sannadkii hore.

    Farida, oo ahayd shaqaale dawladeed oo Masar ah oo shaqada ka fadhiistay, waxay u dhaqaale u uruursaneysay inay xajka tagto muddo shan sano ah.

    "Dhammaan kaydkayga kuma filna inaan bixiyo safarka. Markii aan arkay liiska qiimaha, waan naxay," ayay tiri.

    Farida ma aha magaceeda saxda ah waa carmal iyo hooyo shan carruur ah leh. Waxay kaloo codsatay inaan la aqoonsan sababtoo ah ma aysan dooneyn inay si cad ugu dhaleeceyso mas'uuliyiinta Masar sare u kaca maciishada.

    Farida ayaa sheegtay in gudashada xajka ay tahay riyadeeda, iyadoo raacisay: “Xaajku nafta ayuu nadiifiyaa”.

    Waxay sheegtay in carruurteedu ay wada guursadeen, sidaas darteed "mas'uuliyadaha bulsho iyo dhaqaale ayaa garbahayga laga qaaday". "Waxa la gaaray waqtigii xajka aan aadi lahaa. Ayey tiri"

  3. BBC oo ogaatay madaxweyne iyo qoyskiisa oo ku jira ka ganacsiga daroogada

    Xiriir cusub oo toos ah oo ka dhaxeeya ganacsiga darooga Captagon iyo xubin hormuud ka ah ciidanka milateriga ee Suuriya iyo qoyska madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu ogaaday Baaritaan ay wadajir u sameeyeen laanta afka Carabiga BBC iyo shabakadda saxaafadda wax baarta ee OCCRP.

    Captagon waa daroogo la qabatimo oo la mid ah Amphetamine oo laga helo qaadka, waxayna sannadihii u dambeeyey ku soo badanaysay bariga dhexe.

    Sannadkii la soo dhaafay ayey BBC filim ka duubtay askarta Urdun iyo kuwa Lubnaan sida ay uga hawlgalaan joojinta Captagon oo laga soo geliyo xuduudahooda, taasoo ka timaada Suuriya.

    Hadda daroogada waxaa laga helaa Yurub, Afrika iyo Aasiya. Halkan kasii akhriso

  4. Hoggaamiyihii Wagner ee qalqalka geliyay Ruushka oo weli la xaqiijin la'yahay halka uu ku sugan yahay

    Yevgeny Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maalmo ka dib markii uu hogaaminayay gadood uu Vladimir Putin ku andacoodey in uu ahaa mid khatar ah oo dhalin karayey dagaal sokeeye, waxaa jira calaamado muujinaya in Yevgeny Prigozhin aanu weli ahayn nin xor ah balse xataa, laga yaabo, in uu dib ugu soo laabtay Ruushka.

    Lama maqal shaqsi ahaan tan iyo markii la duubay cod uu sii daayay galabnimadii Isniinta.

    Talaadadii, hogaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa xaqiijiyay in madaxa kooxda Wagner uu ku sugan yahay dalkiisa.

    Hase yeeshee isla fiidkii, diyaarad ku xiran Yevgeny Prigozhin ayaa mar kale ka duushay meel u dhow Minsk waxayna u duushay Ruushka.

    Xogta dabagalka ayaa muujineysa in diyaaraddu ay markii hore ku sii jeedday Moscow ka dibna ay ku sii jeesatay magaalada uu ku dhashay Prigozhin ee St Petersburg. Waxay degtay subaxnimadii Arbacada.

    Ma garanayno in hogaamiyaha Wagner uu saarnaa, laakiin waxaan aaminsanahay in tani ay tahay diyaaradii ganacsiga ee uu u duulshay Belarus shalay.

    Diyaarad labaad, oo dhaqdhaqaaqeeda ay u ekaayeen kuwii ugu horreeyay maalmihii la soo dhaafay, ayaa si toos ah uga soo duushay Minsk ilaa St Petersburg isla waqti isku mid ah.

    Lukashenko, oo si faahfaahsan u sharraxay dadaalkiisa gaarka ah si uu u dhexdhexaadiyo inta lagu jiro kacdoonka iyo in Prigozhin uu joojiyo ciidamadiisa, ayaa sheegay in dagaalyahannada kooxda Wagner lagu soo dhaweynayo Belarus.

  5. Booliska Sweden oo ruqsad oggolaansho siiyay nin qaban qaabinaya dibad bax lagu gubayo kitaabka Qur'aanka Kariimka ah

    Qur'aan

    Xigashada Sawirka, Google

    Booliska dalka Sweden ayaa howlgalo amni xaqiijin ah ka wada caasimadda dalka Sweden ee Stocholm, kadib markii ay ansixiyeen codsi mudaaharaad ah oo qabanqaabiyaha uu qorsheynayay in lagu gubo kitaabka Qur’aanka kariimka ah.

    Waxaa lagu wadaa in lagu qabto bannaanka masaajidka weyn ee magaalada. Waxay daba socotaa go'aanno maxkamadeed oo ah in booliisku ay ku qaldanaayeen inay ka hortagaan isu soo baxyadii dhawaa ee la qorsheeyay in lagu gubo kitaabka Quraanka.

    Maxkamaduhu waxay go'aamiyeen in cabsida amni ee la xiriirta aanay ka miisaan badnayn xuquuqda dastuuriga ah ee muujineysa in la isugu yimaado si xor ah loona bannaanbaxo.

    Arintan ayaa cakirtay dalabka Sweden ee ah in ay ku biirto NATO oo uu Turkigu hor istaagayo.

    Bishii Janaayo, nin u dhaqdhaqaaqa midigta fog ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka ah bannaanka safaaradda Turkiga kaas oo uu ka carooday madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  6. Qaybo kamida Soomaaliya oo aan maanta laga ciidin

    Gobolada dhexe

    Xigashada Sawirka, Google

    Iyadoo guudahaan dunida Islaamka laga ciiday maanta ciidda Ciidul-Adxaa, ayaa waxaa jira qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida oo aan laga oogin salaadda labada rakco ee ciidda.

    Meelaha aan laga tukan waxaa ka mid ah deegaanno ka tirsan kuwa Galmudug.

    Inkastoo aan si rasmiya loo ogeyn sababta keentay in deegaannada qaar aan laga tukan salaadda ciidda,haddana waxaa loo maleynayaa inuu qayb ka yahay khilaafka soo noqnoqday ee la xiriira dhanka dariiqooyinka kaas oo dhaca xilliyada munaasabadaha diiniga ah sida ciiddaan oo kale.

    Ciidul-fitriga ayaase ugu badan khilaafka caynkaan oo kale ah.

  7. Sida looga ciiday Suudaan oo ay dagaallo qaraar ka socdaan iyo maxabiis lasii daayay

    Sudan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xabbad joojin hal maalin ah oo ay ku dhawaaqeen labada dhinac ee ku dagaallamaya caasimadda Suudaan ee Khartoum, si loogu dabaaldego Ciidul-Adxa, ayaa u muuqata mid sii yaraanaysa.

    Duaa Tariq oo ka tirsan shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ayaa BBC-da u sheegtay in rasaas xooggan laga maqlayay degmooyinka waqooyiga ee magaalada tan iyo subaxnimadii hore.

    Talaadadii madaxa ciidamada qalabka sida, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ku biiraan oo ay la dagaalamaan Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF).

    Heshiisyadii hore ee 10-ka toddobaad ee is-jiid-jiidka ahaa ayaa si la mid ah si la mid ah u xumaaday.

    RSF-ta dalka Suudaan ayaa maanta ku dhawaaqday in ay siideysay 100 maxbuus dagaal ah, taasoo qeyb ka ah dabaaldega ciida, iyadoo dhanka mucaaradka dowladda ay ku dhawaaqeen in maanta uusan wax dagaal ah dhicin.

    Saaka aroortii Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay fasax hal maalin ah si loogu dabaaldego Ciidul Adxaa.

    Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan ee taariikhda Islaamka.

    Qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga ee dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in “maalinta Ciidda ay ciidamadu ku dhawaaqeen xabbad joojin maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa”.

    RSF ayaa Talaadadii sidoo kale Facebook-ga ku shaacisay in ciida Al-Adxa awgeed ay sii deyn doonto 100 maxaabiis ah Arbacada.

    Dhawaaqyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dagaallo culus ay labada dhinac ku dhexmarayaan caasimadda Khartoum oo ay go'doomiyeen in ka badan laba bilood iyo magaalooyin kale sida Bahri, Omdurman, iyo meelo kale.

    In ka badan hal milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii dagaalka oo qarxay bishii Abriil, halka inta u dhaxaysa 3,000 ilaa 5,000 ay ku dhinteen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

  8. Ciidamada ATMIS oo kuwa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay saldhigyo ciidan

    ATMIS

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa saddex saldhig oo dheeraad ah ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah ka bixitaankooda tartiib tartiibta ah ee la doonayo in lagu soo gabagabeeyo dhamaadka sanadka soo socda.

    Dhamaadka bisha June ayaa qorshuhu yahay in ilaa 2,000 oo askari laga saaro Soomaaliya.

    Wareejinta ayaa ka dhacday Cadale, Mirtaqwa iyo Xaaji Cali oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, saldhigyadaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

    Ilaa hadda sanadkan ayaa ciidamada Midowga Afrika waxa ay ku wareejiyeen lix saldhig oo ciidan oo shan ka mid ah ay ku yaallin Shabeellaha Dhexe.

    Saldhigii ugu horeeyay oo ku yaala degmada Heliwaa ee caasimadda Muqdisho ayaa waxaa la wareejiyay 22-kii bishan Janaayo. Waxaa kaloo maamulayay ciidamada Burundi.

    Ma cadda tirada askarta Midowga Afrika ee horay looga saaray Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa ciidamo cusub ku tababaraysay dalalka Uganda, Ethiopia iyo Eritrea si ay u bedelaan ilaa 19,000 oo askari oo ka socda Midowga Afrika oo hadda la geynayo Soomaaliya.

    Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Soomaaliya ay isku diyaarineyso wajigii labaad ee duulaan xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

    Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo muujinaya sida ay u qalin jabinayaan boqolaal dagaalyahano cusub ah.

  9. Maxay maxkamaddu ka tiri nin xaaskiisa ku dacweeyay in hantidiisa ay dahab iyo guryo ka iibsatay?

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xukun ay dhowaan maxkamad ku taalla Hindiya ku ballaarisay xuquuqaha haweenka ay ku leeyihiin hantida seygooda ayaa waxaa aad usoo dhoweeyay dadka u dooda xuquuqda haweenka.

    Taariikhdu markii ay ahayd 21 June, maxkamadda sare ee Madras - oo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee koofurta Hindiya- ayaa meel marisay kiis ku saabsanaa muran qoys.

    Xukunkan ayaa u oggolaanaya haweenka guryaha ka shaqeeya inay qeyb la mid ah tan haweenka shaqeeya ay leeyihiin kuwa guryaha ka shaqeeya.

    Khubarrada ayaa sheegaya inay tahay markii ugu horreysay ee maxkamad ku taalla Hindiya ay si rasmi ah u aqoonsato kaalinta ay haweenka guryaha jooga ku leeyihiin dakhliga seygooda.

    Kiiskan ayaa wuxuu ku saabsan yahay lammaane ka soo jeeda gobolka Tamil Nadu kuwaasoo is guursaday sanadkii 1965. Kaddib sanadkii 1982, ninka ayaa shaqo ka helay Sacuudiga. Xaaskiisa, guriga ayay iska joogtay mana aysan shaqeyn jirin waxayna iibsatay dhowr shey oo qaali ah, sida guryo iyo dahab iyadoo isticmaaleysay lacagtii uu seygeeda usoo diri jiray.

    Markii uu Hindiya kusoo laabtay sanadkii 1994, ninka ayaa sheegay in xaaskiisa ay isku dayeysay inay sheegato dhammaan hantida ay lacagtiisa ka iibsatay, iyo inay qarineysay dahabkeeda.

    Sanadkii 1995, ninkan ayaa gubiyay dacwad ka dhan ah xaaskiisa uuna ku sheeganayo inuu isagu leeyahay dhammaanba hantida ay lacagtiisa ka iibsatay.

    Sanadkii 2007, ayuu ninkan geeriyooday, carruurtiisa ayaana sii waday kiiska, maxkamadda ayaana dhowaan aqoonsatay in haweeneydu ay guriga kasii heysay shaqo adag intii uu isagu maqnaa.

    Waxaa haweeneydan loo xukmiyay inay kala bar ka leedahay hantidiisa.

  10. Sawirro: Ciidda magaalada Muqdisho

    Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Dadweyne kusoo kallahay Masjidka Cali Jimcaale si ay salaadda ugu tukadaan
    Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Gudaha Masjidka Cali Jimcaale, kahor salaadda
    Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Dhalinyaro isku sawiraya masjidka bannaankiisa
    Muqdisho
    Qoraalka sawirka, Dad isu diyaarinaya tukashada salaadda
  11. Dal iclaamiyay dagaal ka dhan ah dooliga

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Newzealand ayaa doonaysa inay dalkeeda ka cirib tirto dhamaan noocyada kala duwan ee jiirka ama dooliga laga helo dalkaasi.

    Tallaabadan ayaa waxaa si mutadawacnima ah u fulinaya koox ka tirsan bulshada, waxaana marka hore laga hir gelin doonaa aagga magaalada Wellington ee caasimadda dalkaasi Newzealand.

    Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay ku cirib tirayso dhamaan dugaaga hilib cunka ah, isla markaana lagu badbaadiyo shimbiraha caasimadda.

    Dowladda ayaa waxay fileysaa in howshan ugu dambeyn la soo gabagabeeyo sanadka 2050-ka.

  12. Daawo: Caro ka dhalatay booliiska Faransiiska oo toogtay wiil gaari kaxeynayay

    Dibadbaxyo iyo xaislooni-darro ayaa xalay ka taagneyd magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaddib markii booliisku ay dileen wiil 17 jir ahaa oo diiday amarka taraafikada ee inuu gaariga joojiyo.

    Muuqaal la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa lagu arkayay sarkaal boolis oo qori ku taagaya darawalka gaariga, kahor inta aan dhawaqa rasaasta la maqlin, gaariga ayaa kadib burburay.

    Wiilkan oo lagu magacaabo Naël M, ayaa u dhintay dhaawaca rasaasta oo kaga dhacday laabta, inkastoo ay caawinayeen kooxaha gurmadka degdegga ah.

    Sarkaalkan lagu eedeeyay inuu wiilka toogtay ayaa la xiray.

  13. Daawo:Tartanka xambaarka xaasaska

    Qoraalka Muuqaalka, Tartan lagu qaadayo xaasaska

    Waddanka Canada waxaa dhowaan lagu qabtay tartanka xambaarka xaasaska. Lamaane geesiyaal ah ayaa u bareeyay inay ka qeyb qaataan tartanka iyagoo qaarkood ku guuleystay tartanka iyagoo ka gudbay dhamaan caqabadihii loo dhigay, balse kuwa qaar ayaa dhexda ku haray.

  14. Jilaagii caanka ahaa ee la weysanaa oo la helay xubno ka mid ah meydkiisa

    Sands

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haraadiga meyd bani'aadam ayaa laga helay buuro ku yaalla California waxaana la xaqiijiyay inay yihiin kuwa jilaaga Britain u dhashay Julian Sands, oo la waayay bishii January.

    Dad halkaas socod ku marayay ayaa helay Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen, haatan ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay yihiin xubnaha jilaagan.

    Sands, oo 65 jir ahaa, ayaa aad loogu xusuustaa filimkii ku guuleystay abaal-marinta Oscar ee A Room With A View iyo ruwaayadaha 24 iyo Smallville.

    Sands ayaa la waayay 13-kii 13 January xilli ay xumeyd cimilada xaafadda Baldy Bowl ee Buuraha San Gabriel.

  15. Waa sidee jawiga ciidda ee Laascaanood?

    Qoraalka Codka, Laascaanood

    Iyadoo ay dagaallo ka socdeen magaalada Laascaanood, maanta waa sidee jawiga ciidda? waxaa ka warramaya weriye Feysal Jaamac Aadan.

  16. Waa kuma ninka dilka ugu hanjabay Salman Khan?

  17. Maxay yihiin ciidamada Muslimiinta ee Ruushku uu kula diriri lahaa kooxda Wagner?

  18. Soomaali ku xayirantay Mustalifa iyo wixii ay la kulmeen

    Qoraalka Codka, Dadkan ayaa dhowr kiilomitir soo lugeeyay

    Waxaa soo badanayay cabashada xujayda Soomaalida ee tagta Maka, Sacuudiga, kuwaas oo badanaa la kulmo caqabado ay kamid tahay adeeg xumo si ka duwan sidii filashadu ahayd, taas oo dhib badan gaarsiisa dadka xujeyda ah.

    Waxaannu la hadalnay mid ka mid ah xujeyda Soomaalida ah oo xalay ku xayirmay buurta Musdalifa, halkii ahayd in halkaas laga qaado oo ay kabcada ku tukadaan saaka, waxayna ku qasbanaadeen inay soo lugeeyaan ilaa 20 kiilo mitir.

    Maxamed Cabdi Ciise ayaa nooga warramay sida uu xaalkoodu ahaa.

  19. Xajka iyo Cayaartoyda caanka ah

  20. Alexander Lukashenko "majirto sabab looga cabsado Wagner"

    EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Alexander Lukashenko ayaa sheegay in aysan jirin sabab looga cabsado dagaalyahanada Wagner ee ka soo muuqday Belarus.

    Hoggaamiyaha rug-cadaaga ah ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanku ay il gaar ah ku eegi doonaan Wagner.

    Markii uu dhammaaday gadoodkii Sabtidii, waxaa lagu dhawaaqay in Yevgeny Prigozhin iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa Wagner la siin doono gabaad nabdoon oo Belarus ah iyadoo aan weli taasi la xaqiijin.

    Mar sii horeysay, Mr Lukashenko ayaa saxafiyiinta u sheegay in isaga iyo kuwa kale ay u maleeyeen in xiisada u dhaxeysa Wagner iyo taliyayaasha ciidamada Ruushka ay iyagu xalin doonaan, balse aysan taasi dhicin.

    Ma jiraan geesiyaal ka soo baxay is-maandhaafka ayuu yiri, maaha Madaxweyne Putin, maaha Yevgeny Prigozhin, iyo laftiisa toona.

    Waxa uu ku lug lahaa dhexdhexaadinta heshiis u dhexeeya Kremlin iyo Wagner.