"Liyuu Boliiska Soomaalida Itoobiya waa in la kala diraa"

Tabenteenii tooska ahayd ee maanta oo khamiis ah kaga bogo warbixintan iyo kuwa kale.

Tebin toos ah

  1. "Liyuu Boliiska Soomaalida Itoobiya waa in la kala diraa"

    Hay’adda caalamiga ah ee xuquuql insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya.

    Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia .

    "Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty".

    "Waa in aan loo ogolaan askartan in sida ay doonaan ay dadka ugula dhaqmaan si arxan daro ah ayaa intaa lagu daray".

    Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International xubnaha Liyuu booliiska ayaa toddobaadkan gubay 48 guri oo ay leeyihiin dadka Oramada kuwaasi oo ku noolaa deegaankaSoomaalida islamarkana lagu qasbay in ay u qaxaan Kiro oo ka tirsan gobolka Oramada.

    Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xuduuda u dhaxaysa Oramada iyo soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

    Liyuu booliis

    Xigashada Sawirka, facebook

    Qoraalka sawirka, Liyuu booliis
  2. Taalibaan oo wadahadallo qarasoodi ah la qaadatay Afqanistaan

    Ururka Taalibaan ayaa wadahadallo qarsoodi ah la qaadatay saraakil ka tirsan dowlada Afqanistaan si ay uga wadahadlaan xabad joojin inay ka hergasho dalkaasi, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

    Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afqanistaan Jeneraal John Nicholson ayaa sheegay in wadahadallada ay ku lug lahaayeen dowlado shisheeye iyo ha'ayado caalami ah.

    Madaxweynaha Afqanistaan Ashraf Qaani ayaa soo jeediyay bishii Ferbaayo wadahadallada balse codsigaasi wax jawaab kama aysan bixinin Taalibaan xilliggaasi.Lifaaqa ku dhufo si aad faahfaahinta u aqrisoTaalibaan oo wadahadallo qrasoodi ah la qaadatay Afqanistaan

    Ciidamada Afqanistaan ayaa la kulmay weeraro khaasare badan dhaliyay

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Afqanistaan ayaa la kulmay weeraro khaasare badan dhaliyay
  3. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo la kulmay Kim Jong-un

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Sergei Lavrov ayaa magaalada Pyongyang, kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un,.

    Waa markii ugu horreysay oo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu la kulmo sargaal ka socda Ruushka.

    Mr Lavrov ayaa u gudbiyay hogaamiye Kim Jong-un casuumaad uu ku casuumay in Ruushka uu booqasho ku yimaado.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa soo dhaweeyay xiriirka si xoogaysanaya ee ay wada samaynayaan Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi.

    Mr Lavrov ayaa dhanka kale sheegay in uu ka war dhowrayo kulanka la qorshaynayo in uu dhexmaro bisha soo socota madaxwayne Trump iyo Kim Jong-un.

    Sergei Lavrov

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Sergei Lavrov
  4. Koonfur Afrika: dad dhagax qodayay oo Dahab u dhacay

    Booliis ayaa loo daadgureeyay tuulo ku taalla dalka Koonfur Afrika halkaasi oo ay dad badan ku sii qulqulayaan si ay dhahab uga qotaan.

    duqa deegaankaasi Dixie Nciki ayaa u sheegtay News24 in dahabkani laga helay tuulada KwaMachi ee gobolka KwaZulu-Natal,toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

    "Ma aysan helin dhagxaantii ay halkaasi ka qodi jireen balse waxa ay heleen macddan u eg dhahabka" ayay tiri Nciki.

    Dhahabkani ayaa markii ugu horreysay waxaa helay shaqaala dhanka dhismaha ah oo halkaasi ka qodayay dhagxaan.

    Warkani ayaa si dhaqso ah u baahay waxa uuna si gaar ah u soo jiitay dadka dahabka iibiya.

    Dadka tuulooyiinka ayaa la sheegay inay bilaabeen in ay halakasi qodaan habeen iyo maalin si ay dahab uga helaan.

    Balse ma cadda in waxa halakasi laga soo helay uu yahay dhab iyo in kale, ayay tiri Dixie Nciki.

    Waxa ay intaa ku dartay in sheybaar loo diray waxyaabaha halkaasi laga helay si loo xaqiijiyo in uu dahab yahay iyo in kale.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid wadamada hormuudka u ah soo saarida dahabka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Koonfur Afrika ayaa ka mid wadamada hormuudka u ah soo saarida dahabka
  5. Magaalo ku taalla dalka Liibiya oo uu dagaal xooggan ka socdo

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka iyo loolanka loogu jiro gacan ku haynta magaalada ku taalla bariga Liibiya Derna uu xoogaystay.

    Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda bina’aadanimo ee halakasi ka jirta ay ka sii darayso.

    Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya xoogag taabacsan Janaraal Khalifa Xaftar iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

    Goobo ay dagan yihiin dad rayid ah ayaa lala bartilmaameedsaday duqayo.

    Tan iyo bartamihii bishii March ma jirin wax gargaar ah oo gaaray magaalada go’doonsan ee Derna.

    Sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imanaya korantada iyo biyaha ayaa laga jaray magaaladaasi.

    Derna waa magaalada kali ah ee ku taalla bariga Liibiya ee uusan maamulin Janaraal Khaliifa Xafta.

    Khariirad

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Khariirad
  6. Maxaa sababay in Kim Jong-un uu aad ugu kalsoonaado Janaraal Yong-chol?

    Janaraalka u dhashay Kuuriyada Waqooyi ee lagu magacaabo Janaraal Kim Yong-chol ayaa gaaray dalka Mareykanka isaga oo horey u soo maray magaalada Beijing.

    U jeedada ugu wayn ee safarkiisa ayaa ah sidii waddada loogu xaari lahaa kulanka lagu wado in bisha June uu ku dhex maro Singapore madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr Kim.

    Booqashada Janaraalkan ee Mareykanka ayaa ah hormar kale oo laga gaaray dublamaasiyadda Kuuriya.

    Janaraal Kim Yong-chol

    Xigashada Sawirka, JUNG YEON-JE/GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, Janaraal Kim Yong-chol
  7. Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda Real Madrid

    Zinedine Zidane ayaa sheegay in uu ka tagayo kooxda Real Madrid , sahan maalmood ka dib markii uu u horseeday kooxda in ay ku guulaystaan koobka Champions League.

    Zidane ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay "cod kale ".

    Zidane ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay "in wax waliba ay isbadaleen" waana taa sabab aan go’aanka u qaatay" ayuu yiri.

    Zinedine Zidane ayaa ka tagaya kooxda Real Madrid isaga oo hormuud u ahaa in kooxda ay saddex jeer oo is xig-xiga ay horyaal ku guulaysato.

    Waxaa xilka tababaraha kooxda uu qabtay bishii January 2016.

    "waan jecelahay naadiga," ayuu yiri.

    "Waxa aan aaminsanahay ayaa ah in kooxdan ay sii waddo guusheeda , balse waxa aan filayaa in ay u baahan tahay isbadal waana taa sababta aan go’aanka u qaatay."

    Zidane, oo 45 jir ah ,ayaa xilka Real Madrid la wareegay ka dib markii shaqada laga ceyriyay Rafael Benitez.

    Zinedine Zidane

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Zinedine Zidane
  8. Jahwareer ka taaqaan qaabka canshuur looga bixinayo baraha bulshada

    Dalka Uganda waxaa ka taagan jahawareer ku aaddan qaabka loo hirgelinayo canshuur cusub oo lagu soo rogay adeegsiga baraha bulshadu ku wada xiriirto, taasoo uu shalay ansixiyay baarlamaanka wadankaasi.

    Sharcigan ayaa ansixiyay qorsho ay dowladda ku doonayso inay maalintiiba shan sent oo dollar ay uga qaado dadka adeegsaiga baraha bulshada sida WhatsApp iyo Facebook.

    Lacagaha taleefannada gacanta la isugu diro ayaa iyagana lagu canshuuri doonaa 1% kolba xaddiga la diro.

    Baraha bulshada ayaa muhiim ka noqday siyaasadda dalka Uganda

    Social media has become an important political tool in Uganda for both the ruling party and opposition. Access to platforms was shutdown during elections in 2016

    Nin fadhiya

    Xigashada Sawirka, AFP

  9. Madaxweyne Farmaajo oo Kenyanka uga digay dabinka Al Shabaab

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Kenyan uga digay in aysan ku dhicin dabinka uu u dhigay ururka Al Shabaab.

    Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka jeediyay isaga ka qaybglay kulan duco ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

    Wuxuu intaas ku daray in Kenya iyo Soomaaliya ay hal cadaw leeyihiin, labada dalna aysan ogolaanin in diin iyo qabiil lagu kala qaybiyo. Taas baddalkeedana ay tahay in ay u midoobaan ladagaalanka Al Shabaab.

  10. Qaybta warqabadka ee BBC ayaa ka guuraysa dhismo ay daganayd in kabdan 70 sano, halkan ka daawo warbixin uu telefishinka BBC Somali ka diyaariyay arrintaas, Xasan Haybe ayaana soo jeedinaya.

  11. Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Alle bariga Kenya

    Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka.

    Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin.

    Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba ayuu ku sheegay in ay tahay maalin wayn oo lawada ducaysto.

    Farmaajo iyo Uhuru

    Xigashada Sawirka, SONNA

  12. Mudaaharaad lagu diidan yahay musuqmaasuqa oo Nairobi ka billawday

    Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka billawday dibadbax ka dhan ah musuqa iyo ku takrifalka hantida canshuur bixiyeyaasha dalka kenya.

    Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee caasimadda, kuwaas oo dalbanaya in la maxkamadeeyo saraakiish dowladda ee "caadeystay lunsashada hantida dadweynaha". Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa si wayn ah u hadal hayay fadeexad musuq oo lagu lunsaday lacag dhan 80 milyan oo doolar.

    Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada didab baxa.

    Mudaaharaad
    Mudaaharaad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. Saamaynta caafimaad ee tubaakada

    Dadka sigaarka caba ee ku nool dunida ayaa lagu qiyaasay 1.4 bilyan oo qof , 80% dadkaas waxa ay ku noolyihiin waddammada soo koraya.

    Ragga sigaarka caba ayaa iyagu shan laab ka badan haweenka iyaguna caba sigaarka, waxaana la sheegay in sanad walba la sheegay inay u dhintaan dad lagu qiyaaso 6 milyan oo qof, Lix boqol oo dadkaasi kamid ah na waxaa la sheegay inay u dhintaan saameynta kasoo gaarta dadka sigaarka caba.

    Haddaba waa maxay saameynta caafimaad ee ka dhasha cabida sigaark? su'aashaas iyo kuwa kale ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Calinuur Salaad waxaa uu hordhigay Prof. Cusmaan Maxmuud Dufle oo ah Dhakhtar ka howl galo magaalada Muqdisho.

    Sigaar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  14. Harvey Weinstein oo dacwad rasmi ah lagu soo oogayo

    Xeerbeegti ku sugan magaalada New York ee cariga Maraykanka ayaa si rasmi ah dacwad tacaddi galmo iyo kufsi la xiriirta ugu soo oogtay Harvey Veinstein soo saare dhanka aflaanta ah ka ahaan jiray shirkadda fimilimada ee Hollywood, kaas oo waayadan dambe la daalaa dhacayay fadeexad hadhaysay.

    Qareenka Venisten ayaa sheegay in uu diidi doono dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay.

    Harvey Weinstein ayaa sheegay in uusan u galmoonin dumar aysan isku afgaranin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Harvey Weinstein ayaa sheegay in uusan u galmoonin dumar aysan isku afgaranin
  15. Marwada koobaad ee Maraykanka oo 20 maalmood ka dib warkeeda la helay

    Marwada Koobaad ee dalka Maraykanka Melania Trump oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii isbitaalka laga saaray kadib qalliinkii kalida lagaga sameeyay bishan ayaa isku dayday in ay joojiso wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xaaladdeeda caafimaad iyo guurkeeda.

    “Waan idinka hubaa oo Aqalka Cad ayaan la joogaa qoyskayga,” ayay ku soo qortay Twitter-keeda.

    Markii ugu dambaysay ee la arko waxay ahayd iyada oo madaxweyne Donald Trump garab taagan, markii uu soo dhawaynayay saddexda nin ee Maraykanka ah ee laga soo daayay Kuuriyada Waqooyi.

    Wixii intaas ka dambeeyayna warar badan oo ku saabsan ayaa la isla dhexmaray

    Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa meesha ka saaray wararka ku qoyska madaxweynaha.

    Qaar ka mid ah dadka Twitterka adeegsada ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu qoray Twitterka ka soo muuqday barta xaaskiisa.

    Melania Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

  16. Maxaa ka soo baxay kulanka Uhuru iyo Farmaajo

    Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kullan la qaatay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana mas'uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

    Haddaba waxyaabihii ka soo baxay kullanka labada madaxweyne ayaa Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu wax ka weydiiyay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa'uud.

    Farmaajo iyo Uhuru

    Xigashada Sawirka, SONNA

  17. Baadari dalbaday in loo gado diyaarad 54 milyan oo doolar ah

    Baadari kusugan dalka Maraykanka ayaa dadka taageera waydiistay in ay u gadaan diyaaraddii afraad ee uu si khaas ah u adeegsado.

    Arrintaas ayuuna ku macneeyay “in nabiyulahil Ciise calayhi salaam uusan dameer raaci doonin marka uu soo dago”.

    Jesse Duplantis oo ah baadari uu fadhigiisu yahay Louisiana ayaa muuqaal uu iska duubay ku sheegay in markii hore uu ka labolabaynayay gadashada diyaaraddaas "balse Illaahay u sheegay in uu gato diyaarad cusub oo nooceedu yahay Falcon 7X", taas oo qiimaheedu dhan 54 milyan oo doolar, si uu dacwada baybalka si wanaagsan dadka ugu gaarsiiyo.

    Sannadkii 2015kii ayuu Duplantis ka soo muuqday muuqaal baadari kale oo sheegaya in ku safridda diyaaradaha ganacsiga ay la mid tahay “tuubo dheer oo shayaadiin ka buuxaan oo kale”.

    Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa ku baaqay in lacagta intaas la la eg loo adeegsado in masaakiinta lagu garab qabto.

    Diyaarad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  18. Masuul sare oo ka socda Kuuriyada Waqooyi oo Maraykanka la kulmay

    Ninka gacanta midig u ah Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulan kula qaatay magaalada New York xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Kim Jong-un.

    Gen Kim Yong-chol ayaa la casheeyay Pompeo ka dib markii uu diyaarad ka soo raacay dalka Shiinaha, labadoodan ayaana mar kale kulmi doona Khamiista.

    Waa masuulkii u sarreeyay ee Maraykanka booqda ku dhawaad muddo 20 sano ah.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay shirkii lagu waday in uu qabsoomo 12 bisha Juunyo, laakiin labada dhinacba waxay samaynayaan dadaallo hor leh oo ay ku doonayaan in shirkaasi uu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay.

    Waxaa la dajiyay in uu ka dhaco Singapore, kulankan tariikhiga ah ayaana noqon doona midkii koobaad ee dhexmaraya madaxweyne xilka Maraykanka haya iyo hogaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed.

    Kuuriya

    Xigashada Sawirka, AFP

  19. Kulanti wanaagsan dhammaan akhyaarta halkan nagala xiriirtaay, kuna soo dhawaada tabinteenna tooska ah ee wararka caalamka iyo kuwa Soomaalida.

    Waa maalin Khamiis ah oo taariikhdu tahay 31 bisha May 2018.