Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. BBC-da oo aragtay cadeymo muujinaya meydadka looga tagay wadooyinka caasimada Sudan

    sudan

    BBC-da ayaa aragtay caddaymo taageeraya wararka sheegaya meydadka bannaannada yaalla ka dib rabshado ba'an oo kadhacay gobolka Darfur ee Suudaan kuwasi oo dhexmaray ciidammada Taageerada degdegga ah (RSF) iyo ciidammada Suudaan.

    Waxaan xaqiijinnay laba muuqaal oo laga soo qaaday hal goob oo ku taal magaalada El Geneina oo la soo dhigay barta Twitter-ka horaantii bishan oo muujinaya maydad daadsan waddada.

    Waxaan noo suura gashay inaan is barbardhigno dhismayaasha iyo walxaha ku jira fiidiyowyada iyo sawirrada dayax-gacmeedka ee laga qaaday El Geneina.

    Si dhab ah looma xaqijiin karo marka fiidiyowyada la duubay ama cidda duubtay.

  2. Wasiirka warfaafinta Puntland muxuu ka yiri dadaalada ay odayaasha dhaqanka wadaan ee ku aadan khilaafka kajira Puntland?

    Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka qeygalayay barnaamijka doodda Jimcaha oo looga hadlayay khilaafka ka taagan Puntand ayaa ka hadlay sida ay u arkaan dadaalada ay odayashada dhaqanka wadaan iyo mowqifka ay xukmadiisa kataagantahy.

    Qoraalka Codka, Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka qeygalayay doodda Jimcaha
  3. Baarlamaanka Jarmalka oo meel mariyay sharci cusub oo la xiriira dadka muhaajiriinta

    jarmalka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baarlamaanka Jarmalka ayaa meel mariyay sharci cusub oo u fududeynayo dadka soogalootiga ah oo ay ku jiraan kuwa magangalyo-doonka ah in ay shaqo ka helaan dalkaas.

    Dowladda Jarmalku ayaa dooneysa inay meesha kasaarto guud ahaan caqabadaha haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka imaanaya meelaha ka baxsan Midowga Yurub, taas oo qayb ka ah siyaayaasada Jarmalka ee ay ku dooneyso inay ku yareyso shaqaalo yaraanta kajirta Dalkooda.

    Sharcigan ayaa sidookale dadka soo galootiga ah u ogolaanaya inay qoysaskooda keensan karaan Jarmalka.

    Mucaaradaka ayaa ku doodaya in sharcigan uu dhiirigelin u noqon doono socdaalka muhaajiriinta ee aan kala joogsiga laheyn, halkii uu soo jiidan lahaa shaqaale xirfad leh.

  4. 82 qof oo ku dhimatay Doon ku degtay oonfurta Giriiga

    DOON

    Xigashada Sawirka, HELLENIC COAST GUARD

    Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Pakistan,ugu yaraan 350 Pakistaaniyiin ah ayaa saarnaa Doon ku dagtay koonfurta Giriiga taarikhdu markay aheyd 14-kii June.

    Dad u dhashay dalalka Masar iyo Suuriya ayaa sidoo kale ka mid ahaa boqollaal muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo in ay dhinteen.

    Dhimashada rasmiga ayaa ah 82, halka 104 ay ka badbaadeen oo ay ku jiraan 12 Pakistani ah.

    Doonidan ayaa loo malaynayaa inay ka soo baxday dalka Masar, waxaanay dad muhaajiriin ah ka soo qaadday magaalada Tobruk ee dalka Liibiya.

    Dad doonaya inay gaaraan wadamada Yurub ayaa kumannaan dollar ku bixiyey safarkan qatartiisa leh.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa 400 ilaa 750 qof ay saarnayeen Doonidan ku degaty meel 50 mayl (80km) koonfur-galbeed ka xigta magaalo xeebeedka Pylos ee dalka Griiga.

  5. Maxay tahay sababta uu ninkan xaaskiisa uga tuuray buur?

    Anwar

    Hooyada dhashay haweenay Muslimad ah oo u dhalatay dalka Ingiriiska oo ninkeedu dilay markii uu ka turay buur ku taal Scotland ayaa tiri, “Ninku waa qof xaasid ah oo aan isku kalsoonayn''.

    Fouzia Javed waxaa dilay ninkeeda, Kashif, Edinburgh sanadkii 2021.

    Hooyadan oo lagu magacaabo Yasmine, ayaa wareysigeedii ugu horeeyay ee ay siisay barnaamijka Newsnight ee BBC, ku sheegtay in ninkeeda Anwar Kashif uu u dulqaadan waayay madax banaanida ay haysato xaaskiisa.

    Cod ay Fowsiya si qarsoodi ah u sameysay, ayaa muujinaya in ninkeeda u sheegaya inay joojiso u dhaqmidda sida dumarka Ingiriiska oo kale.

  6. 3 qodob ka ogow maalqabeennada wadkooda ku iibsaday wax ka badan hal malyan

  7. Jamaacada uu dhiganayay mid kamid ah dadkii saarnaa doonidii lawaayay oo war soo saartay

    doonidii lawaayay ayay saarnayeen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Jaamacadda Strathclyde ee Glasgow ayaa baroordiiq u sameysay Suleman oo kamid ah ardayda jaamacad kana mid ahaa dadkii oo ku dhintay doonidii lawaayay .

    Doontan ayaa waxaa saarnaa suleiman, aabihiisa Shahzada iyo saddex kale.

    Jaamacadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha iyo ardaydu ay aad uga naxeen oo ay aad uga xumaadeen geerida Suleman Dawood iyo Aabihii oo ku dhintay dhacdadan naxdinta leh.

  8. Maxaa loo hadal hayaa heesta cusub ee fannaan K'naan?

  9. Habeenkii uu quusay markabkii Titanic ee ay haraadigiisa booqan rabeen dalxiisayaashii geeriyooday

    Markabkii Titanic

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Markabkii Titanic

    Dhacdadii Titanic waxaa hadda laga joogaa 110 sano. Inta badan rakaabku way hurdayeen markii ay bilaabatay musiibada. Xilli habeen madow ah ayuu markabku ku dhacay baraf wayn.

    Markabku wuxuu ku jiray safar uu kaga tagay magaalada Southampton ee waddanka England waxa uuna kusii jeeday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

    Halkaan ka aqriso sheekada oo faahfaahsan

  10. Waa kuma Wiilka colaadda lagala soo qaxay ee ku dhintay dagaalkii Garowe

  11. Halkaan ka daawo howlgalkii fashilmay ee lagu badbaadinayay maaqabeennadii geeriyooday

    Intaan la shaacin geerida maalqabeennada dalxiiska ahaa ee doontii ay la socdeen la waayay, waxaa jiray howlgal xooggan oo ay ka qayb qaadanayeen markiib iyo ciidamo kala duwan si loo soo badbaadiyo.

    Waxaa mar walba sii yaraanayay rajada laga qabay in ay dalxiisayaashaan geeridooda la shaaciyay ay badbaadaan maadaama marba marka ka dambeysa oksajiinku uu gabaabsi sii noqonayay.

    Qoraalka Muuqaalka, .
  12. Halkaan dib uga dhageyso Idaacadda subaxnimo

    Wararkii ugu dambeeyay maalqabeennada geeriyooday iyo warbixinno kaleba ka dhageyso Idaacadda subaxnimo.

    Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo caalamka waxaad kala socon kartaa BBCSomali

  13. Maxay tahay xarunta dowladdii Farmaajo tababarka ciidan ka dhigtay ee qaraxyada lagu weeraray?

  14. Maxey ka sameysantahay doonta yar ee ay ku dhinteen maalqabeennadii la badbaadi waayay?

    CBS NEWS

    Xigashada Sawirka, CBS NEWS

    Qoraalka sawirka, .

    Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.

    Dhererka Titan wuxuu le’eg yahay 6.7 mitir, ballaciisana waa 2.8 mitir, joogiisana waa 2.5 mitir sida laga soo xigtay shirkadda iska leh ee Ocean gate.

    Matoorrada ku xiran oo ah afar matoor waxay siin karaan xawaare gaaraya 5.5 kiloomitir biyaha hoostooda saacadiiba, laakinse dusha sare uma soo saari karaan.

    Wuxuu leeyahay hal badhan oo laga shido, waxaana laga hagaa oo isteerin u ah gacanka qalabka lagu cayaaro cayaaraha kombiyuutarka oo si macmal ah loogu rakibay.

    Shirkaddu waxay sheegtay in la fududeeyey wadidda doonta oo aysan u baahnayn dad khubaro ah inay kaxeeyaan.

    Waxaa ku xiran nalalka loogu tala galay teendhooyinka lagu dalxiiso ee baadiyaha laga dhisto.

    Halkaan ka aqriso warbixinta oo faahfaahsan

  15. Dhageyso: War cusub oo kasoo kordhay ninka loo heysto geerida gabdhaha Soomaalida ah

    Derrick John Thompson oo ah ninka loo haysto shilkii ay ku dhinteen shanta gabdhood ee Soomaalida ah gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa lagu soo oogay dacwado, iyadoo sida wararku sheegayaan haddii ninkaan lagu helo dambiga loo haysto uu wajihi karo xabsi dheer.

    Halkaan ka dhageyso faahfaahinta arrintaas

    Halkan ka akhriso warbixino kale oo la xiriira gabdhahan iyo sida ay u geeriyoodeen, iyo waxa uu yahay ninka ku eedeysan in uu sababay geeridooda

    Qoraalka Codka, Ninkaan oo loo haysto shilkii ay gabdhuhu ku dhinteen ayaa lagu soo oogay dacwado
  16. Dalxiisayaashii saarnaa markabkii la la'aa oo la shaaciyay inay geeriyoodeen

    .
    Qoraalka sawirka, Degdeg

    Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa goor dhaw shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa markabkii gunjiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ah oo maalmihii ugu dambeeyay la baadi goobayay.

    "Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeebaha Mareykanka iyo dhammaan taliska mideysan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska," ayuu yiri Admiral John Mauger .

    Shirkadda OceanGate oo iska lahayd markabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen.

    Markabkan ayaa la waayay Axaddii islamarkana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

  17. Wariye u dhashay Mareykanka oo loo haysto Basaasnimo

    RUSSIA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maxkamad ku taal Moscow ayaa diiday racfaan uu weriye ushaqeeyo Wall Street Journal, Evan Gershkovich, ka qaatay.

    Ninkan u dhasahy Mareykanka ayaa la xiray saddex bilood ka hor, isagoo lagu eedeeyay basaasnimo.

    Safiirka Mareykanka ee Moscow Lynne Tracy ayaa ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in saxafiga si qalad ah loo xiray.

    Eedeymaha basaasnimada ayaa ugu badnaan qofka lagu xukumaa ilaa labaatan sano oo xarig ah.

    Mr Gershkovich waa wariyihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo lagu eedeeyo in uu howlo basaasnimo ah uu kawaday Ruushka tani iyo dagaalkii qaboobaa.

  18. Dad muhaajiriin ah oo ay Doon kula degtay agagaarka jasiirada Canary

    canary island

    Xigashada Sawirka, EPA

    Kuwa dadka u dhaqdhaqaaqo ayaa ku eedeeyay maamulka Spain in ay ku guuldareysteen in ay caawiyaan dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo degtay xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan jasiirada Canary.

    Meydadka laba qof oo uu ku jiro ilma yar ayaa la soo saaray, balse ugu yaraan soddon iyo shan qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen.

    Doon ay leeyihiin ilaalada Morocco ayaa gacan ka geysatay badbaadinta afar iyo labaatan qof, laakiin hay'adaha samafalka ayaa sheegaya in xukumada Madrid ay ahayd inay bilawdo hawlgal samatabbixin ah markii doonidu ay dhibaato soo gaartay Talaadadii.

    Arrintan ayaa timid maalmo un kadib markii dooni ay la socdeen boqolaal tahriibayaal ah ay sidookle ku degtay koonfurta Giriiga. Maamulka Giriiga ayaa wajahaya dhaleecayn tan la mid ah oo ah inay ka daahday howlagal ay ku badbaadin lahaayeen dadkaasi.

    Toddobaatan iyo siddeed qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen laakiin ilaa shan boqol oo qof ayaa weli la’yahay.

  19. Ninka leh Twitter-ka iyo midka leh Facebook-ga oo dagaal isku balansaday

    faceebook iyo Twiterka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Laba ka mid ah bilyaneerrada ugu caansan dhanka tignoolajiyada adduunka, Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa ku heshiiyey in uu dagaal ku dhexmaro goob qafilan oo ciyaarta dagaalka ay ka dhacdo.

    Mudane Musk ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu "diyaar u yahay dagaal kadhaco goobta qafilan" isaga iyo Mr Zuckerberg.

    Mr Zuckerberg, oo ah madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray "isoodir goobta aad joogto".

    Musk ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo "Vegas Octagon."