Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Halkee ayuu haatan ku sugan yahay Putin?

    Putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Afhayeenka Vladimir Putin, Dmitry Peskov ayaa wakaaladda wararka ee TASS u sheegay in madaxweynuhu uu "ka shaqeynayo gudaha Kremlin" ee Moscow. Balse, iyadoo kooxda Wagner ay isku dayeyso inay gasho caasimadda, warar badan ayaa la isla dhex marayaa baraha bulshada.

    Dadka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda Putin - diyaaradda khaaska ah ee Il-96-300PU - ay ka tagtay Moscow abbaare 14:16 (11:16 GMT), ayna u jiheysatay waqooyi-galbeed, sida laga soo xigtay shirkadda daba galka ee FlightRadar.

    Diyaaradda ayaa kaddib luntay oo la daba geli waayay mar ay mareysay meel u dhow magaalada Tver, oo waqooyi-galbeed ka xigta Moscow.

    Balse, ma naqaan in Putin uu saarnaa diyaaraddaas iyo in kale.

    Waxaan ognahay in Putin uu waqti badan ku qaato filladiisa Lake Valdai, oo ku taalla waqooyi-galbeed Moscow, si joogto ahna uguma noola caasimadda.

  2. Ma dagaal sokeeye ayaa ka qarxi raba Ruushka?

    Yuriy Sak

    "Wax yar ayaa naga go'ay saloolkii," ayuu ku kaftamay Yuriy Sak, oo ah la taliyaha wasiirka difaaca ee Ukraine.

    Sak wuxuu sida adduunka intiisa kale daawanayay dhacdooyinka ka dhacaya Ruushka iyo "xawaaraha aan hore loo arag ee ay ku socdaan".

    Isagoo la hadlayay BBC World Service Newsshour, Saks ayaa sheegay in ka hor inta uusan Ruushku billaabin weerarka 2022-ka ee Ukraine uu adduunku u maleeynayay in Ruushku leeyahay "ciidanka labaad ee ugu awoodda badan adduunka".

    "Shalay qof kastaa wuu ogaa in Ruushku yahay ciidanka labaad ee ugu awoodda badan Ukraine, maantana waxaan aragnaa sida ... Ciidanka Ruushku waxa ay noqonayaan ciidanka labaad ee ugu awooda badan Ruushka”.

    Sak wuxuu aaminsan yahay in dhacdooyinka Ruushka ay noqon karaan bilowga wax aad muhiim u ah. Waxa uu sheegay in Kremlin-ku uu been sheegayay "muddo dheer… oo ku saabsan khasaaraha ciidamada Ruushka" iyo in mar dhow ama mar dambe ay xaaladdu "ku qasbi doonto dagaal sokeeye".

    "Waxa aan hadda ku aragno Ruushka waa dagaal sokeeye," ayuu raaciyay Sak.

  3. Reysul wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay xaaladda ka jirta Ruushka

    Rishi Sunak

    Guddiga xaaladaha degdegga ah ee dowladda UK, Cobra, ayaa kulmaya si ay uga wada hadlaan xaaladda Ruushka, sida ay BBC-du ogtahay.

    Raiisel wasaare Rishi Sunak ayaa la filayaa inuu la hadlo xulafada kale ee caalamiga ah galinka dambe ee maanta.

    Waxa kale oo uu bixiyay jawaabtii ugu horreysay ee Mr Sunak ee xaaladda ka jirta Ruushka.

    Isagoo la hadlayay weriyaha BBC-da Laura Kuenssberg, wuxuu sheegay in UK ay ugu baaqayso "dhammaan dhinacyada inay mas'uuliyadda muujiyaan oo ay ilaaliyaan nolosha rayidka", iyo in ay jirto talo soo jireen ah oo ka dhan ah u safrida Ruushka.

    Waxa kale oo uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid isa soo taraysa, UK-na ay la xiriirtay xulafadeeda.

  4. Hoggaamiyaha Jeejniya oo u hiilliyay Putin sheegayna in uu si weyn u garab taaganyahay

    Ramzan Kadyrov

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Hogaamiyaha Jeejniya Ramzan Kadyrov ayaa ku tilmaamay fallaagada hubaysan ee Prigozhin mid “Midi dhabarka lagu sito”, waxa uuna sheegay inuu taageersan yahay erey kasta oo ka soo baxa Vladimir Putin.

    Kadyrov ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii xukumayay Jeejniya oo ah jamhuuriyad ku taal koonfurta Ruushka.

    Kadyrov waa taageere daacad ah oo Putin, sidoo kale wuxuu mararka qaar taageeray habka qaawan ee Prigozhin ee dagaalka.

    Si kastaba ha ahaatee, waxa uu dhawaan iska fogeeyay dhaleecayn bareer ah oo uu Prigozhin u jeediyay madaxda sare ee militariga Ruushka.

    "Waxaan ka codsanayaa dagaalyahannada waddaniyiinta dalkeenna hooyo, ha u hiilinina daandaansiga," ayuu yiri.

    Wax kasta oo ujeedo ah ayaa lagu siinayaa, wax kasta oo ballanqaad ah oo laguu sameeyo, badbaadada dowladeena iyo isku xirka bulshada Ruushka ayaa ah waxa ugu muhiimsan hadda," Kadyrov ayaa ku yiri qoraal dheer oo uu soo dhigay Telegram.

    Waxa uu intaa ku daray in dagaalyahannada Chechnya ee ka socda wasaaradda difaaca iyo ilaalada qaranka ay mar hore u baxeen "aagagga xiisadda".

    faalladiisa waxay ku dhammaatay ereyada: "Waa in jabhadda la burburiyo, haddii ay taasi u baahan tahay tallaabooyin adag markaa diyaar ayaan u nahay!"

  5. Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushku uu daciifay awoodna aanu lahayn

    Zelenksy

    Xigashada Sawirka, Ukrainian Handout

    Madaxweynaha Ukraine ayaa ka falceliyay xaaladda Ruushka iyo horumarka ay doonayaan.

    Zelenksy, oo uga faalloonaya akoonkiisa Telegram, ayaa sheegay in qof kasta oo "doorta jidka sharta uu naftiisa baabi'inayo", iyo in "Daciifnimada Ruushka ay haatan caddahay".

    Inkasta oo uusan magacaabin madaxweynaha Ruushka Putin, haddana Zelensky waxa uu u muuqdaa mid ku dhaleeceeyay hoggaamiyaha Ruushka "inuu boqollaal kun" ku tuuray hog dagaal.

    Inta ay sii socoto in Ruushku uu kusii hayo ciidamadiisa iyo calooshood u shaqeystayaasha gudaha Ukraine, "waxaa badan doona xanuunka iyo dhibaatooyinka ay naftooda ku yeelan doonto hadhow", ayuu yiri Zelensky.

    “Ruushku waxa uu isticmaalay borobogaando si uu u qariyo daciifnimadiisa iyo doqonimada dawladiisa. Haddana waxa meesha ka baxay fowdo badan oo aanay beeni qarin Karin oo waxaas oo dhami waa hal qof.... Daciifnimada Ruushka waa ay caddahay.” Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidasi yiri.

  6. Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Laascanood

    somaliland

    Illaa 4 ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, sida laga soo xigtay qaar ka mid isbitaallada magaalada.

    Dagaallo goo goos ah ayaa ka dhacay goobaha bariga iyo waqoooyiga kaga aaddan magaalada, kaas oo bilaabmay saaka waaberigii.

    "Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay banaanka ayaan u soo baxay waxaana arkay meydka walaalkay oo waddada yaalla," sidaa waxaa BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Laascaanood.

    Goobaha saaka dhibaatada soo gaartay ayaa waxaa ka mid ah dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

    Dagaalkan oo haatan istaagey ayaa sababay inay gebi ahaanba xirmaan suuqyadii magaalada.

    Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen.

    Somaliland weli wax war ah kama soo saarin.

  7. Madaxa Wagner oo u jawaabay Madaxweyne Putin

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Farriin maqal ah ayaa hadda lagu daabacay kanaalka Telegram ee ay leeyihiin Wagner.

    Waxay u muuqataa inay tahay jawaab toos ah, oo diidmo ah oo ka timid Yevgeny Prigozhin, madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha, oo ku wajahan khudbadii uu goor sii horeysay Putin TV-gajeediyay.

    Cod lab ah oo u eg kan Prigozhin ayaa la maqlayaa isagoo leh: "arrinta saabsan khiyaano qaran, madaxweynuhu aad buu u qaldamay.

    “Annagu waxaan nahay waddaniyiin waddankeenna hooyo waannu dagaallamaynay haddana diyaar ayaan u nahay in aan u dagaallanno.

    "Maxaa yeelay, ma doonayno in dalkeennu uu ku sii jiro musuqmaasuq, been abuur iyo isdabamaryeyn."

    Qudbad uu jeediyay subaxnimadii Sabtida, Putin wuxuu ku eedeeyay Wagner inuu galay khiyaamo qaran - isagoo aan si gaar ah u magacaabin kooxda.

  8. Afgambi miyaa kasocda Ruushka?

    WAGNER HOGAAMIYAHAOODA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dhacdooyinka degdega ah ee isdaba yaal ee ka socda Ruushka waa kuwo aan caadi ahayn.

    Madaxweyne Putin ayaa khiyaano qaran ku eedeeyay hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin.

    Laakiin dhammaan sheegashada afgambiga millatari waa wax aan caqli gal ahayn, ayuu yiri Prigozhin, waxaana uu sidookale sheegay in ujeeddadiisu aanay ahayn "inqilaab milatari balse ay tahay cadaalad raadin".

  9. DAAWO:Rag hubeysan oo ku hareeraysan xarunta ciidamada Ruushka

    Qoraalka Muuqaalka, Tanks and armed Wagner soldiers take over Rostov streets
  10. Cidamada Wagner ee ku hanjabay afgambiga oo ku wajahan caasimada Ruushka

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Daqiiqadihii ugu dambeeyay waxaan xog sirdoon ka helnay Wasaaradda Difaaca UK. Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamada Wagner " ay ku sii socdaan waqooyiga Ruushka iyagoo sii maraya gobolka Vorenezh, waxayna rabaan inay tagaan Casimada Ruushka ee Moscow".

    Magaalada Vorenezh waxay kutaalla kala bar inta u dhaxeyso caasimadda Moscow iyo magaalada Rostov-on-Don, magaalada Ruushka katrirsan ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay sheegato inay hadda maamusho.

    Arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay "caqabadda ugu weyn ee xukumada Moscow la soo daristo waayadan dambe".

  11. War deg deg ah, Dagaalkii ugu cuslaa muddo labo bil ah oo ka socda Laascanood

    laascanood

    Daagaalkii ugu cuslaa muddo labo bil ah ayaa hadda ka socda Laascanood.

    Madaafic ayaa magaalada ku soo dhahacaya sida ay noo sheegeen dadka deegaanka .

    Dagaalka ayaa bilawday saaka subixiii hore ilaa haddana wuu socdaa.

    Majiro war sugan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalka,lama oga oga sida uu kubilawday.

    Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka halkaan ayaad kala socon doontaan.

  12. War deg deg ah, Putin:'Kuwa kala qaybinaya Ruushka waa la ciqaabi doonaa'

    putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ka digay "ciqaab aad u daran" oo lagu sameeyo kuwa kala qaybinaya bulshada Ruushka. Waxaana uu sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay hadda joogan caasimadda Moscow iyo dhowr gobol oo kale.

    Putin waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dhammaan "amarada lagama maarmaanka ah la bixiyay" si wax looga qabto qalalaasaha, isagoo ballan-qaaday inuu difaaci doono Ruushka.

    Putin si gaar ah uma xusin calooshood u shaqeystayaasha Wagner iyo hogaamiyahooda, Prigozhin.

    Khudbadiisa kooban oo uu Telefishinka ka jeedinyaya ayaa intaas lagu soo gabagabeeyay

  13. War deg deg ah, Wararkii ugu dambeyay ee khudbada Putin

    Isaga oo hadalkiisa wata, Putin waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka Ruushka ah “lagu khiyaameeyey fal-dembiyeedyo” – isaga oo aan si gaar ah u xusin dagaalyahannada Wagner ee fallaagada ah.

  14. War deg deg ah, Putin oo la hadlaya shacabka iyadoo Wagner ay ku goodisay afgambi

    Putin ayaa bilaabay inuu la hadlo shacabka – la soco wixii kusoo kordha.

    somali
  15. Weli mamaqashay "qaaradda 8-aad'' iyo halka ay kutaallo?

    qaaradda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa dhici karta in aadan horay u maqal in dood ay ka taagan tahay tirada qaaradaha ee dunida.

    Waxaa suuragal ah in aad aragto dad ku doodaya in qaaradaha dunida ay yihiin afar halka kuwo kalena ay sheegaan inay yihiin tododo.

    Waxaa jira dad Yurub iyo Aasiya isku dara oo ka dhiga qaarad loo yaqaanno Eurasia. Halka kuwo kale ay isku daraan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika oo ay ka dhigaan qaaradda Ameerika.

    Hase yeeshee inta badan dadka caalamka ayaa isku raacsan in todobada qaaradood ay yihiin: Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika, Yurub, Aasiya, Afrika, Australia ama Oceania iyo Antarctica.

    Sanadkii 2017 waxaa soo baxay culimo ku takhasustay badka dhulka oo soo bandhigay waxa ay ugu yeereen qaaradda sideedaad, Zealandia. Badkeedu waa 4.8 milyan oo iskuweer, waxaana ay lix laab ka weyn tahay dalka Madagascar. Sii akhri

  16. Xabsiga ay dadka iskooda u tagaan

    SAWIR TUSAALE AH

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xabsi ku yaalla gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa laga billaabay arrin aan horay loo aqoonin si looga hortago dhibaatooyinka bulshada qaarkood.

    Maamulka xabsigan, oo ka shaqeeya magaalada Haldwani ayaa hirgeliyay barnaamij uu xabsiga leeyahay oo dadka caadiga ah u fasaxaya in lagu xiro halkaas, iyagoo aysan maxkamad soo xukumin.

    Qof walba oo codsada in lagu xiro xabsigan ayaa halkii habeenba laga qaadayaa lacag dhan Rs.500 oo u dhiganta wax ka badan 8 doolar iyo bar.

    Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

    Dad badan oo ku nool Hindiya ayaa xabsigaas u taga si ay uga hortagaan wax yaabo ay aaminsan yihiin in ay ku dhici doonaan mustaqbalka, kuwaasoo ay u sheegeen dadka wax faaliya oo ay kala tashadeen mustaqbalkooda.

    Faalka oo ah dhaqan ka jira Hindiya ayaa dadka qaar loogu sheegaa in ay noloshooda waqti ka mid ah xabsi ku qaadan doonaan, sidaas awgeedna ay u habboon tahay inay waqti cayiman si iskood ah xabsiga u galaan.Sii akhri

  17. Mareykan oo warbixin sir ah ka soo saaray cudurka COVID-19

    covid-19

    Warbixin sir ah oo laga soo saaray dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in hay’adaha sirdoonku aysan helin wax caddeymo ah oo toos ah oo muujinaya in cudurka Covid-19 uu ka dhashay dhacdo ka dhacday shaybaadhka Shiinaha ee Wuhan.

    Laakiin warbixinta uu daabacay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ayaa intaa ku dartay in aragtida ah in cudurka uu shaybaadhkaas kayim aan meesha laga saari karin.

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uucudurka uu kayimid Shiinaha, marar badan uu ku celceliyay

  18. Wararkii ugu dambeeyay ee Markabkii Titan

    markabkii

    Mas'uuliyiinta gaadiidka ee dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan baaritaanno ku saabsan waxa burburiyay markabka Titan.

    Dhammaan shantii qof ee la socotay ayaa geeriyotay intii ay ku guda jireen safar ay ku aadeen inay kusoo arkaan burburka markabka Titanic ee badda hoosteeda yaalla.

  19. Caruurtii keynta Amazon laga soo badbaadiyay oo uu war cusub ka soo saaray madaxweynaha Colombia

    kolombia

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dowladda Colombia ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso filim dukumentari ah oo ku saabsan afar carruur ah oo asal ahaan ka soo jeeda Colombia oo lasoo badbaadiyay bishan ka dib markii ay ka badbaadeen shil diyaaradeed oo ka dhacay kaymaha Amazon.

    Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro waxa uu sheegay in uu mashruucan kala hadlay filim-sameeyaha caanka ah ee Ingiriiska ee laga magacaabo Simon Chinn.

    Carruurta, oo uu ku jiro ilmo hal sano jir ah, ayaa afartan maalmood ku qaatay kaynta Amazon. Waxay u adeegsadeen aqoontooda dhulka si ay u dhistaan ​​hoy oo ay u helaan miro iyo biyo.

    Hooyadood iyo laba qof oo kale oo waaweyn ayaa ku dhintay shilka diyaaradda.

  20. Baarlamaanka Cambodia oo meel mariyay sharci dadka aan codeyn ka mamnuucaya inay xil u tartamaan

    cambodia

    Xigashada Sawirka, AFP

    Baarlamaanka Cambodia ayaa meel mariyay sharci dadka ka mamnuucaya in ay mustaqbalka ay xil u tartamaan haddii aysan ka codeyn doorashada guud ee soo socota.

    Dadka dowlada dhaleeceeya ayaa sheegaya in sharcigan uu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku sugan dalka dibaddiisa oo aan codeyn karin ama kuwa ka fikiraya inay qaadacaan doorashada.

    Maxkamaduhu waxay hore uga hor istaageen in xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn ay soo saaraan musharraxiinta uga qeyb galeysa doorashada bisha Luulyo sababo farsamo awgood.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha Cambodia, Hun Sen oo xilka hayay ku dhawaad ​​afartan sano uu noqday mid aan u dulqaadan karin mucaaradka.