Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.
Tebin toos ah
Nin waalidiintiisa ka caawiyay in ay is dilaan oo la xiray
Xigashada Sawirka, PA Media
Mid kamid ah jilayaasha ugu caansan riwaayadaha soo jireenka
ah ee Japan ayaa loo xiray inuu waalidkiis ku kaalmeeyay in ay isdilaan.
Ennosuke Ichikawa ayaa la helay isaga oo jiifa gurigiisa oo
ku yaalla Tookiyo bishii May.
Waalidiintiis ayaa Iyana laga helay iyaga oo miyir la’ oo ku
jira qol kale oo guriga ah, mar damabana waxaa la xaqiijiyay in ay mayd
ahaayeen.
Booliska ayaa baaraya dhimashada labadan ruux. Warbaahinta
Japan ayaa sheegayin jilaagan caanka ah
uu u sheegay saraakiisha booliska in qoysku ay ka wada hadleen arrin dhimasho
la xiriirta kadibna ay waalidiintu qaateen kaniiniyada hurdada.
Garabsiinta qof isdilaya ayaa dambi ka ah Japan, waxaa lagu
mutaysan karaa ciqaab dhan todobo sano oo xarig ah.
Liiska jaamacadaha Africa oo lasoo saaray iyo kaalimaha ay galeen kuwa Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba jaamacadood oo Koonfur Afrikaan ah, Jaamacadda
Witwatersrand iyo Jaamacadda Johannesburg, oo dhowr kiiloomitir u jirta
Johannesburg, ayaa ka soo baxay kaalinta koowaad iyo labaad 88 jaamacadood oo
lagu qiimeeyay hormuudka Jaamacadaha ee Times Higher Education Sub-Saharan Africa
Rankings 2023 taas oo lagu dhawaaqay 26-kii June oo shalay ahayd.
Jaamacadda Muhimbili ee caafimaadka iyo culuumta isbahaysiga
ee Tanzania ayaa gashay kaalinta saddexaad, halka Jaamacadda Pretoria, oo sidoo
kale ku taal Koonfur Afrika, iyo Jaamacadda Makerere ee Uganda ay kala galeen
kaalmaha afraad iyo shanaad.
Jaamacadaha kale ee ku jira 10ka sare, sida ay u kala
horreeyaan, waxaa ka mid ah Jaamacadda Western Cape ee Koonfur Afrika,
Jaamacadda Covenant ee Nigeria, Jaamacadda Rwanda ee sinnaanta caafimaadka
caalamiga ah, Jaamacadda Ashesi ee Ghana iyo Jaamacadda Ardhi ee Tansaaniya.
Jaamacadda ugusoo horreysa ee ee Soomaaliya kasoo gashay
liiskan ayaa ah jaamacadda Abarar oo soo gashay kaalinta 38-aad.
City university of Mogadishu ayaa gashay kaalinta labaad ee
xagga Soomaaliya iyadoo guud ahaan kasoo muuqatay kaalinta 63-aad
Jaamacadda SIMAD ayaa iyaduna gashay
kaalinta 68-aad ee guud ahaan 88-ka jaamacadood ee la tiro koobay heerka
aqoontooda.Kaalinta afraad ee dhanka Jaamacadaha Soomaliya waxaa gashay Jaamacadda Teknoolajiyada iyo seyniska ee Jamhuuriya (JUST) , waxayna liiska guud ka gashay kaalinta 78-aad.
Ugu danbeyn Jaamacadda Red Sea ayaa Gashay kaalinta 84-aad ee heerka jaamacadaha Soomaaliya.
Xigashada Sawirka, Times Higher Education Sub-Saharan Africa University Rankings 2023
War deg deg ah, Hogaamiyihii Wagner oo la xaqiijiyay in uu ka dagay Belarus
Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa laga soo
xigtay inuu sheegay in aasaasihii Wagner Yevgeny Prigozin uu ku sugan yahay
Belarus, sida ay sheegtay wakaalada wararka Belarusian Belta.
Warbaahinta dawladda Belarusiya waxay haysaa faallooyin
dheeraad ah oo ka soo baxay hoggaamiyaha Alexander Lukashenko oo ku saabsan
imaanshaha dalka ee aasaasihii Wagner Yevgeny Prigozin.
Hogaamiyaha Belarus ayaa laga soo xigtay isagoo leh
"dammaanad amni ayaa la bixiyay", sida uu ballan qaaday madaxweynaha
Ruushka Vladimir Putin.
"Waxaan arkaa in Prigozhin uu ku duulayo diyaaraddan haa, runtii maanta wuxuu joogaa Belarus,"
ayuu yiri isagoo raaciyay inuu dalka ku joogi doono kharashka Wagner.
Malaayiin
Muslimiin ah oo gudanaya waajibaadka xajka ayaa ku sugan xaramka, iyadoo la
sheegay in sanadkaan dadku ay aad uga badanyihiin sanadihii la soo dhaafay oo
ay jireen caqabado uu ka mid yahay covid-19.
Haddaba
Maxamed Sheekh Weheliye oo ka mid ah Muslimiinta xajineysa ayaan qadka
telefoonka kula xiriirnay waxaana marka horey waydiinay bal jawiga guud ee
maanta iyo Xajka.
Qoraalka Codka, Hajj IV
Muxuu Putin ka yiri dullaankii ay Moscow ku qaadeen Wagner?
Xigashada Sawirka, Reuters
Maalmo kadib markii ay muddo kooban dullaan qaadeen ciidamada isbahaysiga ee Wagner,
Madaxweyne Putin waxa uu u mahad celiyay ciidamadiisa ammaanka, isaga oo
sheegay in ay joojiyeen dagaal sokeeye oo ka socday Ruushka.
Mr Putin
ayaa u sheegay ciidamada isugu soo baxay fagaaraha Kremlin-ka in ay u istaagi
doonaan qalalaase kasta oo horseedi kara fowdo.
Waxa uu hal
daqiiqo u aamusay duuliyayaashii ciidamada cirka ee lagu dilay intii uu socday dullaanka.
in kastoo Maamulka
ay xaqiijiyeen in kiis dambiyeedka Wagner la laalay.
Wasaaradda
gaashaandhigga ayaa sheegtay in kooxda ay ku qasban tahay in ay ku wareejiso
hub culus iyo qalab.
Ilaa hadda
ma cadda halka uu ku sugan yahay ninkii hoggaaminayay gabood-fallada, ee Yevgeny
Prigozhin.
Diyaarad
isaga lala xiriiriyay ayaa ku degtay dalka Belarus.
Maamulka Putin waxa dhabar jab weyn ku noqday dhacdooyinkii
maalmihii u dambeeyay, haddana waxa uu si degdeg ah isugu dayayaa in uu dib u
soo celiyo awooddiisii, iyo in uu isu muujiyo in uu yahay nin xoogga badan
isaga oo dadka Ruushka ku cabsi gelinaya fikradda ah in uu falkani ku
guulaystay maadama uu dagaal sokeeye noqon lahaa.
Maxaa ka cusub Ruushka saacadihii lasoo dhaafay xageese ku dambeeyeen kooxda Wagner?
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u
hambalyeeyay ciidamada milateriga oo uu sheegay inay “joojiyeen dagaal
sokeeye”, isagoo la hadlayayna waxa uu ku baaqay in hal daqiiqo la aamuso duuliyayaashii lagu dilay iska horimaadyada intii uu socday fallaagada Wagner.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay
socoto diyaarinta Wagner uu ku wareejinayo qalabkiisa milateri, taasoo ka dhigan
in kooxda Wagner la kala diri karo.
Dhammaan saddexda wakaaladood ee ugu waaweyn
Ruushka, oo soo xiganaya waaxda amniga ee FSB, ayaa sheegay in la xiray kiiskii
dambiyada ee ka dhanka ahaa hoggaamiyaha Wagner.
Diyaarad xiriir la leh hogaamiyaha Wagner Yevgeny
Prigozhin ayaa ku degtay Belarus, halkaas oo lagu soo waramayo in laga
masaafuriyay kadib markii uu dhacay kacdoon.
Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa
sheegay inay "xanuun badan tahay in la daawado" kooxda Wagner oo Ruushka
ku gadoodsan, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay "diyaar u noqdaan dagaalka" inta lagu guda jiro fallaagada.
Dhanka kale, weerarka iska horimaadka ee Ukraine
ayaa sii socda iyadoo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in ciidamadiisa
"ay ku hormareen jihooyin walba".
Ninka 15-ka sano hoggaaminayay kaniisadda ee isaga iyo xertiisaba ay qaateen diinta islaamka sanadkanna xajinaya
Saddex bilood ka hor, waxaan isla kaniisada ka sheegay in
aan qabsanno shahaadada, wayna taageereen wixii aan sheegay, wayna ku
celceliyeen. Ka dib waxaan arkay walaal muslim ah oo noo soo socda.,” ayuu yiri.
Waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya imaatinka xajka, “Markii
ugu horaysay ee la igu casuumay in aan soo xajiyo, maan hubin, Waxaan mooday
inaanan tagi karin. Laakiin hadda, halkan ayaan joogaa… anigoo raacaya
tallaabooyinkii Nebi Muxamed, NNKH malaayiin dadkayguna waxay raaci doonaan
tallaabooyinkan si ay u arkaan iftiinka.”
Xoogagga RSF ee Sudan oo ka hadlay waxa ay ka yeelayaan maalmaha Ciidul Adxaa
Xigashada Sawirka, AFP
Xoogaga Taageerada degdega ah ee Sudan ayaa sheegay in ay
ilaalin doonaan xabad joojin hal dhinac ah oo ay kala dhexeyso ciidamada Sudan
maalmaha Talaadada iyo Arbacada, si loogu dabaaldego maalinta Ciidul Adxaa.
Gen Hemedti ayaa sidoo kale cambaareeyay xadgudubyada loo
geystay dadka rayidka ah - oo ay ku jiraan kuwa ay gaysteen ciidamadiisa.
RSF ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeysay xadgudubyada ka
dhacay Darfur.
Putin oo ka hadlay duuliyayaal la sheegay in la dilay intii uu socday kacdoonka Wagner
Khudbadiisii xalay, ayuu madaxweyne Putin ku xaqiijiyay in
duuliyayaal ciidamada Ruushka lagu dilay isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo
ciidamada Wagner ee waday gadoodka muddada gaaban socday.
Waxa uu u mahadceliyey dhammaan kuwa " hor-istaagay
jidka fallaagada", oo ku adkaystay inay ka soo baxaan "waajibkoodii,
dhaartii ay dadkooda u dhaarteen ", ayay ku warrantay wakaaladda wararka
ee Reuters.
Madaxweynaha Ruushka ayaa u mahadceliyey geesiyaashii
dhintay ee muujiyay "geesinimada iyo naf-huridda" ee "ka
badbaadiyay Ruushka cawaaqib xun".
Daawo: Maxay Soomaalidu ka aaminsan yihiin bidaarta?
Natiijada doorashada duqa Toronto ee ay ku tartamayeen Eyga iyo murashaxiin kale oo la shaaciyay
Xigashada Sawirka, VALERIE HOWES
Qoraalka sawirka, Eyga lix jirka ah ee murashaxa u ahaa xilka duqa Toronto, iyo milkiileheeda Toby Heaps
Waxaa la shaaciyay natiijada doorashada duqa magaalada Toronto
oo ay ku tartamayeen ey iyo boqol iyo kow qof.
Doorashadan oo ahayd tii labaad
ee la qabto muddo sideed bil gudaheed ah ayaa timid kadib markii uu si lama-filaan
ah isu casilay duqii hore John Tory oo ay kusoo baxday fadeexad.
Waxaa hadda doorashada ku guuleystay gabadh soo-galooti ah
oo shiineys ah oo Hong Kong ku dhalatay.
Gabadhan oo lagu magacaabo Olivia Chow
oo 66 sano jir ah ayaa ka guuleystay boqol iyo labo murashax oo mid ka mid ah
uu yahay Ey.
Qaar ka mid dhalinyarada Youtuber-rada ah ee qabriga isku aasay iyagoo nool
Sheekh Shariif oo ka hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya iyo waxa sababay.
Xigashada Sawirka, facebook.
Qoraalka sawirka, Shariif Sheekh Axmed
Iyadoo lagu guda jiro
todobaadka xoriyadda, ayaa madaxweynihii hore ee Soomaliya, Shariif Sheekh
Axmed sheegay, inay dhibaato ka jirto meelo badan oo uu daadanayo dhiig Soomaaliyeed
oo laga baaqsan karo, lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada
leh sida u sheegay.
"Dadka Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogaan, shacab iyo mas’uulyiinba waxaan ka codsanayaa in la
joojiyo dhiiga daadanayo",
ayuu yiri Sheekh Shariif.
"Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay dalka ka joogaan
dibedda, kuna dhibaateysanyihiin in kabadan 30 sano. Dagaallada sokeeye iyo
dhiigga daadanayo waxaa aasaas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ah", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Tiro dad ah ayaa ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Garowe. Laba maalmood kahorna, dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Laascaanood aya galaaftay nolosha ku dhowaad 8 qof..
Maxay Mareykanka iyo Sweden ka baarayaan wiilka uu dhalay Erdogan
Wakaladda
wararka ee Reuters ayaa sheegtay in saraakiisha la dagaalanka musuq maasuqa ee
Mareykanka iyo Sweden ay wadaan baaritaan.
Baaritankaas
ayaa waxaa qeyb ka ah qorshe ay wadeen shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo Sweden taas oo ah inay lacago laaluush ah siiyaan Bilaal Erdogan oo
ah wiil uu dhalay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Edrgon.
Warbixin
gaar ah oo ay heshay wakaaladda aya lagu sheegay, in shirkaddu doonaysay inay
malaayiin doolar siiso Bilal Erdogan haddii uu ka caawiyo in badeeco ay soo
saarto uu suuq geyn uga sameeyo suuqyada ku yaalla Turkiga.
Maxay tahay ballanta uu Putin ka qaaday madaxa Wagner si uu kacdoonka u joojiyo ee hadda "looga baxay?"
Muslimiinta Mareykanka oo war cusub ka soo saaray gabdhihii Soomaalida ee shilka ku dhintay
Qoraalka Codka, Gabdhahan ayaa ku dhintay shil gaari
Qoysaska shantii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee dhowaan ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka iyo hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka, ayaa dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo wixii sababay iyo ciddii ka dambeysay shilkaasi.
Waxaa ay sheegeen inaysan ku qanacsanayan baaritaanka booliska magaalada Minneapolis maaddaama sida hay'addu sheegtay in kiisku ku leeyahay nin askari ah oo ka tirsan booliska magaaladaas. Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee CAIR ayaa arrintaas uga warramay BBC.
Maxay yihiin ciidamada Imaaraatka uu maalgelinayo ee Puntland?
Muxuu Farriintiisa ku sheegay Madaxa Wagner muxuuse ka tagay?
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in farriintiisu u dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram in uu uga jawaabayey su'aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in oo saxo waxii "qalad loo fahmay".
Laakiin waxuu ku guuldarreystay inuu ka jawaabo laba su'aalood oo muhiim ah - oo ku saabsan mustaqbalka Wagner iyo Prigozhin laftiisa, iyo wixii tanaasulaad ah haddii ay jiraan ee uu ka helay Kremlin-ka iyada oo qayb ka ah heshiiska lagu dejinayo xiisadda.
Madaxa Wagner wuxuu xusay doorka dhexdhexaadinta heshiiska hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko, kaasoo "soo bandhigay si loo helo habab ay Wagner u sii wadan karaan shaqadooda si sharci ah".
Laakiin Prigozhin ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa tani dhab ahaantii macnaheedu noqon karto.
Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah shaqaalaha Wagner loo wareejinayo Belarus - Wargayska Ruushka ee Verstka ayaa sheegay in dhisme lagu bilaabay xeryo loogu talagalay kooxdan.
Waxaa sidoo kale jiray warar aan la hubin oo sheegaya in Wagner loo isticmaali karo weerar ka dhan ah Ukraine oo ka imanaya dhanka Belarus.
Hogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin soo diray
Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaanka kooxda Milatariga ah ee Ruushka ee lagu magacaabo Wagner- Yevgeny Prigozhin ayaa hadda uun soo dhigay internet-ka cod 11 daqiiqo ah, kaasoo uu ku sheegayo inaysan wax heshiis ah la gelin wasaaradda difaaca Ruushka iyo in ciidamadiisa loo qorsheeyay in lasoo af jaro kowda bisha Luulyo.
Wuxuu farriinta ku yiri: " Ujeedka hawlgalku wuxuu ahaa in aan Wagner la burburin iyo in masuuliyiinta lala xisaabtamo, kuwaas oo xirfad xumadooda awgeed galay qaladaad badan".
waxa uu sheegay in Wagner ay ka xunyihiin "duqeyntii ay la beegsadeen ciidamada cirka Ruushka" waxayna u laabteen "si ay uga dhowrsadaan in uu daado dhiiga ciidamada Ruushka".