Maxkamadda sare ee Zimbabwe oo dhagaysanaya dacwadda doorashada ka dhanka ah
Maxkamadda dastuurka ee dalka Zimbabwe ayaa dhagaysanaysa dacwad uu soo gudbiyay xisbiga MDC oo ka dhan ah guushii uu doorashada ka gaaray Emmerson Mnangagwa.
Wuxuu ku guulaystay in kabadan 30,000 oo cod isga oo sidaa uga badbaaday wareeg labaad.
Isbahaysiga mucaaradka ee MDC ayaa xisbiga talada haya ee Zany-PF ku eedeeyay in uu ku shubtay doorashadii dhacday bishii Luulyo, taas oo ahayd middii koobaad ee la qabto tan iyo markii uu xilka ka dagay madaxweynihii hore Robert Mugabe.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in aysan wax is dabomarin ah dhicin markii codadka la tirinayay.
Madaxweyne Mnangagwa ayaa ku baaqay in maxkamaddu ay laasho racfaanka ay mucaaradku qaateen, taas oo sababtay in dib loo dhigo caleemo saarkiisa.
Maxkamada ayaa go’aan gaari doonta Jimcaha.
Hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ayaa Twitterka ku soo qoray in kooxdiisu ay diyaar u yihiin “difaacidda codadkiina”.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan


























