Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.

Tebin toos ah

  1. Dhalinyarada Soomaliyeed ee kacabanaya qaaliga Xajka ee Sanadkan

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Axmed Xaji

    Axmed Xaaji oo 24 sano jir ah ayaa sheegay in qarashka safarka ee sii kordhaya uu ka joojinayo inay gutaan wajibaaka Xajka.

    "Runtii aad ayaan uga xanaaqsanahay arrintaas. Waxaan sidoo kale ka niyad jabsanahay in arrintan aan si weyn looga hadlin. Waxaad dareemeysaa in Sacuudi Carabiya iyo wakiillada safarka ay ka faa'iideysanayaan caado diimeed Xajka, "ayuu yiri Axmed Xaaji oo 24 sano jir ah kana shaqeeyo mid kamid ah NGO-da ka howlgala Kenya.

    Waxa uu sheegay in uu ku guulaystey in uu keydsado $3,000 (£2,360) ka dib markii wakiilka socdaalka ee xajka uu u sheegay qiimahaas.

    Laakiin markii dambe, qiimuhu wuxuu si lama filaan ah labanlaab ugu noqday waxaana uu gaaray $6,000.

    Tani waxay si gaar ah uga jirtaa Afrika, oo heerka faqriga uu kor u dhaafo 30%, taasoo ka dhigaysa qaaradda ugu badan ee dadka aan awoodin inay xajiyaan caalamka.

  2. Nin afartan sano la raadinayay oo la soo qabtay iyo sida uu uga badbaaday in la soo xiro

    florida

    Xigashada Sawirka, HILLSBOROUGH COUNTY SHERIFF’S OFFICE

    Nin ku eedeysnaa in uu dil ka geystay gobolka Florida ee dalka Mareykanka oo saddex jeer ka soo muuqday liiska dadka loogu doonista badan yahay Maraykanka ayaa la xiray ka dib ku dhawaad ​​afartan sano oo uu baxsad ahaa.

    Sida ay masuuliyiintu sheegeen,Donald Santini, oo 65 jir ah, ayaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay 13 magacyo ah si uu uga baxsado in loo soo xiro dilka haweeney 33 jir ah oo ree Florida ugu geystay 1984-kii.

    Waxa uu ahaa madaxwynaha guddida biyaha ee California wakhtiga la xidhayay.

    Santini ayaa loo gacan galiyay masuuliyiinta Florida halkaas oo uu ku wajahayo dacwad dil ah.

  3. Daawo: Dab xoogan oo ka kacay goob laga dhisayo magaalada Paris

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Dab xoogan oo ka kacay goob laga dhisayo magaalada Paris
  4. DAAWO:Ma aragtay muqaalkii burburka Titan ee maalmo kahor la soo saaray?

    Qoraalka Muuqaalka, Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa burburka Titan oo biyaha laga soosaray.

    Waa muqaalka muujinaya burburka Titan ee labo maamlood kahor laga soo saaray biyaha.kadib markii uu bada hoosteeda burburay.

  5. Maxay tahay sababta ay Britain ugulatalineyso muwaadiniinteeda u safaraya Faransiiska inay qaataan ceymiska safarka?

    Sida uu sheegay xafiiska arrimaha dibadda ee Britian,dadka u dhashay Britain ee u safraya Faransiiska ayaa laga yaabaa inay la kulmaan carqalad, waxaana lagula talinayaa inay la socdaan warbaahinta, iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo rabshado baahsan.

    Dawladda ayaa sidookale ku boorisay dadka Ingriiska u dhashay inay ka fogaadaan rabshadaha, iyadoo sheegtay in meelaha ay ka dhacayaan iyo waqtiyada ay dhacayaan "aan la saadaalin karin".

    Waxay kaloo sheegeen inay "aad uga muhiimsan tahay sidii hore" in la helo caymiska safarka.

    Rabshado ayaa bilowday Talaadadii ka dib markii booliisku ay toogteen wiil 17 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria.

    france

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Haweeneyda ugu cadcad inay Venezuela madaxweyne kanoqoto

    venezuela

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haweeney kamid ah hogaamiyayaasha ugu cadcad mucaaradka Venezuela ayaa la sheegay in dowalada a ka joojisay in muddo 15 sano ah ay u tartanto wax xil ah oo dadweynaha soo dooranayaan.

    Machado ayaa u muuqata mid ka mid ah dadka ugu cadcad in ay ku guuleystaan doorashada hordhaca ah ee mucaaradka Venezuela ay ku dooran doonaan musharaxooda madaxweyne ee uga qeybgali doona doorashada 2024-ka ka dhici doonta dalka Venezuela.

    Sababta Machado looga mamnuucay inay uu tartanto xil dadweyne ayaa lagu sheegya inay taageertay cunaqabataynta Mareykanka ee ka dhanka ah dowladda Nicolás Maduro iyo madaxweyne ku meel gaar ah ee uu horay u taageeri jiray Mareykanka oo uu horay u ahaan jiray Juan Guaidó.

    Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay si toos ah ugu diiday taalabadan iyada ka dhanka ah, waxayna sheegtay in diidmadaasi mid aan waxba kabadaleyn mowqifkeeda.

  7. DAAWO:Saddex muuqaal oo muhiim ah oo uu Putin ka soo muuqday ka dib kacdoonkii Wagner

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Saddex muuqaal oo muhiim ah oo uu Putin ka soo muuqday ka dib kacdoonkii Wagner
  8. SAWIRRO: Fransiiska oo maalintii afaaraad gubanaya

    banaanbaxyadii ugu xumaa oo xalay dhacay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    banaanbaxyadii ugu xumaa oo xalay dhacay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    banaanbaxyadii ugu xumaa oo xalay dhacay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    banaanbaxyadii ugu xumaa oo xalay dhacay

    Xigashada Sawirka, Reuters

  9. Maqaarkaaga iyo wadnaha muxuu ka badali karaa hilibka cas?

  10. Hogaamiyayaasha Yurub oo sheegay in ay yareyn doonaan ku tiirsanaanta Shiinaha

    shiinaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hogaamiyayaasha Yurub ee ku shirsan Brussels ayaa sheegay inay dhimi doonaan ku tiirsanaanta Shiinaha ayna raadin doonaan saaxiibo kale oo ganacsi.

    Shir-madaxeedka golaha Midowga Yurub, waxay ku heshiiyeen siyaasad loo yaqaan ka-hortagga khatarta.

    Toddobaadkii hore ra'iisul wasaaraha Shiinaha ayaa dhaleeceeyay siyaasadda cusub ee midowga yurub oo ay ugu magac dareen ka hortaga khatarta ah.

    Duulaankii Ukraine ayaa muujiyay ku tiirsanaanta reer galbeedka ee saliida iyo gaaska Ruushka, waxaana jirta cabsi ah in khalad la mid ah kan Ruushka uu shiinaha gala.

  11. Qaramada Midoobay oo kahadashay rabshadaha Faransiiska

    france

    Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rabshadihii ka dambeeyay toogashadii Nanterre ay soo jeedinayaan in Faransiiska uu u baahan yahay inuu wax ka qabto waxa ay ugu yeereen "arrimaha qotada dheer ee cunsuriyadda " ee ka dhex jira booliska .

    Afhayeen u hadashay Qaramada Midoobay oo ku sugan Geneva, Ravina Shamdasani, ayaa sidoo kale ku boorisay mas'uuliyiinta Faransiiska inay xaqiijiyaan in awood kasta oo booliisku ay adeegsadaan ay tahay mid sharci ah, kana fog midab-takoorka.

  12. Sergei Lavrov oo hadlay markii ugu horeysay tan iyo talaabadii ay Wagner qaadeen

    lavrov

    Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushku uu si ka xoog badan sidii hore uga soo bixi doono gabood-falladii dhawaan fashilmay.

    Hadalkiisii ​​ ugu horreeyay tan iyo dhacdooyinkii toddobaad ka hor, ayuu wasiirka arrimaha dibadda u sheegay suxufiyiinta in Ruushku mar walba ka adkaaday dhammaan dhibaatooyinkii soo wajahay.

    Talabadii ay qaadeen ciidanka calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ayaa ka caraysiiyay hoggaanka Ruushka.

  13. DAAWO: Dibad baxayaasha Faransiiska oo baabuurta gubaya

    Afartan kun oo askari oo booliis ah ayaa la geeyay goobha ay mudaaharaadyada ka socdaan iyadoo mudaaharaadyo rabshado wata ay ku fideen magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska.

    Dibad-baxayaashu waxay gubeen baabuur, jidad xayndaab ah waxayna ku tuureen bilayska.

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Dibadbaxayaasha Faransiiska oo baaburta gubaya
  14. Saacad dhaleecayn u soo jiidday madaxweynaha Faransiiska, dood kululna dhalisay

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmamuel Macron, ayaa la dhaleeceeyay kaddib markii uu iska siibay saacad nooca xaragada ah, xilli uu bixinayay wareysi ku saabsan isbadellada da’da howlgabka.

    Faransiiska ayaa waxaa qabsaday dibadbaxyo iyo shaqo-joojin la xiriirta go’aanka uu Mr Macron sare ugu qaaday da’da howlgabka oo markii hore aheyd 62 haatanna uu gaarsiiyay 64-ka sanadood.

    Wakiillada Mr Macron ayaa sheegay in madaxweynuhu uu saacadda iska bixiyay maadaama ay “ku dhacaysay miiska”.

    Hasayeeshee dadka madaxweynaha dhaleeceeya ayaa ku andacooday in saacaddu ay muujisay sida uusan warba uga hayn dadweynaha.Sii akhri

  15. Maxay tahay sababta ay hooyadan ilmaheeda ugu harqisay haanta biyaha?

    hindi

    Haweeney ayaa caruurteeda ku harqisay haanta biyaha kadibna nafteeda dishay kadib markii ay ku guuldareysatay ciyaarta qamaarka ee online-ka.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Choutuppal ee dalka Hindiya.Lacagta ay lumisay ayaa lagu qiyaasay Rs 15 lakh (18,279 oo Dollar).

    Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Rajeshwari Avashetty, waxayna dhacdadan dhacday Talaadadii aynu soo dhaafnay.

    Caruurta ayaa da'adooda lagu kala sheegay shan jir ah iyo saddex jir.

    Rajeshwari waxay ciyaari jirtay cayaaraha online-ka ee mobilka.

    Xubnaha qoyskeeda ayaa sheegay in ay isku dishay dayn lagu lahaa darteed.

    Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dalka Hindiya oo dhan si isdaba joog ah uga socday dhacdooyinka noocaan ah.

  16. DAAWO:Dibad baxayaasha Fransiiska oo weeraray dukaanka NIKE

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Dibad-baxayaasha Fransiiska oo weeraray dukaanka NIKE

    Dad badan oo kamid ah kuwa madaaharaadayay ayaa isku dayay in ay jabsadaan dukaanka Nike, iyaga oo garaacaya daaqadaha.

    Nike,waa shirkad caalami ah oo Maraykanka laga leeyahay oo ka shaqeysa naqshadaynta, horumarinta, soo saarka iyo iibinta kabaha, dharka, iyo adeegyada.

    Shirkaddu waxay xarunteeda ugu weyn kutaalla magaalada Portland.

    Rabshado xoogan ayaa habeenkii saddexaad ruxay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.Dibedbaxayasha ayaa ka careysan dil wiil dhalinyaro ah ay u geysteen booliska dalkaasi.

    Mudaaharaadyadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan, sida goobo muhiim u ah bulshada oo la burburiyay, iskuulo iyo xarumaha qaar ee dowladda.

  17. Dadweynha Nigeria oo looga digayo cabitaanka Sprite.

    .

    Xigashada Sawirka, Sprite Promotional Image

    Dadweynaha Nigeria ayaa looga digayaa in dhalooyinka qaar ee sprite ay wasaqeysanyihiin.

    “ Walxo” ayaa lagu dhex arkay shan kartoon oo cabitaankaasi ah oo lagu iibinayay tukaan, sida ay sheegtay shirkadda qaran ee xakameysa cuntooyinka iyo dawooyinka.

    Ila iyo hadda ma cadda waxa ay yihiin walxahaas lagu arkay cabitaanka.

    Macaamiil badan ayaa arrintan uga falceliyay baraha bulshada, iyagoo codsanaya in faahfaahin dheeraad ah laga siiyo arrintaasi.

  18. Maxkamad ciyaaryahan Man City u cayaara ku oogtay inuu kufsaday 10,000 oo haween ah

    Benjamin Mendy

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciyaaryahanka kooxda Manchester City ee ka dhisan Ingiriiska, Benjamin Mendy ayaa kufsi u geystay gabar dhalinyro ah, kaddibna wuxuu ku yiri, "waa iska caadi, waxaan gogol la wadaagay 10,000 oo haween ah", sida ay sheegtay xeerbeegti.

    Sideed iyo labaatan sano jirka ayaa lagu eedeynayaa inuu gabadha oo 24 sano jir ah falkaas ugu geystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Mottram St Andrew ee dalka Ingiriiska bishii Oktoobar ee sanadkii 2020-kii.

    Waxaa sidookale loo haystaa isku day kufsi haweeney kale oo 29 sano jir ah, ha yeeshee ciyaaryahanka ayaa beeniyay eedeymahaasi.

    Maxkamadeyntiisa ayaa ka socota maxkamadda Chester Crown eek u talla Cheshire.

  19. Putin oo si aan laga fileyn ugu falceliyay quraankii lagu gubay Sweden

    .

    Xigashada Sawirka, globeecho

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay Sweden ee lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka quraanka.

    Waxaa la baahiyay muuqaal muujinaya Madaxweynaha Ruushka oo aad u amaanaya kitaabka quraanka.

    Dhowr mar ayuu ku celceliyay in quraanka oo la ixtiraami waayo ay dembi ka tahay dakiisa, marka loo eego waddamada kale.

    Dalal badan oo muslimiin ah iyo kuwa kale ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrintaasi, waxaana kamid ah Turkiga, Morocoo, Sacuudiga, Ciraaq, Mareykaka iyo kuwa kale.

  20. ku dhowaad 700 oo qof oo loo xir xiray dibedbaxyada Fransiiska.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 667 oo qof ayaa lagu xir xiray gudaha dalka Fransiiska, kaddib markii habeenkii sadexaad uu galay dibedbaxyada ka socda dalkaasi, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Gérald Darmanin.

    Wiilka la dilay oo 17 sano jir ahaa ayaa asal ahaan ka soo jeeda waddanka Algeria.

    Dibedbaxayasha ayaa ka careysan dil wiil dhalinyaro ah ay u geysteen booliska dalkaasi.

    Mudaaharaadyadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan, sida goobo muhiim u ah bulshada oo la burburiyay, iskuulo iyo xarumaha qaar ee dowladda.