Ruushku waxa uu Iran la wadaagaa xogta saldhigyada Maraykanka, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen CBS News
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay telefishinka ay BBC-da gacansaraka kala leedahay Mareykanka ee CBS News, in Ruushku uu Iran siinayo xogo sir ah oo ku saabsan mowqifyada Mareykanka ee Iran.
Waxa ay soo xigatay saddex ilo oo aan la magacaabin oo arrintan wax ka og, oo uu ku jiro sarkaal sare oo Maraykan ah oo ay sheegtay in uu aqoon toos ah u leeyahay.
Wargeyska Washington Post ayaa markii hore qoray in Ruushku uu la socdo goobaha Maraykanka, isagoo soo xiganaya saddex sarkaal oo aan la magacaabin.
Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa goor sii horreysay sheegtay in af hayeenka Vladimir Putin uu sheegay in Ruushka uu "wada hadal" la leeyahay hoggaanka Iran.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Kremlin-ka uu diiday in uu tafaasiil ka bixiyo markii ay wariyayaashu waydiiyeen in Moscow ay caawinayso Tehran iyo in kale.
Sidoo kale akhri:












