Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Wadooyinka magaalooyinka Ruushka ee xirnaa oo la furay

    MOSCOW

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Marka laga soo tago wararka sheegaya in ciidamada Wagner ay ka baxeen koonfurta magaalada Rostov-on-Don, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidoo kale ku warramaysa in xannibaadaha waddooyinka la qaaday.

    Horaantii, markii calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay u sii socdeen waqooyiga Moscow iyagoo ka yimid Rostov, mas'uuliyiinta Ruushka waxay xireen waddooyinka iyagoo isku dayaya inay joojiyaan socodkooda.

    Hadda warbaahinta dowladda ee TASS ayaa sheegtay in dhammaan xannibaadaha waddooyinka laga qaaday magaalooyinka Rostov, Lipetsk iyo gobollada kale ee ay saarnayaan xanibaadaha socdaalka.

  2. DAAWO: Kooxda Wagner oo Xabbado Cirka u ridaya

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Muuqaal ku wareegayay Twitter-ka oo ay xaqiijisay BBC Verify - ayaa muujinaya dagaalyahanada Wagner oo xabbado cirka u ridaya markii ay ka baxayeen magaalada Rostov.

    Dadka rayidka ah ee isugu soo baxay wadooyinka ayaa waxaa laga maqlayaa sacab iyo sawaxan ay u muujinayaan dagaalyahanada.

    Waxaan aragnay muuqaalo badan oo muujinaya taageerada shacabka ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee ku sugan koonfurta magaalada saacadihii lasoo dhaafay.

    muqaal

    Xigashada Sawirka, Twitter

  3. Maxaa xiga laabashada kooxda Wagner?

    John Herbst oo hore u ahaa safiirkii Maraykanka ee Ukraine ayaa sheegay inay adag tahay in la qiyaaso in qalalaasaha Ruushka uu hadda joogsanayo.

    Waxa uu BBC-da u sheegay in aanay caddayn waxa soo socda, laakiin Prigozhin ma doonayo in uu hoos yimaado maamulka Wasaaradda Difaaca.

    Daqiiqadan waxay muujin kartaa hakad ka hor "isku dhaca hubka", ayuu yiri Herbst.

    Mise waxaa laga yaabaa in Putin uu diyaar u yahay inuu ka laabto hadaladiisa oo uu muujiyo taxadar, ayuu sii raaciyay.

    Si kastaba ha noqotee, reer galbeedku waa inay "si taxadar leh u daawadaan oo aysan waxba ka dhihin", ayuu yirii.

  4. Sidee kooxda Wagner looga celiyay Moscow iyadoo ay u jirto 200km kaliya?

    Wagner

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Waxay ahayd nus saac cajiib ah iyadoo war lama filaan ah uu ku sheegay in askarta Wagner ay joojin doonaan socodka Moscow.

    Madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhni: ayaa yiri "Waxay rabeen inay kala diraan shirkadda milatariga ee Wagner, waxaanu galnay socod cadaalad ah 23 June.

    24 saac gudahood, waxaan gaarnay meel 200km u jirta Moscow. Waqtigan ma aan daadin hal dhibic oo ka mid ah dhiigga dagaalyahannadayada.

    waxaan u jeedinaynaa tiirarkeenna oo aan dib ugu laabanaynaa xerooyinka garoonka sidii la qorsheeyay."

    Hadalka Prigozhni waxa lagu daawaday kanaalkiisa Telegram iyadoo ay daawadeen in ka badan saddex milyan oo qof.

  5. Sidee loogu guuleystay in la hakiyo ciidamadii ku wajahnaa Moscow yaase ka shaqeeyay?

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa wadahadalo la yeeshay madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner Yevgeny Prigozhin.

    inta lagu gudajiray wada hadalka Prigozhin ayaa waxa uu oggolaaday inuu joojiyo ciidamadiisa isla markaana uu "qaboojiyo xaalada", sida u uku warramay kanaalka wararka ee Rossiya 24.

    "Prigozhin waxa uu aqbalay soo jeedinta Lukashenko ee ah in la joojiyo dhaqdhaqaaqa Wagner ee dhulka Ruushka iyo in la qaado tillaabooyin dheeraad ah oo lagu dejinayo xiisadda," Rossiya 24 ayaa sidaas tiri, iyada oo soo xiganaysa adeegga saxaafadda ee Lukashenko.

    Rossiya 24 ayaa sheegtay in wadahadalka heshiiska uu qayb ka ahaa madaxweyne Putin.

  6. War deg deg ah, Ciidamada Wagner oo hakiyay ku socodkoodii Moscow

    Hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa fariin cod ah soo dhigay bartiisa Telegram isagoo sheegay in uu aqbalay in uu "joojiyo" dhaq dhaqaaqa ciidamadiisa ee ku sii siqaya caasimadda Ruushka ee Moscow.

  7. Weriyihii BBC ee laga soo cayriyay Ruushka oo ka hadashay xaaladda Moscow

    Ruushka

    Sarah Rainsford, oo ahayd weriyihii BBC ee arrimaha dibadda kana soo warrami jirtay Ruushka, ayaa sheegtay inay adag tahay in la helo warar madax bannaan iyo kuwo xaqiiq ah sababo la xiriira xayiraadaha uu dalkaas saaro warbaahinta.

    Rainsford qudheeda ayaa lix bilood kahor laga soo cayriyay Ruushka kahor dagaalkii Ukraine.

    Balse waxay sheegtay in xaaladdan ay xilli muhiim ah u tahay Ruushka.

    "Yevgeny Prigozhin waa noole ka mid ah Kremlin," ayay tiri. "Vladimir Putin ayaa u suurto geliyay in shaqo xun oo Kremlin kuweeda wasakhda ah uu qabto, haatanna Yevgeny Prigozhin wuxuu ciidankiisa ka hor keenayaa Putin."

    Waxay intaa ku dartay inaysan "dhabtii jirin wax cad oo muujinaya halka xaaladdu ku wajahan tahay".

  8. Aqalka cad oo war kasoo saaray waxa ka socda Ruushka

    Aqalka cad

    Sida lawada ogyahayba, Maraykanku wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda Ruushka.

    Aqalka Cad ayaa hadda u sheegay warbaahinta in Madaxweyne Biden iyo madaxweyne ku xigeen Harris ay kooxdooda amniga qaranka saaka (waqtiga maxalliga ah) warbixin ka siiyeen xaaladihii u dambeeyay.

    Warbixintaas waxaa sidoo kale ka mid ahaa la-taliyayaal sare oo muhiim ah.

    Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa sii wadi doonaa warbixintooda ku aadan xaaladda Ruushka , ayaa lagu yiri farriinta kasoo baxday yiri Aqalka Cad.

  9. Dalalka deriska la ah Ruushka oo xadkooda adkeysanaya

    Latvia ayaa xoojineysa ammaanka xadkeeda iyadoo joojineysa inay dal ku gal bani'aadannimo siiso dadka Ruushka ee ka baxaya dalkaas, sida uu sheegay Madxaweyne Edgar Rinkevich.

    “Latvia ayaa si dhow ula socota xaaladda Ruushka iyadoo warbixinno ay is dhaafsanayaan xulafada. Ammaanka xadka ayaa la adkeeyay lamana soo saari dono dal ku galka. Haatan ma jirto khatar ku aaddan Latvia,” ayuu Rinkevich ku qoray bartiisa twitter.

    Latvia ayaa sanadkii hore joojisay inay dal ku gal cusub siiso dadka Ruushka, balse waxay keliya soos aareysay kuwa bani'aadannimo.

    Dalka kale ee Estonia, madaxweynihiisa Kaja Kallas, ayaa sidoo kale sheegtay in xadka ammaankiisa la adkeeyay.

  10. War deg deg ah, Socdaalka caasimadda Moscow iyo isu soo baxyada oo la hakiyay muddo toddobaad ah

    Moscow

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dhammaan dhacdooyinka bannaanka ee magaalada Moscow ayaa la hakiyay muddo toddobaad ah

    Gobolka Moscow ayaa laga joojiyay dhammaan xafladaha bannaanka ilaa 1-da bisha july, mas'uuliyiinta ayaa ku dhawaaqay.

    Waxa ay daba socotaa in duqa magaalada uu qof walba ku war geliyay in ay joojiyaan socdaalka magaalada.

    Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa hadda soo saaray bayaan uu ku qoray Telegramka isagoo ku dhawaaqaya in "nidaamka hawlgallada ka hortagga argagixisada looga dhawaaqay Moscow" iyo in Isniinta ay noqon doonto "maalin shaqo la'aan" si "loo yareeyo khatarta".

    Waxa uu ka codsaday dadka inay "ka fogaadaan inay u socdaalaan magaalada intii suurtagal ah".

    Calooshood u shaqeystayaasha Wagner ayaa u muuqda in ay waqooyi ka soo dhaqaaqeen gobolada dhexe ee Ruushka, una sii jeedaan dhanka caasimadda.

  11. Maxay tahay kooxda Wagner ee dooneysa inay afgembiso dowladda Ruushka?

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hoggaamiyaha Wagner ayaa sheegay inuu xoog ku qabsaday “dhammaan xarumaha militeriga” ee magaalada Rostov-on-Don ee koonfurta Ruushka.

    Sheegashada Yevgeny Prigozhin waxay ka cadheysiisay madaxweyne Putin oo ku tilmaamay “dhabar ka toogasho” wuxuuna ballanqaaday inuu ciqaabayo kuwa “qiyaamay” Ruushka.

    Prigozhin wuxuu sheegay in u jeedkiisu aheyn “afgambi militri balse ay aheyd

    mid cadaaladeed” taas oo timid kaddib dagaal dheer oo ay la galeen madaxda militiriga oo sii xoogeystay.

  12. Ciidan intee la'eg ayey heysataa kooxda Wagner oo kaabiga ku heysa Moscow?

    Wagner

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxda Wagner waa ciidan gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada caadiga ah ee Ruushka ee dagaalka Ukraine.

    Sida aan wararkeena hore ku sheegnay, hogaamiyahooda, Yevgeny Prigozhin, ayaa ku baaqay kacdoon, ciidamada kooxda ayaa u muuqda inay ku wajahan yihiin waqooyiga Ruushka, ayna kusii siqayaan Moscow.

    Kooxda ayaa lagu qiyaasaa in ay haystaan ​​ilaa 25,000 oo askari, tiradaas oo uu isticmaalay Prigozhin Jimcihii.

    Bishii Jannaayo, Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa ku qiyaastay kooxda Wagner inay amar ku bixisay ugu badnaan 50,000 oo askari si kastaba ha ahaatee ku dhawaad ​​20,000 oo iyaga ka mid ah ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay Ukraine.

    Kooxda Wagner 25,000 oo askari ayaa la barbar dhigaa qiyaastii 800,000 oo askari oo firfircoon oo ka tirsan ciidamada Ruushka.

    Ciidankan ayaa mar lagu qiyaasay in ka badan hal milyan oo askari, waxaa loo malaynayaa in ugu yaraan ay ku dhaawacmeen 220,000 oo askari intii uu socday dagaalka.

    Ruushka ayaa loo malaynayaa in uu kayd ahaan u haysto 250,000 oo dheeraad ah.

  13. Vladimir Putin: Wax ka ogow qaabka loo sugo amniga madaxweynaha Ruushka

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA/SHUTTERSTOCK

    Dhacdoyinka sida xowliga ah maanta uga dhacaya Ruushka waa kuwo qeyrul-caadi ah.

    Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo ayaa haatan iyadoo buuxda soo daabacay khudbad uu goor dhoweyd jeediyay Madaxweyne Putin oo qoraal ah.

    Waxaa cinwaan looga dhigay "codsi ku socda muwaadiniinta Ruushka", tanoo looga gol leeyahay muujinta muhiimadda midnimada dalka - xilli ay jirto kala qeybsanaan baahsan iyo shacabka oo kasoo horjeeda duullaanka Putin ee Ukraine.

  14. Sawirro: Ammaanka Moscow oo la adkeeyay

    Duqa magaalada Moscow ayaa dadka ka codsaday inay xaddidaan dhaqdhaqaaqa agagaarka caasimadda.

    Kooxda Wagner ee mucaaradka ah ayaa u muuqata inay magaalada kasoo galayaan dhanka waqooyi.

    Goor sii horreysay maanta, nolosha magaalada caadi ayay ahayd.

    Buundooyinka qaar ayaa la xiray.

    Waa kuwan sawirrada qaar magaalada Moscow:

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sarkaal boolis ah oo baaraya gaari uu ag yaallo taangi , Moscow
    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamo ammaanka sugaya
    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sarkaal boolis oo ilaalinaya Barxadda Guduudan ee la xiray oo ku taalla bartamaha Moscow
    Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dadka ayaa weli sawirro isaga qaadaya meel u dhow aqalka Kremlin
  15. War deg deg ah, Kooxda Wagner oo taako u jirta Moscow

    Moscow

    Xigashada Sawirka, Telegram

    Maanta dhan ciidamada Wagner ayaa u muuqday kuwo dhanka waqooyiga ka soo galaya Moscow.

    Goor sii horreysay, barasaabka gobolka Lipetsk, oo koofur u jira Moscow, ayaa xaqiijiyay in Wagner ay kasoo gudbeysay gobolka, iyadoo muuqaal la arkayna uu muujinayay kolonyo ku jiheysan dhanka waqooyiga.

    Xukuumadda Ruushka ayaa u muuqata inay aad uga walaacsan tahay in ciidamada Wagner ay mar dhow galaan Moscow.

  16. War deg deg ah, Duqa magaalada Moscow: "Xaaladdu waa nagu xun tahay"

    Duqa caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa sheegay in xaaladdu ay xun tahay.

    "Xaaladdu waa adag tahay," ayuu duqa Moscow Sobyanin ku yiri qoraal la soo dhigay barta Telegram.

    Wuxuu intaa ku daray inay suurtogal tahay in waddooyinka qaar amaba deegaannada deriska la ah magaalada la xiro.

  17. Yaa marxaladdan adag garab taagan Putin?

    Putin

    Aan haatan eegno waxa aan ka ognahay dadka ugu muhiimsan ee ku jira liiska dadka ugu dhow dhow Putin.

    Putin wuxuu mar walba ku tiirsanaa dad daacad u ah oo aad ugu dhow. Su’aashu waxay tahay: Yaa u dhow haatan oo madaxtinnimadiisu ay wajaheyso xilli adag?

    Wasiirka Gaashaandhigga Sergei Shoigu – waa nin muddo dheer u dhowaa uuna Putin kalsooni ku qabo balse laga yaabo in guuldarrada Ukraine dalkiisa ka soo gaartay uu eersado. Waa Shoigu qofka Prigozhin, oo ah madaxa Wagner, uu aad u dhaliilayo.

    Madaxa Ciidamada Valery Gerasimov- shaqadiisa ayay ahayd in lagu duulo Ukraine degdegna lagu soo dhammeeyo. Waa hoggaamiye kale oo Prigozhin uu doonayo in shaqada laga eryo.

    Xoghayaha Golaha Ammaanka Nikolai Patrushev- waa nin aad ugu dhow Putin kalana soo shaqeeyay KGB. Golaha Ammaanka waa guddi la talineed oo loo igmaday dejinta iyo maamulka siyaasadaha ammaaka.

    Agaasimaha Waaxda Ammaanka Federaalka (FSB) Alexander Bortnikov - FSB waa waaxdii lagu beddelay KGB waana tan ku shaqada leh ammaanka Ruushka. Waxay qaabilsan tahay sirdoonka, ka hortagga argagixisanimada iyo kormeerka milatariga. Waxay sidoo kale mas’uul ka tahay dalalkii Midowgii hore ee Soofiyeetka, sida Ukraine.

    Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dibadda (SVR) Sergei Naryshkin – waqtigiisa ugu badan wuxuu ag joogay madaxweynaha wuxuuna maamulaa SVR oo ku shaqo leh sirdoonka dibadda Ruushka.

  18. Erdogan oo si buuxda u taageeray Putin

    Erdogan Putin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hadal dhowaan ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu taleefoon kula xiriiray Hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, isagoona si buuxda u taageeray.

    Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa lagu yiri, “Hoggaamiyaha Ruushka waxa uu ka warbixiyey xaaladda isku daygii fallaagada hubeysan ee dalkaasi. Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si buuxda u taageeray tillaabooyinka ay qaadayaan hoggaanka Ruushka."

    Taageerada madaxweynaha turkiga ayaa kusoo beegmeysa iyada oo haatan la sheegayo in ciidamada Wegner ay kusii siqayaan caasimadda Ruushka ee Moscow.

  19. War deg deg ah, Kooxda Wagner oo u muuqata in ay kusii siqeyso jihada waqooyiga Moscow

    Wegner

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Xogta la xaqiijiyay ee dhulka ayaa ah mid aad u yar, si kastaba ha ahaatee, ciidamada Wagner ayaa u muuqda inay u socdaan jihada waqooyiga magaalada caasimadda ah Moscow.

    Saaka, calooshood u shaqeystayaal Wagner ayaa lagu arkay magaalada koonfurta ee Rostov-on-Don; Kadib, waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamada Wagner ay ku sugan yihiin Voronezh, oo 560km waqooyi u jirta.

    Hadda, guddoomiyaha gobolka Lipetsk, ee waqooyiga Voronezh, ayaa sheegay in ciidamada Wagner ay ku sii socdaan gobolka.

    Ma cadda tirada ciidan ee Wagner u joogameel kasta, ama inta ay le'eg tahay kooxda lagu arkay Lipetsk.

    Sida aan horay u soo sheegnay muuqaal baraha bulshada ah oo ay BBC-du xaqiijisay ayaa muujinaya kolonyo gaadiid ah oo Wagner ah oo ku socdaalayay gobolka Lipetsk, oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalada Voronezh iyo Moscow.

  20. Dagaalka Suudaan oo inta badan kusii fidaya dalka qaybihiisa kale

    Suudaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wararka ka imaanaya magaalada Nyala ee xarunta gobolka Darfur ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

    Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in taangiyada ay yaalaan wadooyinka, waxaana tan iyo waabarigii dhacayay madaafiic.

    Maleeshiyada gacan saarka la leh RSF ayaa lagu eedeeyaa inay dhac ka geystaan ​​suuqyada magaalada.

    Shabakadda taleefoonnada gacanta ayaa si dirqi ah u shaqeynaya, dadka deggan magaalada oo aan koronto heysan ayaa cabsi ku jira.

    Jimcihii, madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in xasuuq uu ka socdo Suudaan.

    Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya RSF-ta iyo malleeshiyaadka Carabta inay laayaan oo barakicinayaan dadka aan Carabta ahayn.

    Suudaan oo dhan in ka badan laba milyan iyo bar qof ayaa ka qaxay guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay sida saxda ah toban toddobaad ka hor.