Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo Soomaalida la kulmay

Warbixintaas iyo kuwo kale oo ah wararkii ugu dambeeyey ee Soomaalida iyo caalamka kaga bogo tabintan tooska ah.

Tebin toos ah

  1. Waa kuma madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya?

    Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

    Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

    Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

    Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Haddaba waa kuma madaxweynaha Cusub? Wariyaha BBC Cabdinaasir Xikam ayaa taariikhdiisa soo koobaya.

  2. War deg deg ah, Uganda oo dib u xirtay xildhibaan Bobi Wine

    Dawladda Uganda ayaa dib u xirtay Bobi Wine oo ah xildhibaan iyo heesaa caan ah, inkastoo ay dawladdu la laabatay dacwaddii ka dhanka ahayd, sida uu sheegay qareenkiisu.

    Bobi oo magaciisa saxda ah uu yahayRobert Kyagulanyi, ayaa mar kale ka soo hor muuqan lahaa maxkamadda milatariga, si uu u wajaho dacwado ku aadan in uu haystay hub sharci darro ah.

    Ma cadda in xildhibaankan madaxa bannaan wali lagu soo oogi doono dacwado, isaga oo la gaynayo maxkamad rayid.

    Arrintan ayaa dabo socotay mudaaharaad Uganda ka dhacay iyo baaqyo caalami ah oo ku saabsan in la sii daayo, xidigaha caanka ah ee baaqa soo dirayna waxaa ka mid ah Chris Martin, Damon Albarn iyo Angelique Kidjo.

    Qareenka Bobi ayaa sheegay in tacaddi xun loo gaystay intii uu xirnaa, milatariga ayaase arrintaas diiday.

    Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale eedayntaas gaashaanka u daruuray, wuxuuna sheegay in uu war been ah yahay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Madaxeynaha Maraykanka oo ku soo biiray doodda dhulka ee Koonfur Afrika

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qayb ka noqday doodda ka taagan dalka Koonfur Afrika ee ku saabsan isbaddallada lagu samaynayo shuruucda dhulka, isaga oo arrintaas uga hadlay Twitterka.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Mike Pompeo uu ka dalbaday in uu u kuurgalo arrintaas iyo “dilalka baaxadda leh ee beeralayda loo gaysanayo”.

    Hadalka Trump ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu ka jawaabay su’aal baarlamaanku ay ka waydiiyeen barnaamijka dib u qaybinta dhulka oo la soo hor dhigay xildhibaannada Koonfur Afrika.

    BBC-da ayaa ka warrantay in ay adag tahay in tiro ahaan lagu caddeeyo in beeralayda caddaanka ay u badan tahay in la dilo marka la barbar dhigo beeralayda madaw.

    Dawladda Koonfur Afrika ayaa hadalka Trump ka hor timid waxayna ku sheegtay mid dadka kala qaybinaysa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Dawladda Islaamka oo baahisay codka hoggaamiyahooda

    Kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa bahisay fariin dhagaysi ah oo ay ku sheegtay in ay ka timid hogaamiyahooda Abu Bakr al-Baghdadi.

    Waa fariintii koobaad ee laga helo tan iyo bishii Sabtembar ee sannadkii hore, codkaas ayaana loo jeediyay taageerayaasha Dawladda Islaamka.

    Inkastoo cajalkan maqalka ah uusan wakhtiyaysnayn haddana wuxuu u muuqdaa in uu xaaladdaha hadda taagan ka hadlayo, taas oo ay ka mid tahay baadariga Maraykanka ah ee Turkiga ku xiran.

    Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa lumisay dhulkii ay ka talinaysay ee Suuriya iyo Ciraaq intiisa badan

    Sannadkii hore ayaana awood looga saaray Mawsil iyo Raqa oo ay aad ugu xoog badnaayeen, halkaas oo Baghdadi uu kaga dhawaaqay “khilaafada” sannadkii 2014.

    Abu Bakr al-Baghdadi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Abu Bakr al-Baghdadi
  5. Israa’iil oo ansixisay in guryo hor leh laga dhiso dhulka la haysto

    Israa’iil ayaa sii xoojisay qorsheyaasha ay dadka Yuhuudda ah ugu dhisayso 1,000 guri oo cusub oo laga hirgalinayo Daanta Galbeed ee la haysto.

    Ruqsadda kama dambaysta ah ee dhismaha guryaha lagu billaabi karo ayaa la siiyay 382 guri, kuwa kalana waxaa waddada loo xaaray wajiyada hore ee qorshaynta.

    Hay’addaha aan dawliga ahayn ee Peace Now ayaa sheegtay in guryahaas badankood loo dhisi doono bulshooyinka ay u badan tahay in loo soo daad gureeyo heshiis lala galo Falastiiniyiinta.

    Deegaamayntan ayaa sharci darro ah marka la fiiriyo shuruucda caalamiga ah, inkastoo Israa’iil ay arrintaas muran ka keentay.

    In kabadan 600,000 oo Yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus sannadkii 1967-dii, Falastiiniyiinta ayaana sheegta in deegaankaasi uu yahay dhulka ay yeelan doonto dawladda ay mustaqbalka yeelan doonaan.

    Waxaa jira 100 goobood oo yaryar oo kale oo ay dadku ka dhisteen Daanta Galbeed iyadoo aan fasax laga haysanin dawladda Israa’iil.

    Bishii Luulyo ayuu Falastiini ku dilay deegaanka Adam qof Israa'iil u dhashay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Bishii Luulyo ayuu Falastiini ku dilay deegaanka Adam qof Israa'iil u dhashay

    Peace Now ayaa sheegtay in 370 ka mid ah guryaha la siiyay ruqsadda laga dhisi doono aagga Adam, halkaas oo qof Israa’iili ah lagu dilay isaga oo la tooriyeeyay, labo qof oo kale oo Falastiiniyiin ah ayaana lagu dhaawacay bishii hore.

    Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa ballan qaaday in uu dhisi doono 400 oo dhisme – arrintaas oo jawaab u ah weerarkaas.

    Saddex boqol oo guri ayaa laga dhisi doonaa Adam

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Saddex boqol oo guri ayaa laga dhisi doonaa Adam
  6. Somaliland oo qabatay wasiirro hore oo Itoobiya ka soo cararay

    Ciidammada ammaanka ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa gagida diyaaradaha ee Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, Sida uu BBC u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.

    Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.

    Faahfaahin intaas ka baxsan ma aysan bixinin, balse BBC ayaa ogaatay in ay kusii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Hargeysa
  7. Kulanti wanaagsan akhyaarta hawada naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 23 Agoosto 2018.

  8. Abiy Axmed oo Qorshanaya inuu 1000 qof oo Soomaalida Itoobiya ah la kulmo

    Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Abiy Axmed

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku tala jira inuu Jimcaha kulan la qaato dad gaaraya ilaa 1000 qof oo ah Soomaalida Itoobiya.

    Dadkaas ayaa 700 oo ka mid ah waxaa la sheegay in ay iminkaba ku sugan yihiin Addis ababa.

    Wararku waxay sheegayaan in laga soo uruuriyey deegaannada ay Soomaalida degto ee Itoobiya, oo aysan ka tirsanayn xubnaha xisbiga haya talada kililka iyo maamulka.

    Lama oga hadalka uu Abiy Axmed u jeedin doono waxa uu yahay, balse waxa la filayaa inuu la xiriiro isbeddellada degdegta ku socda ee ka socda DDSI iyo rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Soomaalida..

    Bishan gudaheeda ayaa madaxweynihii kililka rabshado halkaas ka dhacay awgood uu xilka uga degay, waxaana ka dambeeyey Axmed Ilka case oo isna u baneeyey jagada Mustafe Cagjar.

  9. Mustafe Cagjar oo loo doortay madaxweynaha DDSI

    Mustafe Muxumed Cumar

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Mustafe Muxumed Cumar

    Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

    Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

    Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

    Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.

    Wuxuu sheegay in ay jiraan qodobbo dastuurka ka mid ah oo dhigaya in qof dibadda ka yimid uu xisbiga xil ka qaban karo, ama uu hogaamiye noqon karo.

    wuxuu intaa ku daray in sababta loo doortay Mustafe ay tahay ayadoo laga fogaanayey in burbur uu ku yimaado xisbiga.

    Todobaadyada soo socda gudahooda ayaa la filayaa in xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya uu shirweyne ku yeesho magaalada Jigjiga,

    Halkan ka daawo Fiidiyowga Ilka case uu soo dhigay bartiisa Facebook.

  10. “ Tani waa Suudaanta aan doonayo in aan kuu soo bandhigo”

    Ola oo 12 jir ah oo wax ku qoraysa Sabuuradda Iskuulkeeda oo ku yaalla magaaladacKhartoum

    Xigashada Sawirka, Ola Al-sheikh

    Qoraalka sawirka, Ola oo 12 jir ah oo wax ku qoraysa Sabuuradda Iskuulkeeda oo ku yaalla magaaladacKhartoum

    “ Dadka halkan ku nool ma jeclo inay waddooyinka ku arkaan haweeney sawir-qaade ah” waxaa hadalkaasi tiri gabar yar oo Suudaan u dhalatay oo lagu magacabo Ola Al-Sheikh.

    Ola Al-Sheikh waxay sheegtay inay go’aansatay inay sawir-qade noqoto xilliga ay rabto haku qaadatee.

    Waxaa caadi noqotay in lagu jesjeeso ama hadallao khalafsan lagu yiraahdo gabadhan Ola.

    Ola Al-Sheikh waxay ku sugan tahay caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.

    Waxayna tiri “ Waxaan doonaya in aan dibadda u soo saaro nolosha dhabta ah eek a jirta dalka Suudaan, muddo dheer ayaa caalamka na gacan-bidxeeyay”

    Waa kuwan qaar kamid sawirrada ay soo qaaday:

    Enas Siddig waxay Suudaan uga qayb gashay tartanka caalamiga ah ee farddaha

    Xigashada Sawirka, Ola Al-sheikh

    Qoraalka sawirka, Enas Siddig waxay Suudaan uga qayb gashay tartanka caalamiga ah ee farddaha
    .

    Xigashada Sawirka, Ola Al-sheikh

  11. Roobab khasaare dhaliyay oo ka da’ay Itoobiya

    Caasimadda Addis Ababa ayaa kamid ah goobaha ay saameeyeen fatahaadaha

    Xigashada Sawirka, Abebe Bayu/BBC

    Qoraalka sawirka, Caasimadda Addis Ababa ayaa kamid ah goobaha ay saameeyeen fatahaadaha

    Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in Siddeed qof ay ku dhinteen daadad ku dhuftay qayb ka mid ah dalkaasi kaddib markii roobab mahiigan ay ka da’ayeen dalka Itoobiya.

    Saamaynta roobabka fataahadaha wata wuxuu barakiciyay kumannaan qof.

    In ka badan 20 qof waxaa soo badbaadiyay militariga dalka Itoobiya kaddib markii guryahooda ay la wareegeen fataahadaha si xowli ah ku socdo.

    Dhoobo ay wataan fataahada ayaa siddeed qof ku dilay waqooy galbeed dalkaasi, sida ay sheegeen guddiga qaran ee ka hortagga masiibooyinka Itoobiya.

    Roobabka dhaliyay fataahadaha ayaa saamayn ku haya qaybo kamid ah bariga iyo koonfurta Itoobiya.

  12. Ciidammada Mareykanka oo sheegay inay duqayn ka gaysteen Soomaaliya

    Militariga Mareykanka waxay sheegeen inay weerar duqayn ah ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku dileen weerarkaasi labo kamid ah kooxaha jihaad-doonka.

    Bayaan kasoo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqaynta Talaadadii ay ka fuliyeen meel u dhaw magaalada Kismaayo islamarkaasna aysan jirin rayid ku dhaawacmay ama ku dhintay.

    Bishii June ayay ahayd markii mid kamid ah ciidammada Mareykanka lagu dilay halkaasi, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Al Shabab ay weerartay saldhig ku yaallay agagaarka magaalada Kismaayo.

  13. Booliska Jarmalka oo xiray nin lagu tuhmay inuu qorsheynayay weerar

    Booliska magaalada Berlin ayaa xabsiga dhigay muwaadin u dhashay dalka Ruushka oo looga shakiyay inuu qorsheynaayay inuu weerar argagixiso ka fuliyo dalka Jarmalka.

    Saraakiisha dalka Jarmalka waxay baaritanno ka wadeen guriga ninkan, waxayna magaciisa ku sheegeen Magomed Ali C.

    Dacwad oogayaasha dalkaasi waxay sheegeen inay ninkan uu gurigiisa ku kaydinayay waxyaabaha qarxa.

    Waxayna sheegeen inuu xiriir la lahaa nin Farnsiiska u dhashay oo bishii April ee sannadkii tagey lagu xiray magaalada Marseille kaaso lagu tuhmay inuu qorsheynayay inuu weerar Faransiika ka gaysto.

  14. Haweeney dhaleeceysa siyaasadda madaxweynaha Malawi oo la xiray

    Madaxweynaha Malawi ayaa digniin u diray dadka kasoo horjeedo siyaasaddiisa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Malawi ayaa digniin u diray dadka kasoo horjeedo siyaasaddiisa

    Manice Dawood uu u ololaysa xuquuqda mucaaradka dalka Malawi ayaa la filaya inay kasoo hormuuqato maxkamad kaddib markii Taladaadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee ku yaalla caasimadda Lilongwe.

    Dawood ayaa ku wajahnayd dalka Mareykanka halkaaso oo saldhig u ah.

    Haweeneydan waxay ka tirsan tahay xsibiga cusub ee mucaaradka isbaddal doonka dalka Malawi ee dhawaan la dhisay.

    Madaxweynaha Malawi Peter Mutharika ayaa digniin u diray dadka dhaleeceeyo siyaasaddiisa islamarkaasna sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono.

    Madaxweynaha Malawi ayaa u tartamaya doorashada dalkaasi ka dhacaysa sannadka nagu soo aadan.

  15. DR Congo oo ogolaatay adeegsiga dawada cusub ee Ebola

    Cudurka Ebola ayaa laga helay 75 qof oo ku nool gobollada Woqooyiga Kivu iyo Ituri ee ku yaala woqooyiga bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. 32 ka mid ah ayaana la xaqiijiyey in ay u dhinteen. Olole talaal ayaa socda waxaanay maamulka dalkaasi ansixiyey in tallaalkaa tijaabada ah la adeegsaso.

    Guddiga Anshaxa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa fasaxay in shaqaalaha caafimaadku ay adeegsadaan afar dawo oo tijaabo ah, kuwaas oo la xaqiijiyay in ay waxtarleeyihiin isla markaasna isla markaasna ay istahilaan in dad lagu dabiibo.

    Toban bukaan ayaa haddaba isticmaalay dawooyin ka mid ah mid kale oo shanaad ee horay loo meelmariyay taas oo ay ku jiraan nooc barootiin ah oo laga keenay dad xannuunka horay uga badbaaday, waxaana la sheegay in bukaannadu ay muujiyeen calaamado soo kabasho ah. 1,600 oo ruux ayaa iyaga la daad gureeyay.

    Waa markii tobnaad ee xannuunku uu dalkaas ka dillaaco, waase midkii koobaad ee ka dhaca gobol ay colaadi ka taagan tahay, taas oo ka dhigan in ay dhibaato ka taagan tahay ka jawaabiddooda.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la joojiyo colaadaha si ay u suuragasho in la daweeyo dadka uu cudurku ku helay goobaha hadda lama galaayda ah ama colaaduhu ay ka hurayaan.

    Carruurta ayuu xannuunku si gaar ah u taabtay, ugu yaraan lix ka mid kiisaska la xaqiijiyay ee xannuunkuna waa carruur da’doodu ka hoosayso 14.

    Deegaannadan Jamhuuriyadda Dimuqradiga ah ee Congo ayay dadku aad ugu badan yihiin sababtuna waa ganacsiga badan ee xadka iyo isu socodka.

    Dalalka dariska la ah sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ahee Congo sida Uganda, Rwanda iyo Burundi ayaa feejignaan sare la galiyay.

    Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku qasban in ay sidan u labistaan marka ay bukaan dawaynayaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku qasban in ay sidan u labistaan marka ay bukaan dawaynayaan
  16. Ra’iisul wasaaraha Australia oo la daalaadacaya mucaarado uga imaanaya golaha wasiirada qaar

    Ra'iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull

    Tobban wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada dalka Australia ayaa sheegay inay xilka iska casili doonaan kaddib markii lagu guuldareystay qorshe la doonayay in kalsoonida lagala noqdo ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull.

    Turnbull ayaa ku guulaystay doorasho ay sameeyeen xisbigiisa Talaadadii balse waxaa jiraa warbixinno sheegaya inay socdaan isku dayo labaad oo la doonaya in xilka looga qaado ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo la filaya inay dhacaan galabnimada maanta oo Arbaca ah.

    Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa cadaadis kala kulmaya siyaasaddiisa ku salaysan kala qaybsanaanta.

    Isbahaysiga midig dhexe uu hoggaamiya ra’iisul wasaraaha ayaa wajahaya doorasho bisha May ee sannadka dambe kaddib markii dhawaan uu ku guuldaryastay doorashadii ku celiska ah ee ka dhacday Queensland.

  17. Tuug ku hungawday haweenay 75,000 oo doolar wadatay

    Labo nin iyo haweenay ayaa loo xiray isku day dhac rabshad wata, kaas oo horseeday in haweenay ay aad u dhaawanto Jimcihii hore.

    Labo nin oo kala ah Davis Mitchell iyo Travonn Johnson ayaa isku dayay in ay boobaan haweenay aan magaceeda la sheegin oo markaas uun bangi kala soo baxday 75,000 oo doolar, sida ay booliisku sheegeen.

    Waakan muuqaalkii cajiibka ahaa ee dhacdadaas laga duubay.

  18. Forbes: “Ma jirto gabadh ciyaartoy ah oo ka dakhli badan Serena Williams”

    Siddeed ka mid ah 10 ciyaartoy ee ugu dakhli badan dumarka waxay dheelaan taynis, waxaana ka mid ah Serena Williams oo kaalinta koobaad ka gashay liiska jariidadda Forbes.

    Serena lacagtii ka soo gashay billadaha ay ku guulaysatay sannadkii hore ayaa ahayd $62,000 maadaama oo ay 14 billood nasasho ah ka qaadatay ilmaheeda awgii, balse waxaa soo galay 18 milyan oo doolar oo xayaysiimo ah.

    Tobanka dumarka ah ee ugu sarreeya PV Sindhu iyo Danica Patrick oo kali ah ayaan ka ciyaarin taynis.

    Bishii Juunyo wargeyska Forbes oo daabacay 100-ka ciyaartoy ee dakhliga ugu badan uu soo galo ayayna ka soo muuqanin dumar, ka dib markii ay shaxdaas ka baxday Sarena.

    Floyd Mayweather oo ah feeryahan Maraykanka u dhashay ayaa liiskaas u kormaray waxaana ku soo xigay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo kubbadda cagta ciyaara.

    Tobanka dumarka ah ee dakhliga ugu badan uu ciyaaraha ka soo galo ayaa helay 105 milyan oo doolar marka la isku daro intii u dhaxaysay bishii Juunyo ee 2017 ilaa Juunyo 2018.

    Tobanka dumarka ah ee ugu dakhli badan gabdhaha ciyaartoyda ah

    • Serena Williams - $18.1m (£14m)
    • Caroline Wozniacki - $13m (£10.1m)
    • Sloane Stephens - $11.2m (£8.7m)
    • Garbine Muguruza - $11m (£8.5m)
    • Maria Sharapova - $10.5m (£8.1m)
    • Venus Williams - $10.2m (£7.9m)
    • PV Sindhu - $8.5m (£6.6m)
    • Simona Halep - $7.7m (£6m)
    • Danica Patrick - $7.5m (£5.8m)
    • Angelique Kerber - $7m (£5.4m)
    Serena Williams

    Xigashada Sawirka, Serena Williams

  19. Dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah doorashada Zimbabwe oo billaabatay

    Garsooreyaasha maxkamadda dastuurka ee dalka Zimbabwe ayaa billaabay dhagaysiga dacwadda lagaga soo horjeedo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxweynaha.

    Qareennada ayaa soo bandhigaya doodaha hordhaca ah ee ay qabaan.

    Haddii aad luuqadda Ingiriiska fahmayso waxaad dhagaysiga maxkamadda kala socon kartaa boggan hoos ka muuqda ee Facebook uu ku leeyahay telefeshinka qaranka Zimbabwe ee ZBC.

  20. Trump: ninka dilka loo haysto in uu dalka Maraykanka joogaba ma ahayn

    Nin ayaa lagu soo oogay dacwad dil oo la xiriirta ardayad koleej dhiganaysay oo la dhoho Mollie Tibbetts, sida ay booliisku sheegeen.

    Eedaysanaha oo la dhoho Cristhian Bahena Rivera oo 24 jir ah ayaa si sharci darro ah ku joogay Maraykanka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

    Haraa mayd oo goor sii horraysay la helay ayaa loo malaynayaa in uu yahay maydka Tibbetts, waxaana lagu arkay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla Brooklyn.

    Gabadha oo 20 jir ahayd oo dhiganaysay jaamcadda University of Iowa ayaa la waayay 18 Luulyo iyadoo ku sugnayd guriga saaxiibkeed iyo walaalkii.

    Markii u dambaysay dariskeeda ayaa arkay iyada oo cararaysa. Waalidkeed ayaa maalintii xigtay booliiska ku wargaliyay in la la'yahay markii ay guriga ku soo laaban wayday.

    POLICE HANDOUT

    Xigashada Sawirka, POLICE HANDOUT