Tabinteennii Tooska ahayd oo saaka inoo soo bilaabatay waa naga intaas tan iyo kulan keena barri nabadgalyo.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo Soomaalida la kulmay
Warbixintaas iyo kuwo kale oo ah wararkii ugu dambeeyey ee Soomaalida iyo caalamka kaga bogo tabintan tooska ah.
Tebin toos ah
Cudurka Jadeecada oo kusoo badanaya Yurub.

Xigashada Sawirka, SPL
Qoraalka sawirka, Jadeecada Warbixin cusub oo kasoo baxday ururka caafimaadka adduunka ayaa muujinaysa in kiisas badan oo cudurka Jadeecada ah ay lixdii bilood ee sanadkan ugu horreeyey aad ugusoo bateen qaaradda Yurub marka loo eego 12-kii bilood oo kasta oo kamid ah tobonaankii sano ee lasoo dhaafay.
WHO ayaa sheegtay in afartan iyo kow kamid ah kiisaska jadeecada ee Yurub, ay kala bar in kabadan kajiraan dalka Ukraine.
Soddon iyo toddoba qof ayaa u dhintay cudurkaan oo aad la isu qaadsiiyo.
Tallaalka ayaa ah ka hortagga ugu wanaagsan, gaar ahaan caruurta.
Kooxda Besiktas oo goolhaye ka amaahanaysa Liverpool

Qoraalka sawirka, Loris Karius Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa wadahadal kula jirta kooxda Besiktas, wadahadalkaas oo ku aadan in amaah labo sano ah ay kula wareegto goolyaha kooxda Liverpool, Loris Karius.
Karius uma aanu cayaarin kooxdiisa tartan cayaareed-ka Premier League-ga wixii ka dambeeyey markii uu galay labo khalad oo Real Madrid ku caawiyey in ay qaaddo Champions League-ga 26kii bishii May.
Haddii uu oggolaado amaahda, Simon Mignolet, ayaa noqon doona goolhaya kaliya ee kaydka u ah Liverpool.
Kooxda Besiktas ayaa u madax bannaan haddii ay iibsanayso Karius dhammaadka amaahdiisa.
Booliiska Uganda oo la daalaa dhacaya kala Eryidda dibadbaxayaasha Kampala

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Bobi Wine Booliiska dalka Uganda ayaa adeegsanaya gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo xabado nool nool si ay ukala eryaan dibadbaxayaal mudaharaad ka dhigaya xarunta dalkaas ee Kampala.
Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan tuuraya gubayana taayiro, mudaharaadkan ayay ugasoo horjeedaan jirdilka la sheegay in loo gaystay xildhibaanada mucaaradka ah, kuwaas oo uu kamid yahay heesaaga caanka ah ee Bobby Wine loo yaqaan.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku tilmaamay been abuur wararka sheegaya in Bobby Wine xabsiga lagu jirdilay.
Baadariga ugu wayn mad-habta Roman Catholic-ga, Pope Francis oo cambaareeyey fara xumaynta caruurta

Xigashada Sawirka, REUTERS
Qoraalka sawirka, Pope Francis Baadariga ugu wayn mad-habta Roman Catholic-ga, Pope Francis, ayaa warqad aan horay loo arag oo uu u diray bulshada aaminsan mad-habtaas ku cambaareeyey fadeexooyinka la xiriira fara xumaynta caruurta iyo baadariyada gabbaadka ka dhigta kaniisadda.
Baaritaan xaqiiqo raadin ah ayaa lagu ogaaday in ka badan 1,000 dambi oo yaryar oo ay adag tahay in la ogaado ay gaysteen ilaa 300 oo baadari oo ku sugan dalka Maraykanka, halka kumanaan ka badan dambiyadaas la rumaysan yahay in dad badan ay u horseedeen in ay noqdaan dhibbaneyaal.
Kenya: Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo ka horyimid qaadiga guud

Xigashada Sawirka, Aadan Barre Ducaale
Qoraalka sawirka, BBC Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay in uu dacwad ka gudbin doono guddiga adeegga cadaaladda si qaadiga guud ee Kenya looga qaado tallaabo ku aaddan anshaxa, mawqifkiisa ku aaddan dabbaaldagga ciidul adxaa awgiis.
Qaadiga guud ayaa sheegay in maalinta talaadada ah ay tahay soon halka maalinta Arbacada ah ay tahay ciid.
Aadan Barre ducaale oo arrintaas ka hadlayey ayaa yidhi: “ maalinta muslimiintu ay joogaan buurta Carafa maalinta ka dambaysa ayay tahay ciiddu, marka nasiib darray noqotay in qaadigu uu khilaafo madaxda Muslimiinta oo uu yiraahdo maalinta ciiddu waa Arbacada, maalinta Carafa ee la soomayana waa talaadada’’
Kumanaan qof oo hor leh oo laga soo badbaadiyey fatahaadihii gobolka Kerala ee Hindiya

Xigashada Sawirka, Kerala, Hindiya
Qoraalka sawirka, GETTY IMAGES Ku dhawaad 22,000 oo qof ayaa laga soo samata bixiyey fatahaadaha ku dhuftay gobolka Hindiya kuyaal ee Kerala kadib markii ay hakad galeen roobabkii dabaylaha watay.
Kooxo katirsan ciidamada militariga, xoogagga maaraynta musiibooyinka iyo kalluumaysatada deegaanka ayaa gaaray deegaanada ugu daran ee fatahaaduhu ay ku dhufteen.
Diyaaradaha qummaatiga ukaca ayaa sidoo kale u qaybinaya adeegyada dagdagga ah ee ay u baahan yihiin dadkii mudada labada todobaad ah ku go’doonsanaa roobabka aan kala go’a lahayn.
Dacwadaha loo haysto Madaxweyne Jacob Zuma

Xigashada Sawirka, Madaxweyne Jocob Zuma
Qoraalka sawirka, AFP Baaritaan guud oo ay dadweynuhu ka qayb qaadanayaan ayaa ka bilowday dalka Koonfur Afrika kaas oo ku aaddan musuqmaasuqa lagu eedeeyey Madaxweynihii hore Jacob Zuma.
Baaritaanka ayaa lagu eegayaa musuqmaasuq siyaasadaysan, kaas oo qoyska hodanka ah ee Gupta lagu eedeeyey in ay galaangal ku lahaayeen go’aanada siyaasadeed ee dalka oo ay kamid tahay soo magacaabista xubnaha wasiirada.
Eedaymaha la xiriira ku takrifal awooweed iyo xatooyo hanti dadweyne ayaa hareeyey madaxtinimadii Mr Zuma kahor intii aan lagu khasbin in uu is casilo bishii Febraayo ee sanadkan.
Qadar oo turkiga ka caawinaysa qiimo jabka lacagteeda
Dawladda Qadar iyo Turkiga ayaa sixiixday heshii ay ku aasaasayaan qaab ay lacagahooda u kala sariftaan, taas oo ay rajaynayaan in ay wax ka qabato dhaqaalaha Turkiga ee mashaakilku haysto.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo uu sii xumaanayo calaaqaadka Turkiga iyo Maraykanka.
Dhanka kalana madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay qiimaha sii dhacaya ee lacagta dalkiisa ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday.
Qodobada aad ku maqli doontaan Idaacadda Duhurnimo
Museveni oo war been ah ku tilmaamay jirdilka Bobi Wine
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa meesha ka saaray walaaca laga muujiyay caafimaadka xildhibaanka mucaaradka ah ee Robert Kyagulanyi oo caan ku ah fannaan Bobi Wine, wuxuuna ku tilmaamay “war been ah”
Waxaa jiray warar sheegayay in Kyagulanyi uu aad u dhaawacmay markii toddobaadkii hore loo xiray khayaano qaran.
War qoraal ah oo uu soo saaray Museveni ayuu ku sheegay in uu warsaday dhakhaatiir milatari ah ayna u sheegeen in uusan qabin dhaawac “dhanka madaxa ah ama xabadka ah isla markaasna aysan lafi jabnayn”.
Qareenka xildhibaanka ayaa Khamiistii hore sheegay in si xun loo jir dilay intii lagu hayay xabsiga milatariga isla markaasna ay wax arkidda, socodka iyo hadalkaba ku adkaayeen markii uu ka soo muuqday maxkamadda milatariga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaraabo kala abaaday oo la isla baadi goobayo
Dad u dhashay Kuuriyada Koonfureed oo da'doodu tahay 89 sano ayaa u socdaalaya Kuuriyada Waqooyi si ay u soo arkaan qaraabadooda oo aysan arag tan iyo markii uu billawday dagaalkii Kuuriya ee socday 1950-1953.
Dagaalkaas ayaa horseeday in gacanku uu qaybasamo, dadkii Waqooyiga ku sugnaana uma aysan suuragalin in ay dhanka Koonfureed u tallaabaan.
Labada Kuuriya oo farsamo ahaan wali dagaal dhexyaallo ayaa horray u sameeyay barnaamijyo lagu midaynayo dadka wada dhashay, balse tani waa midkii u horraysay muddo saddex sano ah.
Dadka Kuuriyada Koonfureed u dhashay ayaa bakhtiyaanasiib ku soo baxay, ka ugu waynna wuxuu jiraa 101 sano.
Haweenay 92 jir ah ayaa saxafiyiinta u sheegtay in ay u socota in ay soo aragto wiilkeeda markii u horraysay tan iyo markii uu dagaalku dhammaaday.
Lee Keum-seom ayaa sheegtay in ay wayday xiriirkii wiilkeeda oo markaas afar jir ahaa iyo ninkeeda iyaga oo jahwareersan oo isku dayaya in ay colaadaha ka baxsadaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Xigashada Sawirka, AFP
Itoobiya oo furtay warshad wasakhda koronto ka dhalisa
Madaxweynaha Itoobiya ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo koronto, taas oo wasakhda u badali doonta tamar.
Waxaa la rumaysan yahay in warshaddaasi ay tahay middii koobaad ee nooceeda ah ee Afrika laga hirgaliyo.
Warshadan ayaa ku agtaalla goob bannaan oo lagu daadiyo qashinka magaalada Addis Ababa, halkaas oo dhul go’ay uu sannadkii hore ku dilay 100 ruux.
Qashinkan la gubayo ayaa la filayaa in laga dhalin doono 25 megawatts oo koronto ah maalin walba.
Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome oo furitaanka warshadda ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uu si wayn u maalgashanayo qaababka lagu heli karo koronto aan hawada wasakhaynaynin, si loo xoojiyo wax soo saarka warshadaha.

HRW: “Maxkamad hala soo taago Cabdi Maxamuud Cumar”
Dawladda Itoobiya waa in ay samaysaa baaritaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, ayaa lagu yiri warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.
Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado.
Waxay magacooda si gaar ah u xustay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale (Cabdiraxmaan Labo Go'le) iyadii dalbatay si khaas ah loo baaro doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.
Lixdii bishan Agoosto ayay ahayd markii rabshado iyo boob uu ka dhacay magalaada Jigjiga, taas oo ay ku lug lahaayeen ciidammada Liyuu Booliiska iyo dhallinyaro taageersan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ka dibna waxaa is casilay Madaxweynihii. Sida warbixinta ha'adda lagu sheegay. Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.
Ra’iisulwasaaraha cusubna waxay ugu baaqday in isbadallada uu wado uu ku daro in caddaaladu ay qabato kuwo awoodda badan ee gaystay dambiyada waawayn ee aadanaha ka dhanka ah.
Ma aha markii koobaad ee hay'addaha xuquuqda aadanuhu ay soo jeediyaan in Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaceen tacadiyo, dhawaan ayayna ahayd markii hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ku baaqday in ciidammada Liyuu booliiska la kala diro taariikhda madaw ee xuquuqda aadanaha awgeed.
Waraysi ay BBC la yeelatay Maria Burnett waxaad ka dhagaysan kartaan Idaacadda Duhurnimo.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Talyaaniga oo ka biyo diidan muhaajiriin dalkiisa ku soo xiran lahaa
Wasiirka arrimaha Gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini, ayaa ku hanjabay in uu dalka Liibiya dib ugu celin doono doon sidda in ka badan 170 muhaajiriin ah, haddii aysan wadammadda Midowga Yurub aysan gacan ka gaysan qaabilidda qaxootigan.
Wasiirka ayaa toddobaadkii hore diiday in Markab ay leeyihiin ilaaladda xeebaha Taliyaaniga uu muhaajiriin soo qaado ka dibna uu ku soo xirto xeebaha dalkiisa.
Dalalka Taliyaaniga iyo Malta ayaa ku muransanaa cidda qaadaysa masuuliyadda muhaajiriintan, waana mid ka mid ah khilaaf noocan oo kala ah oo dalalkani ka dhextaagnaa muddooyiinkii ugu dambeeyay.
Haddaba, si aan wax badan uga ogaano xaalada soo galootiga Taliyaaniga ayaa waxa aan khadka taleefoonka kula xiriirnay Cabdicasiis Maxamed Shidane oo ah Tarjubaan la shaqeeya hay'adaha dib u dajinta ee dalka Taliyaaniga, Axmed Badar ayuu u warramay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Brazil oo ciidammo dhoobaysa xadka Venezuela

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Booliiska Brazil ee ku sugan Pacaraima waxaa ku biiri doona guuto milatari ah Dawladda Brazil ayaa ciidammo iyo booliis dheeri ah u diraysa magaalada xadka ku taalla ee Pacaraima halkaas oo lagu weeraray dad u dhashay Venezuela oo soo galooti ahaa, dabna lagu qabadsiiyay kaamamkii ay daganaayeen.
Madaxweyne Michel Temer ayaa kulan degdeg ah qabtay Axaddii iyadoo xaaladda gobolku ay sare u qaaday dadka ka soo firxanaya dalka Venezuela ee ay xiisaddu ka jirto.
Venezuela ayaa dalalka dariska ah ka dalbatay in ay ilaaliyaan ammaana muwaadiniinteeda.

Xigashada Sawirka, AFP
Dad reer Venezuela ah oo muctaad ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ka tallaabeen xadka Ecuador iyaga oo ka dhago adaygay in ay maraan habka cusub ee dal ku galka.
Boqollaal ruux ayaa xannibmay Sabtidii markii dalka Ecuador uu soo rogay qawaaniin cusub oo saamaynaysa dadka reer Ecuador ee ka soo galaya dhanka Colombia.
Dadka soo galootiga ah intooda badan waxay u socdaan qaraabadooda oo ku kala nool Peru iyo Chile.
Waxayna baadigoobayaan nolol ka wanaagsan midda ay haystaan iyadoo ay ka sii darayso xiisadda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Venezuela, taas oo horseeday in sicir bararku uu sare u kaco ayna gabaabsi noqdaan cuntada iyo dawooyinka.

Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Nigeria

Xigashada Sawirka, BOKO HARAM
Dad looga shakisan yahay urur Jihaad doon ah ayaa weeraray tuulo ku taalla Waqooyiga-bari ee Nigeria, waxaana ku dhintay dad badan.
Wararka ka imaanaya deegaanka Mailari oo ka tirsan gobolka Borno ayaase kala duwan. Hogaamiyaha malayshiyada deegaanka ayaa sheegay in lix ruux la dilay, balse qof weerarka ka badbaaday ayaa sheegay in ay dhinteen dad gaaraya 19 ruux.
Kooxdaasi ayaa burbur iyo boob ka gaystay labo saac ka hor inta aysan bixin, sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen.
Kooxda jihaad doonka ah ayaa ayaa marar badan weerarro ka gaystay gobolka Borno.
Hogaamiyaha Malayshiyada deegaanka Babakura Kolo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in malayshiyadu ay gawaadhi ku yimaadeen ammin dambe oo Sabtidii ah, iyaga oo rasaas iyo bambooyin ku furay.
“Markii uu jahwareer dhacayna Boko Xaraam oo hubaysan ayaa qabsatay lix nin wayna gawraceen” ayuu yiri Babakura Kolo.
“Maydadka lixdaas ruux ayaa subaxnimaddii Axadda la helay, dadka deegaankuna waxay ku laabteen tuuladii oo la gubay.”
Aisami Grema oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in booliis ay ka ag dhawaayeen balse aysan isku dayin in ay wax ka qabtaan weerarka.
Aisami Grema oo isna ka mid ah dadka tuulada ayaa sheegay in uusan hubin in dadkaasi ay xubno ka ahaayeen kooxda Boko Xaraam ama ay ahaayeen qayb ka mid ah kooxda Dawladda Islaamka garabkeeda Iswap loo yaqaanno.
Wuxuu sheegay in kooxda jihaaddoonka ah lagu arkay tuulada agteeda saddex maalmood ka hor marka uu weerarku dhacay
Boko Xaraam ayaa billawday dagaal sannadkii 2009 iyaga oo ujeedadoodu ahayd in ay khilaafo Islaami ah ka billaabaan Galbeedka Afrika.
Dagaalkaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 20,000 oo ruux uuna bara kiciyay ugu yaraan labo milyan oo ruux.

Xigashada Sawirka, Nigeria
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 20 May 2018.
