Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ka hadlay qorshihiisa dagaalka al-Shabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Dhageyso: wariye jooga Baardheere oo faahfaahinya qaraxyada iyo rasaas la maqlayo

    Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo xooggan oo gordhawed ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Jahawareer xooggan ayaa ka jira magaalada iyadoo rasaas la maqlayo.

    Haddaba halkaan ka dhageyso wariye Axmed Cumar Saalixi oo BBC-da u faahfaahiyay sida Baardheere wax uga dhaceen.

    Qoraalka Codka, Qaraxyo xooggan ayaa ka dhacay Baardheere
  2. War deg deg ah, War Degdeg ah: Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Baardheere

    BBC

    War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in laba qarax oo xooggan ay halkaa ka dhaceen.

    Waxaa inoo xaqiijiyay arrinkan guddoomiyaha degmada Baardheere iyo weriyeyaal magaalada ku sugan.

    Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaraxyadu ay ka dhaceen goob lagu tababarayay ciidamo.

    Wixii kasoo kordha warkan halkan kala soco

  3. Madax dhaqameedka Puntland oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe

    Madax dhaqameedka Puntland ayaa ku guuleystay in xabad joojin ay kala dhex dhigaan dhinacyadii shalay ku dagaallamay magaalada Garoowe ee xaruunta mamaul goboleedka Puntland.

    Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah xubnaha dhaqanka ee howshaan horumuudka u ah ayaa sheegay in dhinacyadu ay ka aqbaleen baaq ay u jeediyeen oo ahaa in dagaalka la joojiyo isla markaana la wada hadlo.

    Qoraalka Codka, Waxaa la kala qaaday ciidamadii dagaallamay
  4. Hurdo Soomaalida qaar caado u ah oo la sheegay in caafimaad muhiim ah ay leedahay

  5. Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow Mandheera

    Ammaanka qaar ka mid ah deegaannada ismaamulka Mandheera ayaa la sheegayaa in laadkeeyay ka dib markii gaari ay boolisku leeyihiin Miino kula kacday meel u dhaw deeegaanka Baanisa.

    Madaxa dhanka ammaanka ee deegaannadaasi Amos Mariba oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in gaari ilaalo u ahaa Bas sidey rakaab miino lagula eegtay meel u dhaw degaanka Baanisa.

    Waxaa uu intaa ku daray in ilaa 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin ay weerarkaasi ku dhinteen.

    Amos Mariba ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan howlgallo dhanka ammaanka ah, isagoo ugu baaqay shacabka deegaannada xuduudda in sugidda amniga ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka.

  6. Kenya oo war ka soo saartay dagaalka Al-shabaab

    Kenya ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay soo afjarto weerrarada Shabaab ka gaystaan gudaha dalkeeda.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay soo afjarto weerarrada Al-shabaab ka gaystaan gudaha Kenya, isla markaana ay sidoo kale kula dagaallamayaan gudaha Soomaaliya.

    Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka Masalani oo ka tirsan ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-Bari kenya ayaa sheegay in dowladdiisu aaney aqbali doonin in ururka Shabaab uu weerarro ka gaysto gudaha kenya.

    Wuxuu sheegay wasiir Ducaale in dowladdiisu aaney sidoo kale u dul qaadan doonin in Shabaab gudaha dalkiisa ay ku faafiyaan fikradaha xag-jirnimada ah, ayna weeraraan fariisamaha ciidamada Kenya.

    Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ee Soomaaliya, waxaana u jeedku yahay in ay la dagaallamaan Al-shabaab, gacanna ka siiyaan dowladda federaalka xasilloonida dalka.

  7. Daawo: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay mideynta canshuurta dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso

    Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta dhameystirka hanaanka deyn cafinta, taas oo aysan hadda Puntland qeyb ka ahayn. Mid ka mid ah shuruudaha dhiman ee deyn cafinta ku xiran waxaa ka mid ah mideynta hanaanka canshuuraha dekedaha iyo garoomada Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa Puntland.

  8. Dhegeyso: Ciidamada ku dagaalay Garoowe oo la kala qaaday

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in la kala qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa hubeysan oo ku dagaallamay caasimadda Puntland. Halkan ka dhegeysa wararkii ugu dambeeyay ee xiisada Garoowe.

    Qoraalka Codka, Xaaladda Garowe
  9. Waa sidee xaaladda Garowe ee saakay iyadoo xalay laga maqlayay dhawaaqa rasaasta?

    Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland oo shalay dagaal ku dhexmaray ciidamo taabacsan xukuumadda Puntland iyo kuwa ka soo horjeeda oo diiddanaa in la furo dastuurka Puntland ayaa sheegaya in xalay maagaalada laga maqlayay dhawaqa rasaasta inkastoo Isimada Puntland ay sheegeen in hesiis xabad joojin ah la gaaray.

    Hase yeeshee jawiga magaalada ayaa saaka deggan sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Garowe.

    Wixii ka soo kordho halkan ayaan idinkula wadaagi doonnaa.

    .

    Xigashada Sawirka, Puntland State Tv

  10. Tirada dhimashada iyo dhaawacyada dagaalka Garowe oo sare u kacday

    Garowe

    Xigashada Sawirka, Google

    Dhakhaatiirta isbitaallada qaar ayaa sheegay in ugu yaraan lix iyo labaatan qof ay ku dhinteen dagaal culus oo ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

    Tirade dhaawacyada ee gelinkii hore lasoo tebiyay ayaa ku dhaweyd soddon qof iyadoo la rumeysanayahy in intaa ay ka badan karto.

    Iyadoo dagaalku uu qaboobay gelinkii dambe ee maanta ayaa weli waxaa muuqataa cabsi laga qabo in dagaalku markale uu qarxo.

    Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe.

    Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in abaabulka iyo isku dubaridka howshaan ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Puntlnad.

  11. Wiilka madaxweyne Biden oo qirtay 3 dambi oo lagusoo oogay

    Hunter Biden

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hunter Biden, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Mareykanka, ayaa ogolaaday heshiis dhigaya in uu qirto saddex dambi oo lagu soo oogay.

    Mid waxay la xiriirtaa haysashada qoriga, iyo labo ku guuldareysiga bixinta canshuurta.

    Waxaa la filayaa inuu ka badbaado xabsiga.

    Wiilka Biden oo taariikh ku leh isticmaalka maandooriyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu qaato mas'uuliyadda khaladaadkiisa.

    Madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday inuu taageeri doono wiilkiisa, balse Donald Trump ayaa eedeymahan ku tilmaamay dharbaaxo.

    Madaxweynihii hore ayaa marar badan ku eedeeyay Hunter Biden inuu sameynayo gaf weyn oo la xiriira ganacsigiisa Shiinaha iyo Ukraine.

  12. Wasiir laga sheeganayo af xumadiisa iyo hadallo uu kusoo qoray Twitter

    Nation Media

    Xigashada Sawirka, Google

    Hay’adaha difaaca xuququda saxaafadda ee Kenya ayaa ka carooday hadal laga soo xigtay wasiirka ganacsiga Moses Kuria oo weerar ku qaaday saxaafadda madaxa banaan ka dib markii la sii daayey warbixin wasiirka la xiriirinaysa musuqmaasuq.

    Muranka u dhexeeya wasiirka iyo warbaahinta ayaa shalay soo if baxay iyadoo uu salka ku hayo qormo iyo warbixin ay sii deysay warbaahinta Nation oo ku saabsanaa alaabo la musuq maasuqay wasiirkuna sida ay shegeen uu ku lug lahaa.

    Wasiirka ganacsiga oo dhibsaday warbixintaasi ayaa twitter-ka waxa uu ku qoray erayo aan habooneyn taasi oo warbaahinta aad uga careysiisay.

    Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in xayeeysiis aan loo geysan warbaahinta Nation media oo kamida kuwa ugu caansan ee Kenya.

    Hay’adaha difaaca xuquuqda saxaafadda ee Kenya ayaa ku tilmaamay hadalada wasiirka kuwo aan ku habbooneyn in u uku hadlo qof mas’uul ah.

    Wasiir Moses Kuria oo weli ka careysan ficilka saxaafadda ayaa markale saaka soo daabacay qoraallo ay wariyeyaashu ka xumaadeen isagoo sheegay in qaar kamida suxufiyiinta magacyadooda uu soo shaacin doono.

  13. Inkabadan labo milyan oo qof oo ilaa haatan ka qaxay Suudaan

    Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ka qaxay Suudaan ay gaartay in ka badan shan boqol oo kun.

    Wuxuu sheegay in laba milyan oo kale ay ku barakaceen gudaha dalka.

    Dhinacyada dagaallamaya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd ee ugu dambeysay.

    Ciidamada Sudan ayaa sheegay in ciidamada gurmadka degdega ah ay weerar ka fuliyeen waqooyiga Darfur maalin labaad oo xiriir ah.

    Dhexdhexaadiyeyaasha Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay xabbad joojinta laba iyo todobaatan saacadood Sabtidii.

  14. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Garowe khasaaraha ka dhashay iyo Boqor Burhaan oo ka hadlay

    Boqor Burhaan Boqor Muuse

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Puntland iyadoo tirada dhimashada ee ilaa haatan lasoo tebiyay ayaa gaareysa illaa 13 ruux halka dhaawacduna la sheegayo in ay gaaran ilaa dhowr iyo labaatan ruux.

    Hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayo ayaa sidoo kale qasaare hantiyeed gaarsiiyay goobo ganacsi oo ka ag dhawaa aagga uu dagaalku ka dhacay.

    Madaxda sare ee Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka dhacay balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay ka hadlaan isku dhacyada ka dhacay Garowe.

    Sidoo kale waxa jira baaqyo kala duwan oo ay dirayaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland ee ku aadan in dagaalka la joojiyo xalna laga gaaro waxyaabaha la’isku hayo.

    Meelaha qaar magaalada Garowe ayaa haatan laga maqlayaa rasaas teel teel ah waxaase xusid mudan in dagaalku uusan u socon sidii saaka.

    Dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay dagaalka ayaa waxa dhacaya ku tilmaamay wax laga xumaado isagoo ku baaqay in xal waara laga qaaro waxyaabaha khilaafku uu ka taaganyahay.

  15. Kadib muddo 36 cisho ah oo ay xirneyd wariye Bushaaro Baanday oo markii ugu horreysay lasoo bandhigay eedaha loo haysto

    Bushaaro Baanday

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Waxaa maanta markii 6-aad maxkamadda ka soo hor muuqatay wariye Bushaaro Cali Maxamed (Busharo Baanday) oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnayd xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo xeer ilaalintuna si rasmi ah u shaacisay eedaha loo haysto wariyaha.

    Waxay sidoo kale xeer ilaalintu soo bandhigtay eedo loo haysto wariyeyaal kale oo la sheegay inaysan ku sugnayn gudaha Somaliland.

    Muddo 36 cisho oo ay xirneyd ayey Bushaaro ku xirantahay Somaliland iyadoo maxkamadda maanta lasoo taagay ay kaga duwaneyd kuwii hore in kiiska lagu haysto uu horyaallay maxkamadda.

    Qareenkeeda ayaa sheegay in Bushaaro eedaha loo hasyto ay yihiin saddeex eedeedood oo ay kamid yihiin howlo lid ku ah Somaliland iyo faafin warar been abuur ah oo la sheegay in ay Somaliland saameyn ku yeelan karto.

    Eedaha loosoo jeediyay ayaa qaarkood waxaa kale oo lagusoo oogay wariyeyaal kale oo Somaliland bannaanka uga maqan.

    Dhageysiga dacwadda ayaa xigi doona soo bandhigista eedaha loo haysto wariye Bushaaro Baanday.

  16. Askari ka tirsan Milliteriga Itoobiya oo toogasho ku dilay afar qof halka tiro kalana uu dhaawacay

    Qabridahar

    Xigashada Sawirka, Qabridahar

    Sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada Qabridahar askari ka tirsan ciidamada miltariga Itoobiya ayaa saaka ku dilay afar qof dhowr kalena ku dhawaacay magaaladaasi Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxeey ee Dowladda Deegaanka Soomaalida

    Dadka uu askarigu laayay ayaa kala ahaa saddex rag ah iyo qof dumar ah, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha xaafadda siddeedaad ee Maamulka magaalada Qabri Dahar.

    Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhintay askariga dilka geystay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu is dilay halka kuwa kalana ay sheegayaan in la dilay.

    Ma jiro ilaa iyo hadda hadal ka soo baxay ciidamada militariga ee dalka balse waxaa dhawaan Tv-ga dowladda deegaanka ka hadlay Hoggaanka Nabadgalyada ee DDS Dayib Axmed Nuur oo sheegay in baadhayaal ka socda heer deegaan ay Qabridahar u direen si ay u baadhaan falkan ay ka argagaxeen shacabka deegaanka.

    Ma aha markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka u xabad ku furo dad rayid gudaha deegaanka Soomaalida.

    Dhamaadkii bishii Octoobar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii askari ka mid ahaa ilaalada gagida diyaaradaha ee magaalada Jigjiga uu ku dilay xildhibaan Juweeriya Subcis.

    Warbixintan oo faahfaahsan halkan ka akhriso

  17. Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka badelka dastuurka xilli Garoowe uu dagaal ka socdo

    Baarlamaanka Puntland

    Xigashada Sawirka, Baarlamaanka Puntland

    Baarlamaanka mamaulka Puntland oo maanta fadhi ka yeeshay wax ka badelka dastuurka Puntland ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen 34 mudane arrinta la soo gudbiyay oo ah wax ka badelka dastuurka.

    Fadhiga waxaa soo xaadiray 35 mudane taas oo ka dhigan in hal xildhibaan uu ka aamusay.

    Wax ka badelka dastuurka ayaa ahayd soo jeedin ka timid guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka dastuurka.

    Tillaabadan ayaa imaaneysa xilli xiisad ay ka taagantahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay isla howshaan la xiriirta wax ka badelka dastuurka.

  18. Cali Jayte oo sheegay in Al-shabaab ay deegaanno hor leh qabsadeen xil ka qaadistiisii kadib

    Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan ayaa sheegay in Shabaab ay dib ula wareegayaan deegaanno horey looga qabsaday.

    Arrinkan ayaa yimid labo maalin kadib markii xilka laga qaaday.

    Cali Jayte oo diiday in uu xilka wareejiyo ayaa shaqo ka eryidiisa ku tilmaamay mid lagu xagaldaacinayo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Halkan ka dhegeyso wareysiga Cali Jayte.

    Halkan ka akhri Waa kuma Cali Jayte?

    Qoraalka Codka, Cali Jayte ayaa ka horyimid xil ka qaadistiisa
  19. Dood ka socota baarlamaanka Puntland xilli rasaas laga maqlayo Garoowe

    Baarlamaanka Puntland

    Xigashada Sawirka, Baarlamaanka Puntland

    Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa u codeeyay inay ka doodaan wax-ka-bedelka iyo furista dastuurka xilli rasaas laga maqlayo magaalada Garoowe.

    Arrinkan ayaa yimid kadib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu la wadaagay golaha soo-jeedinta golaha wasiiradda Puntland oo ay horey ugu raacday maxkamada dastuurka, sida ay BBC u sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka.

    Dooda kadib ayaa laga yaabaa inay baarlamaanku cod u qaadaan in dastuurka la furo iyo in kale.

    Lama oga inay cadeyntu dhici karto isa maanta iyo in kale. Xiisad la xiriirta arrimahan ayaa hadda ka taagan magaalada Garoowe, halkaas oo laga maqlay dhawaaqyada hub iyo rasaas la isweydaarsanayo.

    Haddaba, waa ayo kooxda hubeysan ee Graoowe dhex joogta ee dowladda kasoo horjeeda, yaa se hoggaaminaya. Halkan ka akhri

  20. War deg deg ah, Rasaas laga maqlayo magaalada Garowe

    Garowe

    War deg deg ah oo naga soo gaaraya magaalada Garoowe waxa uu sheegayaa in la maqlayo dhawaaqa rasaas xooggan.

    Ma cadda waxa ay tahay rasaasta la maqlayo, laakiin waxaa jiray in horey ay gudaha magaalada usoo galeen ciidamo kasoo horjeeda xukuumadda Puntland oo ay ku eedeeyeen inay dooneyso muddo kororsi.

    Wixii warar ah oo kasoo kordha halkan kala soco.