Maxay salka ku heysaa diidmada Talyaaniga ee dadka qaxootiga ah?
Wasiirka arrimaha Gudaha ee Taliyaaniga, Matteo Salvini, ayaa ku hanjabay in dalka Liibiya uu dib ugu celin doono doon sidda in ka badan 170 muhaajiriin ah, haddii aysan wadamadda Midowga Yurub aysan gacan ka gaysan qaabilida qaxootigan.
Waxa uu wasiirku diiday in Markab ay leeyihiin ilaaladda xeebaha Taliyaaniga uu muhaajiriinta soo qaado horrantii toddobaadkan oo uu ku soo xirto dekad ku taalo dalkaasi.
Dalalka Taliyaaniga iyo Malta ayaa ku muransanaa cidda qaadaysa masuuliyada muhaajiriintan, waana mid ka mid ah khilaaf noocan oo kala ah oo dalalkani ka dhextaagnaa muddooyiinkii ugu dambeeyay.
Haddaba, si aan wax badan uga ogaano xaalada soo galootiga Taliyaaniga ayaa waxa aan khadka taleefoonka kula xiriiray Cabdi Casiis maxamed Shidane oo ah Turjubaan la shaqeeya hay'adaha dib u dajinta ee dalka Taliyaaniga.