Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysa xiisadda Garoowe

    Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe. Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in abaabulka iyo isku dibaridka howshaan ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Puntlnad.

    Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa arrimahaan uga warramay wariyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar.

    Qoraalka Codka, Puntland ayaa xiisadda Garoowe ku eedeysay dowladda federaalka
  2. Soomaaliya: maxaa laga yaqaan hoggaanka cusub ee ciidamada Soomaaliya

    Dowladda Soomaaliya ayaa isbadel ku sameeysay hoggaanka ciidamada xoogga dalka, iyada oo xilka laga qaaday Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Jenaraal Maxamed Biixi.

    Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa loo magacaabay Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka, halka taliyaha ciidamada lugta loo magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali.

    Isbadelkaan ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay dagaal kula jirto ururka Al-shabaab.

    Haddaba, maxaa laga yaaqaanaa taliyeyaasha cusub, iyo saameynta isbedelkan uu ku yeelan karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dhegeyso wareysiga Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo horey uga tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya uu arrinkan ku faahfaahinayo.

    Qoraalka Codka, Isbadelkan ayaa la sameyay xilli dowladdu dagaal kula jirto Shabaab
  3. Garowe oo laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan

    Magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland waxaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaqdaqaaqa ciidamo iska soo horjeeda oo wata gaadiidka dagaalka. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadaan gudaha usoo galay magaalada ay diiddan yihiin in baarlamaanka maamulkaas uu furo dastuurka, taas oo laga cabsi qabo inay horseedi karto muddo-xileedka dowladda loo la kordhiyo.

    Xaafadaha qaar waxaa lagu soo warramayaa in dadku ay isaga baxeen. Sida xaalka Garowe yahay waxaa ka warbixinaya weriye Axmed Cawil Jaamac, wuxuuna u warramay weriyaha BBC Xasan Sheekh Cumar:

    Qoraalka Codka, Magaalada Garowe